Mudane Ibraahim Iyo Ubaxa Quraanka

Mudane Ibraahim Iyo Ubaxa Quraanka

Sheeko asal ahaan ka soo jeedda Hindiya, wadaaddada Buudiguna ay ka xalladeeyaan, ummadaha badankooduna ay siyaabo kala geddisan u tebiyaan ayaa waxay leedahay:

Waa waayaha ka mid ah, ayaa boqor socdaal indho-indhayn ah wuxuu ku kala bixiyey deegaanno ka tirsan dhulkii ay ku kala noolaayeen shacabkii uu boqorka u ahaa. Boqorka iyo waftiga la socday waxay fuushanaayeen maroodiyaal waaweyn oo awoodda iyo heybadda boqorku ay ka muuqato. Intii ay socdaalka ku jireenna waxay tageen deegaan aan maroodi laga aqoon, dadkii deegaankuna waxay daawasho ugu dhaqaaqeen maroodiyaasha oo yaab iyo amakaag ku reebay.

Dadka maroodiga booqashada ugu yimid waxaa ka mid ahaa saddex nin oo indho la’aa. Saddexdii nin ee indhaha la’aa mid maroodiga wuxuu ka taabtay faanta, midna addimada midna saynta. Kolkii ay guryahooda ku laabteenna dadkii guryaha joogey baa ka codsaday in ay u tilmamaan sida maroodigu u eg yahay. Ninkii faanta ka taabtay wuxuu yiri: Maroodigu wuxuu u eg yahay tuubbo weyn, kii lugta taabtayna wuxuu yir: mayee wuxuu u eg yahay geed weyn jiriddiis, kii saynta taabtayna wuxuu yiri: mayee wuxuu u eg xaaqin/minfiiq.

Dabadeed, markay ogaadeen in ay kala aragti duwan yihiin waxay bilaabeen in mid walbaa uu ra’yigiisa ku adkaysto, ayna dagaallamaan iyada oo mid kastaa uu labada kale ku eedaynayo in ay yihiin beenaalayaal, wax aan jirin dadka u sheegaya.

Saddexda nin maroodiga waxay ka bixiyeen saddex aragtiyood oo kala duwan, iyada oo mid walbaa uu ka duulayo waxa maskaxdiisa ku jira iyo khibradda uu horay duruufaha nolosha uga kasbaday. Mid kastana wuxuu iska indhotiray dareenka iyo khibradaha kuwa kale. Saddexda nin kee baa saxan? Kee baa khaldan? Kee baa been sheegay?

Runtii, mid wada saxan iyo mid wada khaldan midkoodna ma jiro, ee walax qura ayaa midba dhan keliya ka eegay, taasina waxay keentay in uu qaato aragti kala dhimman. Dhammaantood waxay ka ilduufeen in xaqiiqadu wajiyo badan yeelan karto, marka lagu kala aragti duwanaadana aysan macneheedu ahayn in cid khaldan tahay, balse ay suurogal tahay in qolo kastaa ku saxan tahay dhanka ay wax ka eegtay, jaahilna ka tahay dhinacyada aysan ogayn.

Dadka diimaha u dhuundaloolaana waxay rumaysan yihiin in diimuhu muuqaalka kore ku kala duwan yihiin, balse nuxurka iyo ulajeeddooyinka guud ay wadaagaan. Waxayna yiraahdaan: diimuhu waa hal xaqiiqo oo wajiyo badan leh. Tusaale ahaan, Hindidu waxay leeyihiin ilaahyo tiradoodu ka badan tahay 300 oo Ilaah, haddana waxay yiraahdaan saddexdaas boqol ee Ilaah mid waliba wuxuu u taagan yahay sifo ka mid ah sifooyinka Alle, oo wuxuu qabtaa hal shaqo oo ka mid ah shaqooyinka badan ee Ilaaha weyn u yaal . Waxaana ognahay in muslimiintu ay rumaysan yihiin hal Ilaah oo 99 magac ama sifo leh.

Marka mar walba Ilaah waa mid, laakiin waxa kala duwan sawirka aadamigu ka bixiyaan. Culumada Islaamkuna run bay sheegeen markii ay yiraahdeen: “Waddooyinka Alle tagaa waxay tiro le’eg yihiin neefta abuurkiisa /الطرق إلى هللا بعدد أنفاس الخالئق”.

Lixdamaadkii qarnigii tagay, Paris waxay ahayd magaalo weyn oo bilic iyo shidnaan isku darsatay, waxayna la ciirciiraysay isbeddel bulsho iyo kala guur dhaqan. Taana waxaa ugu wacnaa iyada oo lagu jirey marxalad kala guur oo laga bogsanayo dhaawacyadii dagaalladii 1- aad iyo 2-aad, noloshii horena ay nolol cusub waddada u bannaynayso. Waa xilli qayb lixaad leh oo ka mid ah dabaqaddii muruq-maalku ay ku biirtay dabaqadda dhexe, dhalaalka magaaladuna dad badan oo kala dhaqan iyo duruufo ah uu soo jiitay.

