Quraanka iyo muusigga
Baabuurta, bushkuleetiga, raadiyaha, makrafoonnada, kameerada, taleefishinka, internetka iyo qaar kale oo badan oo ka mid ah farsamada casriga ah, mid kastaa markii uu cusbaa wadaaddadu waa mamnuuceen.
"Muusiggu Beershiyaanka wuxuu u ahaa suugaan, Roomankana falsafad, Carabtana wuxuu u noqday cilmi."
~ Jaaxid (776-868).

Sida uu ku dooday Karl Marx, diinta iyo fanka labaduba waxay ka tirsan yihiin waxa uu ugu yeeray dhismaha sare ee bulshada (=The Superstructure /البنية الفوقية ", mararka qaarkoodna diinta iyo fanku waa isdhamaytiraan, laakiin maadaama hadafkoodu uu kala duwan yahay, aalaaba labo qaab oo kala geddisan bay u shaqeeyaan.
Fanku wuxuu daneeyaa quruxda, fannaankuna wuxuu ka fekeraa timaaddada, wuxuuna higsadaa in timaaddadu ay ka wanaagsanaato tagtada, berrina ay shalay ka fiicnaato. Si taa ku lid ah, wadaaddada diimuhu waxay daneeyaan akhlaaqda taban (=Negative ethics /األخالق السلبية" ee ku dhisan ka dheeraanta sharka iyo xumaha, waxayna aamminsan yihiin in mar walba ay tagtadu ka wanaagsan tahay timaaddada, berrina ay shalay ka liidanayso. Sidaa awgeed, wadaaddadu si ay u ilaaliyaan akhlaaqda dadka, waxay ka xarrimaan wax walba oo cusub, iyaga oo qiil ka dhigaya in waxa cusubi uu yahay bidco aysan aqoon facyaashii suubbanaa ee diinta laga soo gaaray (=السلف الصالح). Xaalkuna sidaas buu ahaadaa jeer rabitaanka bulshadu uu ka saa'id caleeyo doonista wadaaddada, oo uu ku khasbo in ay u hoggaansamaan rabitaanka dadka.
Tusaale ahaan, dunida islaamka boqolkii sano ee la soo dhaafay wadaaddadu boqollaal shey bay markii hore fatwoodeen in ay xaaraan yihiin, laakiin muddo ka dib ay xalaaleeyeen. Bilmatal waxyaabaha wadaaddadu ay bilawgii hore fatwoodeen in ay xaaraan yihiin waxaa ka mid ah;
1. Cabidda bunka ama qaxwaha: Dunida islaamka muddo lixdan sano ka badan, bunku wuxuu ahaa xaaraan, qofkii lagu qabto isaga oo cabbayana waxaa lagu fulin jirey xadka dadka khamrada cabba oo shaabuug baa la la dhici jirey.
2. Madbacadda: dunida Islaamka muddo saddex boqol oo sano ku dhow madbacadda wax lagu daabacaa xaaraan bay ahayd. Wadaaddaduna waxay ku doodi jireen in madbacaduhu ay diinta Islaamka u burburinayaan si la mid ah sida ay diinta masiixiyadda u burburiyeen oo kale. Sidaa awgeedna waxay fatwoon jireen in adeegsiga madbacaddu ay xaaraan tahay.
3. Tuubbooyinka biyaha: Markii la bartay adeegsiga tuubooyinka biyaha qaada, wadaaddadu waxay fatwoodeen in isticmaalka tuubooyinku uu yahay bidco xaaraan ah, aysanna ansaxayn in lagu weeso qaato biyaha tuubooyinku. Dalka Masarna wadaaddada mad-habta Xanafiga oo keli ah baa oggolaaday isticmaalka tuubooyinka, sidaa darteed baana Masaaridu tuubooyinka biyaha waxay ugu bixiyeen magaca "Xanafiya".
4. Akhrinta wargeysyada: Kolkii dabayaaqadii qarnigii 19-aad ay saxaafaddu ka bilaabatay dhulalka carabta, qaar badan oo ka mid ah wadaaddada carabtu waxay fatwoodeen in lagu gaaloobayo akhrinta wargeysyada. Sababtana waxaa lagu sheegay in joornaallada lagu qoro warar diinta khilaafsan sida midka sheegaya in dhulku uu wareego ama uu leeyahay qaab kubbad oo kale ah iyo in roobku uu ka dhasho uumi baxa biyaha.
