Sababaha Loo Soomo

Sababaha Loo Soomo

Wax jeclow si aad u noqoto qof jira!
Soonku waa xeelad lagu beekhaansado raashinka.
Dhafarka iyo salaadduna waa jimicsi dadka waaweyn ay sameeyaan.
Xajku waa nooc ka mid ah dalxiiska.
Kimis in la qaybiyaana waa hawl ay qabtaan samafalayaashu.
In caashaq ku haleelo:
Taa baa macno leh!
Caashaq la dhac aad noolaatide!


~ Khawaja Cabdullaahi Ansari al-Harawi (1006-1088).

Diimuhu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha aadmiga garaadka leh la kowsaday, oo intii insaanka garaadka lihi uu ifka joogay diimana waa jireen -walow aysan u habaysnayn, buug iyo hey’adona u lahayn sida xaalku uu waayadii danbe noqday. Waxyaabaha caadi ahaan diimuhu ay ka siman yihiinna waxaa ka mid ah soonka. Tusaale ahaan, diimaha waaweyn ee soonka yaqaan waxaa ka mid ah; Hinduusiyadda, Yahuudiyadda, Taawiyada, Buudiyadda, Jeynka, Kirishtanka, Islaamka iyo qaar kale oo badan. Waxaana la sheegaa in taariikhda adduunka aan lagu hayn ummad aan soonku dhaqamadeeda ka mid ahayn. Diimaha iyo dhaqamada ummadaha qaarkoodna soonku waxa uu ahaa waajib si gaar ah wadaaddada u saaran, gaar ahaan marka la rabo in ay allabariyada ka duceeyaan.

Marka laga hadlayo mowduuca soonka, waxa qura ee diimuhu ay ku kala geddisan yihiin waa muddada la soomayo, waxa laga soomayo iyo qaabka loo soomayo, ee marna kuma kala duwana sirta soonka iyo falsafadda ka danbaysa. Sheeko caan ah oo waa hore Muslimiintu ay allifeen, dulucdeeduna tahay in la muujiyo sida diimuhu u wadaagaan fikradda soonka ayaa waxay tiraahdaa sidaan soo socota: Beri beryaha ka mid ah, ayaa dhul lamadegaan ah waxaa ku habaabay Juxa iyo nin ay jaal ahaayeen oo la oran jirey Maxamed. Intii ay marayeen dhulka cidlo ciirsilada ah waxa ay muteen gaajo iyo harraad daran oo ay la basanbaaseen. Dabadeed waxaa u muuqatay kaniisad yar oo waddaddo suufiyo ahi ay meel cidlo ah ka dhisteen si ay ugu khilaaweeyaan. Waxay go’aansadeen in ay kaniisadda maciinsadaan, laakiin Juxa oo istusay in haddii magcaantooda dhabta ah ay sheegtaan aan la martigelinayn, haddiiba waxa uu go’aan ku gaaray in uu qariyo magaciisa Muslimka ah, uuna sheegto magac Kirishtaan.

Kolkii Kaniisaddii la gaarayna, Juxa dadkii ay u tageen waxa uu ku yiri: “Kani waa saaxiibkay Maxamed, anigana Joon baa la i yiraahdaa.” Wadaadkii raahibka ahaa ee xarunta masuulka ka ahaana xertii ay meesha ku wada cibaadaysanayeen waxa uu ku yiri: “Fadlan Maxamed cunno iyo cabbitaan siiya, walaalkeen Joonna, waxaan ku rajo weynahay in sidayada oo kale uu maanta u soomman yahay.”

