Maxkamadaynta Eebbe (filin)

Bulshada Yahuuddu muddo afar kun oo sano ah waxay ku andacoon jireen in ay yihiin "shacab Alle doortay" (=Chosenness or the chosen people /شعب هللا المختار), laakiin dhowrkii qarni ee u danbeeyey -siiba wixii ka dambeeyey dagaalkii 2-aad ee adduunka- arrinkaas dhanka kale ayuu isu rogay oo yahuuddu waxay kaalin hore kaga jiraan ummadaha laga helo dadka ugu badan ee jiritaanka Eebbe inkira. Arrinkaas oo keeni kara in meesha ay ka baxdo sheegashadii ahayd in ay yihiin ummad Alle doortay. Run ahaantiina, isla natiijadaas waxaa la kulmaya qof iyo qolo kasta oo Eebbe dadka kale ka xigsata. Maxaa yeelay, isa siinta Eebbe waa dhaqan caqliga fiyoobi uusan aqbali karin, ciddii samaysaana ugu danbaynta ay wareerayso, haddiiba aysan waalan. In aad u qaadato in Rabbi uu reerkiinna oo keli ah la jiro, waxay ka dhigan tahay in aad u haysato in koonka oo idil aad keligiin ku nooshihiin. Muddada dheer ee Yahuuddu ay sheeganayeen in ay yihiin ummad Alle doortay, sheegashadaas waxay kala kulmayeen dhib badan. Waayo, had iyo goor waxaa jirey ummado kale oo ku hasytay sheegashadaas. Ugu danbayntiina sheegashada Yahuudda waxaa ka xanaaqay Hitler oo isagu rumaysnaa in Aarida Waqooyi ama beelaha Jarmaaniga ah ee uu ka dhashay ay yihiin kuwa ummadaha oo dhan ugu dhaladsan. Isku dhicii labada sheegashana waxaa ka dhashay in shan sano gudahood lagu xasuuqay saddex meeloodow meel Yahuuddii dunida (=Waa dad tiradooda lagu hilaadiyo inta u dhaxaysa 5-6 malyan oo ruux).

Si kastaba ha ahaatee, Yahuuddu muuddada dheer ee ay dhibka la kulmayeen waxay ka barteen hal shey oo u suurogeliyey in ay jiraan. Sheygaasi waa ahmiyadda qosolka. qosolku waa xeelad la isaga caabbiyo xanuunka. Qosolku waa wejiga kale ee ilmada. Ilmadu waa astaan geeri muujisa, halka qosolku uu ka yahay astaan nololeed. Qosolka iyo ilmadu waxay kala metalaan labada weji ee nolosha ee farxadda iyo murugada ama majaajillada iyo musiibada (=comedy and tragedy). Yahuudda waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin ummadaha la kulmay musiibooyinka ugu waaweyn isla markaana sameeyey kaftanka iyo majaajillada ugu badan.

Waxay yiraahdaan: Waxaan u qosolnaa madax dhul ka ceshi iyo si aan oohinta isaga ilaalinno (=Laughing through the tears).

Filinkaan "Maxkamadaynta Eebbe /God on Trial" waxaa allifay qoraa Ingiriis ah oo lagu magacaabo Franka Cottrell Boyce oo ah Kirishtan haysta mad'habta Katooliga, wuxuuna ka duulayaa masraxiyad uu qoray Elie Wielsel (1928-2016) oo ka mid ahaa yahuuddii ka badbaadday xasuuqii Naasidii Jarmalka, laakiin sida la sheego xasuuqaas ku waayey aabbihi, hooyadi iyo gabar ay walaalo ahaayeen, goor dambana ku guulaystay abaalmarinta Nobalka ee nabadda. Elie Wielsel qisada masraxiyad uu qoray sannadkii 1979, oo uu u bixiyey "Maxkamadaynta Eebbe /The Trial of God", wuxuu ka dhigay in dabshidkii 1649 ay ka dhacday tuulo ka tirsanayd dhulka Ukreen oo lagu magacaabi jirey Shamgorod.