Sheekadaan “Mudane Ibraahim iyo Ubaxa Quraanka” (=Monsier Ibrahim et les Fleurs du Coran /Mr. Ibrahim and the Flowers of the Koran/مسيو إبراهيم وزهور القرآن) oo xilligaas Paris lagu allifay waxaa qoray qoraaga Faransiiska ah ee Eric-Emmanuel Schmitt, waxaana loo rogay in ka badan 40 af, filinna waa laga dhigay.

Waxaana xusid mudan, in mudane Eric-Emmanuel Schmitt uu leeyahay dhigaallo iyo sheekooyin badan oo mawduucoodu aad isugu dhow yahay, sheekooyinka uu qoray ee isku mawduuca ka hadalna waxaa ka mid ah afar sheeko oo mid waliba ay ka hadlayso diin ka mid ah diimaha, waxayna kala yihiin: ‘Milarepa’ (1997) oo ku saabsan Buudiyada, “Oskar iyo marwada casaan-ubaxleey /Oscar and the Lady in Pink -2002” oo ka hadlaysa Masiixiyadda, “Cunuggii Nuux /Noah’s Child- 2004” oo ka hadlaysa Yahuudiyadda, iyo “Mudane Ibraahim iyo Ubaxa Quraanka (2001)” oo ku saabsan islaamka.

Eric-Emmanuel sheekooyinkaan wuxuu u bixiyey “Taxanaha lama arkaanka /Cycle of the Invisible”. Erayga lama arkaankana waxaa laga wadaa arrimaha ruuxiga ah ee qarsoon ee diimaha. Taxanahaan baana dunidu ku baratay Eric-Emmanuel Schmitt. Sida la sheegana Schmitt waxaa dhalay waalidiin mulxidiin ahaa, laakiin markii uu koray wuxuu bilaabay baaritaanno ku saabsan diimaha kala duwan. Dhigaalladiisuna waxay soo hoos galayaan waxa maanta loogu yeero wada-xaajoodka diimaha iyo ilbaxnimooyinka.

Sheekada ‘Mudane Ibraahim iyo Ubaxa Quraanku’, waxay sawiraysaa xiriir saaxiibtinnimo oo dhexmartay labo qof oo marka la eego muuqaalkooda kore loo qaadanayo in ay yihiin labo ruux oo aad u kala fog oo aan waxba wadaagi karin. Waa saaxiibtinnimo dhexmaraysa oday Muslim ah oo wata aragti reer Bari iyo kuray Yahuudi ah oo wata aragti reer Galbeed.

Mudane Ibraahim (=Cumar Shariif) waa oday Muslim ah oo 70 jir ah, asal ahaanna ka soo jeeda Turkiga iyo dhulka Bisha Dahabka (=Golden Crescent). Wuxuu macdaar yar ku haystaa mid ka mid ah xaafadaha saboolka ee magaalada Paris oo bulshada Yahuuddu ay ku badan tahay. Moses ama Momo (=Muuse) isaguna waa kuray Yahuudi ah oo 16 jira, waxay deggen yihiin guri ka soo horjeeda dukaanka Ibraahim.

Moses ama Momo (= waxaa jilaya Pierre Boulanger) wuxuu la noolnahay aabbihiis oo ah abuukaate ay isu biirsadeen shaqo la'aan iyo xaaskii oo ka dal doorsatay, taa awgeedna buuq iyo qulub la ildaran, qosol iyo kaftanna aan lagu ogayn, intaas oo dhanna ku darsaday muudalnimo iyo xoolo jacayl oo waa kaa inta wiilka yar u soo gada doofaaradda (=piggy-bank) kula talinaya in uusan agteeda marin, marka gabanku weydiiyo waxa la yeelayo kolka ay buuxsantana ugu jawaabaya: "markaas waxaad noqonayaa maalqabeen faraxsan", isaga oo xiriir toos ah dhexdhigaya xoolaha iyo farxadda. Momo aabbihi murugada iyo qulubku waxay gaarsiinayaan in uu is dilo, isaga oo tarayn isu dhigaya. Momo marka qura ee uu xoogaa farxad ah dareemaa waa marka uu la baashaalayo gabdhaha jirkooda iibiya ee ka qaraabta waddada buluugga (=La Rue Bleue ) ee gurigooda hor marta, waqtigaas oo uu dareemo xogaa nefis ah oo uu ka helo dabaca gabdhuhu u muujiyaan iyo weliba in uu isu qaato qaangaar isku tashan kara oo waa kaas dabuubkii yaraa (=teddy bear) ee uu weheshan jirey gabadha hadiyadda uga dhigaya. Xalaal caleyhaa!