Waxaana jira sababo badan oo loo tiiriyo in soonku uu tiir adag ka noqdo diimaha waaweyn ee dunida ka jira badankooda. Aadmiga koonka ku dhaqan badankoodu waxay rumaysan yihiin in noloshu aysan ku koobnayd midda gaaban ee ifka lagu arko, balse ay jirto nolol lagu waaro oo geerida ka danbaysa. Waxay kaloo rumaysan yihiin in qofka bani’aadamka ahi uu ka kooban yahay jir, caqli iyo ruux. Mid kasta oo saddexaas ka mid ahina uu leeyahay baahidiisa gaarka ah iyo si loo quudiyo. Diimaha iyo falsafadaha kala duwanna dadka raacsan waxay u sheegaan in soonku uu naftooda daahirinayo ama sifeynayo. Daahirintuna waxay yeelan kartaa dhan maaddi ah sida in laga helo caafimaad iyo firfircoon xagga jirka ah iyo dhinacyo macnawi ah oo la xiriira qanaaco iyo raynrayn xagga nafsadda ah, iyo in raalli ahaanta Rabbi geerida kaddib lagu guulaysto, oo soonku uu noqdo kayd aakhiro loo dhigtay. Saddexdaas dhanba diimuhu soonka waa ka fiiriyaan, laakiin si gaar ah waxay xoogga u saaraan dhinacyada dhisidda ruuxda iyo abaalmarinta aakhiro, siiba tan danbe ee aakhiro abaalmarinta lagu mudanayo. Soomaalidu waxay tiraahdaa arigu xilliga barwaaqada ah ee doogga iyo cawsku ay soo baxaan, waxa uu xasuustaa xilliga abaarta ee biyo iyo baad la’aantu ay jiraan, markaas buu inta uu daaqayo waxa uu naftiisa ku waaniyaa ‘berraa darane baal dhaaf’ ama ‘berraa darane bur dhaaf.’ Taa awgeedna dhirta uu daaqayo ma wada diirto ee qaar buu berri u kaydsadaa. Diimuhuna aalaaba dadka waxay u sheegaan in nolosha adduunyadu ay la mid tahay daar maalmo kooban la deggenaado, dabadeedna laga guuro, ayna jirto daar kale oo lagu waarayo oo loo baahan yahay in iyada loo shaqaysto, waxna loo kaydsado. Soonka iyo cibaadooyinka kale ee diimuhu ay faraanna waxay qayb ka yihiin tabaabushaysigaas daarta aakhiro loo tabaabushaysanayo. Gabyaagii carbeed ee Abuu Cataahiyana waxa uu leeyahay maanso la sheego inuu axaadiista nebiga ku saleeyey oo qodobkaan uu uga hadlayo, uuna ku yiri:

لدوا للموت وابنوا للخراب

فكلكم يصير إلى تباب

لمن نبني ونحن إلى تراب؟

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira xadiis nebiga (NNKH) laga wariyo oo yiraahda: ‘sooma aad caafimaaddeene /صوموا تصحوا’. Xadiiskaan walow culumada qaarkood ay sheegaan in uusan nebiga ka sugnaan, haddana macnahiisa dadyow badan oo kala diimo iyo dhaqamo ah baa isku raacsan, oo tan iyo taariikh aad u durugsan ummado kala geddisan baa waxay qabaan in soonku uu waxtar u yeelan karo caafimaadka jirka, maanka iyo nafsadda -gaar ahaan soonka cunnada laga soomo asii aan biyaha laga soomin, waayo waxaa la isku raacay in biyo la’aantu ay had iyo goor caafimaadka u daran tahay. Waxaa la rumaysan yahay in soonku uu ka qaybqaadan karo dhuminta miisaanka jirka dheeriga ku ah, uuna hoos u dhigi karo dufanka iyo sonkorta aan jirka waxtarka u lahayn.

Ayaandarro, waxaa jira baaritaanno muujinaya in tiro aan yarayn oo dad Muslimiin ahi ay cayilaan bisha soonqaad. Taana waxaa ugu wacan isbeddellada ku dhacaya qaab nololeedka bulshada. Dhan waxaa badanaya dhaqaalaha dadka qaarkood ay helayaan, dhanka kalena waxaa isbeddelaya duruufaha iyo saacadaha la shaqeeyo, oo waxaa yaraanaya shaqooyinka adag ee la qabto iyo saacadaha la shaqeeyo. Waxaana la wada ogsoon yahay in bisha soonqaad qoysaska badankoodu -siiba kuwa ladan- ay samaystaan raashin xagga tirada iyo xagga tayada labadaba ka sarreeya midka bilaha kale la isticmaalo.

