Niitje iyo Cudurka Taariikhda

Bani’aadmiga iyo noolayaasha kale waxyaabaha ay ku kala geddisan yihiin waxaa ka mid ah danaynta taariikhda. San-kuneeflaha oo idil marka laga reebo aadmiga ma ay daneeyaan taariikhda, oo had iyo jeer waxay la noolyihiin xaaladda ay markaas ku sugan yihiin, iyaga oo aan xusuusan tagtada, kana fekerin timaadda. Si taa ka duwan, aadmigu waa noole taariikhi ah oo had iyo goor xusuusta waayihii uu soo maray, isla jeerkaana oddorosa timaadda, kana shaqeeya in timaaddadiisu ay dhaanto tagtadiisa. Geeddigii iyo halgankii joogtada ahaa ee dadku ay ugu jireen hagaajinta heerka nolosha timaaddaduna waxay dhaxalsiisay in ay ka gudbaan maraaxil nololeed oo isdaba taxnaa sida; marxaladdii qaraabsiga iyo ugaarsiga, marxaladdii qodaalka iyo dhaqashada xoolaha, iyo marxaladihii kala duwanaa ee ka danbeeyey ilaa laga soo gaaray dunida casriga ah ee farsamada ka hor martay ee maanta lagu jiro.

Feylasuufkii Friedrich Nietzsche (1844-1900), oo ka mid ah aqoonyahannada sida miiggan arrinkaan ugu kuurgalayna, waxa uu leeyahay maqaal ama buug yar oo uu qoray xilligii dhallinyaronimadiisa, oo lagu magacaabo ‘Samaha iyo Xumaha Adeegsiga Taariikhdu ay Nolosha u Leedahay’ (=On the Use and Abuse of History for Life- or- On the Advantage and Disadvantage of History for Life /محاسن التاريخ ومساوئه). Waa buug yar oo muddo qarni iyo bar ah, dad tiro badani ay u akhriyaan si uu uga caawiyo fahanka dhib iyo dheef waxa taariikhdu leedahay. Si akhristuhu dulucda buugga uga bogtana, waxaa habboon in mar walba maanka lagu hayo sidii xaalka dadka iyo dalka Jarmalku ay ahaayeen xilligii la qoray buugga oo iyaga si gaar ah ugu wajahnaa.

Niitje buuggaan si toos ah iyo si dadbanba waxa uu isku weydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin: Waa maxay waxtarka taariikhdu ay dadka u leedahay? Waxtarka taariikhdu ma waxa uu ku jiraa inay nagu bixiso waxqabad mase iskeed bay waxtar u leedahay? In xaqiiqada tagtada sidii ay ahayd loo baaro, loona ogaado ma arrin iskiis u wanaagsan baa, mase waxtarka tagtadu waxa uu ku jiraa waxa ay nolosha ku biiriso? Sidee baa taariikhdu ku noqon kartaa mid nolosha naga caawisa? Sidee baase looga gaashaaman karaa in taariikhdu ay caqabad ku noqoto nolosha?

Waxaana xusid mudan, in fikradda noloshu -ama doonidda noloshu- ay lafdhabar u tahay falsafadda Niitje, oo ay tahay midda uu wax ku qiimeeyo. Taas oo macnaheedu uu yahay in waxa nolosha u rooni uu fiican yahay, waxa nolosha u daranna uu xun yahay. Waana tan ugu wacan isa seegga u dhaxeeya isaga iyo dad badan. Waayo isagu waxa uu xoogga saaraa nolosha hadda lagu noolyahay iyo waxa ay tahay in laga muto, wuxuuna rumaysnaa in awoodda iyo kartidu ay nolosha u wanaagsan yihiin, oo waxay isku aragti ahaayeen Soomaaliga laga sheego inuu ku maansooday “Aakhiro danteedee, wixii dagan ha dhaafina!” Halka iyagu ay ka daneeyaan waayo danbe iyo nolol aakhiro. Niitje oo qodobkaan qalinka ku adkaynayaana waxa uu yiri:

“Waa hubaal in taariikhda aan u baahannahay, laakiin… waxaan ugu baahannahay nolosha iyo waxqabadka… Waxaan rabnaa in aan taariikhda u adeegno inta Taariikhdu ay tahay mid nolosha oo keliya u adeegaysa. Laakiin waxaa jira heer taariikhda samaynteeda iyo qiimaynteedu ay nolosha xumayso oo ay baabi’iso. In toosh lagu ifiyo ifafaalahaan oo noqday astaan lagu garto casriga aan joogno waa mid lamahuraan ah, isla markaana noqon kara mid xanuun badan.” Wuxuuna halis ku tilmaamay halkudhegga Laatiinka ah ee yiraahda: “Xaqiiqadu ha jirto, noloshuna ha baaba’do” Fiat veritas, pereat vita /let the truth be done and let life perish). Haddii noloshu ay baaba’do, xaqiiqadu maxay taraysaa?!