Momo oo qayb ahaan buuxiya kaalinkii hooyadi, adeegga guriga isaga iyo aabbihi ay ku noolyihiin wuxuu ka soo iibiyaa dukaanka oday Ibraahim, si lacagta yar ee adeegga loogu dhiibo uu uga soo dhex saaro kistii uu gabdhaha kula sheekaysan lahaana wuxuu wax ka dhiitiyaa dukaanka oday Ibraahim, isaga oo u haysta in aysan dhib lahayn in wax laga xado dukaanka carabka, oo maxaa dhacay oo uu sidaa ugu haystaa? Waayo waa Carab! (=erayga Carab wuxuu ka mid yahay magacyada ummadaha reer galbeedku ay muslimiinta oo dhan ugu yeeri jireen, muddo dheerna wuxuu la macne ahaa erayga Muslim. Dhanka kalena, waxaa xusid mudan in ay jiraan wadaaddo muslim ah oo qaba in aysan dhib lahayn in la qaato xoolaha gaalada- xaq iyo xaqdarraba). Momo inkasta oo jirkiisu weheshado gabdhaha jirkooda jidka ku iibiya, haddana qalbigiisu wuxuu la hayaa gabar ay isku da’ iyo derisba yihiin.

Oday Ibraahim oo waayaha nolosha wax badan ka bartay, waa nin isku darsaday aragti-dheeri iyo dabacsanaan. Waa Muslim laakiin ma aha muslim xarfi ah ee waa Suufi aan oggolayn in diinta laga dhigo aydiloojiyad iyo qaanuun hal macne oo qura la siiyo (=dogmatic). Wuu ogyahay in Momo dukaanka ka xado, laakiin waa iska indhotiraa isaga oo dhan qaddarinaya duruufta carruurnimo ee wiilka, dhanka kalena ku qanacsan in aysan ahayn xoolo dhumay, balse ay yihiin kayd uu berri xag Alle ka heli doono. Intaa waxaa u dheer dhaqan wanaag iyo waano wax ku ool ah oo uu had iyo goor wiilka la wadaagayo.

Si tartiib-tartiib ah oo xikmad iyo daacadnimo ku dheehan tahay ayaa odayga waayo-aragga ah iyo kurayga cidlada iyo waalid la’aanta dareemayaa saaxiibbo ku noqonayaan. Sida muuqatana waa saaxiibtinnimo labada dhanba waxtar u leh. Ibraahim oo isku darsaday maskax furnaan iyo inuu leeyahay dabci dhegayste wuxuu si hufnaani ku jirto uga jawaabayaa weydiimaha faraha badan ee gubaya saaxiibkiisa yar ee dunidu u cusub tahay, Momo-na wuxuu hayaa weydiimo ciiddaa ka badan.

Weydiimaha ugu horreeya ee uu weydiinayana waxaa ka mid ah mid oranaysa: Oo haddii aadan Carab ahayn maxay u sheegaan in aad tahay Carabka qura ee waddadadaan lagu arko?

Ibraahimna wuxuu ugu jawaabayaa: Maxaa yeelay carabnimadu (=Muslimnimadu) marka laga hadlayo macdaarrada waxay la macne tahay “dukaanka furan siddeedda subaxnimo tan iyo saqda dhexe ee habeenka, xataa marka lagu daro maalmaha Axadda.”

Mudane Ibraahim wiilka wuxuu barayaa falsafadda ka duwan tii aabbihi horay ugu laqinay ee ahayd in noloshu maaddo tahay, qofkuna ku qiimaysan yahay hantida uu haysto. Sheekadu waxay ku bilaabanaysaa Momo oo sharraxaya aragtidii aabbihi rumaysnaa oo oranaya: “Markaan gaaray gugii kow iyo tobnaad, waxaan jebiyey doofaaraddaydii waxaana aaday gabdhaha balwadda iibiya … doofaaraddaydu waxay lahayd hal dalool oo oggolaanaya in lacagta looga rido, laakiin aan oggolaanayn in lacagtu ka soo baxdo, aabbahay baa iigu dooray in 5

ay halkaa dhan u socoto, maxaa yeelay waxay ka tarjumaysay aragtidii uu nolosha ka haystay oo ahayd: “Lacagta waxaa loo sameeyey in la haysto, ee looma samayn in la bixiyo.”

