Ruusoo: Feylasuufkii Masarka Xaday

"Xorriyad khatar leh baan ka doorbidayaa nabad addoonnimo weheliso."
~ Jean-Jacque Rousseau.
Feylasuufkii Joon-Jaak Ruusoo (= Jean-Jacque Rousseau 1712-1778), oo lagu tiriyo in uu ka mid yahay aqoonyahannadii saddexdii qarni ee u danbeeyey dunida soo maray kuwooda ugu caansan, waxaa laga wariyaa in uu yiri: "Waagii aan cidina i aqoon, waxaan u jeeli jirey in dunida oo dhan la iga barto. Taas baa ahayd damaca iyo riyada qura ee aan lahaa, in dunida oo dhan la iga yaqaan. Weligay marna kama aannan fekerin waxa aan qaban doono markaas ka dib. Hadda oo dunida la iga yaqaan, waxaan dareemayaa in arrinku uu fashil yahay. Aad baan uga yaxyaxaa, imminka waxaan jeclaystaa in aan ka dhuunto, maxaa yeelay meel walba waa igu soo shamuumaan, meel kasta oo aan aado waa igu soo xoomaan imana siiyaan daqiiqad qura oo aan naftayda kula keliyeysto. Xataa waa in aan dhuunto marka aan gurigayga joogo. Aqalkaan aniga oo jooga baan waxaan ku riyoon jirey in aan noqdo qof caan ah oo la yaqaan, hadda oo aan caan noqdayna waxaan la ilmeeyaa doqonnimadii i haysay. Cimrigaygii oo dhan waxaan ku dhumiyey sidii la igu baran lahaa, haddana waxaan ka dhuuntaa isla dadkii aan jeclaa in ay i bartaan."
Joon-Jaak Ruusoo oo dadka qaarkood ay jecel yihiin in ay ugu yeeraan naynaasta "Nebiga dunida cusub", wuxuu ka mid ahaa feylasuufyadii Yurub ee casrigii maanfurka kuwooda ugu magaca dheer, taariikhyahannada oo dhammina waxay isku raaceen raadkii uu ku lahaa aqoonyahannadii dunida ugu saamaynta badnaa sida; Immanuel Kant, Friedrich Schiller, Karl Marx, Thomas Jefferson iyo Maximilien Robespierre. Sidoo kale wuxuu raad ku lahaa dhacdooyin waaweyn oo dunida beddelay oo uu ka mid yahay Kacaankii Faransiiska, oo uu saamayn ku lahaa yacquubiyiintii kacdoonka hoggaanka u hayey. Ruusoo wuxuu ahaa aqoonyahan karti badan, laakiin ku noolaa nolol adag oo gaajo, saboolnimo iyo xasillooni la'aani ay ka buuxaan, magaciisana waxaa la bartay goor dambe oo noloshiisa ka mid ah, sida uu sheegayna barashadaasi waxay ahayd mid 'belo iyo baas leh'.
Ruusoo wuxuu ku dhashay magaalada Jineefa ee dalka Iswisirlaand oo xilligaas ahayd magaalo aad u yar. Hooyadi isaga ayay ku ummulraacday, oo waxay dhimatay maalmo yar ka dib dhalashadiisii. Sidaa darteedna, Ruusoo wuxuu oran jirey: "Dhalashadaydii baa ahayd ayaan darradii iigu horraysay /My birth, was the first of my misfortune." Sannadihii hore ee noloshiisana waxaa soo koriyey aabbihiis Isxaaq Ruusoo oo ahaa farsamayaqaan saacadaha sameeya. Aabbihiis, inkasta oo uu sabool ahaa, haddana wuxuu baray akhriska. Sida uu isagu sheegay, aabbihiis habeenka oo dhan iyo weliba saacadaha hore ee waa beriga buug buu u akhrin jirey. Gaar ahaan, wuxuu u akhrin jirey buugta sheekooyinka iyo taariikhda ah, siiba buugta taariikhyahankii Giriigga ahaa ee Buluutaark (=Plutarch). Sanooyinkii u danbeeyey noloshiisana mar Ruusoo uu ka sheekeyey akhriska wuxuu yiri: "Plutarch baa ah qoraaga aan aadka ugu raaxaysto, faa'iidada ugu badanna aan ka helo. Waa kii iigu horreeyey ee aan akhriyey markii aan dhallaanka ahaa, wuxuuna noqonayaa kan iigu danbeeya ee aan akhriyo. Waa qoraaga qura ee aan hubo in mar kasta oo aan akhriyo dhigaalladiisa in aan wax ka dheefayo."
Sidoo kale, Ruusoo waxaa saamayn togan ku lahayd eeddadiis oo markii uu yaraa u qaadi jirtey heeso cod macaan, kuwaas oo jeclaysiiyey muusigga, oo noloshiisa inteeda badan uu ku shaqaysan jirey. Sida uu yiri: Waxay lahayd cod yar oo macaan ... Si buuxda baana u hubaa in raaxada aan ka helo xusuusashada codkaas yari ay dhadayso haddii ay ii caddaato in uu jiro qof kale oo aan eeddaday ahayn oo luuqdaas oo kale ku heesi kara.
Sida la sheego, Ruusoo aabbihiis wuxuu ahaa nin shiddo badan. Maalin maalmaha ka mid ahna waxay dagaallameen sarkaal ka tirsanaa ciidanka Faransiiska, waxaana lagu eedeeyey in uu sarkaalkaas seef ula baxay oo uu damcay in uu dilo, waxaana amar lagu bixiyey in la soo xiro, laakiin intii aan la soo gaarin buu baxsaday ka dib markii uu wiilkiisii u geeyey abtigiis, maalinkaas ka dibna Ruusoo iyo aabbihiis dib danbe isuma ay arag. Ruusoo abtigiis isaga iyo wiil uu dhalay oo ay isku fil ahaayeen buu wuxuu ku daray dugsi diinta lagu barto oo ku yiil tuulo ka baxsan magaalada Jineefa oo la oran jirey 'Bossey'.
Ruusoo muddo labo sano ahayd oo uu dugsigaas dhiganayey, wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo noloshiisa saamayn badan ku reebay. Sida uu sheegay waxbarashadu tayo badan ma ay lahayn, laakiin uguma aysan liidan waxyaabihii waayahaas ardayda la bari jirey. Isaga oo tilmaamaya waxbarashadii dugsigaasna wuxuu yiri: "Waxaa na loo dhigi jirey afka Laatiinga iyo qashin kasta oo aan waxtar lahayn oo magac waxbarasho la siiyo." Hayeeshee, macallinka wax u dhigayey, ayna la noolaayeen baa wuxuu ahaa wadaad daacad ah oo afkiisa iyo uurkiisu ay isku mid ahaayeen. Labadii sano ee uu tuuladaas joogeyna wuxuu ka faa'iidey labo shey oo kala ah; jacaylka dabeecadda iyo in uusan diinta la colloobin.
Ruusoo aqoonyahannadii iyo feylasuufyadii ay isku xilliga ahaayeen, oo uu ugu horreeyo wadeygi Denis Diderot (1713-1784) waxay ahaayeen mulxidiin diimaha neceb. Lakiin isagu inkasta oo aysan wadaaddada isku wanaagsanayn, haddana diimaha ma uu necbayn. Wuxuu haystay diin uu u bixiyey "Diinta dabeecadda ama diin rayid ah", oo ah diin aan waxyi, wadaad, xarun cibaado iyo mucjisaad midna lahayn, oo ku kooban in la rumeeyo jiritaanka Eebbe iyo waaridda ruuxda aadanaha. Waa dambe wuxuu qoray buug uu u bixiyey "Caqiidada wadaadkii buurta Savoy /The Creed of a priest of Savoy", oo aqoonyahankii Marookaanka ahaa ee Cabdullaahi al-Carawi uu Carabi u rogay, una bixiyey "Diinta fidrada /دين الفطرة". Caqiidada wadaadku uu ka hadlayaana waa isla caqiidada Ruusoo.
Buuggaan oo markiisii hore ahaa cutub ka mid ah buugga kale ee 'Emile', wuxuu u qoran yahay sidii wacdi wadaad ku noolaa buurta Savoy uu u jeedinayo barbaar iimaankiisii dhumay ka dib markii uu dhib iyo shiddo la kulmay. Barbaarkuna wacdiga wuu qoranayaa si uu uga baaraandego mar kasta oo uu kasho u helo. Ruusoo buuggaan wuxuu aad ugu canbaareeyey feylasuufyada khilaafka iyo shakiga badan ee jiritaanka Eebbe muranka geliya, iyo wadaaddada beenta badan ee dadka ku khasba in ay Eebbe ka qaataan sawirka ay iyagu jecel yihiin. Diinta dabeecaddu waa mid fudud oo qofku uu qalbigiisa ku ogaan karo, isaga oo aan u baahan nebi iyo waxyi toona. Kala duwanaanta siyaabaha diimaha loo fasiro iyo qaababka wax loo caabudaa wax farqi ah ma samaynayaan. Buugga dabeecaddu dadka oo dhan buu u furan yahay si ay u akhristaan: "Cibaadada aasaasiga ahi waa midda qalbiga /The essential worship, Is of the heart."
Ruusoo wuxuu ku dooday in diinta dabeecadda ee madaniga ahi ay Alle iyo dadkaba ugu adeegto si ka wanaagsan diinta wadaadda ee kutubta laga dayo. Diimaha wadaaddadu waxay ku lid yihiin xorriyadda, sinnaanta iyo wada-noolaashaha bulshada. Wuxuuna yiri: Dadku ka hor intii aysan diimaha baran waxay ahaayeen kuwo liibaanay oo siman ... Diinta saxa ahi waa midda ka dhaxaysa Abuuraha iyo abuurka, kan danbana ku bixisa in uu u adeego akhlaaqda iyo waddanka.
Ruusoo marka uu adeegsanayo eraybixinnada "Diinta madaniga ama rayidka ah", wuxuu isku xirayaa diinta iyo bulshada. Diinta madaniga ama rayidka ahi ma ah mid iskeed u taagan ee waxay qayb ka tahay heshiiska bulshada, oo waa in bulshadu ay diinta ugu heshiisaa si la mid ah sida ay siyaasadda iyo dhaqaalaha ugu heshiinayaan. Weydiinta maankiisa ka guuxaysaana waa midda oranaysa: Sidee baa diimaha iyo firqooyinka kala duwani ay ula jaanqaadi karaan siyaasadda iyo nidaamka dowladnimo?
Ruusoo wuxuu ku baaqay fikrad caan ah oo isaga ka hor uu ku baaqay feylasuufkii ingiriiska ahaa ee Thomas Hobbes (1588-1679) oo sheegaysa in baahi loo qabo "Midaynta labada madax ee gorgorka /To unite the two heads of the eagle." Diinta iyo dowladda oo tan hore la hoos keeno tan danbe. Sida dhabta ah, feylasuufyadii maanfurka Yurub xooggoodu sida Baruch Spinoza, Thomas Hobbes, Jean-Jacques Rousseau iyo Immanuel Kant waxay qabeen in diintu ay tahay ifafaale bulsho, haddii la doonayo in ay saamayn ku yeelato arrimaha bulshadana looga baahan yahay in ay dhaleecayn iyo kala hufid diyaar u noqoto, haddii kalena cidda aamminsani ay laabtooda iyo aqalladooda ku haystaan. Sidaa awgeed, waxay diideen fikradaha waxyiga, nebinimada iyo mucjisooyinka iyo wax walba oo diinta ka dhigaya mid muqaddas ah oo dhaleecayn ka sarraysa. Waayo, waxa la wadaago waa in si run iyo daacad ah looga wadi hadli karaa. Diinta dabeecadda ee madaniga ahi ma danayso caqiidada iyo cibaadada dadka, balse waxay danaysaa nabadda, midnimada iyo horumarka bulshada (=danta guud ee bulshada). Madaxda dowladduna wax shaqo ah kuma laha aakhirada dadka, balse waxa keliya ee khuseeyaa waa nabadda iyo horumarka ay muwaadiniintu ifka ku helayaan.