Sida dad badani ay la socdaanna, sannadkii 1883, Niitje waxa uu daabacay sheekada falsafadda ah ee buugtiisa oo dhan ugu caansan ee cinwaankeedu yahay ‘Sidaas buu u Hadlay Saraatustara’ (=Thus Spoke Zarathustra /هكذا تكلم زرادشت). Niitje buuggaan markii ugu horraysay waxa uu ku xusay firkadda uu caanka ku yahay ee ruuxa leh taagta ka sarraysa midda caadi ahaan aadmigu ay leeyihiin [=Übermensch = overman or superman]’. Waxa fikrad ka warramaysa qof miskiin ahaa oo isu baddelaya ruux awood badan oo u guntaday inuu dunida maamulo.

Niitje buuggaan waxa uu qoray isaga oo ku qanacsan in bani’aadmigu -gaar ahaan reer Yurub- ay marayaan marxalad ay dhumiyeen iimaankii ay ku qabeen Alle iyo aakhiro, isla jeerkaasna ay garan la’ yihiin wixii kaalinkooda buuxin lahaa, oo ay ku baddelan lahaayeen.

Fikradda Niitje ee qofka awoodda dabeecadda ka sarrayse lihi waa naqdin uu ku samaynayo diimaha, akhlaaqda iyo dhibaatooyinka ama fadqalalooyinka nolosha casriga ahi ay la timid. Waa baaq uu dadka ugu sheegayo in ay shaksiyaddooda ogaadaan, iimahoodana ka guulaystaan. Waa in dadku yeeshaan karti ay ku qaabeeyaan naftooda iyo dunida labadaba. Waa in la aqbalo nolosha iyo caraynta ay wadato.

Haddaan dib ugu noqonno mawduuceenna, Niitje maqaalkmaan ‘Samaha iyo Xumaha Adeegsiga Taariikhdu ay Nolosha u Leedahay’, waxa uu ku bilaabay oraah uu ka soo xigtay Johann W. Goethe oo uu sheegay inay wax naga barayso waxtarka iyo waxtar la’aanta taariikhda iyo guud ahaan aqoonta. Waa weedha oranaysa: “Waan quursadaa wax walba oo inuu xog maankayga ka buuxiyo mooyee aan wax kale ii tarayn, oo firfircoonidayda aan kordhin, ama aan si toos ah ii noolayn.” Niitje weedhaan uu soo xigtay waxa uu sii raaciyey oraah Laatiin ah oo oranaysa “Ceterum censeo /Laakiin waxay ila tahay”, isaga oo si dadban u tilmaamaya oraah caan ah oo uu leeyahay siyaasi Rooman ahaa oo la oran jirey ‘Kaatihii Weynaa /Cato the Elder’.

Qarnigii 2-aad ee miilaadiga ka hor, waxaa dagaallo ba’ani dhexmareen boqortooyadii Roomanka iyo dowladdii Qardaajida oo ka talin jirtey Waqooyiga Afrika, gaar ahaan dhulka hadda loo yaqaan Tuunis. Dagaalladaas oo loo yaqaan ‘Dagaalladii Buuniga’ oo socday sanooyinkii u dhaxeeyey ‘264-146’ ee miilaadiga ka hor, midkood waxaa lagu jabiyey Qardaajida. Si Qardaajidu aysan jabka uga soo kabanna, Roomanku waxay ku khasbeen in ay bixiyaan dhaqaale badan oo magdhaw iyo baad ah. Laakiin goor dambe, Roomanku waxay dareemeen in Qardaajidu ay soo xoogaysanayaan. Hoggaamiyeyaashii Roomanka ahaa ee arrinkaas ku baraarugayna waxaa ka mid ahaa siyaasi la oran jirey ‘Kaatihii weynaa’. Kaato isaga oo Roomanka ku qalqaalinaya in Qardaajida la weeraro ka hor inta aysan taag yeelan, ayuu mar walba hadalkiisa waxa uu ku soo gunaanadi jirey hawraar caan noqotay oo oranaysa: “Ceterum censeo Carthaginem esse delendam”, oo macnaheedu yahay “Intaa waxaa dheer, waxaan qabaa in Qartaajiya la burburiyo /Furthermore, I consider that Carthage must be destroyed.” Xigashada Niitje ee oraahdaanna waxaa lagu macneeyaa in Niitje uu leeyahay taariikhda aan nolosha u adeegayn waa in la baabi’iyaa.

Intaas kaddib, Niitje waxa uu guda galay dooddiisa, wuxuuna yiri:

“U fiirso xaynta xayawaanka ah ee agtaada daaqaya. Shalay iyo maanta midna waxa uu yahay ma garanayaan. Way soofaan, oo daaqaan, oo nastaan, oo baryaqaadaan, oo misna mar kale soof tagaan, waaga berigiisa ilaa gabbal dhaca, maalinba maalinta ka danbaysa, si kasta oo macaansigiisa iyo xanuunkiisu ay ahaadaan marna murugo iyo quus ku arki maysid, si ka duwan dadka oo dhacdooyin iyo wacaalo adduun oo waa hore dhacay la xanuunsada. Dadku marar badan waxay ku faanaan in ay ka fiican yihiin xayawaanka sababtuna ay tahay in iyagu ay bani’aadam yihiin darteed, laakiin isla markaas waxay murugoodaan kolka ay arkaan farxadda iyo baraad li’ida xayawaanku uu ku noolyahay… Maalin maalmaha ka mid ah, aadmigu xayawaanka waxa uu weydiiyey: mar walba waad i eegtaaye, maad mar uun iiga sheekaysid sababta farxadda kuugu wacan? Xayawaanku waxa uu damcayaa inuu u jawaabo oo u sheego in arrinku uu xiriir la leeyahay illowga joogtada ah, balse inta uusan u jawaabin ayuu illoobayaa wixii uu oran lahaa oo idil, kolkaas buu shibtiisa xulayaa, aadmiguna arrinkaas waa la yaabayaa. Laakiin aadmigu isaga qudhiisa ayaa mar kale isla yaabaya; waayo ma uu baran illowga, si joogto ahna wuxuu ugu dheggen yahay tagtadii laga soo gudbay… Aadmigu waxa uu yiraahdaa “anigu waan xasuustaa”, isaga oo ka masayrsan xayawaanka durba wax illooba… Sidaas baa xayawaanku taariikh la’aan ugu noolyahay... mana uu awoodo inuu iska yeelyeelo wax uusan dhab ahaan u ahayn, waxna ma qariyo, mar kastana sida dabeecaddiisa dhalanka ahi ay tahay buu u muuqdaa, mana karo waxaan ka ahayn inuu run sheego.”

Dadku waxay rabaan in ay helaan farxadda iyo welwel la’aanta xayawaanka oo kale, laakiin ma oggola in ay u hoggaansamaan shuruudaha ay xayawaanku aqbaleen. Haddii si kale loo dhigo, dadku farxadda xayawaanka waa rabaan, laakiin ma doonayaan inay ka tanaasulaan, afkaarta, taariikhda iyo xusuusta. Maahmaah soomaaliyeed baa waxay tiraahdaa ‘Dundumo dareen iyo dugsasho ha isugu darin.’ Haddaba, dadku ma isku heli karaan in dhan ay saca u faanaan, dhanka kalena hilmaanka iyo farxadda ay ku cawryaan?!

Niitje waxay la tahay in xayawaanaadku ay leeyihiin awood ay dhakhso ugu illoobaan xanuunka iyo dhibka ku dhaca, hab-dhaqankaas oo dadku ilaa iyo hadda awoodi kari la’yihiin. Dadku waxay ku dheggan yihiin tagtada iyo taariikh ay soo mareen, arrinkaasina waxa uu dhaxalsiiyaa xanuun iyo murugo ay weligood la noolaadaan.

Farqiga u dhexeeya in waayaha iyo xusuusta (=taariikhda) xisaabta lagu darsado iyo in aan lagu darsan waa in la faraxsanaado iyo in aan la faraxsanaan. Noolayaasha dadka ka soo haray iyo carruurta yaryari waa farxad badan yihiin, sababta oo ah shalay iyo berri midna kama fekeraan. Ilmuhu maalinka uu barto labada eray ee kala ah: ‘waa baa waxaa jirey’ iyo ‘waxaa imaan doona’, maalinkaas baa farxad ugu danbaysa. Maxaa yeelay, maalinkaas waxaa u bilaamanaya in uu xusuus yeesho, xusuusta iyo taariikhduna waa cadowga farxadda iyo runta.

Qofka bani’aadamka ahi nafleyda kale waxa uu uga geddisan yahay inuu jiritaankiisa ogyahay. Waxa uu ogyahay in uu dhashay, in uu noolyahay iyo in uu dhimanayo. Inuu ogyahay in uu noolyahay iyo in uu dhimanayo, waxay ku bixiyaan in uusan ku qancin nolosha uu markaas ku sugan yahay, si kasta oo ay u wanaagsanaato ama ay u liidato. Aadmiga noloshu uma ah wax uu helo, balse waxay u tahay wax uu isugu sameeyo. Aadmigu ifka waxay u joogaan hawl. Laakiin waxaa lagu kala aragti duwan yahay: Waxa ay tahay hawsha ay ifka u joogaani???

Qofka bani’aadamka ah ee wacyiga leh waxaa isu celiya xusuusta waayihii soo maray iyo cabsida uu ka qabo timaaddada, waxayna ku keenaan walbahaar iyo farxad la’aan uusan jeclayn in dadka kale ay wajigiisa ka daalacdaan. Markaas buu qalbi aan qanacsanayn qosol been ah ka baaraa. Waana halkaas meesha ay ka soo burqadaan beenta iyo munaafaqnimada dadku ay nafleyda kale kaga soocan yihiin. Waayo, ma jiro noole aan dadka ka ahayn oo meel kasta iyo waqti walba been isku qulaamiya.

Akhristow, gabyaagii feylasuufka ahaa ee Abuu Calaa al-Macarri (973-1057) buuggiisa ‘Risaalat al-Gufraan /رسالة الغفران’, waxa uu ku xusay in gabyaagii carbeed ee Ibnu al- Qaarix oo maalin ka soo laabtay naarta, kuna sii jeeda jannada, uu dhexda kula kulmay aabbaheen Aadan nabadi korkiisa ha ahaatee, waraysi kooban oo sidaan soo socota u dhacayna uu labadooda dhexmaray:

Ibnu Qaarix: Aabbow waxaan jeclaan lahaa in maansooyinkii aad tirisay markii aad dunida joogtay aad qaar ii mariso.