Ibraahim wiilka wuxuu barayaa falsafad taa ka duwan, wuxuuna ku leeyahay: “Momow, waxa aad bixiso ayaa ah waxa aad weligaa haysanayso, waxa aad kaydsatana waa wax abid kaa dhumay. Jannaduna dadka oo dhan waa u furan tahay.” Waa falsafad la mid ah aragtidii wiilku yaraantiisii rumaysnaa marka uu aabbihi weydiinayo haddii doofaaraddaydu buuxsanto oo aan hodan noqdo hooyaday ma soo noqonaysaa???

Mar kale, Ibraahim wiilka wuxuu weydiinayaa: sababta uu la qosli waayey ee mar walba carada iyo waji macbuusnimadu uga muuqato?

Momo-na durba wuxuu si fudud ugu jawaabayaa in uusan awoodin. Ibraahimna wuxuu leeyahay: “Ma waxaad u haysataa in aan hodan ahay?” Momo na wuxuu oranayaa: “Khaanaddaada lacag baa ka buuxda”. Dabadeed Mudane Ibraahim wuxuu yiri: lacagtaan waxaa lagu bixiyaa adeegga dukaanka, haddaan ogahay inta nolosha iiga hartayna waxaa suurogal ah in lacagtaani aysan badnayn. Markaana Momo wuxuu caddaynayaa in marka uu leeyahay dhoola-caddaynta waxaa iska leh hodanka, uu ka wado dadka faraxsan. Ibraahimna markaa wuxuu u sheegayaa in uu khaldan yahay; maxaa yeelay qosolka ayaa ah kan farxadda keena, wuxuuna kula talinayaa in uu arrinkaas tijaabiyo si uu u arko natiijada.

Taladaani waa casharka koowaad ee Mudane Ibraahim uu Momo barayo; waa dersi ku saabsan dhoola caddaynta, Mudane Ibraahim wiilka wuxuu baray sida loo noqdo ruux faraxsan, waana cashar uu barayo goortii wiilku ugu baahi badnaa. Waa casharka oranaya “dhoola caddaynta ayaa mucjiso samaysa /A smile can work wonders.”

Guud ahaan, waayeelku wiilka wuxuu ku qancinayaa in uu la heshiiyo naftiisa, deriska iyo guud ahaan geerida iyo nolosha.

Xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhexeeya Ibraahim iyo Momo wuxuu gaarayaa heer Ibraahim noqdo ‘Aabbe wanaagsan’ oo Momo uusan weligii helin, halka Momo ka noqonaya wiil mudan in gacalo loo qaado oo Ibraahim uu muddo tabayey.

Sheekaduna waxay ku dhammanaysaa safar dhulka ah oo lagu kala bixinayo Yurub tan iyo tuulada Ibraahim ka soo jeedo ee deegaanka Anatolia. Waa socdaal macnayaal badan xanbaarsan, duruus badanna laga baranayo.

Macnaha cinwaanka sheekada ee ‘Mudane Ibraahim iyo ubaxa quraanka’ siyaabo badan baa loo macnayn karaa. Tusaale ahaan, meelo badan oo sheekada ka mid ah waxaan ku arkaynaa Mudane Ibraahim oo marka Momo uu wax weydiiyo ugu jawaabaya hadallo ay ka mid yihiin “Quraankayga waa aqaan”, “Sidaas quraankayga bay ku taal”, “waan aqaan waxa quraankayga ku yaal”, “Haa waa aqaan waxa quraankayga ku yaal”, “Adigu garabkayga ayaad tagaan tahay aniguna waa aqaan waxa quraankayga ku jira”, “Momo anigu cabsi ma qabo, waayo waa aqaan waxa quraankaygu leeyahay”, iyo qaar kale.

Sheekada dhammaadkeedna marka Momo uu kala furo kitaabka quraanka ah ee uu Ibraahim ka dhaxlay, wuxuu ugu tagayaa labo caleen oo ubax ah oo kitaabka quraanka ku dhex jira. Halkaana macnayaasha lagala baxayo waxaa ka mid ah in Ibraahim naxariista iyo dhaqan wanaagga uu ka bartay fahanka uu quraanka ka haysto, uuna aamminsanaa in diintu raxmad tahay, Allena raxiim yahay. Laakiin muxuu yahay xiriirka ka dhexeeya ubaxa buluugga ah ee quraanka ku dhex jira iyo magaca waddada xaafadda ee lagu magacaabo “Waddada Buluugga /Rue Bleue???