Waxaana xusid mudan, in wadaaddada suufiyada qaarkood ay ku doodeen in qofka soomman ay la gudboontahay inuu ka sii soomo cunnooyinka iyo cabitaannada uu sida gaarka ah u jecel yahay sida; noocyada hilbaha, fawaakihda iyo macmacaannada. Marka laga hadlayo gasiinkana waxaa la sheegaa in uu jiro farqi u dhaxeeya dadka iyo noolayaasha kale. Noolayaasha aadmiga ka soo horay badiba waxa ay leeyihiin waxyaabo ay cunaan, laakiin dadku waxa ay awoodaan inay si joogto ah ula qabsadaan cunnooyin kala jaajaad ah oo ku cusub. Xayawaanka hilibka cuna uma suurogasho inuu barto daaqa, kuwa daaqana waa ku adagtahay inay bartaan cunidda hilibka. Laakiin dadku marar badan bay beddelaan dhaqamadooda raashin cunidda. Xayawaanku baahi bay wax u cunaan, dadkuse waxa uu wax u cunaa baahi, fan iyo dhadhan. Waxaana jira dad ku dooda in fikradda soonku ay ka mid tahay fikradaha loo hindisay si loo carbiyo dadka oo loo maamulo hab-dhaqankooda.

Dhanka kale, qofka soomaa waxa uu dareemaa in uu wax weyn qabtay, oo naf iyo sheydaan uu ka adkaaday, taasina waxay ku dhalisaa farxad iyo kalsooni uu naftiisa ku qabo. Xadiis caan ah ee nebiga loogu abtiriyaana waa isaga yiraahda: “Ruuxa soomaa, waxa uu leeyahay labo goor oo uu farxo: marka uu afuro waxa uu ku farxaa afurkiisa, marka uu Rabbigi la kulmana waxa uu ku farxaa soonkiisa.” Qofku marka uu afurayo badiba waxa uu ku farxayaa ma aha raashinka iyo cabbitaanka horyaal, balse waa xilka uu dareemayo inuu gutay oo laabtiisu ay ku xasilayso. Marar tiro dhaaf ah waxaa dhacda in maalin dhan annaga oo aan soomanayn in aynaan wax cunin, marka cuntada na loo keenana aysan noo samayn macne dhaafsiisan in gaajada aan isaga bi’inno. Laakiin si taa ka duwan afurku waxa uu leeyahay saamayn xagga nafsadda ah oo qotodheer. Waayo? Bani’aadamku waa noolaha keliya ee si istikhyaarkiisa ah naftiisa ugu diidi kara cunnada, cabidda iyo galmada isaga oo aan cudur iyo duruufo kale toona aysan dirqinayn. Qofka soomayna waxa uu dareemaa in uu ka gudbay xaaladda xayawaannimada oo uu yeeshay karti uu naftiisa uga adkaaday, oo uu ku xakameeyey dooniddeeda. Arrinkaasina waxa uu ku beeraa farxad iyo fahmo uu la fuduudo, ilaa heer uu dareemo sidii in culays dulsaarnaa laga dejiyey.

Waxaa la yiri: wadaad xerow ahaa baa shiikhiisa waxa uu weydiiyey “Shiikhow marka aan cibaadada iyo digriga mashquulka ku ahay, gaajada ma dareemo, laakiin marka aan firaaqada ahay ee aanan cibaadaysanayn gaajo ba’an baa i qabata ee sidee baa wax u jiraan?” Wadaadkii ardaygiisa waxa uu ugu jawaabay: “Waa runtaa, oo arrinkaasi waa wax jira, maxaa yeelay marka aad cibaadada ku jirto waxaa ku deeqaya ammaanta iyo hadal haynta dadku ay kugu koolinayaan.” Sida culumada dhaqaaluhu ay caddeeyeenna, baahida qofku uu dareemo badankeedu ma aha wax dhab ahaan u jira oo uusan ka marmaami karin, balse waa mid bulshada uu la noolyahay ay ku dhaliso.

Culumada islaamkuna waxay sheegaan in nafta dadku ay saddex xaaladood middood ku sugan tahay. Saddexdaas xaaladood waxay kala yihiin: naf xumaha dhiirrigelisa (=النفس األمارة), naf qofkeeda eedaysa (=النفس اللوامة) iyo naf xasilloon oo xaaladdeeda ku qanacsan (=النفس المطمئنة). Dadka oo idilna waxay halgan ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen naf xasilloon. Soonka iyo waxqabad kasta oo wanaagsanna waxa uu ka qayb-qaataa higsigaas loogu jiro helidda naftaas deggan ee aan gudaheeda dabku ka holcayn.