Ruusoo eraybixinta "diinta fidrada ama diinta damiirka", macnaha uu u adeegsanayaa waa ka duwan tahay tan ay u adeegsadaan wadaaddada diimuhu, siiba diimaha la faafiyo ee masiixiyada iyo islaamka. Diimaha dunida mid kastaa waxay sheegataa in iyadu ay tahay midda xaqa ah, waxayna ku dooddaa in iyadu ay tahay tan fidrada ah ee carruurtu ay ku dhashaan iyaga oo haysta. Tusaale ahaan, wadaadkii Kirishtanka ahaa ee Tertullian oo noolaa qarnigii 2-aad ee miilaadigu, wuxuu allifay buug uu cinwaan uga dhigay "Anima naturaliter Christiana", uuna ku doodayo in diinta masiixigu ay tahay diinta fidriga ah ee ilmo kastaa uu ku dhasho, ruuxda qofkuna asal ahaan ay Masiixi tahay (=The soul is naturally Christian(. Islaamku markii uu yimidna muslimiinta ayaa waxay ku doodeen in ilmo kastaa uu ku dhasho diinta islaamka, waxayna wariyeen xadiis oranaya: "Ilmo kasta oo dhashaa fidrada ayuu ku dhashaa, dabadeed labadiisa waalid baa Yahuudi ama Masiixi ama Majuusi ka dhiga / كل مولود يولد عىل الفطرة فأبواه يهودانه أو ينرصانه أو يمجسانه".
Si taa ka duwan, Ruusoo wuxuu qabaa in ilmuhu uu dhasho isaga oo xaaran, oo aan lahayn af, diin iyo dhaqan toona. Diinta damiirka ama fidraduna waa midda caqliga iyo qalbiga fiyow ee qofku ay ku qancaan, oo aan loo baahnayn in cid kale ay faragashato. Weydiinta maanka Ruusoo ku wareegaysaa waxay tahay: Waa maxay diinta iyo cibaadada ku habboon bulshada cusub ee cilmiga maaddiga ahi uu u galay booskii diimihii soo jireenka ahaa (=traditional religion)?
Ma jiraan diin iyo iimaan caqli ku dhisan oo markhaati lagu caddeeyo runnimadooda loo keeni karo. Diinta iyo iimaanku waxay ku dhisan yihiin waxa qalbiga ama damiirka qofku uu jeclaysto. Saxaabigii Cumar bin Khaddaab na isaga oo tilmaamaya dhagaxa madow ee kacbada waa kii yiri: "Haddii aannan arkeen Rasuulka Alle 'scw' oo ku dhunkanaya kuma aan dhunkadeen / ولوال أن رأيت رسول هللا صىل هللا عليه وسلم يقبلك ما قبلتك". Cumar dhagaxa uma uu dhunkanayo in uu ogyahay in dhagaxu uu jannada ka yimid, balse sababta uu u dhunkanayaa waa in uu arkay nebiga oo dhunkanaya oo qura. Si taa la mid ah, wadaadkii Kirishtanka ahaa ee Tertullian oo la yaabay doodda sheegaysa in Eebbe uu yeeshay muuqaal bani'aad oo ah kan Ciise Masiix, dabadeedna la dilay, uuna soo noolaaday, wuxuu yiri: "Waan rumaynayaa, waayo waa arrin caqliga ka baxsan" (=Credo quia absurdum or I believe because it is absurd." Diintu ma aha waxa caqli galka ah ee waa waxa naftu ay ku xasisho. Dadkuna diimaha waa rumeeyaan xataa haddii aysan fahmayn. Gabyaagii carbeed ee Abuu Calaa al-Macarrii oo arrinkaas la yaabayna waa kii ku maansooday: ف جة ما بي أحمد والــمسيح ي الالذقية ض هذا بناقوس يدق وذا بمئذنة يـــــصيح
كلٌ يعظِّم دينه يا ليت شعري ما الصحيح
Ku Allahoode, waxay wariyeen in Buuda marka uu meel yimaado uu oran jirey: "Fadlan, Alle waxba ha iga weydiinnina. Wax walba oo kale i weydiiya, laakiin Eebbe waxba ha iga weydiinnina." Giriiggii horena marka la isweydiiyo su'aalaha waaweyn ee jiritaanka sida; Halkee laga yimi ama koonka yaa abuuray? Halkee lagu danbayn doonaa ama geerida ka dib maxaa lala kulmi doonaa? Waxay oran jireen ummuurahaasi waa sir aan laga sal gaari karin, oo ku habboon in laga aammuso oo keli ah (=Musterion = Mystery = to shut the mouth). Ruusoo-na buuggaan "Diinta Fidrada", wuuu ku leeyahay hadal macnihiisu uu yahay: Marka aan awoodi weyno fahmidda waxa fahanka ka sarreeya (=maqanaha aan la fahmi karin), waxaa nala gudboon in aan weynayno, oo annaga oo aammusan aan qaddarinno.
Masaa'il ku habboon in laga aammuso, ugama aad bogan kartid hadal tiro iyo in cid kuu sharraxdo, ee waxaad uga gun gaari kartaa in aad qalbigaaga la showrto oo keliya, oo aad raacdo talada nebiga (scw) ee tiraahda "استفت قلبك وإن أفتاك الناس وأفتوك".
Ruusoo buuggaan wuxuu ku qoray: "Buuggaygaan ka aad heli maysid wax aan ka ahayn diinta dabeecadda, waxyaabaha cajabta iyo layaabka lehna waxaa ka mid ah in aadanuhu ay u baahdeen wax tan ka duwan." Erayadaas iyo kuwa la midka ah ee uu ku diidayo waxyiga iyo mucjisooyinku waxay keeneen in wadaaddada diimuhu -siiba kuwa Katooliga iyo Borootastanku - ay la wada colloobaan. Marka la soo koobo, Ruusoo wuxuu aamminsanaa in diinta aan caqliga lagu ogaan ee qalbiga lagu ogaado, diinta saxda ahina aysan ahayn mid aan buug ka akhrinnay ama aan awoowayaal ka dhaxalnay, balse ay tahay midda aan ka helno dammiirkeenna samaha iyo xumaha noo kala sheega. Inta aadan noqon Buudi, ama Hinduusi, ama Masiixi ama Muslim ama Yahuudi, waxaad noqotaa aadami wanaagsan, dadkana u la dhaqan sida aad jeceshahay in ay kuula dhaqmaan (=Mu'min iyo mulxid midkii aad tahayba, waa kugula talinayaa akhrinta buuggaan).
Walaxda kale ee Ruusoo uu ka bartay tuuladii uu diinta ku baran jirey waxay ahayd jacaylka dabeecadda. Sida la sheegay, Ruusoo marar badan wuxuu u kala lugayn jirey Baariis iyo Jineefa iyo weliba dhulal kale, iyada oo ay ugu wacnayd saboolnimo uusan heli karin kharashka gaadiidka lagu raaco iyo isaga oo ku raaxaysan jirey daawashada dabeecadda. Wuxuuna sheegay in marka uu keligi lugeeyo, isaga oo dabeecadda daawanaya, uu dareemo in ruuxdiisu ay xorowday, janno dhab ahna uu ku jiro, goortaasna waxaa loo waxyoodaa afkaarta ugu sarraysa. Sida uu sheegayna, marka uu lugaynayo wuxuu jeebka ku qaadan jirey warqadaha turubka iyo qalin uu u adeegsado qoridda fikradaha markaas ku soo dhaca. Kuwaas oo marka danbe uu buugtiisa ku dari jirey. Markii Kacaankii Faransiisku uu dhacayna waxaa la daabacay turub uu ku sawiran yahay Ruusoo oo muuqaal weli leh.
Wuxuuna leeyahay halabuur uu ku muujiyey bilicda dabeecadda oo uu ka mid yahay buuggiisa "Riyada keligi wareegaha" (=Reveries of a Solitary Walker / أحالم يقظة جوال منفر د). Buuggaan oo uu qoray wax yar ka hor geeridiisii wuxuu ku yiri: "Xorriyaddu ma aha mid ku xiran nooc kasta oo ay xukuumadi tahay, waxay ku jirtaa qalbiga qofka xorta ah /liberty is not inherent in any form of government, it is in the heart of the free man." Marar badan wuxuu diiday casumaado iyo magan galyo ay xukuumado u fidiyeen, isaga oo ka cararaya in waxtarkaas loo adeegsado caburinta xorriyaddiisa iyo duun u hadalkiisa. Tusaale ahaan, waxaa la sheegay in riwaayadda uu allifay ee lagu magacaabo "Faaliyaha Tuulada" (= Le devin du village/ The village soothsayer /عراف القرية), lagu dhigay boqorka hortiisa, boqorkuna uu xiiseeyey, uuna codsaday in uu la kulmo Ruusoo, laakiin Ruusoo uu kulanka diiday, isaga oo sheegay in sooryada madaxda iyo maalqabeenku ay halis ku tahay xorriyadda halabuurka. Dabeecadda ayuuna saaxiib lahaa in ka badan inta uu dadka saaxiib la ahaa. Waayo? Dabeecaddu waa hooyo wax bixisa iyada oo aan waxba dalban. In aad cabbitaanno qaali ah madax iyo maalqabeen la wadaagto, marar badan waxaa ka macaan in sacabkaaga aad balliga biyo uga cabto.
Wallee been ma qaayibo!
Wallee gabay qardoofa ah
ama iga qandoodsama,
qalbigaygu ma hollado!
Wallee "Qaaf" ujeeddo leh
qiimahayga kuma rido!
Magac waa qasaanade,
Wallee qado ma dhaafsado!
Wallee gabay ma qurux-tiro
Shacbi qawdhamoo kacay Qarqarsiga hadduu jaro,
Wallee qoofal kuma xidho.
Waxaruhu sidaan qabo,
weligoodba qoor-qabad
biyo kuma qurquriyaan,
anna qiiro mooyee
qasab kuma balwayn karo (Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye', Qasab kuma balwayn karo).
Si kastaba ha ahaatee, Ruusoo kuma sii raagin dugsigaas, wuxuuna ku noqday magaalada Jineefa, halkaas oo uu shaqooyin yaryar oo kala geddisan waqtiyo kala duwan ka qabtay. Habeen habeennada ka mid ahna waxaa dhacday in albaabkii magaalada la xiray goor isaga iyo wiil abtigiis dhalay ay ku sugnaayeen magaalada bannaankeeda. Waxaa xusid mudan in waagii hore Yurub iyo meelo kale oo dunida ka mid ah habeenkii irdaha magaalooyinka loo xiri jirey si la mid ah sida qofku uu u xirto albaabka aqalkiisa. Ruusoo iyo wiilkii ay ina-abtiga ahaayeen waxay fariisteen bannaanka magaalada iyaga oo sugaya in waagu uu baryo oo irridka laga furo. Saacadahaas, Ruusoo wuxuu naftiisa kula sheekaysanayey: wiilkaani wuxuu ku noqonayaa aqalkooda diirran ee ay waalidkiis ku sugayaan, ee anigu maxaan sugayaa? Halkee baan ku noqonayaa? Aqal, aabbe iyo hooyo toona igama horreeyaan, haddaba maxaa halkaan i dhigay? Wuxuuna goostay in uusan Jineefa dib ugu noqon ee uu duurka xulo. Wuxuu ahaa go'aan qar iska xoornimo oo halis badan, waayo wuxuu u nuglaa in si fudud loo dilo ama uu bahal cuno iyada oo aan labo Cali isweydiin. Laakiin, qar iska tuurnimadaas waallida ahi waxay horseedday in uu noqdo qoraaga iyo mufekirka ugu weyn dunida casriga ah. Xaaladdiisana waxaa ku rumoobaysa oraahda tiraahda "Nicmada xanuunka" (=The Blessing of Pain /نعمة األلم), oo ah oraah ka tarjumaysa fikradda sheegaysa in dhibka iyo qaxarku ay dadka soofeeyaan, oo kartida iyo waxqabadka qofka ay soo saaraan.