Mudane Ibraahim ma aha malaa’ig ceeb ka saliim ah oo aan lagu dayan karin, balse waa insaan ay ka dhacaan gafafka laga fili karo ruux kasta oo bani’aadam ah. Gafafka uu galay ee lagu xusay sheekadana waxaa ka mid ah in marka gabadha jilaaga ah ee dukaankiisa hortiisa filinka ku duubaysaa ay soo gasho dukaankiisa si ay biyo uga iibsato, uu biyaha ka siinayo lacag ka badan inta ay dhab ahaan joogaan, marka ay weydiiso: Oo xafaaddaan biyuhu ma sidaan bay macduun uga yihiin? Wuxuu ugu jawaabayaa: maya, biyuhu macduun naguma ah ee quruxdaada oo kale ayaa macduun nagu ah. Gabadhana eraygaas ammaanta ah ayaa deeqaya oo sidaas bay biyaha ku qaadanaysaa. Dabadeed Momo ayuu wuxuu ku leeyahay: wixii aad dhiitisay oo dhan waxaa soo celiyey dhalada biyaha ah ee gabadhu iibsatay.

Mar kale, kolka uu baabuurka iibsanayo waxaa la weydiinayaa ruqsadiisa gaari wadidda, isaga oo aan ruqsad lahayn darteedna dukaanlaha wuxuu ku camaynayaa warqad afcarabi ku qoran oo ninka Faransiiska ahi uusan akhrin karin, sidaana wuxuu ugu qaadanayaa in ay tahay ruqsad waddan kale ka soo baxday iyo shati caalami ah.

Sheekadu waxay siddaa farriimo badan oo duruus wanaagsan ka bixinaya falsafadda nolosha. Farriimahaas waxaa ka mid ah;

1- Xaqiiqadu waa hadba sida qofku u arko:

Maalinta ugu horraysa ee Mudane Ibraahim iyo Momo ay is raacayaan kolka ay biibitada fariistaan si ay u nastaan, Ibraahim wuxuu Momo ku oranaya: qofku meel kasta oo uu eego qurux buu ku arkayaa. Marka uu hadalkaas leeyahayna wuxuu kabaysanayaa koob khamro ah, kolkaasna Momo inta eego ayuu weydiinayaa: waxaan u haystay in Muslimiintu aysan khamrada cabbin? Ibraahimna wuxuu ku jawaabayaa: Suufi baan ahay, markaana Momo si naxdin leh ayuu u fiirinayaa Ibraahim isaga oo u haysta in Suufiyadu tahay nooc cudurrada ka mid ah, Ibraahimna wuxuu u sheegayaa in Suufinimadu aysan cudur ahayn, balse ay tahay qaab loo fekero, fekerka qaarkiisna uu cudur noqon karo.

Dabadeed, Momo marka uu guriga ku laabto, qaamuuska ayuu wuxuu ka raadinayaa macnaha erayga ‘suufi’, wuxuuna ku arkayaa qeexidda oranaysa: “Suufinimadu, waa islaamka baaddiniga ah, ee diiddan in diinta qaanuun laga dhigo. Waxay xoogga saartaa diinta damiirka /Sufism: Is a mystical form of Islam. Opposed to legalism. It stresses inner religion.” Momo qeexiddaas wuxuu ka qaadanayaa in suufinimadu tahay in diinta laga baxo, oo u dhiganta in qaanuunka laga baxo. Markaana wuxuu isweydiinayaa in haddii Ibraahim yahay Suufi, Suufinimaduna la macne tahay qaanuunka oo laga baxo, haddaba Ibraahim waa qof aan sharaf lahayn maadaama uu qaanuunka khilaafo, aniguna gef baan sameeyey maadaama aan la saaxiibay qof qaanuunka khilaafa.

Haddana mar kale wuxuu isweydiinayaa: Haddii qaanuunka oo si xarfi ah loogu dheggenaadaa ay tahay in qofku noqdo mid u caraysan sida aabbahay oo weji macbuus ah, gurigiisana uu murugo ka buuxinayo, waa in sida Ibraahin aan u diido in qaanuunka si xarfi ah loogu hoggaansamo.

Halkaan Momo wuxuu isweydiinayaa su’aal falsafi ah oo ah in xaqiiqadu mar walba nisbi (=relative) tahay mar walbana ku xiran tahay sida wax loo qeexo ama loo sawiro. Fikraddaas Momo wuxuu ka qaadanayaa doodda Ibraahim ee sheegaysa in uu rumaysan yahay “diinta damiirka /Inner religion”. Waa fikrad la mid ah xadiiska nebigu noogu sheegay in kala garashada saxa iyo khaladka aan la kaashanno qalbigayaga, oo wixii aan ku qanacno aan samayno (استفت قلبك وإن أفتاك الناس وأفتوك).

Diinta damiirku waa midda Ibraahim u bannaynaysa in wiil uusan dhalin uu aabbe u noqdo, oo magaciisa siiyo, hantidiisana u dardaarmo, iyada oo la ogyahay in wadaaddada muslimiintu aysan oggolayn in ilmo aan la dhalin waalid loo noqdo. Diinta damiirku waa in la ogaado in masjidka, macbadka iyo kaniisadda dhabta ahi aysan ahayn dhismayaal la dhiso, balse ay yihiin waxa qalbigayaga ku jira ee habdhaqankayagu ka tarjumo. Waana tii la yiri: “Si aad Alle u ogaato, marka hore naftaada aqoonso /أعرف نفسك تعرف هللا”.