Sidoo kale, waxaa iyaduna muhiim ah oo aan meesha ka maqnayn kaalinka cibaadooyinka wadajirka loo qabtaa ay ka qaataan isku xirnaanta iyo wadajirka bulshada. Tusaale ahaan, soonka oo Muslimiintu ay maalinkii wada soomaan, habeenkiina salaad iyo taraawiix isugu yimaadaan waxa uu ka qayb-qaataa isku xiridda iyo iska warqabka bulshada. Taa awgeedna culumada qaarkood bisha Ramadaan waxay ugu yeeraan ‘bisha bulshada’, waayo waa bisha dadka muslimiinta ahi waqtiga ugu badan ay wada qaataan, xiriirka iyo samafalka ugu ballaaranna la sameeyo. Aqoonyahannada cilmiga bulshaduna waxay qiraan in xarumaha lagu cibaadaysto ee diimaha kala duwan ay ummadaha u qabtaan adeeg bulsho, oo ay yihiin meelo dadku ay ku kulmaan, isku bartaan, ku kala warqaataan, xiriirna ku yeeshaan. Bulsheyntaas baana ugu wacan in dad badan ay xiiseeyaan tegidda xarumaha cibaadada sida kaniisadaha, masaajidda iyo mowlacyada.

Yeelkadeede, xeer dahabi ah oo fiqiga islaamku uu wax ku dhiso ayaa waxa uu dhigayaa “Dhib ma jiro/ال حرج”, oo macnaheedu uu yahay in shareecadu ay mamnuucday wax walba oo dhib iyo culays keeni kara. Tusaale ahaan, salaadda, soonka iyo xajka oo ka mid ah arkaanta diinta islaamku ay qofka Muslimka ah ku waajibisay, waxaa gudanaya qofka aysan dhibayn, isaga oo u gudanaya si aan dhib uga imaanayn. Sidaa awgeed, soonku waa cibaado lagu waajibiyey ruuxa Muslimka ah ee awoodi kara dhib la’aan. Dhibkuna noocyo badan buu yeelan karaa, sida qofka oo da’ ahaan aan u tahli karin, ama isaga oo xanuunsanaya, ama hooyada oo ilmo nuujinaysa, iyo siyaabo kale oo badan.

Sidaa awgeed, looma baahna in qofka Muslimka ahi uu naftiisa ku caddibo cibaado uusan awoodi karin, isaga oo isleh culayska cibaadada ayaad Eebbe ajar siyaado ah uga helaysaa. Eebbe dhibkaaga waxba ka dheefi maayo, waxna ku fali uu maayo. Waxaa kala jira soon jirka iyo ruuxda labadaba dhisa iyo mid kale oo labadaba dumiya. In muraayadda la nadiifiyo waa macne in la jebiyaana waa macne kale. In muraayadda la nadiifiyaa si buuxda bay uga duwan tahay in muraayadda la jebiyo. Waayo? Kolka muraayadda si fiican loo nadiifiyo ee habaaska iyo wasakhda laga tiro waxa suurogalaya in si qumman wax loogu arko, oo la isku daawado. Laakiin kolka muraayadda la jebiyo waxaa adkaanaya in la isku eego, qofkii isku eegana waxay siinaysaa sawir ka geddisan xaqiiqadiisa dhabta ah. Marka soonku ruuxda iyo jirkeenna ha dhiso, laakiin yuusan sabab u noqon inay dumaan.

Culumada suufiyada islaamka qaarkoodna soonka waxay u qaybiyaan saddex nooc oo kala ah; soonka caamada, soonka culumada, iyo soonka caarifiinta. Soonka caamadu waa in la iska daayo waxyaabaha maaddiga ah ee soonka buriya sida cabidda, cunidda iyo galmada. Soonka culumaduna waa in laga soomo waxyaabaha maaddiga ah iyo waxyaabaha macnawiga ah ee soonka jebiya sida beenta, xanta, iwm. Soonka caarifiinta ama awliyaduna waa in Alle si buuxda loo caashaqo, oo qalbiga isaga oo qura lagu xiro, oo la jeclaado waxa walba oo uu jecel yahay, lana naco wax kasta oo Alle neceb yahay -waa haddii Alle wax necbaadee. Shiikh Muxiyadiin bin Carabi oo soonka suufiyada qeexayna waxa uu yiri: “Soonkoodu waa in la iska daayo hadal, ficil, dhaqaaq iyo xasillooni kasta oo aan Xaqa iyo xaqiisa khusayn /وصيامهم: هو اإلمساك عن كل قول وفعل، وحركة وسكون ليس بالحق للحق’.