Hase ahaatee, jeer dambe Wielsel wuxuu ku dooday in qisada 'Maxkamadaynta Eebbe' ay tahay qiso dhab ah oo isaga qudhiisu uu u soo joogay, ayna ka dhacday xeradii 'Auschwitz' ee ciidamadii Hitler ay Yahuudda ku xasuuqeen. Wuxuu yiri: Wadaad Yahuudi ahaa oo ka mid ahaa dadkii xerada ku xeraysnaa ee dilka sugayey baa wuxuu isweydiiyey su'aalo ay ka mid ahaayeen: Aaway Eebbe? Muxuu yahay mowqifkiisa ku aaddan arrinkaan? Ma annaga ayuu na badbaadinayaa? Ma Hitler buu la jiraa? Mise waxa dhacayaba dan iyo heello kama uu laha? Sidee baa shar uga jiri karaa koon uu maamulo Eebbe ogaal iyo awood badan lihi?

Wadaadkii weydiimahaas oo maankiisa ku soo noqnoqday buu la wadaagay qaar ka mid ah raggii ay isku meesha ku xirnaayeen. Dabadeed,, raggii dhexdooda waxaa ka bilaabatay dood ka dhalatay su'aalahaas. Ugu danbayntiina waxaa lagu heshiiyey in la qaado maxkamad eedaysanuhu uu 'Eebbe yahay. Elie Wiesel isaga oo arrinkaan ka faalloonaya wuxuu yiri:"Waan joogey meeshii Eebbe lagu maxkamadeeyey. Qaar badan oo naga mid ahi waxay isweydiiyeen:

Eebbe intee buu jiraa marka waxaani ay dhacayaan? Sidee bay ku dhacday in Ilaaha na jecel uu oggolaado in waxaani dhacaan? Waxaan eedaynay cid kasta oo xasuuqa ka qayb-qaadatay iyo cid kasta oo kaalinkii kaga aaddanaa ka gaabisay, Jarmalka, Maraykanka, dunida, Eebbana eed la'aan ma uusan ahayn... Koox wadaaddo ah baa waxay ku dhawaaqeen in Eebbe uu yahay denbiile ka baxay ballaantii uu la galay dadka Yahuudda ah. Wadaadda oo ahaa Yahuud wanaagsani, goortii maxkamaddu dhammaatay waxay tukadeen salaaddii fiidnimo, waxayna yiraahdeen "Eebbaha denbiilaha ahi weli waa Ilaah /A guilty God is still God.'"

Sida dhabta ah lama hayo wax marag-taariikheed ah oo caddaynaya in maxkamad caynkaan oo kale ahi ay dhacday. Dadka taariikhda Holokostiga u dhuundaloola oo idilna waxay isku raaceen in aan la helin wax tusayo in qisadu ay dhab tahay. Laakiin, dhanka kale dadkaan badankoodu waxay qabaan in waxa ahmiyadda lihi uusan ahayn runnimada qisada, balse uu yahay suuragalnimada weydiimaha uu filinku isweydiinayo.

Filinka oo ka mid ah barnaamijta idaacadda BBC-da, markii la diyaarinayey dadkii lagala tashaday waxaa ka mid ahaa labo wadaad oo Yahuud ah oo la kala yiraahdo Rabbi Dan Cohn-Sherbok iyo Rabbi Jonathan Romain. Cohn-Sherbok mar wax laga weydiiyey qisada filinkaan ee ku saabsan maxkamaynta Eebbe wuxuu yiri: "Ma ogi in qisadu ay dhab ahaan u dhacday, weligay waxaan u haystay sheeko la soo tebiyey, si dhab ahna ma hubo in ay xerada ka dhacday. Laakiin waxay ahayd in ay ka dhacdo. Waa sheeko dareenka dhaqaajinaysa oo aan u badinayo in ay dhacday ... Weydiimaha filinku waa kuwo qof kasta oo xaalad taa la mid ah la kulmaa uu isweydiin lahaa. Layaab ma leh In ay weydiimahaas isweydiiyeen, laakiin waxaa layaab ahaan lahaa haddii aysan isweydiiyeen."

Wadaadka kale ee Romain isaguna sheekada filinka wuxuu ku tilmaamay: "Waa sheeko culus. Ma hubo in ay dhacday iyo in kale, laakiin xitaa haddii aysan dhab ahaan u dhicin, waxay xanbaarsan tahay arrimo run ah. Waxaa ku jira sir loo qaateen ah."