5. Waxbarashada casriga ah, siiba waxbarashada gabdhaha: Kolkii nidaamka waxbarashada casriga ahi uu yimid dunida islaamka, wadaaddadu waxay fatwoodeen in waxbarashada casriga ah ee gaaladu ay keeneen ay xaaraan tahay. Si gaar ahna waxaa loo diidey waxbarashada gabdhaha. Tusaale ahaan, sannadkii 1897, wadaad reer Ciraaq ahaa oo la oran jirey Shiikh Nucmaan al-Aluusi baa wuxuu qoray buug uu u bixiyey "Saxnimada in haweenka qoraalka loo diido /اإلصابة في منع النساء من الكتابة". Wadaadku buuggaan wuxuu ku yiri:
"Marka loo yimaado in haweenka akhris-qoraalka la baro, Eebbaan ka magan galnaye, waayo ma ogi wax uga dhib badan dumarka. Maadaama ay khiyaano ka abuuran yihiin, in ay hantaan awooddaasi waxay ka dhigan tahay in ay heleen aaladaha ugu sharka iyo xumaanta badan.
Marka la eego qoraalka, haweenaydu marka ay awood u yeelato in ay hadal isku aaddiso/duwdo, hadalkeedu wuxuu noqonayaa dhanbaal ay u dirto Seyd, iyo warqad ay u qorto Camar, iyo meeris gabay ah oo ay u mariso doob, iyo wax kale oo ay nin kale u sheegto. Haweenka iyo dhiganaha iyo dhigaalku waxay isku yihiin sidii sharlow waalan oo seef la siiyey, ama khamrayacab dhalo khamro ah loo dhiibay. Ninka garaadka lihi waa kan afadiisa u daaya jahliga iyo indho la'aanta, sidaas baa haweenka u wanaag iyo waxtar badan! /فأما تعليم النساء القراءة والكتابة فأعوذ باهلل منه، إذ ال أرى شيئا أضر منه بهن. فإنهن لما كن مجبوالت على الغدر، كان حصولهن على الملكة من أعظم وسائل ،الشر والفساد. وأما الكتابة فأول ما تقدر المرأة على تأليف كالم بها، فإنه يكون رسالة إلى زيد ورقعة إلى عمرو، وبيتا من الشعر إلى عزب، وشيئا آخر إلى رجل آخر. فمثل النساء والكتب والكتابة كمثل شرير سفيه تهدي إليه سيفا، أو سكير تعطيه زجاجة خمر. فاللبيب من الرجال هو من ترك زوجته في حالة من الجهل والعمى، فهو أصلح لهن وأنفع!".
Sida la og yahayna, dalka Sacuudiga dugsiyada gabdhaha bulshada waa lagu khasbay. Qoysaskii ugu horreeyey ee gabdhahooda u oggolaaday in ay dugsi aadaanna waa la dhaleeceeyey. Waxaana la rumaysan yahay in haddii Sacuudidu aysan boqorka ka baqayn aysan tan iyo maanta oggolaadeen in gabdhuhu ay wax bartaan.
6. Tallaalka carruurta: Meelo badan oo dunida ka mid ah wadaaddada diimuhu -gaar ahaan kuwa Katooliga iyo kuwa Islaamku waxay dhaleeceeyaan tallaalka carruurta. Wadaaddada islaamku waxay ku andacoodeen in tallaalku uu yahay qorshe gaaladu ay ku doonayaan in ay kula diriraan taranka Muslimiinta. Waayo tallaalku wuxuu keenaa in raggu ay ma dhalays noqdaan iyo in haweenku ay uur qaadi waayaan.
7. Xirashada saraawiisha iyo jaakadaha: Meelo badan oo dunida Islaamka ka mid ah wadaaddadu waxay dhaleecayn jireen xirashada saraawiisha iyo jaakadaha oo ay ku tilmaami jireen dhar gaalo oo xirashadiisa lagu gaaloobayo. Xujada wadaaddadu ay daliishadeenna waxay ahayd xeer la sheego in uu ku salaysan yahay xadiis nebiga laga maqlay oo oranaya: "Qofkii qolo ku daydaa iyaga ayuu ka mid yahay /من تشبه بقوم فهو منهم".