Ruusoo wuxuu sheegay in markii uu ka tagay Jineefa, uu muddo gaaban ku noolaa nolol dabacsan oo farxad leh (=The short-lived happiness in my life). Waqtigaasi wuxuu ahaa markii ay isbarteen haweenay la oran jirey Marwo Françoise-Louise de Warens , oo ka hawlgali jirtey mashruuc ka shaqayn jirey in ubadka ay dhalaan waalidiinta Borootastanka ah lagu qanciyo in ay qaataan mad’habta Katooliga. Xilligaan Boobka iyo guud ahaan dadka haysta mad'habta Katooligu waxay rumaysnaayeen in dadka haysta mad'habta Borootastanku ay yihiin gaalo lunsan oo ay lamahuraan tahay in lagu soo celiyo diinta masiixiga, koodii diidana luqunta loo dheereeyo. Marwo Warens na waxay ahayd gabar ay dhaleen qoys ladan oo haystay mad'habta Borootastanka, laakiin ka carartay nin iyada oo yar ay qoyskeedu ku dareen, dabadeedna magangashay dhul ay deggenaayeen dad haysta mad'habta Katooliga, sidaana ku qaadatay mad'habtaas.
Ruusoo iyo Marwo Warens waxay is barteen gu'gii 1728, jeerkaas oo isagu uu ahaa igaar yar oo 16 jir ah, iyadanu ay ahayd carmal ama garoob qurux iyo xarrago la tiicaysa oo 28 jirta. Waxay ahayd qof loo igmaday diin faafin, laakiin waxay lahayd deeqsinnimo iyo dhaqan xor ah, oo qofka dadnimadiisa ayay ku qiimayn jirtey in ka badan inta ay ku qiimayso diinta iyo mad'habta uu haysto. Isaguna qacdii ugu horraysay ee uu arkayba wuxuu yiri: "Mad'habta ay haystaan tan iyo kuwa la midka ahi, waa hubaal in jannada lagu galayo!" Durbadiibana wuxuu goostay in uu beddelo mad'habtiisii, oo uu qaato mad'habta kuwii isaga, aabbihi iyo awoowayaashiisba codowga u ahaa. Dantu diin iyo mad'hab lagu qancay ma aysan ahayn, balse waxay ahayd in uu nabad ku noolaado, jooharaddaasna uu calfado (=Waa danbe, oo uu ku noqday Jineefa wuxuu sheegay in uu ku noqday mad'habtii Borootastanka -siiba firqada Kalfiiniyada- ee awoowayaashiis ay haysteen. laakiin sidaan kor ku soo xusnay marna ma uu rumaysnayn diimaha buugta iyo waxyiga ku dhisan, wuxuuna necbaa wadaaddada oo uu ku eedayn jirey in badankoodu ay yihiin beenaalayaal munaafiqiin ah. Ruusoo nebi Ciise wuu jeclaa, laakiin wuxuu necbaa wadaaddada Kirishtanka oo uu ku eedayn jirey in badankoodu ay diinta danahooda u adeegsadaan. Wadaaddadana wuxuu ka sii necbaa feylasuufyada mulxidiinta ah, oo iyagu dhib mooyee aan innaba waxtar lagu ogayn).
Akhristow, sheekaba sheekay keentaaye, waxaa igu maqaal ah, in nin Soomaali ahaa uu mar qaatay diintii ay haysatay xaaskiisa oo ajanebi ahayd, laakiin mar dambe uu ku soo noqday diinta islaamka. Mar rag ay jaal ahaayeen ay arrinkaas wax ka weydiiyeenna uu ku jawaabay: Nimanyahow reer xididkay abaal weyn bay ii galeen, xaq bayna iigu yeesheen in aan xoogaa u cammiro, dhanka kalena ma qawadi karo dhaxalka reer tolkay, oo iyaguna waxay xaq iigu leeyihiin in aan markooda u cammiro!
Ruusoo isaga oo la hadlaya akhristayaashiisa kirishtanka ah ayuu buugga "Diinta Fidrada" wuxuu ku leeyahay: "Haddii wiilka kirishtanka ah aan lagula yaabin in uu qaato diinta aabbihiis isaga oo aan baarin, su'alna aan ka keenin, maxaa loola yaabaa kolka wiilka Turkiga (=Muslimka ) ahi uu sidaas oo kale yeelo, oo su'aal la'aan, uu si daacad ah u qaato caqiidada iyo diinta aabbihiis?"
Marwo Warens waxay mar qura Ruusoo u gashay labada kaalin ee kan hooyada iyo kan saaxiibka. Waxay u sahashay fursad waxbarasho iyo kuwo shaqo -walow fursadaha shaqadu aysan ahayn kuwo joogto ah. Ruusoo saaxiibaddi wuxuu ugu yeeri jirey "Hooyo", iyaduna waxay ugu yeeri jirtey "Gabankaygii". Marka aan wax ka akhriyo kaalinka marwo Warens ay ugu jirtey Ruusoo, waxaan xusuustaa erayga sawaaxiliga Kenya ay ugu yeeraan afada ee ah “Mama”. Waa maamo aan maamo ahayn.
Ruusoo iyo Marwo Warens iskuma ay raagin, laakiin sanooyin badan ka dib markii loo sheegay in ay geeriyootay aad buu u tiiraanyooday, wuxuuna ku dul baroortay qabrigeeda oo uu booqasho ku tagay, magaceedana wuxuu ku waariyey buuggiisa "Qiraallada" (=The Confessions /اإلعتر افات), oo uu kaga sheekeeyey, kuna qiray in marwo Warens ay noloshiisa qaabaysay. Waxaana laga hayaa in uu yiri: "Toddobaatan sano ayaan dunida joogaa, laakiin sida runta ah toddoba sano oo qura baan ku noolaaday." Isaga oo ka wada muddadii ay Marwa Warens xiriirka lahaayeen. Waxaana la sheegaa in qoraagii Faransiiska ahaa ee Stendhal uu qoray sheekadiisa caanka ah ee "Casaan iyo Madow /Le Rouge et le Noir", isaga oo qayb ahaan maanka ku hayey xiriirkii ka dhexeeyey Ruusoo iyo Warens.
Dabshidkii 1742, Ruusoo wuxuu tagay magaalada Baaris, wuxuuna xirfad ka dhigtay muusigga iyo laxan samaynta. Durbana halkaas waxay isku barteen gabar aan akhris iyo qoraal toona aqoon, oo ka shaqayn jirtey hotel, laguna magacaabi jirey Teerees Loofasiir (=Thérèse Le Vasseur '1721-1801'), taas oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen, goor danbana is guursadeen (=Guurka Ruusoo iyo Teerees, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay guurkii ugu horreeyey oo madani ah [=aan wadaad meherin] ee ka dhaca dalka Faransiiska).
Sidoo kale, waxay isku barteen feylasuufkii Denis Diderot (1713-1784), oo gadaal danbe lagu bartay in uu yahay tifaftiraha Mawsuucadii (=Encyclopédie) ugu horraysay ee af-faransiis lagu qoro, laakiin jeerkaas aan cidina aqoon, sida Ruusoo oo kalena ay saboolnimo faro ba'an ku haysay. Labadooduba waxay la rafan jireen bixinta kirada guriga yar ee ay deggen yihiin -cidina ma aysan ogayn in ay noqon doonaan ugaasyada falsafadda ee casrigaas. Laakiin waxay ku kala duwanaayeen in Diderot uu ahaa nin bulshey ah oo dadku ay xiiseeyaan kaftankiisa iyo sheekooyinka uu ku jalbeebiyo, halka Ruusoo uu ka ahaa goonni daaq aan dadka dhex gelin.
Diderot wadaygiis wuxuu ku qaybiyey in uu qoro dhammaan maqaalaadka muusigga ku saabsan ee mawsuucada lagu darayo iyo maqaal kale oo ku saabsan dhaqaalaha siyaasiga ah. Qiimaha Mawsuucaduna waxay ku jirtay in ay ahayd buug ballaaran oo akhristuhu uu ka heli karo xog kasta oo uu u baahdo, isaga oo aan fasax uga qaadan dowlad iyo wadaad toona. Sidaa awgeed, dowladda iyo wadaaddaduba waxay dareemeen khatar weyn oo ku soo fool leh, maadaama shacabku ay heli karaan il aqooneed iyaga ka madax bannaan. Mawsuucadu xilligaas waxay qaadatay kaalin la mid ah kan interneetku uu hadda noogu jiro. Tusaale ahaan, akhristuhu baalasha ugu horreeya ee mawsuucada wuxuu ku arkayaa erayga "Aadam ama Aadan", marka uu akhriyo xogta laga bixinayo magaca Aadan-na wuxuu helay xogta diimaha iyo wadaaddadu ay Aadan ka sheegaan iyo weliba xog kale oo dheeraad ah oo ka duwan tan ku qoran buugta diinta ee wadaaddadu ay maamulaan. Interneetka maanta waxaa lagu eedeeyaa in uu dadka u sahlo helidda xog badan oo dadka qaarkood -siiba dhallinyarada- ku bixisa in ay diinta ku caasiyaan. Si taa la mid ah, ayaa Mawsuucada waxaa loogu eedeeyey in ay dadka u sahlayso helidda aqoon ka duwan tan dowladda iyo wadaaddadu ay u oggol yihiin, ayna keenayso in shacabku ay ku caasiyaan diinta iyo dowladda labadaba.
Ruusoo markii ay isbarteen Denis Diderot iyo Jean d’Alembert wuxuu bilaabay in uu xiiseeyo falsafadda oo uusan horay aad u danayn jirin. Laakiin waxaa jirey farqi u dhexeeyey isaga iyo saaxiibbadi oo ah in iyagu ay ahaayeen mulxidiin, si bareer ah u sheega in diintu aysan ahayn il aqoon laga helo, waxayna ku baaqi jireen in diintu ay ku ekaato xarumaheeda oo aan la keenin xarumaha waxbarashada iyo cilmibaaridda ama xataa in diinta oo dhan laga takhaluso. Waxay rumaysnaayeen in diintu ay ku dhisan tahay maqane (=Alle, aakhiro, ruux, janno, naar, waxyi, iqk) aan caqli lagu ogaan karin, dood walba oo wadaad sheegana mid ku lid ah la keeni karo. Tusaale ahaan, haddii qof yiraahdo 'Eebbe waa wanaagsan yahay', qof kale ayaa wuxuu oran karaa 'Eebbe ma wanaagsana', wax daliil cad ah oo lagu kala saarana lama helayo. Diderot oo si kaftan iyo sheeko ah dadka uga digi jirey in ay ku kadsoomaan wararka wadaaddadu ay sheegaan, erayada laga hayo waxaa ka mid ah in uu yiri: "Aniga oo habeen ku lugaynaya kayn mugdi ah oo sita shumac yar oo aan ifsanayo, baa waxaa iga soo hor baxay nin aannan garanayn oo igu yiri 'Saaxiibow si aad si fiican wax ugu aragto, iska xoor shumacaan yar', ninkaasi waa wadaadka diinta ku takhasusay. Ma qaataa taladiisa?!" Denis Diderot waxaa kaloo loogu abtiriyaa halkudhegga Kacaankii Faransiiku uu ku caanbaxay ee oranaya: "Aadanuhu weligood xoroobi maayaan jeer boqorka ugu danbeeyo loogu ceejinayo caloosha wadaadka ugu danbeeya /Man will never be free until the last king is strangled with the entrails of the last priest."
Si taa ka geddisan, Ruusoo isagu jiritaanka Eebbe shaki ma uu gelin jirin, wuxuuna qabay in diintu haddii aan la xumayn ay waxtar yeelan karto, oo dadka intii isku diin ahi waxay dareemaan midnimo iyo in noloshoodu ay macne leedahay, waxaana jira wadaaddo daacad ah iyo xarumo cibaado oo bulshada u adeega. Laakiin wuxuu diiddanaa fikradda waxyiga iyo sawirka kutubta diintu ay Eebbe ka bixiso, ee ah in uu yahay jire aynaan u jeedin oo meel sare naga daawanaya, geerida ka dibna janno ama cadaab mid nagu abaalmarinaya iyo weliba sheegashada diimaha ay mid kastaa goonnideeda xaqa u sheegato. Wuxuu rumaysnaa Eebbe aan uunkiisa ka baxsanayn, wuxuuna sheegay in uu aad uga helay oraah isaga oo yar uu wadaad ka maqlay oo oranaysa: 'Diini waa wax kasta oo wanaagsan, magacii la rabo ha loo bixiyo, ciddii la doonana ha loogu abtiriyee.' Sida la sheegana, Ruusoo waa qofkii ugu horreeyey ee adeegsaday eraybixinta "Diin rayid ah/ Civil religion".