Nebi Aadan: Maandhow ma xasuusto maansooyin aan tiriyey, una malayn maayo in aan gabyaa ahaa.

I.Q.: Aabbe waxaa suurogal ah in aad tirisay laakiin aad illowday, waayo hilmaanka ayaa kugu soo degdegi jirey, taana waxaa marag u ah aayadda quraanka ku jirta ee oranaysa “Dhab ahaan baan ula ballannay Aadan wuuna hilmaamay, kamana aan helin niyad adag /ولقد عهدنا إلى آدم من قبل فنسي ولم نجد له عزما”. Culumada qaarkoodna waxay ku doodeen in sababta insaan laguugu bixiyey ay ahayd in aad illow badnayd.

N.A.: Weligiin shiddo iyo waalid caasi baad la soo taagnaydeen! Markaan jannada ku jirey Af-carbeed baan ku hadli jirey, markii ifka la ii soo saarayna afkayga Suryaani baa laga dhigay, kolkii aan jannada ku soo noqdayna carabigii baa la igu soo celiyey, ee goorma ayaan tiriyey gabayadaan baas? If iyo aakhirose midkee baan ku tiriyey?

I.Q.: Kuwa siirada ku takhasusay qaarkood waxay ku doodeen in odaygii Yacrub ahaa ee carabta dhalay, uu gabayadaan helay iyaga oo ku qoran warqado af Suryaani ah, dabadeedna uu isagu Carabi u rogay. Gabayada ay wariyaan in aad tirisayna waxaa ka mid ah mid la sheegay in aad tirisay maalinkii Qaabiil uu Haabiil diley.

N.A.: Guullaan ku dhaartaye tixahaan maalinna ma aan tirin, sebankaygiina lama tirin, ee waxaa tiriyey kuwo idinka mid ah oo wax kale oo ay qabtaan garan la’aa, Ilaahay baan beentiinna iyo baadinimadiinna ka magan galay. Ilaahii idin uumay baad been ka sheegteen, oo aniga oo aabbihiin ah baad been iga sheegteen, oo hooyadiin Xaawo baad been ka sheegteen, idinkuna been baad isu sheegtaan!”

Haddaba, haddii ay jirto isdiiddo u dhaxaysa taariikhda iyo farxadda, su’aal meesha imaanaysaa waxay tahay: Dadku farxadda iyo taariikhda midkood ma ka maarmi karaan? Haddii lagu khasban yahay in midkood laga maarmose kee bay tahay in laga tanaasulo? Mase la heli karaa meel dhexe oo labadood mid kasta qayb looga heli karo? Wax intee le’eg baa loo baahan yahay in la hilmaamo, wax intee le’eg baase loo baahan yahay in la xasuusto si noloshu horay ugu socoto dhib yaraan? Aadmigu -qof iyo ummad labadaba- ma awoodaa inuu xasuusto waxa waxtarka u leh, isla kolkaana uu illooba waxa aan waxtarka u lahayn?

Ernest Renan oo ahaa indheergarad qoraal caan ah ka qoray mowduuca ummadnimadu, waxa uu ku taliyey in ay lagama-maarmaan tahay in ummaduhu qayb taariikhdooda ka mid ah ay illoobaan ama ay is illowsiiyaan ama xataa in ay been ka sheegaan. Ma jirto ummad dhexdeeda aysan ka dhicin falal foolxun oo utun reebay. Dadkuna inta ay xasuusan yihiin utunta dhaawacyada kala gaaray, si buuxda ummad caafimaad qabta uma noqdaan. Niitje oo isla arrinkaan qalinka ku adkeeyeyna waxa uu yiri: “Waa in la hilmaamo wixii tagay, haddii aan la doonayn in tagtadu ay noqoto midda qodda xabaasha taaganta /The past must be forgotten if it is not to become the gravedigger of the present.” Sidaa darteed, si ummaddu ay u noqoto mid midaysan oo si buuxda u wadajirta, waxaa khasab ah in marka hore ay illowdo dhacdooyinka foosha xun ee dhexmaray. Taariikhda iyo taariikh la’aanta, midiba mar buu si ugu wanaagsan yahay caafimaadka qofka, shacabka iyo dhaqanka.

Noloshu waxay u baahan tahay adeegga taariikhda, laakiin taariikhda oo si khaldan loo adeegsadaa waxay u daran tahay nolosha lafteeda. Taa awgeed, Niitje isaga oo ogsoon raadka taariikhdu ay ku leedahay qofka nool, isla markaana tixgelinaya in dadku aysan taariikhda iyo farxadda midkoodna ka maarmi karin, ayuu waxa uu xusay in taariikhdu qofka nool saddex dhan ka khusayso: waxay ka khusaysaa inuu yahay qof waxqabad iyo han leh, inuu yahay noole tagtada qiimeeya oo jecel inuu ilaaliyo, iyo inuu yahay noole dhibban oo xorayn u baahan. Dabadeed, Niitje isaga oo ka duulaya saddexdaas dhinac ee taariikhdu dadka ka khusayso ayuu waxa uu kala farqiyey saddex qaab oo taariikhda loo darso. Saddexdaas nooc ama dariiqo ee taariikhda ahina waxay kala yihiin:

1. Taariikhda taallooyinka ama buuraha (=monumental history), oo danaysa waxqabadka iyo hanka. Taariikhda taallooyinka ama buuraha waxaa daneeya dadka firfircoon ee hanka leh ee halganka adag ugu jira in ay dunida wax ka beddelaan, una baahan tusaalayaal hormuud ah oo ay ku daydaan (=role model), oo macallinnimo iyo qalbi qaboojin ay ka helaan.

