Nolol waa isbeddel
Lawrance Carab ayaa mar waxaa la weydiiyey sababta uu saxaraha (=lamadegaanka) u jecelyahay? Wuxuuna ku jawaabay "Waa nadiif /It's clean."
Nolosha waxa dhadhanka iyo macnaha u yeelaa waa isbeddelka, oo aadanuhu xaalad qura kuma uu qanco. Ruuxa ku nool saxaruhu wuxuu xiiseeyaa kaymaha doogga badan, kan ku nool kaymaha cagaaranna wuxuu u buseelaa saxaaraha. Maalinta lama jeclaysteen haddii aan habeen jirin, raaxada lama raadsheen haddii aan xanuun laga baqayn, gu'ga looma xiiseen haddii aan jiilaal la arag, dhalashadana laguma farxeen haddii aan dhimasho la aqoon.
Noloshu si joogto ah bay isu beddeshaa, oo wax xaalad qura ku sugani kuma uu jiro. Sagaalkii bilood ee aan uurka hooyadeen ku jirney aad baan isu dhalan rogeynay, dhalashadeenna iyo dhimashadeenna inta u dhaxaysana daqiiqad kasta waan isbeddelnaa. Koonka oo idil baana sidaa isu beddela, oo dad iyo duunyo, bad iyo berri, cir iyo dhul, walax walba isbeddel baa ku socda. Maalin walba xiddigo baa dhasha, kuwana waa dhintaan. Waxaa dhici kara in xiddigga dhacay uu malyan sano jiro, laakiin malyankaas sano xaalad qura kuma uusan sugnayn ee si joogto ah buu isu dhalan rogayey
Dhibka aadanaha qabsada xooggiisu wuxuu ka dhashaa diidmada isbeddelka. Waxaan rabnaa in arrimuhu ay sidooda iska ahaadaan. Waxaan raadinnaa wixii aan arki jirney iyo wixii aan awoowayaal ka soo gaarnay. Wiilka gabar caashaqaa, berri buu wuxuu raadiyaa isla gabadhii uu shalay calmaday oo aan waxba iska doorin. Waana halkaas meesha dhibka iyo murugadu ay ka bilowdaan.
Sida runta ah, dadku isbeddelka waa jecel yihiin, laakiin sidoo kale waxay jecel yihiin in ay ku mitidaan waxa ay haystaan ee naftoodu ay la qabsatay. Taasina suurogal ma ah, oo isbeddel imaan mayo iyada oo lagu dhegen yahay wixii horay loo haystay. Waayo, sida la ogyhay, cadka in la cuno iyo in la haysto la iskuma heli karo. Si bulshadu ay isbeddelka u oggolaatana, waa in marka hore uu isbeddel ku yimaado sawirka ay koonka ka haysato iyo kan ay nolosha ka aamminsan tahay. Waa in kacdoon ku dhaco qaabka ay u fekerto, waxna u qiimayso. Waa in uu ku yimaado kacdoon xagga aqoonta iyo dhaqanka ah, oo ay weydiimo hor leh iska weydiiso afkaarta waaweyn ee ku xeeran aadanaha iyo timaaddadiisa sida; waa maxay noloshu? Waxa maxay diintu ama iimaanku? Iyo waa maxay dowladnimadu? Si fikradahaas looga doodi karana, waa in meesha laga saaraa doodaha dadka lagu cabburiyo sida hebel ama heblo waa qaran dumis, hebel ama heblo diinta ayay ku jeesjeesayaan iyo kuwa kale ee la midka ah.
Ku Allahoode, waxay wariyeen in mar ay murmeen nin xerow ahaa iyo gabar uu dhalay, iyaga oo uu la joogo shiikhii xerowga macallinka u ahaa. Muranku wuxuu ka dhashay wadaadka xerowga ah oo ku adkaysanayey in gabadhu ay u hoggaansanto xeerarka diintoodu ay ka dejisay doorashada ninka ay guursanayso.
Shiikhii xerowga macallinka u ahaana wuxuu si cad u taageeray mowqifkii gabadha. Xerowgii oo yaabayna shiikhiisa wuxuu weydiiyay: Sidee bay ku dhici kartaa in caalim adiga oo kale ahi uu oggolaado in la garab maro xeerarka kutubta diinta lagu xusay?
Shiikhii wuxuu yiri: "Waa in aad garato in noloshu ay la mid tahay muusikada, dareenka dadkuna uu saameeyo in ka badan inta qawaaniinta iyo xeerarku ay saameeyaan."
Cidda doonaysa in lagu noolaado nolol aan isbeddel lahayni, waa cid raadinaysa wax aan suurogal ahayn. Isbeddelka oo la diidaa, waa nolosha oo la diidayo. Kolka isbeddelka la oggolaado ayaa wareerka iyo walbahaarka laga guulaysanayaa.

Comments