Dabadeed si tartiib tartiib ah ayaa loo oggolaaday xirashada saraawiisha. Markii koowaad waxaa la oggolaaday in la gashan karo inta shaqada lagu jiro, ka dibna waxaa la oggolaaday in la xiran karo laakiin aan salaad lagu tukan karin, mar saddexaadkii waxaa la oggolaaday in lagu tukan karo marka laga reebo salaadda jimcada, mar afraadkii waxaa la oggolaaday in lagu tukan karo laakiin ninka xirani uusan imaam noqon karin, mar shanaadkiina si buuxda ayaa loo fasaxay oo waxaa la oggolaaday in salaadaha oo dhan lagu tukan karo ninka xiranna uu imaam noqon karo.
Dabshidkii 2005 ama 2006, waxaan habeen magaalada Maka kula kulmay wadaad hadda dhintay oo -Allaha u naxariistee- ka mid ahaa wadaaddada waaweyn ee Soomaalida. Wadaadka horay dhowr jeer baan isu aragnay, laakiin xusuustiisa oo xilligaas sii xumaanaysay darteed ima uusan garan. Markii nin ka mid ahaa raggii golaha joogay uu u sheegay magacayga iyo in aan ka baxay jaamacadda Ummu Qurana, wadaadku wuxuu ku jawaabay: "Oo Ummu Qura wax kale ha joogee surweelka ma ka beddeli weyday!" Wadaadka waxaa u qaadan waa ku riday in arday dhigta jaamacadda Ummu Qura ee magaalada Maka uu surweel xiran yahay. Waayo? Surweelka wuxuu u aqoonsanaa in uu yahay lebis gaalo.
8. Baabuurta, bushkuleetiga, raadiyaha, makrafoonnada, kameerada, taleefishinka, internetka iyo qaar kale oo badan oo ka mid ah farsamada casriga ah, mid kastaa markii uu cusbaa wadaaddadu waa mamnuuceen. Guud ahaan, wadaaddada Islaamku ma aysan oggolaan walax cusub oo aan bulshadu ku khasbin. Had iyo goor bulshada ayaa ka horraysa wadaaddka. Wadaadku marka uu hubsado in bulshadii ay ka tagtay ayuu ka daba rucleeyaa, oo hortooda ka soo jeestaa.
Yeelkadeede, arrinkaan waxaan xusuustay kadib markaan xalay akhriyey faallooyin akhristayaasha qaarkood ay ka bixiyeen postigii yaraa ee muusigga ku saabsanaa ee aan habeen hore halkaan idinkula wadaagay. Akhristayaal badan oo qaarkood ay si toos ah farriin iigu soo direen baa muujiyey dareen ah in muusiggu uu xaaraan yahay iyo in quraanku uu u galayo booska muusigga. Weedhii Nietzsche ee ahayd "Muusig la'aan, nolashu waxay noqonaysaa gef", akhristayaasha qaarkood waxay u beddeleen "Quraan la'aan, noloshu waxay noqonaysaa gef."
Run ahaantii, Muslimiinta badankoodu waxay qabaan in quraanka iyo muusiggu aysan shaqo isku lahayn, balse ayba lid isku yihiin, laabtii midkood degana aan kan kale geli karin, oo laabta dadka ama quraan baa ka buuxa ama hees iyo muusig baa ka dhaansan.
Hase ahaatee, marka arrinka si dhow loogu fiirsado waxaa la ogaanayaa in xiriirka quraanka iyo muusiggu uusan sidaas u qeexnayn. Nebiga (scw) waxaa laga wariyaa axaadiis badan oo uu ka mid yahay midka oranaya: "Nagama mid aha kaan quraanka ku heesin / بالقرآننا من لم يتغ ّنليس م ّ" iyo kan kale ee yiraahd: "Quraanka codadkiinna ku qurxiya /كمت بأصوا ِنوا القرآ َنُيّز ِ". Cumar bin Khaddaabna (RC) dadka wuxuu ku oran jirey: "Kii awooda in uu quraanka ugu heeso sida Abii Muuse uu ugu heeso ha yeelo /ي بالقرآن غناء أبي موسى فليفعلنمن استطاع أن يغ ّ".