Esther Farbstein oo ah gabar ku takhasustay taariikhda Yahuudda, gaar ahaan taariikhda Holokostiga, iyada oo ka jawaabaysa su'aal oranaysa: Ma la hayaa wax markhaati ah oo caddaynaya in qisada maxkamadaynta Eebbe ay xilligaas xeradaas ka dhacday? Waxay tiri: "Maya, ma hayno wax qoraal ah oo ku saabsan in qisadaan ay dhacday. Laakiin waa qiso. Waa qiso ka tarjumaysa su'aalihii uu isweydiin lahaa qof kasta oo aadami ah oo dhibkaas oo kale la kulmaa."

Eebbe waxaa lagu eedaynayaa in uu ka baxay heshiiskii uu la galay ummadda Yahuudda. Sida bulshada Yahuuddu ay aamminsan yihiin Eebbe nebi Muuse wuxuu kula heshiiyey in Yahuuddu ay Eebbe addeecaan oo caabudaan, Eebbana dhankiisa uu Yahuudda ka dhigo midda ummadaha oo dhan ugu fadliga badan, Eebbana uu ugu jecel yahay (=Dooddaani Yahuudda kuma koobna ee ummadaha badankooda oo ay ku jiraan Muslimiinta ayaa qolo kastaa waxay sheegataa in ay tahay midda ummadaha ugu kheyrka iyo wanaagga badan 'كنتم خير أمة أخرجت للناس'. Waa nooc qabyaaladda ka mid ah oo qabiil kasta iyo ummad waliba waxay isku qanciyaan in iyagu ay dadka oo dhan ugu sitaan).

Filinku wuxuu muujinayaa dhanka wanaagsan iyo kan xun ee aadanaha labadaba. Rag rafaadsan ayaa qaarba qaarka kale caawinayaan, halka kuwo kale ay dad xasuuqayaan iyaga oo ugu yeeraya in ay tahay shaqo loo igmaday. Dacwada Eebbe lagu maxkamadaynayo waxaa ka qaybqaadanaya dad takhasusaadkooda waxbarasho iyo shaqooyinkoodu ay kala duwan yihiin -aqoonyahanno, ganacsato, wadaaddo, tuug iyo xataa nin horay Naasida u taageeri jirey. Waa rag jirkoodu uu xanuunsanayo, laakiin maskaxdoodu ay weli dihin tahay, waxayna soo jeedinayaa doodo ku salaysan diin, taariikh, saynis iyo khibradaha nolosha laga kasbado. Si maxkamaddu ay u noqoto mid waafaqsan shareecada yahuudda, waa in laga helaa nuqul ka mid ah buugga Towreedka ee Yahuudda muqaddaska u ah, laakiin sidee baa xabsiga Ooshfitis buug Towreed ah looga dhex heli karaa? Si cilladdaas loo xalliyo waxaa la soo fariisinayaa wadaad la yiraahdo Akiba oo buugga Towreedka dusha ka xafidsan, laguna tilmaamayo in uu yahay Towreed nool, lana qiyaasayo in uu ka mid yahay soddon iyo lixda weli ee qarsoon ee Yahuuddu ay sheegaan in ay koonka ilaaliyaan, aadanahana Eebbe uga shafeeco qaadaan.

Waa halka Muslimiinta qaarkood ay ka sheegaan in qofka quraanka xafidsani uu geli karo booska quraanka -haddiiba uusan ka fadli badan. Wadaadkaas oo aqoon durugsan u leh nusuuta diintu, ugu danbaynta isaga ayaa eedaymaha ugu kulul Eebbe u soo jeedinaya.

Filinku mararka qaarkood wuxuu adeegsanayaa erayo qallafsan sida in Eebbe lagu tilmaamo in uu yahay "khiyaanoole xun /a cheating bastard." Hase ahaatee, marka maxaabiista midkood uu codsado in la joojiyo erayada Alle cayga ah, waxaa loogu jawaabayaa: Alle cay ma ah, maxaa yeelay "Ibraahim Eebbe ayuu kala dooday arrinkii Saduum, Yacquubna malag buu la legdamay, erayga Israa'iil-na macnihiisu waa kii Eebbe la halgamay." Nebi Ciise-na waa kii Eebbe ugu cawday: "Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? /My God, my God, why have you forsaken me?"