2- Insaanka in la fahmaa waa wax adag:

Farriimaha badan ee sheekadu gudbinayso waxaa ka mid ah midda sheegaysa in aadamigu gedo badan yahay ayna adag tahay in la fahmo.

“Fadhiga annaga oo joogna, ayaa askerigu si fudud gacanta ii qabtay, wuxuuna igu yiri: wiilkaygow waxaan kuu haynaa war xun, aabbahaa waa dhintay! Garan maayo kan la yaabka badnaa? Dhimashada aabbahay iyo sida edebta badan ee askarigu iila hadlay?

Waxaan dhaqso isugu tuuray kursigii aabbahay ku fariisan jirey.

  • Meel Maarseeliya u dhow ayuu tarayn isu dhigay.

Tanna la yaab bay lahayd, in uu aado Marseeliya si uu tarayn isugu dhigo, tareennadu meel walba waa joogaan, waxayna ugu badan yihiin Paris, waa hubaal in marna aanan fahmin aabbahay!”. Soomaaliduna waa tii horay u tiri: “Dad iyo duurba wax walbaa laga fishaa.” 8

3- Diinta iyo dhaqanka:

Sheekadu waxay tilmaamaysaa in diimuhu yihiin qayb dhaqanka ummadaha ka mid ah, oo ay yihiin afkaarta qofka bulshada uu ku dhex koray ay ku beerto. Waraysi yar oo dhexmaraya Momo iyo aabbihi ayaa wuxuu u dhacayaa sidatan:

“Aabbe, Alle ma rumaysan tahay?

Xoogaa buu I eegay dabadeedna wuxuu yiri:

  • Waxay iigu muuqataa in aad qaan gaartay. - Ma fahmin waxa xiriirku yahay, wax yar na waxaan isweydiiyey in qof u sheegay in aan aado gabdhaha waddada jannada (=Paradis), laakiin wuxuu ku daray: - Maya anigu weli ma gaarin in aan Alle rumeeyo. - Weli ma gaarin? Oo arrinku ma mid dadaal badan u baahan baa? - Wuxuu eegay mugdiga hareereeyay guriga, wuxuuna yiri: - In aad rumayso in waxaan oo dhammi ay macno leeyihiin, haa dadaal weyn bay u baahan tahay. - Laakiin aabbe, annagu ugu danbaynta Yahuud baan nahay, aniga iyo adiga. - Haa, waa sidaa - Oo in aad Yahuudi tahay miyaysan xiriir Alle la lahayn? - Aniga xiriir iima laha, iyada oo kooban in aad Yahuudi tahay waa in aad leedahay wax aad xusuusato, xusuusta xun”.

4- Ahmiyadda in carruurtu helaan cid ay ku kalsoon yihiin oo ay kaga daydaan sida ruux wanaagsan loo noqdo iyo sida dunidu u shaqayso.

Waaridnimadu ma ah xaq lagu kasbado ciyaar habeen la ciyaaray, balse waa tarbiyadda iyo naf hurka ubadku dareemaan. Wiilka sheekadu ku socoto aabbe iyo hooyo labadaba waa leeyahay, laakiin sidaas oo ay tahay labaduba noloshiisa waa ka maqan yihiin ama saamayn wanaagsan kuma leh.

5- In noloshu dhinacyo badan tahay oo qofku uusan rooti la’aan noolaan karin, laakiin ay nuqsaan tahay in rooti darti loo noolaado.

Sheekada waxaan ku arkayaan Ibraahim oo dhimanaya, laakiin Momo u sheegaya in uusan dhimanayn ee uu uuman kale ku biirayo. Halkaana waxaa ku jira casharka ugu danbeeya ee Ibraahim uu wiilka barayo. Waa cashar sheegaya inkasta oo aan dhuminayno muuqaalkayaga, haddana ruux kastaa uu ku noolanayo qalbiga iyo xusuusta dadkii jeclaa iyo kuwii wax ka bartay. Waa dersi ku saabsan in aan geerida laga cabsan, ee la barto sida loo dhinto. Marka 9

Ibraahim la aaso waxaa soo baxaya Momo oo noqday nin mas’uul ah, arrinkaas oo marag u ah wareegga silsiladda dhalashada iyo dhimashada, mashxaradda arooska iyo baroorta geerida.

Mar kale sheekada waxaan ku arkayaa Ibraahim oo wiilka ku leh: “Qofka qalbigiisu waa sida shinbir qafas ku jira. Marka aad dhaantayso (=ciyaarto), qalbigaagu waa heesaa … dabadeedna wuxuu u duulaa samada (jannada) / A man’s heart is like a caged bird. When you dance, your heart sings … and then it rises to heaven”.

