Muuse iyo ari jire: gacaladaa i deeqda!

Sheeko caan ah oo suufigii weynaa ee Jalaaludiin Ruumi (1207-1273) uu si xallad badan ugu xusay diiwaankiisa gabayada ee “Masnawi /مثنوي معنوي” ayaa waxay leedahay sidatan;
Maalin maalmaha ka mid ah, nebi Muuse (CS) oo buuro dushood isaga hawo qaadanaya, ayaa wuxuu ku soo baxay ari jire salaad ku jira oo ku Alle tuugaya:
“Ilaahow gacaliye waa ku jeclahay ee ku aaway? Haddii aan ku arki lahaa gacmahaan kaa dhunkan lahaa, lugahaaga yaryarna waa kuu mayri lahaa, riyahaygana caanaan kaaga lisi lahaa, wan shilis ahna waa kuu qali lahaa, marka xilliga hurdada la gaarana gogoshaan kuu diyaarin lahaa, sheeko macaanna waa kaaga sheekayn lahaa jeer aad ka gam’ayso, marka aad soo toostana timahaan kuu feeri lahaa, injirtana waa kaa guri lahaa, kabahan waa kuu toli lahaa, suufka idahaygana maryaan kaaga soohi lahaa, habeen iyo dharaarna isku si baan kuugu adeegi lahaa, haddaad rabtana arigayga oo dhan baan ku siin lahaa. Eebbow ku mee? Eebbow ku aaway aan kuu adeegee?”
Halkaa markii uu marinayey ayaa Muuse oo caro is-hayn waayey ka dhabqiyey munaajaadkii, kuna yiri: “Waa tuma cidda aad la hadlaysaa?”
Ari jirihii: Waa midka na abuuray, cirka iyo dhulkana uumay.
Muuse: Waa maxay cayda iyo gaalnimada afkaaga ka daganayaa! Ma waxay kula tahay in Eebbe loola hadlo sida ina abtigaa ama ina adeerkaa oo kale? Ma waxaad u malaynaysaa in Eebbe uu wax cuno ama lugo la dhaqo uu leeyahay? Wixii koraya baa caano dhama, ciddii cago leh baana kabo u baahata! War si edboon Eebbe u la hadal, haweenku haddii loogu yeero magaca Faadumo waa ku farxaan waxayna u qaataan in la ammaanay, laakiin haddii nin Faadumo loogu yeero wuu xanaaqaa, wuxuuna u qaataa liidid iyo meel ka dhac, war waxaani salaad iyo Alle bari ma aha ee waa gaalnimo cad oo jahannamo lagu muto.
Ari jirihii waa isdhiibay, wuxuuna qirtay in uusan aqoon salaad aan taas ka ahayn. Intaa ka dib, Muuse ari jirihii wuxuu u laqinay salaaddii isaga la qummanayd, wuxuuna ka tagay isaga oo faraxsan oo isu haysta in uu gutay hawl qof naar looga badbaadinayo. Hayeeshee, saqdii dhexe ee habeenkii ayaa Eebbe wuxuu Muuse kula hadlay: “Muusow waxaad iga irdhaysay addoon I jecel, ma waxaan kuu diray in aad aniga iyo abuurkayga isku xirto mise in aad na kala geyso? Miyaadan ogayn in agtayda loogu neceb yahay furriinka iyo kalatagga? Ruux kasta waxaan siiyey af iyo garasho u gaar ah, oo wax qof xil moodo ayaa mid kale xarrago moodo, wax mid malab u ah baana mid kale sun u ah. Erayadiisu haddii ay adiga kula xun yihiin oo gaalnimo kuugu muuqdaan aniga waa ii iimaan iyo macaan, maxaa yeelay waa addoon qalbi wanaagsan aniguna ma eego erayada ee waxaan eegaa laabta iyo xaaladda. Hindidu si bay ii ammaanaan, Sindiguna si kale bay ii ammaanaan, afafkooda iyo erayadoodu iima kala duwana laakiin qalbigooda ayaa ii kala duwan, …Jacaylku af iyo dhaqan toona kuma xirna, ruuxa Kacbada ku dhex tukanaya dhan kastaa waa u qiblo. Muusow diinta jacaylku af iyo caqiido aan Eebbe ka ahayn uma baahna. Muusow waxaa jira farqi u dhexeeya aftahanka iyo kan laabtiisu gacalada la gubanayso. Muusow ololka muxubbadaa I deeqa! Ololkaa igu filan ee ololka la saaxiib!
Muuse markii uu maqlay canaanta Eebbe durba waa istaagay, wuxuuna bilaabay in uu ari jirihii kaymaha ka baafiyo. Markii uu helayna wuxuu ku yiri: “Waxaan kuugu bishaaraynaa in Eebbe ila hadlay, iina sheegay in uu salaaddaada jecel yahay ee hadda ka dib sida aad jeclaato u tuko, wixii laabtaadu damacdana Eebbahaa u sheego.”
Muuse iyo ari jiraha mid kastaa Eebbe wuxuu kula hadlay af ka tarjumaya sawirka uu Eebbe ka haysto, isaga oo adeegsanaya erayada ku jira qaamuus-afeedkiisa. Soomaaliduna waa tan tiraahda: Nebi Allow ninba afki kugu ammaan.

Comments