Maxay ku kala duwan yihiin Salafiga iyo Suufigu?
Nawaal Sacdaawi buuggeeda “Dhiciddii Imaamka /The Fall of the Imam /سقوط اإلمام” waxay ku bilowday erayadaan: “Waagii aan yaraa Eebbe riyadaan ku arki jirey. Wuxuu lahaa weji u eg kan hooyaday oo caddaalad badnayd iyo wejiga aabbahay oo naxariis badnaa, laakiin saaxiibaddaydii aan isku dugsiga ahayn ee Faadumo Axmed wejiga Eebbe wuxuu ula ekaa wejiga aabbeheed ee qalafsanaanta badan iyo wejiga adeerkeed ee mugdiga badan.” Dhab ahaantii, si la mid ah sida uu u kala duwan yahay sawirka labada gabdhood ay Eebbe ka haystaan ayaa sawirka wadaaddadu ka haystaanna uu u kala geddisan yahay, iyada oo arrinku ku xiran yahay sida mid kasta loo barbaariyey iyo xaaladdiisa nafsadeed.
Waxaa la wariyey in saxaabada qaarkood ay nebiga (scw) ku yiraahdeen: “Rasuulkii Allow horta marna Eebbe ma aragtay?” nebiguna uu ku jawaabay: “Waa ilayse sidee baan u arki karaa?! /نور أني أراه” ama uu yiri: “Ilays baan arkay /رأيت نورا”.
Haddaan Eebbe cidi arkin, waxa lagu garan karaa waa tilmaamaha laga bixiyo, tilmaantuna xaqiiq buuxda ma aha oo waa tii la yiri "Warku dhabta la ma mid aha/ليس الخبر كالمعاينة", maxaa yeelay warka iyo tilmaantu dhabta ma buuxin karaan. Buugta diintuna qofka waa ka caawin kartaa in uu sawir go’an Eebbe ka qaato, laakiin ma awooddo in ay bixiso sawir qura oo aadamiga oo dhammi ay Eebbe ka qaataan.
Guud ahaan, farqiga ugu weyn ee u dhexeeya wadaaddada Salafiga iyo kuwa Suufiyadu waa in Salafiyadu rumaysan yihiin in carada Alle ay ka horrayso naxariistiisa, halka Suufiyadu ay ka qabaan in naxariista Alle ay ka horrayso caradiisa. Ayaan darrase, loollanka labada dhan u dhexeeya had iyo goor guushu waxay raacdaa Salafiyada. Sababta oo ah, waxaa taageera dadweynaha caamada u badan oo fahmi og luqadda Salafigu ku hadlo ee cadaabta, ciqaabta iyo gaalaynta miiran ah. Taana waxaa ugu wacan in dadweynuhu ku dhaqmaan maahmaahda tiraahda: “Kheyr wax kaama dhimee shar u toog hay”, oo dadka inta Alle cabsida ku caabudda ayaa ka badan inta gacalada u caabuda.
Laakiin halkaas waxaa ka dhashay dhib weyn oo ah in Muslimiintu ka gaabiyeen dhanka halabuurnimada, waayo waa tii la yiri: “canaan ka yaab reer ma doojiyo.”
Muslimiintu diinta waxay u qaybiyaan saddex martabo ama darajo, oo kala ah; darajada Islaamka, darajada iimaanka iyo darajada ixsaanka. Darajada ixsaanka ama wanaajinta oo ah saddexda darajo midda u sarraysa waxaa xadiisku ku qeexay in ay tahay: “In aad Alle u caabuddo sidii in aad arkayso, waayo haddii aadan adigu arkayn isaga ayaa ku arkaya /أن تعبد هللا كأنك تراه فإن لم تكن تراه فإنه يراك”.
Suufiyadu iyaga oo higsanaya gaaridda darajada ixsaanka ayay waxay qaateen in dhuuxa diintu uu yahay gacalo iyo qurux. Taasina waxay dhaxalsiisay in ay Alle iyo uunkiisaba jeclaadaan, nabad iyo qaddarinna kula dhaqmaan.