Buurahaan ama taallooyinkaan badiba way adagtahay in ay ka helaan sebanka iyo deegaanka ay ku noolyihiin. Sidaa darteedna, waxaa dhacda in ay u baahdaan in waqti kale iyo dhul kale ay ka qaataan shakhsiyaadka ay tusaalaha ka dhiganayaan ee ay ku dayanayaan.

Taariikhda weyn ama taallooyinku waa in la isku dayo in lagu daydo dad waqti ama carri kale laga soo tobal-caaraystay, dhaxalkoodana laga dhaqan geliyo dhul ama waqti cusub. Taariikhda taallooyinka waxa ka dhasha in taariikhda u muuqato male’awaal oo la kala garan waayo xaqiiqo iyo khayaal midka ay tahay. Cilladda taariikhda noocaan ahi ay leedahayna waa in dadku noqdaan ‘halyey-caabud /hero- worship’, oo ay shakhsiyaddooda dhabta ah dhumiyaan, ayna meeldhexe ku soo dhacaan, lana mid noqdaan dawacadii la sheegay in ay socodkeedii ka tagtay kii nebigana aysan gaarin. Qofku muxuu macaashayaa marka uu shakhsiyaddiis lumiyo? Tagtadu tusaale iyo cibroqaadasho bay yeelan kartaa, laakiin ma habboona in la isku hawlo in sideedii dib loogu soo celiyo. Waayo, qof kasta iyo dhacdo walbaa waxay leeyihiin duruufahooda iyo astaamahooda u gaarka ah. Abwaankii Mark Twain waxaa laga hayaa inuu yiri: “Taariikhdu isma soo celiso, laakiin marar badan baa laxankeedu isu ekaadaa /History doesn’t repeat itself, but it often rhymes.”

2. Taariikhda qaddiimka ama ab-ka-soogaarka ah (=antiquarian history), oo ku saabsan u bogid iyo ilaalin. Dariiqada taariikhda ab-ka-soogaarka ah caadi ahaan waxaa daneeya dadka muxaafidka ah ee isbeddelka neceb, waana in qofka iyo bulshadu ay u khushuucaan sooyaalka iyo taariikhdii hore, ayna ku mintidaan ilaalinteeda, had iyo goorna si joogto ah gadaal loo eego meesha laga yimid iyo waxa awoowayaal laga dhaxlay.

Dadka taariikhda sidaan u qaata waxaa lagu metalaa in ay la mid yihiin dadka uruuriya walxaha dhaqanka iyo taariikhda laga dugsado ee matxafyada lagu kaydiyo.

Run ahaantiina, qofka iyo bulshaduba xaq bay u leeyihiin in ay ku faanaan, oo ay dhawrtaan dhaxalka ay dadkoodii hore ka soo gaareen. Sababta oo ah horay baa loo yiri: “Ruuxaan tagtadiisa aqoon taagantiisa ma fahmo, timaaddadiisana ma daryeelo.” Qofka iyo bulshada aan dhaqanka iyo taariikhda lahaynna waxaa lagu metalaa in ay la mid yihiin geed aan jirid iyo xididdo lahayn oo dabaysha u nugul.

Taa oo jirta, haddana ummaddu marka ay ku raagto gadaal eegidda, waxay halis ugu jirtaa in ay haadaan dheer ka dhacdo. Waayo, waxay ka mashquulaysaa eegidda taaganta iyo timaaddada, waxayna waayaysaa karti ay ku halabuurto wax cusub oo faca hadda jooga iyo kuwa mustaqbalka imaan doonaba anfaca. Noloshu waa safar joogto ah, tagtada iyo waxyaabaha qaddiimka ahina ma haqabtiri karaan baahida bulshada ee waagii beryaba wejiga cusub yeelata.

Sida dadka badankiisu ay la socdaanna, boqolkii sano ee la soo dhaafay, dadyowga muslimka ah -oo Soomaalidu ay kow ka yihiin- waxa si weyn ugu dhex faafay fikirka salafiga ah ee ku andacooda in xaaladda muslimiintu aysan hagaagayn jeer ay dib ugu noqdaan sidii Muslimiintu kun sano ka hor u noolaayeen (= ال يصلح آخر هذه األمة إال بما صلح به أولها). Waxaana la is moogaysiiyaa in dadka maanta nooli aysan wax badan la wadaagin duulka la doonayo in ay ku daydaan, oo ay sidoodii oo kale u noolaadaan. Iska daa duul kun sano ka hor dhulal kale ku dhaqnaaye, waxaa adag in aan u noolaanno sidii ay u noolaayeen soomaalidii 200 oo sano ka hor isla deegaankeenna ku noolaa.

