Noloshu waa xaj, xajkuna waa nolol!

“Kuwa xajiyaa waxay ku dawaafaan kacbada waxayna weydiistaan waarid, kuwa maxabbadu haysaana waxay ku dawaafaan carshiga waxayna codsadaan kulan (=kulanka Alle)/ إن أهل الحج يطوفون حول البيت فيطلبون البقاء، وأهل المحبة يطوفون حول العرش يطلبون اللقاء” Abu Yasiid al-Bastaami

Ku Allahoode, waxay wariyeen in suufigii weynaa ee Abu Yasiid Bastaami (804-874) uu mar Maka  xaj u aaday. Hase ahaatee, dhawr casho ka dib la arkay isaga oo soo noqday. Kolkii la weydiiyey sababta uu durba la soo guryo noqdayna, wuxuu sheegay dhacdadaan soo socota.

“Markii muddo saddex maalmood ah aan lama-degaanka ku safray baa waxaa igu soo baxay oday duq ah oo i weydiiyey meesha aan u socdo?”

“Maka ayaan xaj ugu socdaa,” baan ugu jawaabay.

“Kharash intee le’eg baad xajkaaga u qorshaysay?”

“Labo boqol oo dirham.”

“Lacagta aniga i sii, waxaan ahay waayeel sabool ah oo reer leh. Marka aad lacagta i siisana toddobo jeer igu dul wareeg. Sidaas baana xajkaagu ku dhan yahay. Kacbadu waa guri Eebbe, aniguna waxaan ahay abuur Alle. Kacbadu waa dhagax, aniguse waxaan ahay ruux dhagaxa ka mucjiso badan.”

“Sidaas baan yeelay, oo inta lacagtii siiyey baan gurigayga ku soo laabtay.”

Aadanuhu kumanyaal sano ayuu runta raadinayey. kolkii afka la hindisay, aadanaha waxaa u suurogalay in uu si wanaagsan u xiriiro, oo uu farriimo isu tebiyo, baahidiisana iska waraysto. Sida la qiyaasayo, marxaladdii hore aadanuhu wuxuu ku mashquulay haqabtiridda baahidiisa maaddiga ah ee gasiinka, hoyga iyo hu’gu ay ugu horreeyaan. Laakiin goor danbe, wuxuu dareemay baahi ruuxi ah, wuxuuna bilaabay in uu ka fekero meesha uu ka yimid iyo halka uu ku danbayn doono. Wuxuuna aamminay in ay jirto awood sare oo laga yimid, loona noqon doono. Wuxuuna bilaabay in uu isku qanciyo in nolosha tan ugu wanaagsani ay tahay midda abuuraha lagu baadigoobo.

Maxay wadaagaan Maka (Muslimiinta), Qudus (Yahuudda, Kirishtanka iyo Muslimiinta), Banares (Hinduusta), Sarnath (Buudida), Amritsar (Siikha),  Kumano Kodo (Shintaha iyo Buudida), Camino de Santiago, Dhabbada Inka (=Inca Trail) iyo meelo kale oo badani?

Meelahaan iyo kuwo kale oo badan, oo daafaha dunida ku kala baahsani waxay wadaagaan in ay yihiin meelo dad badani ay u xaj tagaan. Meelahaani, inkasta oo ay kala durugsan yihiin, diimo kala geddisanna ay metalaan, haddana aalaaba dareenka iyo rajada dadka tagaa waa isku mid.

Xajku waa tajribo aadanuhu uu wadaago, tan iyo taariikh fog buuna qayb ka ahaa diimaha iyo ruuxaaniyaadka kala geddisan ee dadku ay rumaysan yihiin. Magaalooyin iyo waddooyin badan oo maanta dunida ka jirana aasaaskoodii hore waxaa u sabab ahaa jiritaanka mawlacyo iyo meelo loo xajiyo. Laakiin, su’aasha isweydiinta u baahani waxay tahay: Maxaa loo xajiyaa? Maxaa dadka ku bixiya in ay ka tagaan degalladooda iyo noloshooda caadiga ah?

Dadka xajinaya marka la weydiiyo, “Maxaad u xajinaysaa?” aalaaba waxay ku jawaabaan “Waa la ii yeeray.” Haddaba, yaa u baaqay dadka tirada badan ee iyaga oo kala af, diin iyo dhaqan ah u xajiya meelaha faraha badan ee dunida oo dhan ku kala firirsan?