Si kastaba ha ahaatee, maalin ka mid ah sannadkii 1749, Ruusoo oo soddon iyo siddeed jir ah, ayaa wuxuu u baxay si uu u soo booqdo saaxiibkiis Denis Diderot oo ku jirey xabsi lagu xiray kaddib markii lagu eedeeyey in buuggiisa Mawsuucada ahi, uu xanbaarsan yahay xadgudubyo diinta ka dhan ah. Ruusoo oo ka warramaya subaxaas wixii dhacay wuxuu yiri: "Waxaan ku khasbanaa in aan lugeeyo, waayo dhaqaaluhu iima uu saamaxayn in aan bixiyo kharashka gaadiidka la raaco , waxaan istusay in buug aan qaataa uu igu filan yahay. Laakiin sidoo kale waxaan iibsaday wargeyska 'Mercure de France', dabadeedna aniga oo socda ayaan akhrinayey, jeer indhahaygu ay qabteen su'aal akadeemiyadda Dijon ay dadweynaha u soo bandhigtay si ay ugu tartamaan oo qoraal uga diyaariyaan, oo oranaysa: 'Horumarka cilmiga iyo fanku akhlaaqda ma hagaajiyaan mise way halleeyaan /Has the progress of sciences and arts helped to corrupt or to purify morals'?"
Ruusoo isla markii uu akhriyey mawduuca tartanka, wuu wareeray, waxaana qaadi waayey labadiisii lugood, wuxuuna ku dhacay geed hoosti, xoogaa ka dibna wuxuu soo miyirsaday isaga oo jirkiisii iyo dharkiisiiba ay qooyeen dhidid iyo illin, maankiisana ay doodi ka shidan tahay, oo kumanyaal fikradood ay isku hardinayaan. Wuxuu ku jirey xaalad lagu tilmaamay in ay la mid ahayd sidii in waxyi uu ku soo degay. Ruusoo oo cabbiraya wixii uu dareemay markii uu akhriyey su'aasha tartanku wuxuu yiri: "Isla daqiiqaddii aan akhriyey tan waxaan arkay koon kale, waxaana noqday nin kale /the moment I read this I beheld another universe and became another man." Isla daqiiqad buu wuxuu ku ogaaday in uu helay xaqiiqo uu muddo dheer raadinayey. Wuxuu ku qancay in aysan khasab ahayn in horumarka cilmiga iyo farsamadu ay keenaan horumar u dhigma oo dhanka akhlaaqda iyo dadnimada ah. Wuxuu ogaaday xaqiiqo aysan ku baraarugsanayn aqoonyahannadii ay isku xilliga ahaayeen.
Ruusoo markii uu u tagay saaxiibkiis Diderot, wuxuu tusay wargeyskii uu ku qornaa ogaysiiska qoraalka jaamacaddu soo jeedisay in lagu tartamo. Waxayna isla meel dhigeen in dadka tartanka ka qayb-geli doonaa ay xoogga saari doonaan dhanka saamaynta togan, oo ay ka hadli doonaan kaalinka horumarka cilmiga iyo fanku ay ku leeyihiin xoojinta akhlaaqda, sidaa darteedna loo baahan yahay in Ruusoo uu xoogga saaro saamaynta taban ee horumarka cilmiga iyo fanku ay akhlaaqda ku leeyihiin. Sida la wariyo Diderot wadeygi wuxuu si kaftan dhable ah ugu yiri: War saamaynta taban xoogga saar, waxaa laga yaabaa in aad abaalmarinta ku guulaysato, oo aan ka helno xoogaa shilimaad ah oo aan dhowr beri magaalada isaga celinno e.
Xilligaan waxaa lagu jirey marxaladda ka midka ah taariikhda Yurub ee loo yaqaan marxaladdii "Maanfurka /Enlightenment", dadka oo dhammina waxay la dhacsanaayeen kaalinka cilmiga iyo fanku ay ka qaataan horumarka nolosha aadanaha. Waxaana lagu doodi jirey in aadanuhu -gaar ahaan dadka cad ee Yurub- ay ka gudbeen xaaladdii jahliga iyo dugaagnimada (=The savage state) oo ay u gudbeen xaalad aqoon iyo ilbaxnimo. Hase ahaatee, Ruusoo waxaa u muuqday in cilmiga iyo fanku aysan mar walba dadka wanaag u horseedin, ee ay dhici karto in mararka qaarkood ay cusleeyaan nolosha dadka. Wuxuuna ku dooday in qofka aadanaha ahi uu kheyr iyo wanaag ku dhasho, dadkuna asal ahaan ay ku noolaayeen xaalad dabiici ah (=The state of nature) oo anshax leh, kana maran been iyo denbi, laakiin gadaal dambe markii bulshooyinku samaysmeen ay aqoonta iyo fanku dadka dhaxalsiiyeen been, damac iyo denbi. Ruusoo wuxuu tusaale u soo qaatay arrin xilligaas Yurub looga sheekaysan jirey, oo isagu uu u bixiyey "cawaanka sharafta leh" (=The nobale savage /الوحش النبيل". Waayahaas Yurub waxaa ku baahay sheekooyin ay tebin jireen caddaankii dunida cusub (=qaaradda Ameerika) tagay, oo nuxurkeedu uu yahay in Hindidii dhulkaas degi jirey ay ahaayeen dad sabool ah oo aan aqoon lahayn, laakiin ku noolaa nolol sahlan oo ka maran been, khiyaano iyo damac, isla jeerkaasna ay ahaayeen geesiyaal dagaallama marka ay dareemaan dulmi iyo quursi. Hayeeshee, caddaankii dhulalkaas tagay ay dadkaas bareen balwad, damac iyo khayaano, ilaa ay ka soo baxeen Hindi doorsoomay oo aan lahayn wax akhlaaq ah oo ay xeeriyaan, denbi kastana u sameeya si ay u haqabtiraan balwadaha ay ka barteen caddaankii ku soo duulay. Sidaa darteedna, cawaantii sharafta lahaa waxay isu rogeen cawaan aan sharaf lahayn.
Sannadkii 1950, Ruusoo wuxuu diyaariyey qoraal uu u bixiyey "Dhanbaal Ku Saabsan Raadka Cilmiga iyo Fanku ay ku leeyihiin Akhlaaqda /A Discourse on the Moral Effect of the Arts and Sciences", wuxuuna u diray akadeemiyaddii su'aasha tartanka soo jeedisay. Dabadeed, gebi ahaanba wuu hilmaamay arrinka, jeer lagu wargeliyey in uu ku guulaystay abaalmarintii tartanka. Habeen iyo maalin gudahoodna, wuxuu noqday aqoonyahan caan ah, waxaana bilowday in dhigaalladiisu -buug iyo maqaallaba- ay iska soo daba dhacaan, oo tusaale ahaan waxaa la daabacay buuggiisa "Dhanbaal ku Saabsan Asalka Sinnaan La'aanta /Discourse on the Origins of Inequality", oo uu isku weydiinayo su'aal ah: "Halkee bay ka askuntay sinnaan la'aanta u dhaxaysa aadamiga, qaanuunka dabeecadduse ma aqbali karaa?"
Ruusoo dooddiisa wuxuu ku bilaabayaa in sharraxaad isaga u gaar ah uu ka bixiyo fikradda loogu yeero "Xaaladda dabiiciga ah /State of Nature" ee nolosha aadanaha, oo ah fikrad isaga hortiis ay adeegsadeen feylasuufyo ay ka mid yihiin Thomas Hobbes iyo John Locke. Xaaladda dabiiciga ahi waa sidii ay dadku u noolaanayaan markii aysan jirin dowlad, ilbaxnimo, qaanuun, iyo cid gaar u leh awood ay ku xakamayso dabeecadda dadka. Hobbes wuxuu ku dooday in marka xaalku uu sidaas yahay ee aysan jirin dowlad iyo qaanuun, ay dadku noqdaan dugaag qaarba qaarka kale uu cuno (=The war of all against all), nolashuna ay noqonayso mid shan sifo ku tilmaaman "Kelinimo, faqri, dhibaato, bahalnimo iyo gaabnaan /solitary, poor, nasty, brutish and short." Si taas looga hortagana, waxaa loo baahan yahay in la helo dowlad dadka kala celisa, nooca ay doonto dowladdaasi ha ahaatee. John Locke sida Hobbes ayuu rumaysnaa in dabeecadda aadanuhu ay qofka ku bixinayso in uu noqdo anaani naftiisa jecel, laakiin wuxuu uga duwanaa in uu rumaysnaa in aadanuhu ay leeyiiin garaad iyo dulqaad ay isku xakameeyaan. Dadkuna si ay xaaladdooda u sii wanaajiyaan ay isku raacaan in ay doortaan dowlad dimoqoraaddi ah, oo danahooda ka shaqaysa. Nidaamyada kelitaliskuna ay yihiin kuwa aadanaha curyaamiya.
Ruusoo - sida ay la tahay -xaaladda dabiicigu waa sidii aadanuhu uu ku noolaa ka hor intii uusan baran afka, diinta, dowladda iyo lahaanshaha gaarka ah, ee uu ku noolaa qaraabashada, ayna adkayd in laba habeen oo isku xiga uu isku meel u hoydo. Ma uusan aqoon shaqo, jadwal iyo saacad toona. Waxay ahayd xaalad dhib iyo dheef labadaba leh. Dadku marka ay ku noolyihiin xaaladda dabiiciga ah way wanaagsan yihiin, laakiin xaaladda dabiiciga ah waxaa fasahaadiya isu imaanshaha iyo wada noolaanta bulshada. Wada noolaanshaha bulshada waxaa ka dhasha in qofku uu dhumiyo madaxbaanidiisa, uusanna ka fekerin waxa uu dhab ahaanta u baahan yahay, balse had iyo goor uu dadka kale isku dherariyo, oo samaanta iyo xumaanta uu iyaga uga daydo -Hebel/heblo waxay haystaan shaqadaas, waxayna ku noolyihiin gurigaas, bangigana waxaa u taal hanti intaas le'eg, sidaa darteed way iga fiican yihiin, waana in aan ku dadaalo sidii aan ku gaari lahaa.
Siday ahaataba, Ruusoo sinnaan la'aanta wuxuu u qaybinayaa labo nooc oo kala ah; mid dabeecaddu keento iyo mid nidaamka dhaqan-dhaqaale uu keeno. Sinnaan la'aanta ay dabeecaddu keento waxaa tusaale u noqon kara xaaladda caafimaad, oo dadku waa kala itaal roon yihiin, qaarkoodna waxay dhashaan iyaga oo cillad leh, sida in ay dhashaan iyaga oo xubin jirkooda ka mid ahi ay maqan tahay ama aysan shaqaynayn. Sida la dareemi karo saamaynta sinnaan la'aanta ay dabeecaddu keentaa waa mid aad u yar marka la barbardhigo sinnaan la'aanta ka dhalata nidaamka dhaqan-dhaqaale.
Ruusoo wuxuu ku dooday: Jacaylku wuxuu keenaa masayr, masayrkuna wuxuu dhaliyaa sinnaan la'aan. Marka aad walax jeclaato ma aad oggolaatid in cid kale ay kula wadaagto cidda ama walaxda aad jeceshahay. Waxaana ku gala masayr kugu bixiya in aad jeclaatid in keligaa aad gacanta ku dhigto, oo aad yeelatid qofka aad jeceshahay. Masayrkaas kugu dhacayna wuxuu dhaliyaa in aan loo sinnaan qofka ama walaxda la jecel yahay.
Ruuxaad ku dhawrtaa
Naxariis dhadhamiyee
Indhahaagu dhudiyeey
Dhugashada ku roonaa
Dhowr saniyo shiibaan
Ka dhawrsaday haweenkoo
Jacaylkooda dhumiyoo Dhaqashada ka doortee
Uma dhiganin caashaqa
Inaan soo dhaweeyee
Xayaadeey! dhibaatada
Adigay igu dhaliyee
Sida dhayda caanaha
Ilkahaaga dhoolka ah
Timahaaga dheeree
Dhufashada dabayluhu
Hadba dhinac u rogayaan
Dhaameelka hawd iyo
Haddaad tahay hunguri dhubuq
Dhuuntaan ku marin laa! (Xasan Aadan Samatar, heesta Xayaad).