Akhristow, adiga iyo awowgaagii/ayeydaadii afraad ama shanaad ma is fahmi kartaan, isku qaabse ma u noolaan kartaan? Waxaan filayaa in jawaabtu maya tahay, gaar ahaan qolyahayaga miyiga iyo noloshii reerguuraaga ka soo hayaamay.

3. Taariikhda naqdiga ama faaqididda (=critical history), oo iyaduna ku saabsan tirtiridda iyo xoraynta. Sida la ogyahana, erayga naqdi ama faaqidid waa mid laabta Niitje ay aad ugu riyaaqdo, oo ay ku ducaysato. Mar uu qodobkaan qalinka ku duugayna waxa uu yiri: “Dadku haddii ay rabaan in ay noolaadaan, waa in ay yeeshaan, oo adeegsadaan awoodda kala furfuridda iyo dhalaalinta qayb ka mid ah tagtada… iyada oo la horgeynayo maxkamadda, si hufanna loo baarayo, aakhirkana la eedaynayo.”

Hadafka taariikhda faaqididdu waa in tagtada la maxkamadeeyo, oo si fiican hubin iyo kala hufid loogu sameeyo. Halkaan waxa maxkamaddu raadinaysaa ma aha caddaalad, mana ah naxariis, balse waa u hiilinta nolosha iyo horumarka bulshada. Sida la ogyahayna, nolosha adduunyadu caddaalad ku ma dhisna. Sida Niitje uu buuggaan ku xusayna, wadaadkii Martin Luther ahaa waxaa laga maqlay inuu yiri: “Dunida waxaa la uumay ilbiriqsi Eebbe uu sahwiyey. Haddii Alle uusan sahwin lahaynna dunida abid lama abuureen.” Dadka dunida oo dhammina waxay isku waafaqsan yihiin in dunidu ay ku dhalatay xaalad la yiraahdo ‘Ma Dhammi’.

Danta taariikhda naqdiga laga leeyahayna waa in xaqiiqada cilmiga iyo noloshu aysan kala harin ee ay isla socdaan. Baarid iyo lafagurid kaddib, waa in xogaha taariikhda ee nolosha u daran daaqadda laga xooraa. Waxa waxtarka leh ee guusha noloshu u baahan tahayna la soo reebaa.

Niitje waxa uu qabay in saddexdaas nooc ee taariikhda ah dhammaantood uu aadmigu u baahan yahay, oo mid kastaa ay dhan waxtar ka leedahay, loona baahan yahay in si isu dheellitiran nolosha loogu wada adeegsado... Laakiin saddexdooda waxaa ugu sii muhiimsan midda saddexaad ee naqdiga ama faaqididda ku saabsan. Maxaa yeelay, waa lama huraan in la kala ogaado waxa la qaadanayo sax iyo qalad midka uu yahay, iyo dhib iyo dheef waxa uu leeyahay.Niitje waxa uu qabay in aadmigu uu yeelan karo awood uu usha dhexda uga qabsado, oo farxadda iyo taariikhda uu isugu miisaamo.

Si noloshu u noqoto mid lagu noolaan karo, waa in la isu dheellitiraa xusuusta iyo hilmaanka, farxadda iyo taariikhda, oo marka xusuusta loo baahan yahay wax la xusuustaa, kolka illowgu fiican yahayna wax la illoobaa.

Waa in lagu noolaadaa marxalad u dhaxaysa xayawaanka iyo wacyiga ama ogaalka joogtada. Waa xaaladda Niitje uu u bixiyey ‘Awoodda Balaastiga /Plastic Power’, taas oo ah in la helo awood soo kabasho, oo mar laga caafimaadaa xaaladda xayawaanka ee feker la’aanta, marna laga bogsadaa xusuusta joogtada ah, oo loo dhaqmaa sida dhallaan labo jir ah oo iddiis bogtay, oo adduun iyo aakhiraba khabar-maafish ka ah. Haddii si kale loo yiraahdo, awoodda balaastigu waa in la helo marxalad u dhaxaysa marxaladda wacyiga tagtada iyo timaaddada ee taariikhda la daneeyo [=historic] iyo marxaladda xusuus la’aanta ee waqti xaadirka oo kaliya lagu noolaado[=unhistoric].

Ka rog oo haddana saar, Niitje waxa uu ku dooday in Jarmalka -iyo ummado kaleba- ay la ildaran yihiin xummad iyo xanuun uu u bixiyey ‘qandhada taariikhda ee dilaaga ah,’ oo keeni karta in ummadu ay burburto. Waxa uu sheegay in taariikhda oo si xun loo fahmaa, loona fasiraa ay tahay cudur sheydaan xumi uu keeno. Sida dad badani ay ka war qabaanna, Niitje ma rumaysnayn jiritaanka wax sheydaan la yiraahdo oo nafta aadamiga ka baxsan. Maxaa yeelay, barqo cad ayuu meel fagaare ah waxa uu uga dooday oraahdiisa caanka ah ee tiraahda: “Ilaah waa dhintay, wuxuuna ahaanayaa mid dhintay. Annaga ayaana dilnay / God is dead, and remains dead. And we have killed him.” Ruux Alle dilayna sheydaan uma daahayo, waayo sida dadka qaarkood ay ku doodaan fikradaha ‘Ilaah’ iyo ‘sheydaan’ waa labo waji oo lacag qur ahi ay leedahay, oo sina uma kala haraan.