Guud ahaan, buugga iyo filinka midkoodna na wacdin maayo, laakiin waxay si dadban noogu baraarujinayaan xaqiiqo aan marar badan dareenno, haddana aan marar kale is moogaysiinno. Labaduba waxay si buuxda ugu guulaysteen in ay si fudud oo qurxoon u gudbiyaan farriinta dhextaalka u ah sheekada oo ah in aadamigu waxa ay wadaagaan ay ka badan yihiin, kana muhiimsan yihiin waxyaabaha yaryar ee ay ku kala duwan yihiin sida afka, dhaqanka, diinta iyo midabka. Bilmatal Islaamka Ibraahim iyo Yahuudiyadda Momo wax saamayn ah oo la sheegi karo kuma yeelan xiriirkooda. Waxaana xusid mudan, in marka Momo si lama filaan ah uu ku ogaado in oday Ibraahim sida Yahuudda oo kale uu gudan yahay, arrinkaasna uu Ibraahim wax ka weydiiyo, Ibraahim uu u caddaynayo in Muslimiinta iyo Yahuudda ay taa wadaagaan, ayna tahay qurbaankii nebi Ibraahim.

Sidoo kale, gabdhaha jidka balwadda ku beeciya ee Momo xiriirka la leeyahay waxaa ka mid ah gabar madow oo la yiraahdo ‘Fatou’. Kala duwanaanta midabka maqaarka ee Fatou iyo Momo waa mid cad oo loo jeedo, laakiin saamayn kuma leh xiriirkooda oo isagu aad buu u danaynayaa in ay aqbasho codsigiisa, iyaduna waa qof akhlaaq iyo turid leh oo ilaalinaysa carruurnimadiisa.

Sidoo kale, sheekada waxaan ku arkaynaa Momo oo horay magaciisu u ahaa Muuse, oo hooyadiis u sheegaya in magaciisu yahay Maxamed. Muxuu yahay farqiga u dhexeeya Muuse iyo Maxamed soo shilin labadiisa dhinac ma aha?!

Cumar Shariif iyo wada noolaanshaha diimaha

Dadka ka faallooda taariikh nololeedkii Cumar Shariif waxay qiraan in filinkaan “Mudane Ibraahim iyo ubaxa quraanku” uu yahay filinka sida dhabta ah uga tarjumaya shakhsiyadda Cumar Shariif iyo waxa uu rumaysnaa, maxaa yeelay dulucda filinka ee ah isu-dulqaadadka iyo wada noolaanshaha diimuhu waxay si weyn u caddaynaysaa waxa Cumar ahaa.

Cumar Shariif (1932-2015) oo magacii aabbihi iyo hooyadi ay u la baxeen uu ahaa Michael Demitri Shalhoub, waxa iska dhalay aabbbe Kirishtan ah iyo hooyo Yahuudiyad ah, laakiin dhallinyaronimadiisii wuxuu qaatay diinta islaamka. Dhab ahaantiise Cumar wuxuu rumaysnaa in uusan jirin farqi weyn oo diimaha u dhexeeya, wuxuuna necbaa in la yiraahdo diin baa diin kale ka fiican. Mar uu taleefishin waraysi siiyeyna wuxuu yiri: “Diimaha dagaallama iyo diinta dhexdeeda ka dagaallantaa waa doqonnimo aan loo dulqaadan karin.”

In Cumar dareenkaas yeeshana waxaa loo aaneeyaa duruufihii uu ku noolaa oo ay ugu horreeyaan kuwii ka jirey magaaladii uu ku dhashay ee Iskandariya iyo safarradii faraha badnaa ee uu daafaha dunida isaga gooshay. Magaalada Iskendariya ee dalka Masar xilligii Cumar ku barbaaray ee soddomaadkii ilaa kontomaadkii qarnigii tagay waxay ahayd magaalo xeebeed weyn oo ay ku nool yihiin dad badan oo ku kala duwan dhinacyada afka, dhaqanka iyo diinta. Dhallinyaradii isla xilligaas magaalada Iskenderiya ku noolaa ee ay Cumar saaxiibada ahaayeenna waxaa ka mid ah Edwar Saciid(1935-2003) , Yuusuf Shaahiin (1926-2008) iyo Towfiiq Saalax (1926-2013). Shariifka waxaa laga hayaa in uu yiri: “Haddii aanan ku dhasheen Iskendariya wax badan baan waayi lahaa /كتير حاجات هخسر كنت إسكندرية في أتولدت كنتش ما لو ”.

