Qabyaaladeyste caraysan

Aniga oo buundo dusheed ku lugaynaya ayaan waxaan ku soo baxay nin ay muuqato in uu damacsan yahay in uu is dilo, oo uu buundada iska xooro. Inta ku soo dhawaaday baan waxaan ku iri: 'War ka joog sidaani talo toosan ma ahee.'
"Maxay tahay sababta aan uga joogayaa?" Ayuu i weydiiyey.
Waxaan iri: "Waxaa jira sababo badan oo ay tahay in loo noolaado."
Suu ye: "Maxaa ka mid ah? Ma dadka waanada diiniga ah dadka u quraama ayaad ka mid tahay? Diintee baad haysataa? Ma Yahuudi baad tahay mise Hinduusi mise Muslim mise Masiixi, mise mid kale?
Waxaan iri: "Muslim baan ahay?"
Isaga: “ Aniguna sidoo kale Muslim baan ahay. Muslimiinta laftee baad ka tahay? Ma Sunni baad tahay mase Shiici?”
Aniga: ”Sunni baan ahay.”
Isaga: “Aniguna sidoo kale Sunni baan ahay. Sunnada jilibkee ka tahay? Ma Suufi baad tahay mase qolada saxwada?"
Aniga: "Saxwada ayaan ahay."
Isaga: "Aniguna sidoo kale saxwada baan ahay. Saxwada jifidee ka tahay? Aala Sheykh, Ikhwaan, Saadicuun Bilxaq, Salafiyo, iyo kurayda Alshabaab iyo Daacish?"
Aniga: "Waxaan ahay Salafi ay caqiidadiisu saafi tahay."
Isaga: "Aniguna sidoo kale Salafi baan ahay. Salafiyada jibsintee/qoyskee ka sii tahay? Ma Salafiya qaddiima mise Salafiya jadiida?"
Aniga: "Alxamdulilaahi! Salafiyada cusub baan ahay."
Isaga: "Anigu kuwii hore baan ahay."
Intaasi markay afkiisa ka soo baxday, baan horay u hantaatiqiyey oo buundadii ka tuuray, aniga oo ku qalaadaya: "Dhimo, oo Alle ku cadaab, bidcada iyo kheyr la'aantu waa sababta uu naftiisa u halligayo. Adduun seeg, aakhirana cadaab baa ka horraysa!"
Dadka oo idil -muumin iyo mulxid ba- isku si bay uga fekeraan waxa geerida ka danbeeya. Waayo qof walbaa wuxuu og yahay in uu maalin dhimanayo. Dadyowga kala haysta diimaha iyo firqooyinka kala duwanna, mid kasta waxaa loo sheegaa in firqadiisu ay tahay midda qura ee xaqa ku taagan, ee aakhiro badbaadaysa, aadanaha intooda kalena ay yihiin duul dhunsan oo ehlu naar ah.
Baybalku wuxuu yiraahdaa: "Eebbe dadka wuxuu abuuray iyaga oo isaga u eg." Laakiin sida dhabta ah, dadka ayaa waxay abuuraan Eebbe iyaga u eg, oo sidooda oo kale qabyaaladeyste u ah, ciil iyo carana ay ka buuxaan. Maxaa lagu tilmaami karaa qofka aamminsan in firqadiisa oo keli ahi ay jannada galayso? Sawir noocee ah baa qofkaasi Eebbe ka haystaa? Qofkaas ma waxaa lagu sheegi karaa waxaan ahayn in uu yahay qabyaaladayste caraysan?
Buugta muqaddaska ah ee diimuhu waxay sheegaan in jannadu ay tahay meesha qofka ama ruuxdiisu ay tagayaan marka uu dhinto haddii uu ahaa qof wanaagsan. Cadaabtuna ay tahay meesha uu tagayo haddii uu ahaa qof xun. Laakiin dunidaan casriga ah ee caqliga iyo cilmigu ay kobceen, dad badani waxay qabaan in jannada iyo naartu ay yihiin fikrado loo hindisay si bulshada loo xakameeyo. Dadkaani waxay qabaan in cadaabta iyo jannadu aysan ahayn meel la tago, balse ay yihiin xaalado nafsadeed oo qofka la soo gudboonaada inta uu noolyahay ee uu ifka joogo. Marka aad caraysan tahay cadaab baad ku jirtaa, kolka aad faraxdana janno ayaad gashay. Jannada iyo cadaabtu ma aha labo meelood oo kala duwan, balse waa labo xaaladood oo maanku uu ku sugan yahay.
Wadaaddada diimaha badankoodu, Alle waxay ka bixiyaan sawir foolxun oo aan laa'iq u ahayn. Suufigii Ibnu Carabi oo arrinkaas la yaabayna wuxuu yiri: Haddii Eebbe uu ummuuraha abuurkiisa u wakiilan lahaa qof wanaagsan oo deeqsi ah, qofkaasi cadaabta waa uu ka ilaalin lahaa, kaasina wuxuu la mid yahay aniga iyo kuwa i la midka ah, Eebbana waa uu naga naxariis badan yahay.
Ku Allahoode, nebiga (scw) waxay ka wariyeen in uu yiri: "Kan naftaydu ay gacantiisa ku jirto baan ku dhaartaye, Eebbe maalinta qiyaamaha denbiyada ayuu cafin doonaa jeer ibliis uu ka abdeeyo in lagu daro kuwa loo denbi dhaafayo / والذي نفسي بيده ليغفرن هللا يوم القيامة مغفرة يتطاول لها إبليس رجاء أن تصيبه".
Eebbe ha u quurin qabyaaladda diimaha iyo firqooyinka.

Comments