Sidaas awgeed, Niitje marka uu leeyahay taariikhdu waa cudur sheydaan keeno, kama uu wado sheydaanka diimuhu sheegaan, balse waxa uu ka wadaa fahanka qaldan ee haddana isla qumman, ee sida liidata ee nolosha u daran taariikhda u tebiya ama u falanqeeya. Waana iyada la yiraahdo ‘si xun wax u sheeg sixir ka daran’.

Waxaana baraarujin mudan, in marka Niitje uu erayada kor ku xusan ku qaylinayey, ay ahayd goor uu u kuurgalay in dadka Jarmalka iyo guud ahaan Yurub ay ku yaraadeen dadka dhab ahaan Eebbe u rumaysani. Sidaas oo ay tahayna ay weli buuxdhaafiyaan kaniisadaha iyo xarumaha cibaadada, ayna iska yeelyeelaan in ay caabudayaan İlaah aysan rumaysnayn.

Taas oo ay ugu wacnayd cabsida cadaadiska bulshada iyo hubanti la’aanta qabriga ka danbaysa oo aysan weli si buuxda uga quusan [Sida la ogyahayna, nuxurka diimuhu ku taagan yihiin waa isbahaysiga labada dareen ee kala ah damaca iyo baqdinta (=Desire and dread /الرغبة والرهبة)]. Xaaladdaasina Niitje waxay ula muuqatay munaafaqnimo cad. Akhristow ma kula tahay in Soomaalida, khaasatan siyaasiyiinta, wadaaddada iyo ganacsatu ay musuqa, qabyaaladda, iyo xaaraan ku naaxidda ay ku mabi lahaayeen haddii ay Alle iyo aakhiro u rumaysan yihiin sida afka laga sheego ama maalin walba la isku wacdiyo. Xildhibaannada, wasiirrada iyo saraakiisha ciidamadu doollarka ma ka doorbidi lahaayeen Quraanka ay ku dhaarteen haddii ay dhab ahaan u aamminsan yihiin in dhaarta kitaabku ay shaqaynayso, oo ay qabanayso.

Niitje waxa uu ku dooday in dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha ay ardaydu ku bartaan: muxuu dhaqanku yahay? Laakiin aysan ku baran: maxay noloshu tahay? Ardaydu dad hore bay wax ka bartaan ee nolosha wax kama bartaan. Dhallinyarada maskaxdooda waxaa laga dhaamiyaa xog xad dhaaf ah iyo fikrado laga qaatay ummado waqti fog dunida ka tagay, waaqica dhabta ah ee lagu noolyahayna wax badan kama bartaan. Ardaydu akhrinta buugta baalasha jaallaha ah leh bay kaga habsaamaan ku xirnaanta xoolaha, beeraha, warshadaha iyo dabeecadda. Sida dad badani ay xog ogaal u yihiinna, qodobkaani waa cilladda hadda haysata waxbarashada Soomaaliya ka jirta.

Si looga hortago khatarta cudurka taariikhda, Niitje waxa uu ku taliyey in sayniska iyo taariikhda loola dhaqmo sida fan tayadiisu sarrayso. Fanka tayada sare lihi waxaa uu keenaa in dadku ay fekeraan, oo ay isweydiiyaan su’aalo aqoonta iyo nolosha labadaba waxtar u leh. Tusaale ahaan, in badan oo ka mid macallimiinta jaamacadaha ka dhiga maaddada taariikhda, waxaa ka saamayn badan dadka qora riwaayadaha ama sameeya filimaanta taariikhiga ah. Sababtuna waxay tahay in riwaayadaha iyo filimaantu ay leeyihiin xiiso dareen iyo nolol abuura. Aqoonta iyo ilbaxnimada nolosha u rooni waxay u baahan yihiin run cad, xataa marka runtu ay kharaar tahay. Runta ayaa ah midda u adeegta aqoonta, fanka, ilbaxnimada iyo nolosha.

Niitje dowlad, dimoqoraadiyad iyo xuquuqu insaan midna ma uu danayn jirin. Waxa uu danayn jirey waxa uu ahaa in la helo qof qaayo weyn leh, oo xanbaarsan dhaqan sare oo nolosha u hiiliya. Sida uu ku doodayna, qofka iyo dhaqanka caynkaas ah waxaa lagu gaari karaa in la helo barbaar ku hubaysan run, geesinnimo iyo karti. Weydiin meesha ku jirtaana, waxay tahay: Sidee baa lagu heli karaa qofka iyo dhaqanka weyn ee Niitje uu raadinayey, iyada oo xisaabta lagu darsanayo sinnaa, caddaalad iyo xuquuqu insaan aadmiga oo idil ay u siman yihiin?

Niitje waxaa uu deedifeeyaa fikradda sheegaysa in taariikhda loo derso si dhexdhexaadnimo iyo xaqsoor ay ku jiraan (=objectivity /الموضوعية). Wuxuuna ku dooday in dhexdhexaadnimadu aysan macne samaynayn haddii aysan nolosha u gargaarayn. Waxayna la tahay in taariikhdu ay had iyo goor u adeegto kuwa itaalka leh. Hawraar caan ahina waa iyada tiraahda: ‘Taariikhda waxaa qora kuwa guulaysta /History is written by the victors.’ Weydiin muddo dheer la isweydiiyaana waxay leedahay: taariikhdu ma noqon kartaa cilmi si buuxda dhexdhexaadnimo ugu dhisan?

