Nimaan hadlin hooyadi qadisay

Buugta Islaamka sida kuwa tafsiirka quraanka iyo kuwa xadiisku waxay tebiyaan in haweenay saxaabiyad ahayd oo la oran jirey Ummu Camaara al-Ansaariya ay maalin nebiga (csw) u timid oo ku tiri: "Waxaa ii muuqda in raggu wax walba qaateen, haweenkana aan waxba lagu xusin?/ ما أرى كل شيء اال للرجال وما أرى للنساء شيئا؟”. Markaana waxaa soo degtay aayadda 35-aad ee suuradda al-Axsaab ee oranaysa: "Ragga Muslimiinta ah iyo haweenka Muslimaadka ah, ragga mu’miniinta ah iyo haweenka mu’minkaadka ah …Eebbe wuxuu u darbay denbi dhaaf iyo ajar weyn / نِإِإ ًرا َعَعِظِظيًمًماجِفِف َرة َو َأ ْغ َم ْْمِم َنات ... َأَعَعَّدَّد هَّللاهَّللا َلُهُه ْْؤُم ْْلِم ِنيَنَن َوا ْؤُم ْْلِل َمات َوا ْ ُملِل ِميَنَن َوا ْ ُملا ْ". Wixii maalintaa ka danbeeyeyna aalaaba quraanku marka uu ragga xuso dumarkana waa raaciyaa.

Wadaaddaduna marka ay dadka wacdinayaan haweenaydaan Ummu Camaara waxay ku tilmaamaan in ay haweenka u doodday, oo xaq u soo dhicisay. Qaarkoodna waxayba ugu yeereen naynaasta “haween xorayso /محررة المرأة”.

Haddaba, haddii lagu dhiirraday in nebiga la la hadlo, oo wax la weydiiyo, maxaa diiday in wadaadka Soomaaliga ah wax la weydiiyo, oo weliba haweenka ay xuquuqdooda sida fudud ugu tuntaan ay wax weydiiyaan???

Taariikhda aadanuhu waxay na baraysaa in dhammaan kacdoonnadii guulaystay ee isbeddelka keenay ee dunida soo maray ay ahaayeen kuwo haweenku kaalin firfircoon ka qaateen. Kacdoonkii Islaamka ee nebi Muxamed uu hoggaaminayeyna kuwaas kama uu duwanayn, oo ma uu guulaysteen haddii uusan garab ka helin boqollaal iyo kumanyaal haween ah oo Khadiijo bintu Khuweylid ay ugu horrayso. Soomaaliduna guul iyo horumar gaari mayso inta kaalinka haweenka la quursanayo, xorriyadda iyo istikhyaarkana laga qaadayo.

Bulshadu isku si bay ugu baahan tahay adeegga haweenku ka hayaan guryaha gudahooda iyo kan ay ka qabtaan aqallada bannaankooda - sida kan ay shaaha iyo yaanyada milicda qorraxda u la taagan yihiin.

Comments