Dabshidkii 2003 Cumar filinkaan “Mudane Ibraahim iyo ubaxa quraanka” wuxuu jilay kaalinka oday Ibraahim, kaalinkaasna wuxuu ku mutaystay in uu ku guulaystay abaalmarinta jilaaga ugu wanaagsan ee abaalmarinta Faransiiska ah ee ‘Céasar’ oo u dhiganta abaalmarinta Oscar. Dhammaadka filinkana waxaan ku arkaynaa Momo oo marka ay si wanaagsan isu bartaan Mudane Ibraahim oranaya: “Mudane Ibraahim waxaan ka bartay in Yahuudda iyo Muslimiinta iyo xataa Masiixiyiintu ay lahaayeen rag waaweyn oo ay wadaagaan ka hor inta aysan bilaabin in ay dagaallamaan.”

Si taa la mid ah, gugii 2008 Shariif wuxuu ka qayb qaatay filinka Masriga ah ee ‘Xasan iyo Marqas’ oo qayb ahaan laga soo xigtay masraxiyad horay Masar loogu dhigay sannadkii 1958 oo la yiraahdo ‘Xasan, Marqas iyo Koohin’. Sida cinwaannada ka muuqatana filinka iyo masraxiyaddu waxay isu keenayaan saddexda diimood ee Samaawiga/Saamiga ah ee Islaamka, Masiixiyadda iyo Yahuudiyadda oo saddexda magaca ee Xasan, Marqas iyo Koohin ay u kala taagan yihiin.

Cumar Shariif mar uu xoogaa ka sheegay taariikh nololeedkiisa wuxuu yiri:

Yaraantaydii waxaan arkay gabar aan durbadiiba jeclaystay in aan guursado. Waxaan u sheegay aabbahay, laakiin wuu igu diiday isaga oo ku doodaya: “Wiilkayga oo Kaatolig ahi sidee buu u guursanayaa gabar Borootastan ah?!” Cumar aabbihi wuxuu moogaa lama filaanka weyn ee waayuhu la sugayeen. Waayo? Aabbihii wiilkiisa Kaatooligga ah u diiday gabar Borootastan ahi wuxuu arki doonaa wiilkiisii oo noqday Muslim guursaday gabar Muslimad ah.

“Waa dambe waxaa la iskeen baray Faatin Xamaam. Kolkii loo sheegay magacayga ‘Michael’, waxay tiri: miyuusan Masri ahayn? Waxaan iri waa ahay. Aniguna waxaan kuu bixiyey ‘Cumar Shariif’, hadda ka dib magacaagu waa Cumar Shariif, ma diidi kartid!” Ma jiro farqi u dhexeeya Cumar Shariif iyo Michael, sida uusan u jirin farqi u dhexeeya Muuse, Ciise iyo Maxamed. Gadaal danbe Michael oo qaatay magacii Cumar Shariif iyo Faatin Xamaam waa is guursadeen , dunida oo dhanna waxaa looga yaqaan Cumar Shariif. Ruux adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban!

Hadal sii dheh baa dilaye aan ku soo gunaanado, marka ruuxu akhriyo dhigaallada Eric- Emmanuel Schmitt natiijada uu kala baxayaa waa in sida baddu isku dhandhan u tahay oo kale ay diimuhuna isku nuxur u yihiin. Hadafka ugu weyn ee sheekada ‘Mudane Ibraahim Iyo Ubaxa Quraankuna” waa mid ruuxda iyo akhlaaqda la xiriira, waana in ay na tusiso in si kasta oo aan ugu kala duwannahay afafka, midabbada, dhaqammada, diimaha iyo waxa aan rumaysan nahay, haddana dhammaanteen aan wadaagno hal sifo oo na midaysa oo walaalo naga dhigaysa, waana sifada bani’aadamnimada. Sidaa darteedna, ay la ma huraan tahay in nabad iyo is fahan lagu wada noolaado.

Qiimaha sheekadu waxay ku jirtaa in ay isku dayday in ay dumiso derbiyada kala duwan ee dadka lagu kala qoqobo. Derbiyada afafka, calammada, dhaqammada, diimaha iyo midabbada. Sheekadu si ay derbiyadaas u dumiso waxay na hor keentay gacalo ruuxi ah oo dhexmaraysa reer Bari iyo reer Galbeed, Muslim iyo Yahuudi, kuray yar iyo oday waayeel ah. Webiyada oo dhammi waxay ku dhammaadaan badda, diimaha oo idilna waxay wadaagaan hal ulajeeddo oo ah in aadamiga loo adeego.

Halkaan ka eeg nuqulka Carabiga ah ee buugga iyo filinka ‘Mudane Ibraahim iyo Ubaxa Quraanka:

http://www.vb.alrakoba.net/uploaded/235_1334183207.pdf

Mr Ibrahim and the flowers of the Koran

Comments