Maxay tahay sababta qofkaan caashaqu hayaa uu u doonayo in uu u dhunjiyo ruuxa uu jecel yahay? Sow ma aha in uu doonayo in keligi uu yeesho, oo weliba kaaga daranta uu jir iyo ruux labadaba u muudsado? Marna xaalad caynkaas oo kale ah ma la kulantay?
Ruusoo oo sawiraya sida sinnaan la'aantu ay ku bilaabato, wuxuu qalinka ku duugay: Qofkii ugu horreeyey, ee goob dhul ah meegaartay, madaxana gashaday in uu yiraahdo tan aniga ayaa iska leh, isla markaana helay dad masaakiin ah oo ka rumaystay ayaa ah kan runta ah ee aasaasay bulshada rayidka ah. Badanaa denbiyada, dagaallada, dilalka, dhibaatooyinka iyo hoogga laga badbaadi lahaa, haddii dadka midkood uu tiirarka siibi lahaa, godadkana duugi lahaa, saaxiibbadina ugu baaqi lahaa "War ha maqlina khaa'inkaan. Waad dayacmaysaan haddii aad hilmaantaan in miraha dhulka dadka oo dhammi ay wadaagaan, dhulkana cid lihi aysan jirin! /Do not listen to this imposter. You are lost if you forget that the fruits of the earth belong to all and the earth to no one!"
Ruusow wuxuu tilmaamayaa xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya lahaanshaha gaarka ah iyo sinnaan la'aanta. Kolka hanti gaar ah la abuuro, waxaa la abuurma hey'adihii iyo qawaaniintii lagu ilaalin lahaa, waxaana dayacanta ciddii wax laga yeeshay, oo aalaba ah bulshada badankeeda. Gacan-ka-hadalka iyo dagaalladuna waxay ka dhashaan lahaanshaha gaarka ah, maxaa yeelay sida uu ku dooday John Locke: "Meeshii aan Lahaansho ka jirin, Caddaalad la'aani kama jirto /Where there is no Property, there is no Injustice."
Lahaanshaha gaarka ahi wuxuu keenaa in hodonka la ilaaliya, saboolkana la cadaadiyo. Ruusoo oo canbaaraynaya lahaanshaha gaarka ah iyo sinnaan la'aanta ka dhalataana, wuxuu yiri: "Inta sinnaan la'aantu ay jirto xorriyadi ma jiri karto, sinnaan la'aantu waxay abuurtaa hanti, hantiduna waxay keentaa raaxo iyo firaaqo, raaxadu waxay asal u tahay jiritaanka fanka, firaaqaduna waxay asal u tahay jiritaanka cilmiga. Haddii dib-u-dhaca iyo ilbaxnimo la'aantu ay naga badbaadinayaan dhibkaas -[=sinnaan la'aanta]- aan ku noqonno annaga oo ka raalli ah." Fikraddaan uu Ruusoo ku dhiirradayna waxay abuurtay xiiso iyo doodo kulul.
Sidaa darteed, Ruusoo wuxuu waddada u xaaray Kaarl Maarkas iyo raggii ay jaalka ahaayeen ee ku baaqay nidaamyada shuuciyadda iyo hantiwadaagga. La yaabna ma leh in Kaarl Maarkis uu calmado Ruusoo iyo dhigaalladiisa oo uu ka qaatay qaar ka mid ah fikradaha tiirarka u ah halabuurkiisa.
Ruusoo nuqul buuggaan ka mid ah ayuu wuxuu u hadiyeeyey feylasuufkii Folteer (Voltaire 1694-1778) oo xilligaan ay weli xiriir lahaayeen. Folteerna warqad jawaab ah oo uu Ruusoo u soo diray, wuxuu ku qoray weero caan noqday oo oranaya: "Mudane waa helay buuggaaga cusub ee aadanaha ka dhanka ah, waana kaaga mahadnaqayaa. Weli lama arag cid sidaada oo kale xikmad u leh oo isku dayday in ay dugaag naga dhigto; akhrinta buuggaagu ruuxa waxay ku bixinaysaa in uu u hollado in uu afarta ku socdo. Siday ahaataba, lixdan sano baa laga joogaa markii aan iska daayey isku daygaas, ayaan-darro waxaan dareemayaa in aysan suurogal ii ahayn in aan dib u bilaabo." Folteer intaas wuxuu sii raaciyey: "Kuguma waafaqsani hal eray oo waxaad tiri ka mid ah, sidaas oo ay tahayna waxaan diyaar u ahay in aan u dhinto difaacidda xaqa aad u leedahay in aad hadasho, oo aad afkaartaada dhiibato."
Mar kale, foolteer warqad uu u diray haweenay la oran jirey Marwo Bordes, wuxuu ku yiri: "Adigu hadda waad u jeeddaa, in Joon Jaak uu feylasuuf ugu eg yahay sida daanyeerku uu qof ugu eg yahay /You see now that Jean-Jacques resembles a philosopher as monkey resembles a man." Dad badan baa waxay qabaan in Folteer uu erayadaan u yiri masayr uu ka masayray buugga Ruusoo darti.
Sida dhabta ah, Ruusoo buuggaan wuxuu su'aal ka keenayaa in ilbaxnimadu - gaar ahaan ilbaxnimada Yurub- ay aadanaha u horseedday horumar iyo wanaagga? Wuxuuna tilmaamayaa cillado badan oo ka dhashay ilbaxnimada casriga ah, oo ay ka mid tahay in farxadda dadku ay yaraatay. Tusaale ahaan, dadka badankoodu maanta waxay haystaan taleefoonka gacanta iyo kombiyuutar, laakiin kontan sano ka hor koombiyuutar iyo taleefanka gacanta midna lama aqoon. Haddaba, saamayn ceenkee ah baa farsamada casriga ahi ku leedahay nolosha iyo farxadda dadka? Adiga iyo awowgaa/ayeydaa kiinnee baa farxad badan? Aqoonta iyo dhaqaalaha aad heshay farxaddaada iyo qabkaaga ma kordhiyeen mise way dhimeen? (= Run ahaantii, doodda caynkaani ahi waxay ka mid ahayd waxyaabihii ay isku seegeen Ruusoo iyo aqoonyahannadii ay isku waqtiga ahaayeen sida Voltaire, Diderot, David Hume iyo qaar kale. Waayo waxay ku eedeeyeen in uu yahay rajci caadifadda caqliga ka hormariya, oo bulshada kala diriraya caqliga iyo cilmiga, uguna baaqaya afkaar haraadi ah oo aan waxtar lahayn. Isaguna iyaga ayuu wuxuu ku eedeeyey in ay xaqaa'iqda iska indho tirayaan).
Midda kale, culumo uu ka mid yahay aadami-baarihii (=anthropologist) Faransiiska ahaa ee Claude Lévi-Strauss (1908-2009), waxay qabaan in Ruusoo uu yahay ruuxa ugu mudan in loogu abtiriyo cilmiga baara dhaqamada aadanaha (=Anthropology). Ruusoo waqti aan la aqoon magaca iyo ahmiyadda cilmigaan ayuu wuxuu saadaaliyey waxtarka cilmigaan uu u yeelan karo aadanaha. Wuxuuna ka hadlay xiriirka ka dhaxeeye dadka iyo dabeecadda. Ruusoo buuggaan "Askunka Sinnaan La'aanta", wuxuu ku yiri:
"Waxaa igu adag in aan fahmo, sababta sebenkaan ku faana aqoonta,loo waayey labo nin oo midkood uu maalkiisa ka bixiyo labaatan kun oo Karoon, kan kalena toban sano oo cimrigiisa ka mid ah, ayna galaan safar ay ku marayaan dunida oo idil, iyaga oo aan darsayn dhagxaanta iyo dhirta oo keli ah, balse sidoo kale baaraya dadka iyo dhaqamadooda."
Nimankaas dunida maraya ee baaraya dadka iyo dhaqamadoodu waa in ay darsaan waxa dadka iyo deegaannadu ay isaga midka yihiin iyo waxa ay ku kala geddisan yihiin. inta ay joogaan dhulalka qalaad ee aan laga aqoon iyaguna aysan aqoon, waa in mid kastaa uu isweydiiyaa su'aasha ah: "Maxaan ahay anigu /What Am I?" Hor iyo horraan waa in ay ka fekeraan jawaabta weydiintaas.
Si aad dadka kale sawir uga bixiso, waa in marka hore aad adigu sawir iska haysataa. Adigu maxaad tahay? Maxaad dadka kale kala mid tahay ama uga duwan tahay? Ma arrimo bay'oloji baad dadka kale uga duwan tahay mise kuwa bulsho, dhaqan iyo nafsadeed? Kala duwanaantu haddii ay jirto ma wax dhab ah bay ku salaysan tahay mise waa ismoodsiis iyo qab been ah oo adiga iyo tolkaa idinku jira?
Ruusoo wuxuu sheegay in loo baahan yahay in qofka cilmibaaridda samaynayaa uu marka hore illado kabaha dadka kale ee uu darsayo, oo isagu/iyadu uu dhanka kale ka soo jeesto oo uu noqdo cidda uu darsayo. Waa in uu ogaadaa in dadka kale ay yihiin kuwo isaga la mid ah, oo uu yiraahdaa "Anigu waxaan ahay kan kale, kan kalena waa aniga /The me is another or the other is me." Ruusoo ka hor, feylasuufkii Rene Descartes baa wuxuu yiri: "Waan fikirayaa sidaa darteed waan jiraa" (=Cogito, ergo sum /I think therefore i am). Ruusoo na dhankiisa wuxuu sheegay in si loo shaki baxo loo baahan yahay in la ogaado in ay jirto cid saddexaad oo isaga ama iyada ah oo na la fekeraya, ayna tahay in la kala garto aniga iyo isaga/iyada. Ruusoo isaga oo ka duulaya fikradda sheegaysa in aadanuhu tan iyo markii ugu horraysay ee uu koonka ka soo muuqdo uu sameeyey saddex isbeddel oo kala ah; in uu ka gudbay marxallii dabeecadda oo uu u gudbay marxallada dhaqanka (= From a state of Nature to culture), in uu dareenkii aqoon uga gudbay (=from sentiment to knowledge) iyo in uu xaalladdii uu xayawaanka la midka ahaa uu uga gudbay xaalad aadaminimo, ayuu wuxuu isweydiinayaa su'aal ah: Waa maxay waxyaabaha ay dhab ahantii aadanuhu noolayaasha kale uga duwan yihiin?
Jawaabta uu bixinayaana waa in dadku ay leeyihiin awood iyo doonid ay ku khilaafaan qawaaniinta dabeecadda, halka noolayaasha kale aysan ka lahayn dooniddaas. Tusaale ahaan, waxaa dhici kara in shimbirta qoolleyda ahi ay gaajo u dhimato iyada oo uu hor yaal saxan uu hilib ka buuxo. Waayo qoolleydu ma leh doonid ay ku khilaafto qawaaniinta dabeecadda, oo ay ku barato cunidda hilibka. Marka laga reebo dadka, xayawaanaadka kale oo dhammi waxay shabbahaan qoolleeydaas aan qawaaniinta dabeecadda khilaafi karin. Halka dadku -ilaa xad- ay ka awoodaan in ay khilaafaan qawaaniinta dabeecadda.
Marka la soo koobo, Ruusoo wuxuu qabay in haddii la helo aqoonyahanno dunida mara, oo baara ummadaha kala duwan iyo dhaqamadooda ay aadanuhu heli lahaayeen aqoon loo aayo. Sida la ogyahayna, shaqada ay qabtaan culumada baara dadka iyo dhaqamadoodu waa isla intaas.