Waxaa xusid mudan, in ay jiraan dad qaba in bulshada Yahuuddu ay tahay bulsho jecel doodaha maxkamadaha. Sababtuna ay tahay in buugta muqaddaska u ah ee Towreedka iyo Talmuudku ay yihiin buug ay ka buuxaan sharciyo, muslimiintuna qayb ahaan axkaamta diinta Islaamka ay ka soo ammaahdeen qawaaniinta yahuudda ee buugtaas lagu xusay.

Inta maxkamaddu socoto, aabbe laga qaatay saddex wiil oo uu dhalay, baa isaga oo Alle difaacaya wuxuu leeyahay: "Inkasta oo aannan fahmayn, haddana waa ogahay in uu nala joogo ... Waxaa laga yaabaa in Alle uu dhibka nala qaybsanayo." Dhammaadka dacwadana, sharciyaqaan aan wadaad ahayn baa maxaabiista wuxuu u soo jeedinayaa talo oranaysa: Haddii Naasidu ay wax walba idinka qaateen; ehel, hanti, xorriyad, sharaf iyo maamuus "Ha u oggolaanina in ay idinka qaataan ilaahiinna. Haddii uu jiro iyo haddii kaleba, laba goorraba ha u oggolaannina in ay idinka qaataan /Don't let them take your God away from you too. Whether he exists or not, don't let them take that away too." Arrinkaas oo muujinaya in Eebbe iyo diimuhu ay ka mid yihiin aqoonsiyada ka tarjuma qabka qofka iyo bulshada iyo weliba in waxtarka ugu weyn ee dadku diinta ugu xishaan uu yahay in ay ka helaan samirsiis ay ugu dulqaataan musiibooyinka nolosha lagala kulmo. Kolleyba haddii ifka laga tagayo, waa in aan aakhiro lagu hungoobin.

Filinku wuxuu ku dhammaanayaa iyada oo ciidankii Naasidu ay laynayaan Yahuuddii xerada ku jirtey, raggii Eebbe ku helay denbiga ah in uu heshiiskii uga baxayna ay isweydiinayaan: "Waa tahaye, hadda maxaan samaynaynaa?" Jawaabtuna ay noqonayso: "Hadda, waan tukanaynaa /Now, we pray."

Nin walibana sacabkiisa ayuu wuxuu saarayaa madaxiisa xiiran, isaga oo koofiyad uga dhigaya, waxayna bilaabayaan in ay Alle baryaan. Caqliga iyo iimaanku aalaaba wa is hardiyaan, qofkuna si uu u noqdo mu'min taqi ah waxaa looga baahan yahay in iimaankiisu uu ka xoog bato caqligiisa.

Filinku inkasta oo Yahuud iyo Hitler uu ku halqabsanayo, haddana wuxuu isweydiinayaa su'aalo iimaanka iyo falsafadda la xiriira oo ruux kasta oo garaad lihi uu ugu yaraan inta uu noolyahay uu mar isweydiiyo. Frank Cottrell Boyce oo ah ninka filinka allifay wuxuu ku dooday: "Maxkamadaynta Eebbe ma aha mawduuc Yahuud ku saabsan, waa su'aal Eebbe ku saabsan iyo midka Eebbe uu yahay, waa mas'alo dadku meel walba iyo goor kasta ay isweydiiyaan." Maxaa yeelay, ma uu jiro qof bani'aadam ah oo noloshiisa oo dhan aan la kulmin dhibaato -mid aadami geystay ama mid dabeecaddu ay keentay tii ay doonto ha ahaatee- oo markaas aan isweydiin su'aasha ah: Maxaa aniga la igu maagay, oo dhibkaani uu iigu dhacay?

Inta aad filinkaan daawanayso labo xaaladoodba waa la saadaalini karaa in ay kula soo darsaan; in aad ilmayso iyo in aad fekerto. Waxaa la hubaa in ilmadu ay ugu danbaynta kaa joogsanayso marka la gaaro dhammaadka filinka, laakiin lama hubo in fekerku uu kaa joogsanayo. Iyada oo kooban, waa filin istaahila in aad daawato xataa haddii aadan ku waafaqayn qaar ka mid ah doodaha uu soo jeedinayo.

Comments