Nebi Muuse Iyo Safiirrada Qaramada Midoobay

Nebi Muuse Iyo Safiirrada Qaramada Midoobay

Safiirka Israa’iil Qaramada Midoobay u fadhiya ayaa khudbadiisii Q.M. wuxuu ku bilaabay: “Marwooyin iyo mudanayaal, ka hor inta aanan khudbadayda guda gelin, waxaan jeclahay in aan sheeko gaaban idinla wadaago:

"Markii Muuse bulshada Yahuudda ka soo saaray Masar, si uu u dejiyo dhulkii loo ballanqaaday, waxay soo mareen lamadegaanka Siinaay. Kolkii iyaga oo aad u oomman ay soo gaareen dhulkii loo ballanqaaday, waxay ogaadeen in dhulku yahay oomasoore aan dhibic biyo ah lagu arag.

Muuse oo xilku gubayey, inta dadkii dhan uga baxay, buu buur weyn dhagax aayar ula dhacay, buurtiina waxaa ka soo burqaday biyo macaan oo saafi ah. Dadkii waxay bilaabeen in ay farxad iyo raynrayn la damaashaadaan. Muuse oo farxadi saaqdayna wuxuu istusay in ay waajib ku tahay in uu Alle u mahadnaqo, oo uu salaad tukado, laakiin waxay la noqotay in salaadda ka hor uu mayrto, si uu fahmad iyo firfircooni uga helo.

Muuse si uu biyaha ugu dabaasho ayuu maryihii meel dhigtay. Laakiin markii uu biyaha ka soo baxay, wuxuu ogaaday in maryihii laga qaatay. Muuse wuxuu cod dheer ku yiri: “War yaa dharkaygii arkay?” Yahuuddii la socdayna waxay ugu jawaabeen: “Waxaa hubaal ah in inkaar qabihii Falastiiniga ahaa ee meelahaan meeraysanayey uu xaday.”

Safiirka Israa’iil markii uu intaa yiri, baa waxaa gacanta taagay hoggaamiyihii wafdiga Falastiin shirka Q.M. uga qaybgalayey, durbadiibana isaga oo aan cidna idan ka sugin buu wuxuu yiri: “Waxaani waa been abuur cad, maxaa yeelay waa laga wada dheregsan yahay in waagaas aan dhulkaan laga aqoon wax ‘Falastiini’ la yiraahdo.”

Safiirkii Israa’iil oo aad u farxayna wuxuu yiri: “Annaga oo xaqiiqadaas maaanka ku haynna, ii oggolaada in aan hadda khudbadayda bilaabo.”

Sheekadaan Falastiinida iyo Israa’iilida labaduba waa sheegaan, laakiin Falastiinidu tuugga Muuse maryaha ka xaday waxay ku sheegaan in uu Israa’iili ahaa, halka Israa’iilidu tuugga ay Falastiini ku sheegaan. Qolo kastaa sheekada waxay u daliishataa in qolada kale aysan dhulkaan degi jirin, ee ay koyto ku tahay.

Hase ahaatee, ruuxa wax kala socda taariikhda dadyowgaan iyo degaankoodu wuxuu ogyahay in nimanku yihiin ilmo adeer colloobay, ciilka sokeeyana uu xaaladdooda sii xumaynayo. Marka waxaa habboon in arrinka diimaynta iyo siyaasadaynta laga daayo, oo xalka laga raadiyo murtidii ahayd: “Gacmo geeljire hoos baa loo dhaqaa”. Haddii aan sidaa la yeelin, mushkiladda Bariga Dhexe tan iyo qiyaamaha waa taagnaanaysaa.

Comments