Noolaha ugu liita
Qoraagii Maraykanka ahaa ee Mark Twain (1835-1910) oo isbarbardhig ku sameeyey dadka iyo noolayaasha kale, wuxuu yiri:
“Waxaan si cilmi ah u baaray tilmaamaha iyo dabeecadaha “noolayaasha hoose” (waa sida loogu yeero e), waxaanna barbardhigay tilmaamaha iyo dabeecadaha dadka. Natiijadii ii soo baxdayna waxay ahayd mid wejigabax igu ridday. Waayo, waxay igu waajibinaysaa in aan ka towbad keeno taageeradii aan u hayey aragtida Darwin ee sheegaysa in dadku ay ka soo askumeen noolayaal hooseeya; maadaama ay hadda ii caddahay in ay waajib tahay in laga tago aragtidaas, oo lagu beddelo mid cusub oo run ah, middaan cusub ee runta ah waxaa lagu magacaabaa ‘Tafiiranka Dadka ee Noolayaasha Sare’… Bisaddu waa beri, dadku ma ah… Dhammaan noolayaasha, dadku waa kan ugu cadowsan. Waa kan keliya ee ku raaxaysta xanuunka noolayaasha kale. Waa sifo aan noolayaasha kale lagu arag…
Dadku waa noole diin leh. Waa noolaha keliya ee diinta leh. Waa noolaha qura ee haysta Diinta Saxda ah- dhowr ka mid ah. Waa noolaha keliya ee deriskiisa u jecel sida naftiisa oo kale, laakiin gawraca haddii diintiisu aysan sax ahayn. Dunida wuxuu ka dhigaa qubuuro miiran, si uu walaalkiis ugu xaaro waddada liibaanta iyo jannada..
Dadku waa noole garaad leh. Sidaas baa la sheegaa. Waxay ila tahay in ay tahay sheegasho doodi ka furan tahay. Dhab ahaantii, tijaabooyinkaygu waxay ii caddeeyeen in uusan ahayn noole fekera… Runtii, dadku waa noole aan doqonnimadiisa la daawayn karin. Waxyaabaha fudud ee noolayaasha kale ay sida sahlan ku bartaan, isagu ma baran karo. Tijaabooyinka aan sameeyey waxaa ka mid ah middaan. Saacad gudaheed baan bisad iyo eey waxaan ku baray in ay saaxiib noqdaan. Qafis baan ku wada xareeyey. Saacad kalena waxaan ku baray in ay bakayle la saaxiibaan. Laba maalmood gudahood waxaan awooday in aan ku daro dawaco, boollaboollo, tig iyo tiro qoolleey ah. Ugu danbayntii daanyeer. Waxay ku wada noolaadeen nabad iyo xataa si naxariis leh.
Tillaabadii xigtay, waxaan qafis geliyey Ayrish Kaatolig ah oo ka soo jeeda Tipperary, durba markii uu iigu muuqday in uu rabbaayad noqday baan waxaan kula xareeyey Iskootish Birisbiteeriyaan ah oo ka yimid Aberdeen. Dabadeedna waxaan u geeyay Turki Muslim ah oo ka yimid Istaanbuul; Giriig Kirishtan ah oo ka yimid Crete, Armeeni Methodist ah oo ka yimid duurka Arkansas; Buudi ka soo jeeda Shiinaha; Barahma (=Hinduusi) ka yimid Benares. Ugu dambayntii, kornayl Ciidamada Badbaadada ah oo ka soo jeeda Wapping.
Dabadeed labo maalmood oo ku dhan baan ka maqnaa. Kolkii aan ku noqday si aan u ogaado natiijada tijaabada, qafiska Noolayaasha Sare waa fiicnaa oo waxba kama aysan hallaysnayn, laakiin midka kale waxaa ka muuqday fowdo iyo dhiig, cimaamado iyo koofiyado ay qariyeen lafo, dhiig iyo hilib. Waxba kama harin. Hal noole oo nafi ku jirto kama uu harin. Waa sidaas noolayaasha caqliga lihi, waxay isku qabteen mas’alo diin ah, waxayna u gudbiyeen Maxkamadda Sare (=aakhiro).”
Mark Twain, The Lowest Animal.

Comments