Docda kale, dabshidkii 1762, waxaa la daabacay buugga kale ee lagu magacaabo "Heshiiska Bulshada" (=The Social Contract/ (العقد اإلجتماعي oo ah kan ugu caansan dhammaan buugta Ruusoo, tan iyo markii uu soo baxayna kaalin hore uga jira dhigaallada ka hadla aragtiyaha siyaasadda iyo dowladnimada. Wuxuu ku soo beegmay xilli Faransiiska iyo meelo kale oo Yurub ah ay ka taagnaayeen weydiimo ku saabsan kaalinka diinta iyo kaniisaddu ay ku leeyihiin nolosha dadka iyo weliba awoodda boqorrada iyo sharciyadda xukunkooda.
Buuggaani dowladnimada wuxuu ku tilmaamayaa in ay tahay wax ka dhasha heshiiska dadka, kuna dhisan dooniddooda guud (=the General Will). Dadku si istikhyaarkooda ah bay madaxbannaanidooda waxay ugu wareejiyaan dowladda oo ah hey'ad siyaasadeed, si dowladdu ay dadka sharciga ugu dhaqdo, noloshoodana uga dhigto mid ka sii wanaagsan tii ay ku noolaayeen markii ay ku jireen xaaladda dabiiciga ah (=The state of nature) ee aan dowlad iyo xeer toona la aqoon. Kaalinka madaxda dowladduna waa in ay u adeegaan bulshada oo ay dantooda guud ka shaqeeyaan. Sharciyada dowladdu soo saaraysaana kulligood waa in ay noqdaan kuwo u adeegaya xorriyadda iyo sinnaanta bulshada.
Ruusoo buuggaan wuxuu ku bilaabayaa in uu yiri: "Qofku wuxuu dhashaa isaga oo xor ah, laakiin meel walba katiinado ayaa ku jaban (=qabbiran) /Man is born free, but everywhere is in chains", wuxuuna isweydiinayaa sababta ay taasi ku dhacday ee dadkii xorriyadda ku dhashay ay addoonta u noqdeen?
Buuggu wuxuu xanbaarsan yahay afkaar ku lid ah addoonsiga iyo kelitalisnimadana, wuxuuna difaacayaa mabaadi'da xuquuqu insaanka, wuxuuna ka qaybqaatay curashada kacdoonno badan oo ay ka mid yihiin kacaankii Faransiiska, wuxuuna bud dhig u ahaa mabaadi'da ay kacdoonnadaasi ku faanaan sida saddexda mabda'a ee xorriyad, walaalnimo iyo sinnaan. Sidaa awgeed, buugga waxaa dhibsaday boqorradi iyo madaxdii xilligaas jirey oo u arkay in uu kuraastooda halis ku yahay. Maxaa yeelay, xilligaan weli dad badan baa waxay qabeen in madaxnimadu ay tahay deeq Eebbe uu bixiyo, aysanna bannaanayn in lagu qabsado cidda haysata, laguna danbaabayo la xisaabtanka madaxda, oo ah waxa loo yaqaan "Xaqa muqaddaska ah ee boqorrada /Divine right of kings". Seben la rumaysnaa xaqa muqaddaska ah ee boqorrada ayaa Ruusoo wuxuu rumaysnaa xuquuqda muqaddaska ah ee dadweynaha. Waqti aan lagu dhicin in laga daba hadlo caqiida wadaaddada kaniisaddu ay faafiyaanna, Ruusoo wuxuu u ol'oleeyey "diinta dabeecadda," oo aan u baahnayn in cidi ay dhex gasho qofka iyo Eebbihiis. Ruusoo wuxuu hoosta ka xarriiqay in uusan jirin qof awood lihi, balse uu jiro qaanuun awood lihi. Ma jiraan qof ama qolo sharciga ka sarreeyaa.
Ruusoo arrinka ugu weyn ee uu xoogga saaray waa xorriyadda iyo la dagaallanka addoonsiga iyo kelitalisnimada. Maxaa yeelay, xorriyaddu waa waxa dadka dad ka dhiga oo ka sooca jiriyaasha kale oo dhan. Feylasuufyo uu ka mid yahay Immanuel Kant oo ka mid ah aqoonyahannada ka dabqaatay Ruusoo, waxay isweydiiyeen su'aal oranaysa: Maxaa Eebbe dadka u uumay? Jawaabta ay heleenna waa in ay xor noqdaan oo ay akhlaaq iyo damiir yeeshaan.
Buugta diimuhu waxay sheegaan in Eebbe uu Aadan jannada ku uumay isaga oo leh muuqaalka Eebbe oo kale, malaa'igtana uu faray in ay u sujuudaan, wax walba oo uu u baahnaana uu jannada ugu diyaariyey. Haddaba, su'aasha meesha ku jirtaa waxay tahay: Xaalku sidee buu noqon lahaa haddii Aadan uu qaadan lahaa amarka Alle oo uusan cuneen geedka laga mamnuucay? Ifka ma loo soo saari lahaa? Dunida ma la cammiri lahaa? Malaa'igta iyo sheydaanku waxay qabtaan ma heli lahaayeen? Nebiyo, rusul iyo waxyi ma loo baahan lahaa? Jannadda iyo naartu dad lagu abaalmariyo ma heli lahaayeen? Aadan goorma ayuu Aadan noqday, dadkuna ay bani'aadam noqdeen?
Sida xaqiiqada ah, xorriyaddu waa waxa aadanaha noolayaasha kale ka sooco, if iyo aakhirana macnaha u yeela. Haddii aysan jirin xorriyad dadku ay ku samayn karaan waxa ay doonaan, adduun iyo aakhiro midkoodna jiritaankiisu macne ma uu yeesheen. Sida buugta diimaha laga fahmayo, aadanuhu malaa'igta iyo sheydaanka waxay uga duwan yihiin xorriyadda ay wax ku kala dooran karaan. Malaa'igtu ma awoodaan in ay sameeyaan shar ama wax aan wanaagsanayn, sheydaankuna ma awoodu in uu kheyr sameeyo, halka dadku ay ka awoodaan in ay sameeyaan samaan iyo xumaan midkii ay doonaan. Aadan wuxuu Aadan noqday, dadkuna ay bani'aam noqdeen markii Aadan uu ogaaday qiimaha xorriyadda ee uu ku dhiirraday geedkii laga reebay.
Haddii culumada aadami-baaraha ahi ay yiraahdeen 'dadku waa noole caqli leh', taa ka hor iyo ka dibbba waxaa la oran karaa 'dadku waa noole xor ah'. Feylasuufkii Jean-Paul Sartre na waa kii yiri: "Qofka waxaa lagu xukumay in uu xor ahaado; maxaa yeelay kolkii dunida lagu soo halgaaday ayuu wuxuu mas'uul ka noqday wax kasta oo uu samaynayo /Man is condemned to be free; beacuse once thrown into the world, he is responsible for everything he does."
Ruusoo wuxuu xusayaa dhowr xaaladood oo uu la kulmay oo ku bixiya jacaylka caddaaladda iyo nacaybka kelitalisnimada. Mid ka mid ah dhacdooyinka uu xusayna waxay leedahay:
Maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo dowdar ah, oo iska miraafaya dhul cidlo ah baan waxaan ku soo baxay tuulo qurux badan. Nin joogey mudul ka mid ah muddullada tuulada ayaan waxaan ka codsaday in uu iga iibiyo oon aan kharashkeeda la baxo. Ninkii wuxuu ii keenay raashin xagga tirada iyo xagga tayada labadaba aad u liita, oo wuxuu i siiyey buunshe yaabis ah. Hase ahaatee, ninkii markaan cabbaar is waraysannay ayuu inta kacay, oo aqal xirnaa oo meel laab ah ku yiil furay, wuxuu ii keenay raashin iyo cabbitaan wanaagsan, wuxuuna ka cudurdaartay raashinkii uu markii hore ii keenay. Wuxuu igu yiri: Halkaan waxaa noogu yimaada kuwa dowladda ka socda ee canshuurta qaada, oo haddii ay wax wanaagsan nagu arkaan aan waxba noo reebin, annaguna si aan dhibkooda uga badbaadno darteed, baan waxaan uga qarsannaa wax walba oo wanaagsan oo aan haysanno. Warka uu ii sheegay wuxuu qalbigayga ku beeray dareen aannan abidkay illoobayn. Muddulkiisa waxaan ka tagay aniga oo aad uga xun masiirka dhulalkaas quruxda badan ee dabeecaddu ay ugu deeqday kheyraadkeeda si ay uga dhacaan saraakiisha dugaagga ah ee khiyaanada badan (=I left his cottage deploring the fate of those beautiful countries where nature has been prodigal of her gifts only that they may become the prey of barbarous exactors).
Si taa la mid ah, Ruusoo tusaaleyaal dhowr ah buu ka bixinayaa doonista dadweynaha ee la doonayo in dowladdu ay ka shaqayso (=The General Will). Mid ka mid ah tusaalayaashaasi wuxuu leeyahay sidatan: Waxaa dagaallamaya waddankaaga iyo waddan kale. Hooyo muwaaddinad ah baa shan wiil oo ay dhashay waxay u diraysaa goobaha dagaalku uu ka socdo. Muddo ka dib, waxaa imaanaya nin ka soo noqday furinta dagaalku uu ka socdo. Hooyadii shanta wiil dirtay baa ugu hor maraysa, waxayna weydiinaysaa: Warka i sii? Maxaa ka cusub goobaha dagaalka? Ninkuna wuxuu ugu jawaabayaa: Waa ka xumahay, shantaadii wiilba waa la dilay. Hooyada muwaaddinadda ahina waxay ugu warcelinaysaa: Yaa taa ku weydiiyey? Dagaalka ma ku guulaysannay mase maya? Wuxuu leeyahay: Haa, waa ku adkaannay. Iyaduna ciyow bay waxay u tagaysaa xarunta cibaadada, Eebbana waxay uga mahadnaqaysaa guusha uu dadkeeda siiyey. Wiilashaydii waa dhinteen, laakiin waan guulaysanay! Hooyadaasi danteeda gaarka ah ma aysan eegin, ee waxay fiirisay danta guud ee bulshadeeda. Madaxda xukuumadahana waxaa ku waajib ah in ay u dhaqmaan sida hooyadaas, oo danta guud ay ka hor mariyaan tooda gaarka ah. Ruusoo qofka dantiisa oo keliya eegta wuxuu ku magacaabay in uu yahay burjuwaasi. Burjuwaasigu qof ma aha, muwaaddinna ma aha ee waa naftiisa jecel aan waxba ahayn (=amour de soi or self-love).
Ruusoo wuxuu kaloo soo saaray buug uu u bixiyey "Emile, ama Ababinta" (=Emile, or On Education /إميل أو التر بية), oo u qoran qaab qiso ku socota cunug la yiraahdo 'Emile', oo Ruusoo tan iyo marka uu dhasho uu u ababinayo qaab cusub oo ka geddisan qaababkii xilligaas carruurta loo tarbiyeyn jirey. Suugaanyahankii Jarmalka ahaa ee Goethe-na buuggaan wuxuu ku tilmaamay in uu yahay "Injiilka macallimiinta /The teacher's gospel." Wuxuuna saamayn ku yeeshay manaahijta waxbarashada. Waxaana lagu dooday in uu yahay buug loo baahan yahay in uu akhriyo qof kasta oo waxbartay. Looma akhrinayo in la qaato waxa ku qoran, balse sababta loo akhrinayaa waa in loogu tagayo wax ku cajabiya, wax kaa caraysiiya iyo wax su'aalo kugu beera. Sababaha wax loo akhriyana intaas baa ugu muhiimsan.
Ruusoo wuxuu sheegay in dabeecadda dadku ay asal ahaan wanaagsan tahay, ilmaha carruurta ahina ay dhashaan iyaga oo fidradoodu ay suubban tahay, oo wax xumaan iyo denbi ah aan lagu ogayn, laakiin gadaal dambe ay bulshadu ka fasahaadiso, oo qofku xumaanta kuma dhasho ee dadka ayuu ka bartaa. Wuxuuna yiri oraahdiisa caanka ah ee tiraahda: "Wax walbaa waa wanaagsan yihiin inta ay ku jiraan gacanta Abuuraha walxaha [=Eebbe]; walax walbaa waxay xumaataa marka ay gasho gacanta aadanaha /Everything is good as it leaves the hands of the Author of things; everything degenerates in the hands of man."