Waxaase xusid mudan, in ku talax-teggidda adeegsiga xaqsoorka iyo dhexdhexaadnimada Niitje uu ku eedeeyey taariikhyannada Jarmalku aysan ahayn mid Soomaalida khusaysa. Waayo, Soomaalida si taa caksigeeda ah, waxaa imtixaan ka haystaa ilaalinta xaqsoorka iyo dhexdhexaadnimada, oo nolosha iyo aqoonta labadaba xaqsoorka waa ka fogaannaa. Gaar ahaan, xarumaha waxbarashada iyo cilmibaaridda dhexdhexaadnimada si weyn baa loogu xad gudbaa. Waana hubaal, in Niitje uu amakaag u dhiman lahaa haddii uu arki lahaa xaaladda Soomaali ahaan aan hadda ku sugannahay.

Metelan, meelin dhaweyd waxaan ogaaday in jaamacadaha Soomaaliya ku yaal middood, ay arday shahaado ku siisay isla dhigaal wiil Soomaali ahi uu muddo fog jaamacad waddamada Galbeedka ku taal shahaado uga qaatay. Wiilka shahaadada jaamacadda Soomaaliya ka qaatay qoraalka hore ka ma uu baddelin waxaan ka ahayn inuu magaciisa ku qoray halkii ardayga kale magaciisu uu ku qornaa, iyo dabcan magaca jaamacadda. Markii aan arrinkaas ogaadayna waxaan isweydiiyey:

sidee bay ku dhacday in xatooyada intaas le’eg aysan u arag macallinkii ardayga kormeeraha ama la taliyaha u ahaa iyo macallimiintii ardayga imtixaanay? Miyaan midkoodna mowduuca uu ardayga ku kormeerayo ama ku imtixaanayo uusan xog ogaal u ahayn? Mise waxa oo dhammi macne ku ma fadhiyaan? Kaaga daranta, qoraalka la dhacay waa mid ilaa xad caan ah, oo qaar badan oo ka mid ah Soomaalida wax akhriyaa ay ugu yaraan cinwaankiisa arkeen. Xilkasnimo darrada intaas le’eg aqoon ma laga dhaxli karaa?

Halkaa marka ay marayso, waxaa loo baahan yahay in la ogaado in nuxurka buugga Niitje uusan ahayn in la dhayalsado ahmiyadda wacyiga taariikhiga ah, balse si taa lidkeed ah, ulajeeddadu waa in la xoojiyo muhiimadda wacyiga taariikhiga ah ee caafimaadka qabaa uu u leeyahay fayo-qabka iyo firfircoonida dhaqanka iyo nolosha bulshada. Taas baana ugu wacan qaylodhaanta culus ee uu kala hortagey khataraha ka dhalan kara marin habaabinta taariikhda.

Casharka ugu muhiimsan ee doodda Niitje laga qaadanayaa waa in dhacdooyinka taariikhda lagu akhriyo maan garasho iyo xikmad ku qalabaysan, iyo in nolosha laga jeclaado halkii geerida laga jeclaan lahaa, aqoontuna ay noqoto mid nolosha u adeegta, la iskana caabbiyo wax kasta oo caqabad ku noqonaya horumarka iyo baraaraha qofka iyo bulshada, aadmigana loo adeego halkii Alle loo adeegi lahaa -waayo Alle waa qani qaadir ah oo cidna aan adeeg uga baahnayn.

Beri baa nin qaali ah

Qoonkuu la noolaa

Qowlka uu yiraahdaba

Haddii uu quraan yahay

Ay ka qaadan waayeen! (Cabdullaahi Diiriye Sooraan ‘AUN’)

Ugu danbayntii, dhallinyarada Soomaaliyeed ee culuumta bulshada barta, siiba kuwa taariikhda barta waxaan kula talinayaa akhrinta buugyarahaan.

Inkasta oo buugta Niitje lagu sheego kuwo u baahan ruugid dheefshiidka iyo fahanka fududaysa, haddana ilaa xad buuggaani waa ka duwan yahay, oo waa mid maalin kaliya si sahlan looga laaci karo, walow dhuuxiddiisu waqti intaas ka badan ay u baahan tahay. Waxaana la sheegay in akhrinta dhigaallada Niitje ay la mid yihiin sida ruux ku laabtay balwad uu horay u lahaan jirey oo si adag u qabatay, kuna noqota sun qaddiim ah oo dilaa ah (=the old fatal intoxication). Mar walba dhigaallada Niitje waxaa loogu tagaa kaftan, run, ammaanta awoodda iyo nolosha, beeninta jiritaanka xaqiiqo caalami ah, in qofka aadmiga ahi uu yahay mid u taagan kartina u leh inuu naftiisa iyo deegaankiisaba baddelo, dhiirranaan, isku dhex-yaac iyo waalli cas. Waana tii la yiri: ‘Xikmadda kala baxa afka kuwa waalan /خذ الحكمة من أفواه المجانين’.

Comments