Haddaba, weydiinta meesha ku jirtaa waxay tahay: Maxaa laga wadaa ku heesidda quraanka? Ku heesidda quraanku ma waxay u hoggaansamaysaa xeerarka la yaqaan ee muusigga iyo heesaha mise quraanku xeerar isaga u gaar ah buu leeyahay? Ilaa heerkee bayse iswaafaqi karaan xeerarka quraan akhrinta iyo xeerarka muusigga iyo heesuhu?
Inkasta oo nusuusta diintu aysan si cad u qeexin macnaha erayga "Quraan ku heesidda /التغني بالقرآن", haddana waxaa la isla oggol yahay in quraanku uu leeyahay muusig. Waxybaaha quraanka bila ee dhadhanka u yeela waxaa ugu horreeya muusigga aayadaha quraanka ahi ay leeyihiin. Quraanka marka carabi lagu akhriyo ama lagu dhegaysto wuxuu leeyahay macaan iyo dhadhan uusan lahayn marka afafka kale lagu tarjumo. Quraanka marka afafka kale lagu tarjumo, waxaa ka taga nuxurka iyo dhadhanka. Sababta ugu weyn ee arrinkaas keenaysana waa in uu dhuminayo muusiggii iyo qaafiyaddii uu afkiisa ku lahaa. Taa waxaa dheer, in ay jiraan aqoonyahanno qaba in carabtu aysan nebi Muxamed rumeeyeen haddii gabayga carabtu uusan jiri lahayn. Haddii si kale loo dhigo, in carabtu ay diinta islaamka qaataan waxaa ka qayb qaatay jiritaanka gabyaaga iyo gabayga carabta. Tusaale ahaan, gabyaaga carbeed wuxuu bulshada ka dhaadhiciyey in uu jiro jinni gabyaaga gabayga u waxyooda.
Taa awgeedna, carabta kuma cusbayn fikradda ah in duulal aan loo jeedin ay qof wax u sheegi karaan. Sidoo kale, kuma cusbayn fikradaha jinka, malaa'igta, sheydaanka iyo wixii la hal maala.
Waxaana xusid mudan, in marar badan ay wadaaddada ku caanbaxay akhrinta quraanka qaarkood ay isku dayaan in ay quraanka ku akhriyaan isla maqaamaadka muusigga carabta. Waxaana jirey xiriir ka dhexeeya wadaaddada quraanka akhriya iyo fannaaniinta heesaha carabta laxanka u sameeya, oo laxamaystayaasha badankoodu waxay ahaayeen rag quraanka xifdisan, halka qaar badan oo ka mid ah wadaaddada quraanka akhriyaa ay ka ahaayeen fannaaniin heesa, oo ugu yaraan qaada nashiidooyin diin ah, fanka laxan samayntana wax ka yaqaan. Tusaale ahaan maqaamaadka ay wadaagaan muusigga carabta, kan Iiraanida iyo kan Turkigu, isla markaana quraanka lagu akhriyo, laguna addimo waxaa ka mid ah maqaamaadka loo yaqaan Rasti (maqaamka farxadda iyo faanka), Nahaawandi, Bayaat, Siikaa, Xijaas (maqaamka aadaanka), Sabaa (maqaamka murugada iyo boohinta) iyo Kurdi (maqaamka caadifadda iyo jacaylka). Dalka Turkigana waxaa laga yaqiin dhaqan ah in aadaanka shanta salaadood shan maqaam oo kala duwan lagu addimo, iyada oo lagu salaynayo sida xilliyada kala duwan ay dadka nafsaddoodu tahay. Bulshada Masar oo safka hore uga jirta quraan akhriskana, waxaa la wariyey in markii gumeystihii Faransiisku uu qabsaday, ay Faransiisku la yaabeen sida luuqda quraan akhriskooda iyo heesahoodu ay isugu eg yihiin.
Fuqahada Islaamkuna waa isku qabteen in quraanka laxan loo yeeli karo iyo in kale. Waxaana diiday Imaam Maalik iyo Axmed bin Xanbal, oo tusaale ahaan Imaam Maalik waxaa laga hayaa in uu yiri: "Kama helin, waayo waa hees ay ku heesayaan si ay beeso ugu helaan /ون به ليأخذوا عليه الدراهمنال تعجبني، إنما هي غناء يتغ ّ". Laakiin waxaa oggolaaday Imaam Abuu Xaniifa iyo Shaafici, oo waxaa la wariyey in labadaan imaam iyo saaxiibbadood ay dhegaysan jireen quraanka oo laxan loo yeelayo.