Fikraddaan sheegaysa in carruurtu ay dhashaan iyaga oo wanaagsan, waxay lid ku tahay midda diinta masiixigu ay faafiso ee ah in aadanuhu ay asal ahaan denbiile yihiin, kaddib kolkii ay cuneen geedkii jannada ee laga mamnuucay, dartiina jannada looga soo saaray. Sidoo kale, Ruusoo wuxuu su'aal ka keenay mucjisaadka iyo saddexda diimood ee sheegta in ay samada ka yimaadeen? Arrimahaasina waxay ka caraysiiyeen wadaaddada diinta masiixiga oo ku baaqay in buugga la gubo, qoraagana la maxkamadeeyo. Sida la sheegana, labo maalmood ka dib daabacaaddii buugga Ruusoo wuxuu naftiisa ula cararay xagga magaalada Jineefa oo iyadana markii danbe uu ka baxsaday.
Ruusoo wuxuu ku taliyey in waxbarashadu aysan noqon mid ku salaysan in carruurta wax loo laqimo, balse ay noqoto mid carinaysa caqliga carruurta oo faduul iyo weydiimo ku abuuraysa. Isaga oo qodobkaan ka hadlayana wuxuu yiri: "Ma aha in carruurta aan cilmiga barno, laakiin waa in aan dhadhansiinno /We should not teach children the sciences; but give them a taste for them." Qofka wax loo laqimay horumar ma sameeyo, halka midka cilmiga u macaansadaa uu harsi iyo hoyaad ka tago.
Carruurtu waa faduul badan yihiin, waxayna jecel yihiin in ay wax walba ogaadaan, arrinkaasina wuxuu mudan yahay in la dhiirrigeliyo. Ruusoo waxaa u muuqday farqi u dhexeeya tababaridda (=training) iyo waxbaridda (=Education). Tababariddu waa in lagu baro sida wax loo qabto, halka waxbariddu ay ka tahay in lagu baro sida loo fekero. Eeyda iyo fardaha waa la tababaraa, dadkana waxbaa la baraa. Ulajeeddada laga leeyahay waxbariddu ma aha in laguu sheego saxa iyo runta, balse waa in qalbigaaga laga ilaaliyo xumaha, caqligaagana laga waardiyeeyo gefka. Xilka waxbariddu waa in maankaaga lagu carbiyo in uu fekero, ilaa uu ka gaaro heer uu kala garan karo marka uu saxan yahay iyo marka uu khaldan yahay. Ruusoo wuxuu ka digay in si qallafsan carruurta loo ciqaabo iyo in siyaabo aan xiiso lahayn wax loogu dhigo. Waxaana habboon in carruurta aan diinta loo dhigin jeer ay ka gaaraan gu'gooda 15-aad.
Ruusoo buuggaan iyo meelo kaleba wuxuu kaga hadlay kaalinka hooyadu ay ku leedahay xannaanada iyo waxbaridda carruurta. Wuxuuna qalinka ku adkeeyey ixtiraamka iyo qaddarinta ay hooyadu mudan tahay. Tusaale ahaan, isaga oo la hadlaya wiil talo weydiiyey wuxuu ku yiri: "Wiilka hooyadi la murmaa mar walba waa uu qaldan yahay ... Xuquuqda hooyadu waa waxa mar walba muqaddaska ah -mudnaanta koowaad leh- ee aan ogahay, Wax kasta oo dhacana laguma xad gudbi karo iyada oo aan denbi la gelin." Ruusoo, inkasta oo xusay kaalinka hooyada iyo xuquuqdeeda, haddana marka loo yimaado xiriirka labka iyo dheddiga, wuxuu aamminsanaa in ay kala duwan yihiin oo haweenku ay ka karti yar yihiin ragga iyo in kaalinkoodu uu ahaado hawlaha ay ka qabtaan guryaha gudahooda. Sidaa darteedna, waa in la kala duwo waxbarashada labka iyo tan dheddiga, oo mid kasta loo carbiyo shaqooyinka ay ku habboon yihiin. Wuxuu yiri: "Badiba gabdhaha yaryari si dhib leh bay ku bartaan akhriska iyo qoraalka. Laakiin marka loo yimaado cirbadda, had iyo jeer si farxadi ku dheehan tahay bay ku bartaan ... Tolidda, daabaca iyo soohidda duntu waa wax hibo loo siiyey ... Waxaa loo baahan yahay in Soofiya ay haween ahaato, sida loogu baahan yahay in Emile uu nin ahaado ... Wax walba oo aan jinsiga ku xirnayn haweenaydu waa nin." [=Aragtidaani waxay ahayd midda ay qabeen badiba aqoonyahannadii ay isku waqtiga ahaayeen]. Ruusoo wuxuu kaloo buugga ku xusay waxtarka nuujinta naasku ay ilmaha u leedahay. Xilligaan Yurub -siiba dabaqadda ladan- waxaa ku xoogaysanayey dhaqan ah in nuujinta loo arko dhaqan badownimo, oo dumar badan baa bilaabay in ay ka faanaan. Caadi ahaan, marka laga faalloonayo buuggaan "Emile", Ruusoo waxaa loo soo jeediyaa dhaliilo dhawr ah oo ay ka mid tahay in uu si qurux iyo quluud leh uga hadlay xannaanada iyo waxbaridda carruurta, laakiin si taa ka horjeedda uu shan ilmood oo uu dhalay uu geeyey xarun lagu xannaaneeyo carruurta aan waalidka lahayn, dib danbana uusan u arag. Sida loo badinayana carruurtaasi waa ay dhinteen, waayo waxaa la sheegaa in xaaladda xarumahaas oo aad u liitay darteed ay 75% carruurta la geeyaa darxumo u dhiman jireen. Hase ahaatee, ruuxa aadamiga ahi khaladaadkiisa ayuu wax ka bartaa. Oraah caan ah oo loogu abtiriyo gabyaagii Ingiriiska ahaa ee John Wilmo-na (1647-1680), waxay tiraahdaa: "Ka hor intii aannan guursan, waxaan haystay lix aragtiyood oo ku saabsan sida carruurta loo koriyo, hadda waxaan dhalay lix ilmood, laakiin wax aragti ah ma hayo /Before I got married, I had six theories about bringing up children. Now I have six children—and no theories." (=Akhristow waxaa jira dad ku dooda in Ruusoo abidki uusan carruur dhalin. Sheekada carruurtiisuna ay tahay mid isaga qudhiisu uu u falkiyey si uu isaga difaaco iin rag ku sheegeen oo ahayd in uu yahay madhalays).
Arrin kale oo laga murmo oo Ruusoo uu ku xusay buuggaan waa in uu yiri: "Ka baqidda geeridu ma ah arrin caadi ah... Xayawaanaadku geerida waa aqbalaan." Intaa wuxuu sii raaciyey in cabsida dadku ay ka qabaan dhimashada ay ka mas'uul yihiin dhakhaatiirta, feylasuufyada iyo wadaaddada diimaha. Haddii saddexdaasi aysan jirin, aadanuhu waxay baran lahaayeen sida nabad iyo xasillooni loogu dhinto. Dhakhaatiirtu waxay nagu damac geliyaan in ay heli karaan daawo aan uga bogsanno xanuunka. Wadaaddaduna waxay nagu cabsi geliyaan in haddii aynaan u dhug yeelan warkooda aan cadaab geli doonno. Warka Ruusoo ma aha mid si fudud lagu qaadan karo, waayo lama hubo in xayawaanaadku aysan geerida ka cabsan. Docda kalena, ma aha mid si sahlan lagu dafiri karo. Maxaa yeelay, 99% dhibka dadku wuxuu ka dhashaa ka fekeridda dhibka iyo geerida. Ruusoo wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in dadka mar kale dib wax loo baro, oo laga hufo afkaarta xun ee bulshadu ay ka dhaamiso maskaxda qofka (=Negative education or counter-culture education).
Iyaduna waxaa la daabacay buuggiisa sheekada ah ee "Julie ama Helowiista cusub /Julie, ou la nouvelle Héloïse", oo lagu sifeeyey in ay ahayd midda sebankaas loogu akhrinta badnaa, looguna aqoonsaday in uu ka mid yahay ugaasyada suugaanta roomaansiga (=The high priest of Romanticism). Sababta ay caannimada ku mudatayna waxaa lagu sheegay in ay tahay afkaarta lagu soo bandhigay iyo iyada oo taabatay mawduuca galmada oo waqtigaas Yurub ka ahaa xaaraan aan lagu dhicin in la soo hadalqaado. Sheekadaan wuxuu kaloo uga faallooday quruxda dabeecadda Iswisarlaand iyo afkaar suufinimo iyo Alle jacayl ah oo isaga u gaar ah. Waxaana la sheegay in ninkii sheekadaan ku daabacay magaalada Amisterdam uu Ruusoo u soo bandhigay in uu tifaftire ka noqdo joornaal uu soo saari jirey, laakiin Ruusoo uu taa ka cudurdaartay, kuna yiri: "Waxaan ogahay in qiimaha qoraalkaygu uu ku jiro gacalada iyo qiirada aan u qabo mawduuca aan wax ka qorayo ... Laakiin waxaa loo haystaa in aan qoraalka xirfad ka dhigan karo, oo aan wax walba wax ka qori karo haddii xoolo la igu siinayo sida dadka qaarkood ay yeelaan, run ahaantii anigu waxba ma qori karo haddii aannan dareen iyo xiiso u hayn mawduuca iyo fikradaha aan wax ka qorayo."
Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin
Asaan olol jacayl iyo xanuun, kugu ijbaaraynin
Afkuun baad ka leedee tixuhu, arar ma yeeshaane.
Ku Allahoode, waxay kaloo wariyeen in kolkii labada buug ee "Emile" iyo "Heshiiska Bulshada" lagu gubay magaalooyinka Baaris iyo Jineefa, uu ninkii buugtaas ku daabici lahaa magaalada Amistardaam ee dalka Nederlaand, uu Ruusoo ka codsaday in si carada siyaasiyiinta iyo wadaadda loo dejiyo uu wax ka beddelo meelaha ay ka caroodeen. Goortaasna Ruusoo wuxuu ugu jawaabay: "Dunida kama jirto ceebayn, khatar, gacan-ka-hadal ama awood igu khasbi karta in aan jumlo qura wax ka beddelo."
Ruusoo dhan wuxuu dagaal la galay boqorradii iyo wadaaddadii oo ku eedeeyey in uu yahay horor diinta iyo dowladda dagaal kula jira. Docda kalena wuxuu khilaaf kala dhaxeeyey aqoonyahannadii iyo feylasuufyadii ay isku waqtiga ahaayeen sida Voltaire iyo Diderot oo ku tuhmay in uu xanbaarsan yahay afkaar dibi-socod ah, oo caqliga iyo maanfurka ka dhan ah. Buugtiisana waxaa isku si loogu gubay Baariis, Jineef iyo Amistardaam. Arrinkaas oo ku bixiyey in uu Faransiska, Iswiisarlaand iyo Iglan uu marba mid u qaxo. Xaalkiisuna wuxuu ahaa "Hal laba midigle dheelmay dhanna uma fiyooba."
Ruusoo oo oran jirey: "Aniga dadka uun baa ahmiyad ii leh /It is man that interests me", mawduucyada uu ka hadlo oo dhammi waxay ahaayeen kuwo khuseeya caddaaladda, sinnaanta, xorriyadda, isu-dulqaadashada iyo farxadda iyo liibaanta aadanaha. Guud ahaan, Ruusoo muddo ilaa xad gaaban buu wuxuu ku sheegay wixii uu jeclaa in uu yiraahdo, waxaana la siiyey naynaasta nebiga dunida cusub.