Erayga ‘Xaj’ af ahaan waa safar meel loo qasdiyo. Eraybixin ahaanna, waa sadcaal lagu aado meel loo arko in ay barakaysan tahay. Dadku sababo kala geddisan bay u safraan. Waxaa jira dad sahamiyeyaal ah oo doonaya in ay helaan wax cusub oo aan looga horrayn. Sidoo kale, waxaa jira dad xiiseeya in ay arkaan wax indhahooda ku cusub, sidaasna u safra.  Sidoo kale, waxa jira dalxiisayaal dantoodu ay tahay tamashlayn iyo in ay naftooda maaweeliyaan. Laakiin ujeeddada xajku intaas oo dhan waa ka geddisan tahay.

Xajku waa sadcaal dadka diimaha iyo ruuxaaniyaadku ay meelo kala duwan ku tagaan, falal kala duwanna ku sameeyaan. Dadku inkasta oo ay ku kala geddisan yihiin sawirka Eebbe laga bixinayo, haddana kuma kala duwana baahida ruuxiga ah iyo baryada Alle. Danta ugu weyn ee xajka laga leeyahay waa in la gaaro wax maqan oo loo hiloobay. Waxa maqan ee la raadinayaana wuxuu noqon karaa raallinimada Rabbi ama ruuxda qofka qudhiisa -Alle iyo abuurku maxay kala yihiin?.

Dadka xajiya badankoodu waxay raadiyaan xasillooni nafsadeed, denbi dhaaf iyo raalli noqoshada rabbigooda(=المعشوق الأكبر), laakiin dhanka kale waxaa jira dad xajkooda aan ajar ka raadin, balse ujeeddadoodu ay tahay in ay naftooda ku qanciyaan, oo ruux iyo wacyi cusub ay ka helaan – waa sida ay iyaga la tahaye (Waxaa la hillaadinayaa in dunida casriga ah uu ku badanayo xajka calmaaniga ah ee aan taqwo darteed loo samayn, ajarna laga raadin, balse lagu raad joogo taariikh, dhaqan, fan iyo ilbaxnimo hore oo la doonayo in si un qayb looga noqdo).

Xajku waa tajribo cajiib ah oo dadka ku reebta saamayn weyn. Tusaale ahaan, dhigaallada taariikhdu waxay xusaan in dalka Yukreyn uu ku dhaqnaa dadweyne haysta diin dhaqameedyo badan oo ay awoowayaashood ka dhaxleen, uuna xukumay boqor la oran jirey Falaadamiir. Dabshidkii 988kii, Falaadmiir wuxuu magacaabay guddi culumo ah oo uu u xilsaaray in ay u diyaariyaan warbixin ku saabsan diimaha, wuxuuna kula dardaarmay in ay si gaar ah baarid ugu sameeyaan saddexda diimood ee Samaawiga/Ibraahiimiga ah -Yahuudiyadda, Kirishtaanka iyo Islaamka.

Guddigu muddadii ay warbixinta diyaarinayeen, waxay booqasho ku tageen matxafka Xaajiyo Soofiya (= Hagia Sophia) ee magaalada Istanbuul oo xilligaas ahaa kaniisad, laakiin goor dambe masjid loo rogay. Guddigu warbixintii ay boqorka siiyeen waxay kaga hadleen dhismaha Xaajiyo Soofiya, waxayna ku yiraahdeen: “Annagu garanmayno in aan jannadii tagnay iyo in aan ifka joognay, maxaa yeelay waxaan hubnaa in qiimo iyo qurux tan oo kale ah aan dunida laga heli karin. Kuuma sifayn karno; laakiin waxa qura ee aan ognahay, waa in halkaas Eebbe uu aadanaha la deggen yahay, iyo in waxqabadkoodu uu ka sarreeyo/ We knew not whether we were in heaven or on earth, for surely there is no such splendor or beauty anywhere upon earth. We cannot describe it to you; only this we know, that God dwells there among humans, and that their service surpasses.”