Raabica al-Cadawiya ama Raabicadii Basra (100-180H/713-801M) waxay ahayd gabar bulshada deegaankeeda sumcad xun ku dhex leh, laakiin mar qura ayay dhanka kale u jeesatay oo waxay noqotay suufiyad u go’day jacaylka Eebbe iyo abuurkiisa. Waxay aasaas fiican u dhigtay fikradda Suufiyadu jecel yihiin ee “Gacalada Alle / الحب اإللهي”, waxayna oran jirey Eebbe waa jacayl, wuxuuna naga doonayaa in aan jacayl noqonno oo aan cid walba jeclaanno.
Raabica oo mawlaceeda joogta ayaa maalin waxaa u yimid wadaad suufi ahaa oo la oran jirey Xasan. Xasan wuxuu Raabica ka codsaday in ay maalmo martigeliso, wayna ka yeeshay. Raabica waxay caado u lahayd in marka ay quraanka akhrinayso ay musxafka quraanka wax ku dulqorto, baalasha qaarkoodna ay laabto. Maalintii danbe Raabica waxaa u yimid Xasan oo khilaawadii ka soo istaagey, wuxuuna ka codsaday in ay ammaahiso musxafkeeda si uu u akhristo. Kolkii uu bilaabay akhrinta quraankana wuxuu arkay in musxafka dushiisa wax lagu qoray, isla markaana baalasha qaarkood ay laaban yihiin ama ayba rifan yihiin, wuxuuna u qaatay in carruur ama cid aan Muslim ahayn ay ku ciyaareen Raabicana aysan ogayn. Markii uu u sheegay in musxafka laga halleeyey waxay u qiratay in iyada qudheedu ay tahay qofka falkaas sameeyay. Xasan oo aad u yaabay, Raabica wuxuu weydiiyey waxa ku bixiyey in ay ku kacdo falkaas gaalmooyee aan ruux Muslim ah laga fili karin?
Raabica waxay tiri: Maxaad iga filaysaa in aan sameeyo? Eebbe wuxuu na weydiistay in aan abuurkiisa oo dhan jeclaanno, ee ma waxaad iga sugaysaa in aan Sheydaanka necbaado? Tan iyo intii aan Eebbe caashaqay qalbigaygu ma qaado wax aan jacayl ahayn, ma hanto waxaan gacalo ahayn ee maxaan bixiyaa? Ma wax aanan haysan baan bixin karaa? Ogow waxa keliya ee waaraa waa jacaylka, waayo Eebbe waa jacayl!
Maalintii labaadna Raabica waxay soo ag martay Xasan oo salaad ku jira oo Alle weydiisanaya in uu waxaas iyo waxaas siiyo. Markaana inta kulleetiga qabatay oo soo jeedisay bay waxay ku tiri: Xasan tani salaad ma aha, waa habdhaqanka ganacsata wax isdhaafsiga ku mashquulsan. Cid lagu kalsoon yahay sidaan wax looma weydiisto, oo Walaalkaa dhuux tagoogo baa loogu dhaashadaa. Waxaad Alle weydiisanaysaa in uu albaabadiisa kuu furo, yaa yiri albaabada Alle waa xiran yihiin? Ma jirto cid xirtay, sidaa darteedna ma jirto cid furaysaa. Albaabada Alle waa furan yihiin ee midka aad doonto ka gal, kan kuugu dhow ee aad ka geli kartaana waa naftaada, umana baahnid in aad albaabo kale garaacdo ama aad meel kale aaddo.
Ibnu Qayimna buuggiisa “Madaarij al-Saalikiin /مدارج السالكين” wuxuu ku yiri: “Caarifiintu waxay ku shaqeeyaan mansilo iyo meekhaan ay dhawrayaan, shaqaaluhuna waxay u shaqeeyaan ajar iyo aablamirn ay sugayaan. Labaduna aad bay u kala fog yihiin / .العارفون عملهم على المنزلة والدرجة، والعمال عملهم على الثواب واألجرة وشتان ما بينهما ”. Xadiis qudsi nebiga laga wariyana Eebbe wuxuu ku yiri: “Haddii aanan jannada iyo naarta uumin miyaanan muteen in la I caabudo /أولو لم أخلق جنة وال نارا أما كنت اهال ألن أعبد”.
Isku soo duuboo, Suufiyadu waa dad nabad jecel, oo aan cidna ku xadgudbin, waxa ay rumaysan yihiinna aan dadka ku khasbin, halka Salafiyadu ay had iyo jeer u taagan yihiin in ay aragtidooda dadka oo dhan ku khasbaan, ciddii ka diiddana colaadiyaan.

Comments