Yeelkadeede, dhigaallada Ruusoo kuwooda ugu qiimaha badan waxaa ka mid ah buugga magaciisu yahay "Qiraallada" (=The Confessions /اإلعتر افات). Waa buug uu uga warramayo taariikh-nololeedkiisii. Sidaa awgeed, Ruusoo waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay dadka dunida kuwoodii ugu horreeyey ee iyagu taariikh-nololeedkooda gacantooda ku qoray. Inkasta oo uu meelaha qaarkood buunbuuninayo, mararka qaarkoodna uu xusayo waxyaabo shaki abuuraya, haddana guud ahaan iskuma uu hawlin in uu wax badan ka beddelo taariikhdiisa, oo uu taariikh qurux badan na la wadaago, balse ilaa xad waxaa muuqata in uu isku dayey in uu noo sawiro sidii wax u jireen. Waa buug lagu tilmaamay in qoraagu uu isqaawinayo. Inta aad akhrintiisa ku gudo jirtana marar badan waxaad xasuusanaysaa oraahda Soomaalida ee tiraahda: "Raggu ba'ooday ka sheekeeyaan, dumarkuna baraarahooda." Buugga bilowgiisana wuxuu ku leeyahay:
"Eebbaha weyn waxaan hortagayaa aniga oo buuggaan gacanta ku haysta. Cod dheerna waxaan ugu oranayaa: kani waa wixii aan sameeyey, sidii aan u fekeray iyo wixii aan ahaa. Kheyrka iyo sharka si isku mid ah baan runta uga sheegay. Xume kama aannan aammusin, wanaag aannan samaynna kuma darin."
Dhacdooyinka faraha badan ee Ruusoo uu buuggaan ku xusayo, waxaa ka mid ah qiso qabsatay waagii uu yaraa ee uu gurigooda ka cararay, waana qisada ku bixisay in uu buuggaan qoro ama ugu yaraan waxay ka mid tahay sababaha ugu mudan ee ku bixiyey in uu qoro. Qisada oo koobbanna waa sidatan:
Markii uu ka cararay gurigooda iyo magaalada Jineefa, wuxuu shaqaale u noqday qoys Talyaani ah. Maalin maalmaha ka mid ahna, wuxuu arkay masar ama shaal yar oo qurux badan oo ah nooca dumarku luqunta ku xirtaan [=ama ay timaha ku quruxsadaan], wuxuuna goostay in uu xado oo hadiyad uga dhigo gabar jaariyad ahayd oo guriga ay ka wada shaqayn jireen, oo magaceeda la oran jirey Maariyoon (=Marion).
Hayeeshee, waxaa la qabtay isaga oo sita masarkii, jeerkaasna wuxuu ka baqay ceebta iyo fadeexada uu la kulmayo, wuxuuna doorbiday in uu masabito gabadhii uu darteed u xaday masarka, oo wuxuu sheegay in Maariyoon ay masarka xadday, isagana ay u dhiibatay. Ninkii guriga lahaana wuxuu u yeeray gabadhii si labadooda la isaga horkeeno, loona ogaado denbiilaha dhabta ah ee wax xaday. Gabadha oo arrinka oo dhammi uu kedo ku ahaa, bilowgii hore waxay ku hadasho ayay garan wayday, waxayna isku dartay oohin iyo inay ku dhaarato in aysan waxba xadin. Waxay igu eegtay indho daacad ah oo haddii sheydaan lagu eego uu toowbad keeni lahaa, laakiin anigu waxaan ku adkaystay mawqifkaygii dugaagnimada ahaa, horteedana waxaan ka sheegay in iyadu ay masarka ii dhiibatay.
Dabadeed iyada oo booyaysa ayay waxay ku cabatay: "Ruusoo sidaas ma aha! Uma aan malaynayn in aad sidaas tahay. Ruusoo sidaasi kuuma qalanto ... Waxaan u haystay in aad tahay qof wanaagsan. Wax walbana wuxuu muujinayaa in dhab ahaantii aad tahay ruux wanaagsan. Laakiin maxaad sidaas iigu gashay? Waxaad igu markatay wax laga yaxyaxo. Sidaas oo ay tahay ma jeclaysanayo in aan istaago mowqif kaaga la mid ah." Erayadaasi waxba kama ay beddelin mowqifkii Ruusoo, oo wuxuu ku adkaystay masabidkii uu kula kacay gabadha, ugu danbayntii reerkii guriga lahaa waxay go'aansadeen in labadoodaba ay shaqada ka cayriyaan.
Ruusoo afartan sano ka dib ayuu qisadaan ku xusay buuggiisa "Qiraallada". Isaga oo ka warramaya sababta ku bixisay in uu gabadha masabitanna wuxuu yiri: "Markii fadeexadu soo baxday waxaan ka baqayey ma ahayn ciqaab, iyo in la i dilo ama guriga la iga cayriyo; waxaan ka baqayey ceebta. Ceebta ayaa wax walba iiga darnayd. In dhulku ila go'o baan ka doorbidi lahaa in dadka hortooda aan ka qirto in aan tuug ahay, oo aan wax xaday." Wuxuu ku dhaartay in dhacdadaas oo damiirkiisa gubtaa ay habeenno badan hurdada u diidday. Wuxuu sheegay in habeennada qaarkood uu ku riyoodo Mariyoon oo daruuraha ka soo dhex baxaysa iyada oo ku leh: "Ruusoo maxaad sidaa iigu gashay? Miyaadan ogayn in aad sumcaddayda xumaysay? Miyaadan ogayn in qofna uusan shaqo i siinayn? Waa maxay eedda aan kaa galay ee aad sidaas iigu burburisay?
Ruusoo intaa wuxuu ku daray in uu yiri: Dhacdadaasi afartan sano ka hor bay dhacday, laakiin waxay iigu muuqataa sidii in ay shalay dhacday ... Hurdada waxaan ka salalaa iyada oo illinta indhahayga ka qubatay ay dhabannada iyo barkinta iga qoysay ... Marka aan xasuusto dhacdadaas, waxaa naftaydu isweydiisaa: Maxaa qabsaday miskiintii Maariyoon ahayd? Maxay la kulantay cunugtii aan abidkeed cidna wax u dhimin? Ma dhabbaa in ay wayday cid shaqo siisa, oo taa awgeed ay ku biirtay dumarka duruufuhu badeen in ay jirkooda iibiyaan? Mase way ka badbaadday ceebtaas? Halkee bay ku danbaysay miskiintii Maariyoon???
Xatooyadaani ma ahayn midda qura ee Ruusoo uu galay, laakiin waxay ahayd midda naftiisa ugu saamaynta badan. Sidaan horay u soo sheegnay, markii uu caanka noqday, wuxuu yeeshay cadow badan, waxaana la gubay buugtiisa, waxaana la isku dayey in magac dil lagu sameeyo. Isaguna kolka uu arrimahaas la kulmo wuxuu isku qancin jirey in laga gudayo denbigii uu waa hore ka galay gabadha yar, wuxuuna dareemi jirey farxad iyo denbi dhaaf. Wuxuu iskula sheekaysan jirey: waxaa sumcadda la iiga dilayaa si la mid ah sidii aan Maariyoon sumcadda uga dilay.
Dhacdadaasi Ruusoo waxay bartay ahmiyadda runta, aadanaha oo dhammina waxay ka baranayaan kaalinka damiirka nooli uu ka qaadan karo nabadda iyo horumarka bulshada. Ma jirto ummad horumar iyo ilbaxnimo samayn kartaa haddii aan runta la maciinsan.
Ruusoo masar uu xaday dhibkii ka dhashay ayaa harsi iyo hoyaad u diiday, laakiin madaxdeedana iyo maalqabeenkeenna malaayiinta ay xadaan candhuuf la tufay waa kala fududdahay. Haddaba maxay tahay sababtu? Qof ahaan, waxay ila tahay in sababtu ay u noqonayso fikradda dhaqanka iyo wadaaddada diintu ay naga siiyaan xatooyada hantida guud. Dhaqanka soomaalidu xatooyada hantida guud waa dhiirigeliyaa. Maxaa yeelay, sawirka aan dowladnimada ka haysanno ayaa wuxuu yahay in dowladnimadu ay tahay sidii qaalin geel ah oo beeluhu ay kala dhacayaan. Sidoo kale, qeexidda fuqahada Islaamku ay xatooyada ka bixiyaan ayaa isaguna ka qayb-qaata in la bannaysto xatooyada hantida guud. Marka aad akhrido qeexidda wadaaddada islaamku ay siiyaan xatooyada, waxaad ogaanaysaa in ay tahay mid gebi ahaanba qaldan oo aan la socon karin dunida lagu noolyahay ee xukuumadaha, shirkadaha, iyo ururrada dowliga ah iyo kuwa maxalliga ahi ay ka shaqeeyaan. Maalin walba muslimiin dhallinyaro u badan baa waxaa loo jeediyey wacdi ama waxaa loo akhriyaa buug ay ku qoran tahay in diinta Islaamku ay fartay in tuugga gacanta laga gooyo. Dabadeed, waxaa loo sheegaa macnaha xatooyada qofku uu ku mudanayo in gacanta laga gooyo, waxaana lagu yiraahdaa: Xatooyadu " waa in si dhuumasho ah hanti looga qaato meel lagu ilaashaday, qofka qaadanayaana uusan sina wax ugu yeelan karin maalkaas / أخذ المال خفية من حرز المثل، بشر ط أن يكون ال سارق مكلفا، وأن يشق من المال قدر نصاب ، وأال يكون للسارق فيه ملك أو شبهة ملك".
Hadalkaas oo macnihiisa runta ahi uu yahay in qofka baahidu ay ku bixiso in uu xado toban doollar uu madan karo in gacanta laga gooyo, laakiin madaxweynayaasha, wasiirada iyo maamulayaasha xukuma waddamada iyo shirkaduhu haddii malaayiin doollar iyo diinnaar ay xadaan aysan mudanayn in gacanta laga gooyo. Waayo, madaxweynaha, wasiirka iyo maamuluhu ma xadaan xoolo laga qarsaday ee waxay qaataan xoolo lagu aamminay oo iyagu ay mas'uul ka yihiin (=حاميها حراميها). Musuqmaasuqa iyo xatooyada ay madaxdu ku kacaanna ka ma mid noqonayaan xatooyada qofka ku kacaa uu mudanayo in gacanta laga gooyo. Ruux walba oo garaad lihi waa uu garan karaa in inta fahankaasi uu jiro aysan madaxdu xatooyada hantida guud denbi u arkayn, balse qofka aan wax xadin loo arkayo doqon haddii afka gacanta loo geliyo aan qaniini karin. Sidaa awgeedna, la yaab ma leh in madaxdeennu ay wax walba dhacaan, badda, berriga, iyo hawadana ay iibiyaan.
Dhanka kale, waxaa xusid mudan in ciqaabta gacan goyntu aysan ahayn mid islaamku uu hindisay, balse ay tahay ciqaab soo jireen ah oo ay yaqaanneed qaar badan oo ka mid ah ummadihii bidaa'iga ahaa ee aan aqoon xabsiyada lagu hayo dadka denbiyada gala. Haddana, dowladaha dunida ugu nabadda iyo horumarka badni -sida Finlaan, Norway iyo kuwo kale- ma fuliyaan ciqaab gacan goyn ah, mana dareemaan in ay u baahan yihiin. Diintu si ay u la socoto nolosha bulshada, waxay u baahan tahay in fahankeeda la cusboonaysiiyo, oo dib-u-akhrin lagu sameeyo laamaheeda aqooneed ee kala duwan sida; tafsiirka, xadiiska, fiqiga, siirada, caqiidada iyo qaar kale.
Iyada oo kooban, Ruusoo dhacdada masarka uu xaday wuxuu ka bartay xumaha beenta iyo wanaagga runta. Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay -ama ugu yaraan uu ka mid yahay- qoraayaasha Yurub kan ugu runta badan. Waxaana la wariyaa in feylasuufkii kale ee Immanuel Kant uu gurigiisa ku haystay hal sawir oo uu ku dhejin jirey derbiga qolka maktabadda u ah ee uu akhriska iyo qoraalka u qoondeeyo. Halka sawir wuxuu ahaa midka Ruusoo, wuxuuna oran jirey: "Qaddarinta aadanaha ayaan ka bartay akhrita Ruusoo /I learned to honor mankind from reading Rousseau."
Waxaan baraarugaynaa, oo horumar iyo ilbaxnimo samaynaynaa marka aan helno indheergarad kaalinka Ruusoo iyo kuwa la midka ah noo gala, oo runta iyo akhlaaq wanaagga na taabsiiya. Sida ay tiri Anaïs Nin: "In runta la sheegaa waxay la macne tahay in wax la barto."
إنما األمم األخالق ما بقيت ... فإن هم ذهبت أخالقهم ذهبوا

Comments