Boqor Falaadamiir markii uu warbixinta dhegaystay, wuxuu go’aansaday in uu qaato diinta Masiixiga, halkaasna waxaa ka bilowday in dadka reer Yukreyn iyo guud ahaan Ruushku ay qaataan Mad-habta Ortodoksiga ee diinta Masiixiga. Arrinka oo dhanna waxaa u sabab ahaa booqashadii guddigu ay ku tageen Xaajiyo Soofiya iyo saamayntii ay naftooda ku yeelatay.

Xajku waa dhalasho iyo nolol cusub. Qofka xajiyaa wuxuu aamminaa in uu joogo meel uu Alle u dhaw yahay, wuxuuna dareemaa farxad iyo in ilaahiis uu ka raalli noqday, wanaagna uu la kulmayo. Qofku wuxuu aamminaa in uu haysto fursad uu ku xuubsiibto, oo uu ku helo naf iyo ruux cusub oo ka duwan tii uu lahaa xajka ka hor. Wadaadkii Jalaaludiin Ruumi (1207-1273) wuxuu oran jirey: “Waxaan ahaan jirey ceeriin, dabadeed waa la i kariyey, haddana waan holcayaa” (=I used to be raw, Then I was cooked, Now I am on fire). Xajkana waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay tajaaribta waaweyn ee ruuxda dadka bisleeya. Xadiis nebiga laga wariyaana waa kan yiraahda: Qofkii xajiya isaga oo aan xumo samayn, wuxuu noqdaa isaga oo xalay dhaley ah (=من حج، ولم يرفث، ولم يفسق، رجع كيوم ولدته أمه).

Ujeeddada xajku waa in qofku naftiisa beddelo, oo uu yeesho ruux iyo dhaqan ka wanaagsan kii uu lahaa xajka ka hor. Waxaa la wariyey in suufigii Shiikh Abuu Bakar al-Shibli (861-946) uu mar nin xertiisa ka mid ahaa oo xajka u socday uu ku yiri: “Si dhab ah ma u niyaysatay in aad xajido?”

Xerowgii: Haa, waa u niyaystay.

Shiikh Shibli: Markaad sida dhabta ah u niyaysatay in aad xajido, si taa la mid ah ma u go’aansatay in aad iska deyso dhammaan wixii aad samayn jirtey tan iyo dhalashadaadii ee ku lidka ah ruuxda xajka?

Xerowgii: Maya, ma aan go’aansan.

Shiikh Shibli: Haddii xaalku sidaa yahay weli ma aad niyeysan in aad xajido. Midda kale, markii aad xajka niyeysanaysey jirkaaga ma mayrtay, mase weesaysatay?

Xerwogii: Haa sidaas baan yeelay oo waa mayrtay, waana weeso qaatay.

Shibli: Markii aad qubaysanaysey ee aad jirkaaga mayraysey, si taa la mid ah naftaada ma uga nadiifisay shar iyo xumaan oo dhan?

Xerowgii: Maya, ma hubo in aan sidaa yeelay.

Shibli: Haddaba naftaada ma aadan daahirin. Dhanka kale, kolkii aad dharka ixraamka xiranaysay ma iska bixisay dharkaagii hore?

Xerowgii: Haa, waa iska tuuray.

Shibli: Markaad dharka iska bixinaysay ma ballan qaadday in aad ka xoroobayso wax kasta oo Alle ka soo haray?

Xerowgii: Maya, ma aan ballan qaadin.

Shibli: Haddii arrinku sidaa yahay iskama aadan bixin dharkaagii hore!

Ma jirto cid caddayn karta in dadka xajiya uu Eebbe ka raalli noqday, oo ay wanaag la kulmayaan, laakiin waxaan la isku diiddanayn in aalaaba qofka xajiyaa uu naftiisa ka raalli noqdo, isla markaana bulshadiisa uu kaga mutaysto magac iyo maamuus. Arrimahaasina -ugu yaraan qayb ahaan- waa kuwa dadka ku bixiya in ay u bareeraan dhibka xajka -(siiba dunidii hore ee xajka dhibka badan lagala kulmi jirey, qofka xaj aadana loo arki jirey in uu dhintay, kan ka soo noqdana sidii in uu dib u dhashay).

Si kastaba ha ahaatee, dadka kala haysta diimaha kala duwan, qolo waliba waxay u haysataa in meesha keliya ee barakaysan ee loo xajin karaa ay tahay meesha diintoodu ay sheegtay, tolkoodna ay u xajiyaan, wixii meeshaas ka soo harayna ay yihiin khuraafaad in lagu danbaabo mooyee aan wax laga dheefayn.