Sheekaba sheekay keentaaye, muddo boqollaal sano ah wadaaddada Islaamku ma oggolayn in quraanka lagu tarjumo af aan Carabi ahayn. Waayo? Wadaaddadu waxay ku doodi jireen in tarjumidda quraanku ay irdaha u furayso in quraanka lagu ciyaaro, oo sidii la doono loo beddelo.
Waxayna ku tilmaameen in ay tahay xeelad gaaladu ay ku doonayaan in ay quraanka kula dagaallamaan. Dadkii ugu horreeyey ee quraanka afaf kale u tarjumayna ma ahayn dad muslimiin ah.
Dabshidkii 1932, wadaad Masri ahaa oo la oran jirey Shiikh Maxamed Mustafe Maraagi (1881-1945) oo ahaa madaxa jaamacadda As-har, ayaa wuxuu abuuray dood kadib markii uu qoray maqaal uu ku sheegay in ay bannaan tahay in quraanka afaf kale loo rogo iyo in lagu tukan karo af aan Carabi ahayn. Shiikh Maraagi maqaalkaas iyo doodihii ka dhashay wuxuu ku waayey madaxnimadii jaamacadda As-har. Sidaas oo ay tahay, Shiikh Maraagi arrinka halkaas ugama uu harin ee sannadkii 1936, wuxuu soo saaray buug uu cinwaan uga dhigay: "Daraasad ku saabsan tarjumidda quraanka kariimka iyo axkaamteeda /بحث في ترجمة القرآن الكريم وأحكامها", wuxuuna ku deedifeeyey in tarjumidda quraanku ay keenayso in quraanka la beddelo. Sida aan la wada soconnana, hadda afaf badan oo kan Soomaaligu uu ku jiro baa quraanka lagu tarjumay, salaadda taraawiixdana iyada oo tarjuman baa warbaahinta dunida laga baahiyaa.
Dadka diimaha haysta badidoodu waa isla oggol yihiin in xuska Alle ay laabtu ku رْك ِذِبال ِأَ), laakiin intaa ka dib waxaa imaanaysa su’aal ah: xasisho (= بو ُلُق ا ْل ُنُّئِمْط َت َا ل maxaa xus Alle ah? Jawaabta laga bixinayo su’aashaan ayaa aadanaha badankiisu ku kala tagayaan, oo bilmatal Hinduusigu digri iyo xus Alle wuxuu u yaqaan akhrinta aayaadka buugta Vedaha iyo Ubanishaadka, halka Yuhuudigu uu uga yaqaan Towreedka, Masiixiguna Baybalka, Muslimkuna Quraanka Kariimka, Siikhuna Guru Granth Sahib.
Taa daraaddeed, aadanuhu ma wadaagaan buugta muqaddaska ah balse waxay wadaagaan muusigga. Tusaale ahaan, Muslimiinta iyo Masiixidu ma wadaagaan buugta muqaddaska ah, balse waxay wadaagaan muusigga lagu qurxinayo akhrintooda. Bilmatal, erayada Muslimiinta iyo wadaaddada carabta ee Masiixiga ah ay isku sida u adeegsadaan waxaa ka mid ah erayga "Tartiil", oo macnihiisu uu yahay in buugta barakaysan loo akhriyo si nidaamsan oo laxan iyo qurux leh.
Aayadda 4-aad ee suuradda al-Musamilna waatan oranaysa: "Quraankana si wacan u akhri /ورتل القرآن ترتيال". In muusig loo bogana ka dhalan mayso in aan quraanka loo bogin, ee ruuxu isaga oo quraanka ku istareexa ayuu haddana muusig jeclaan karaa.
Muusiggu waa af caalami ah oo aadamiga oo dhammi ay fahmi karaa, iyada oo aan loo eegin af, deegaan, dhaqan, diin iyo midab toona. Bulsho baarihii Cabdiraxaan bin Khalduunna (1332-1406) wuxuu qalinka ku adkeeyey: "Kolka ay dowladdi burburayso, waxa ugu horreeya ee ka burburaa waa samaynta heesaha / أول ما ينقطع في الدولة عند انقطاع العمران صناعة الغناء".

Comments