Guud ahaan, xajku -meel kasta oo loo xajiyo- waa sadcaal saamayn badan, oo ruuxa ku reeba farxad iyo rajo aan la koobi karin. Sidaas oo ay tahay, haddana ma jirto qolo ummadaha kale ka dhaadhicin karta in meesha iyagu ay u xajiyaani ay tahay tan qura ee Eebbe uu aqoonsan yahay, ee ajarka iyo barakada laga helayo. Sida dhabta ah, dadku badanaa waa hubaan walxaha xarumahooda xajku ay ka samaysan yihiin -ciid, dhagxaan, dhir, biro iyo walxo kale- laakiin xaqiiqo ahaan uma oga barakada iyo karaamada lagu sheego. Barakada iyo karaamadu waxay ku xiran yihiin rumaynta qofka iyo bulshada. Haddii qofka iyo bulshadu ay aamminaan in walaxi ay barako iyo karaamo leedahay, barako iyo karaamo ayay yeelanaysaa, haddii ay iska dhaadhiciyaan in ay xuntahayna shar socda bay noqonaysaa. Walxuhu waxay yeeshaan saamayn u dhiganta hadba fikradda laga aammino. Waana iyada la yiraahdo: “Maankayaga ayaa wax walba sameeya /Our mind makes everything.” Markaan rumayno in walaxi ay muqaddas tahay, waxaan aragnaa iyada oo muqaddas ah oo karaamo leh.

Sida la sheegay, waa waayaha ka mid ah, ayaa ganacsade Shiinays ahi wuxuu go’aansaday in uu safar shaqo ugu kicitimo magaalo dhulkiisa ka mid ah. Kolkii ganacsadaha hooyadiis ay maqashay meesha wiilkeedu u socdo bay waxay xasuusatay in magaaladaas uu ku yaal mawlac lagu kaydiyey lafihii Shakyamuni Buuda – Waa sida Buudidu ay rumaysan yihiin e. Sidaa darteed, hooyadu wiilkeeda waxay ka codsatay in uu halkaas wax lafo ah uga keeno.

Ninkii magaaladii buu tagay, safar shaqo oo wanaagsan buuna ku qaatay, laakiin markii uu ku soo noqday magaaladiisa ayuu xusuustay in uu illoobay adeeggii hooyadiis ay u dirsatay. Nasiib wanaag, meel agtiisa ah ayuu wuxuu ku arkay laf ey, laftii eyga buu qaatay, inta nadiifiyey buu wuxuu ku dahaaray maro qurxoon, wuxuuna la aaday gurigiisa.

Durba markii uu guriga galay ayaa hooyadiis waxay weydiisay in uu wax raad ah uga keenay magaaladii uu tagay. Wuxuu u dhiibay laftii marada qurxoon ku jirtey, islaantii waayeelka ahayd farxad iyo raynrayn bay la kala badatay. Isla markiiba waxay ku orodday suuqa dahabka, waxayna ka soo iibsatay santuukh yar oo dahab ka samaysan oo ay ku ridday lafta barakaysan, waxayna dhigtay meel ku beegan qibladda ay u tukato. Muddo gaaban gudaheed, dadkii deriska ahaa iyo magaaladii oo dhan baa ka war helay xogta ku saabsan lafta Buuda ee barakaysan. Idil ahaantoodna waxay yimaadeen guriga xaajiyadda si ay u arkaan, una barakaystaan lafta muqaddaska ah. Kolkii gurigu uu qaadi waayey dadkii faraha badnaa ee barako doonka ahaa, waxaa la dhisay mawlac weyn oo dad badani ay ka shaqeeyaan, dhaqaale badanna loogu tabarruco. Ugu danbayntii, mawlacaasi wuxuu noqday xarun caan ah oo xaj loo aado. Islaantiina waxaa loo aqoonsaday in ay tahay weli siraata, oo karaamadeedu aysan dhulka dhicin.

Badanaa, dadku marka ay hawsha xajka dhammaystaan, waxay isku macasalaameeyeen weero ay ka mid yihiin; “Ilaah ha noo denbi dhaafo” iyo ‘Jacayl ha laga qaado.”

Comments