Imaam Gasaali oo lagu naynaaso ‘Xujatul Islaam’, kana mid ahaa culumada waaweyn ee suufiyada isna waxa uu sheegay in soonku uu ka mid yahay siyaabaha Alle lagu garan karo. Waayo? Qofka sida dhabta ah u soomaa waxa uu ka soomaa gebi ahaan dareemayaashiisa oo idil sida; aragga, maqalka, dhadhanka, taabashada iyo urka. Ruuxa dareemayaasha oo dhan ka soomaana waxa uu yeeshaa ruux la mid ah midda malaa’igta, Eebbana waxa uu aqoon ugu yeeshaa sida malaa’igta.

Sida buugta diimaha lagu xusayna, nebi Muuse ka hor intii uusan Alle la hadlin afartan casho ayuu soommanaa. Waxay ahayd afartan maalmood oo Muuse si buuxda uga go’ay wax allaale wixii arrimaha adduunyada xiriir la leh. Kolkii calooshiisu ay khafiif noqotay, ruuxdiisuna daahirtay buu Alle baryey, oo ka codsaday inuu mar qura isha ka buuxsado. Laakiin Eebbe arrinkaas waa ka cudurdaartay, taa baddelkeedana buuraha iyo kaymaha ayuu astaamihiisa ka tusay. Nebi Muuse waxa uu yiri “Rabbiyow ii oggolow in aan ku arko. [Rabbina] waxa uu yiri aniga i ma arkaysid, laakiin waxaad eegtaa buurta, haddii ay meesheeda ku negaato waad i arkaysaa, kolkii Rabbigi uu buurta u muuqdayna way burburtay, Muusana suuxdin buu la dhacay! /قال رب أرني أنظر إليك، قال لن تراني ولكن أنظر إلى الجبل فإن استقر مكانه فسوف تراني فلما تجلى ربه للجبل جعله دكا وخر موسى صعقا”

Maqaalkaan soonka ku saabsan aan ku soo gunaanadno sheeko ka mid ah sheekooyinkii ugaaskii Juxa oo sidoo kale loo yaqaan Mulla Nasrudiin. Waxaa la soo wariyey in marka la gaaro bisha soonqaad, Juxa uu caado u lahaa in maalin kasta oo uu soomo uu dhagax yar oo quruurux ah uu ku rido koonbo si tirada maalmaha uu soomay aysan uga gadman oo uu ugu xisaabtamo. Laakiin maalin maalmaha ka mid ah gabar yar oo uu dhalay oo u fiirsatay in aabbaheed uu maalin walba koonbada dhagax ku rido, baa waxay u qaadatay in aabbaheed uu dhagxaanta u baahan yahay, waxayna istustay in ay gacan ku siiso ururinta quruuruxa. Sidaa awgeed qururux badan oo ay soo gurbisay bay ku gurtay koonbadii. Maalin maalmaha ka mid ahna, dadkii ay deriska ahaayeen baa waxay weydiiyeen: ‘Shiikhow imisa maalmood baa ka harsan bisha Ramadaan?’ Asna waxa uu ku jawaabay: ‘Hagaag, sida dhabta ah ma garanayo inta maalmood ee ka harsan, laakiin waxaan aqaan inta maalmood ee na dhaaftay, waayo waxaan hindisay nidaam aan kula socdo maalmaha na dhaafay. Wax yar ii kaadiya, inta hubiyo ayaan idinla socodsiinayaaye!’

Intaa kaddib, Juxa waxa uu galay meeshii koonbadu u tiil, wuxuuna tirin ugu dhaqaaqay dhagxantii koonbada ku jirey, wuxuuse ogaaday in boqol iyo labaatan dhagax ay koonbada ku jiraan. Dabadeed, waxa uu iskula faqay in haddii uu tirada intaa le’eg dadka u sheego in lala yaabayo, oo magaaladu ay ku maadaysan doonto, waxayna la noqotay inuu tirada aad u dhimo, oo uu kalabar ka yareeyo, run ahaantii waxaan u sheegayaa in afartan maalmood ay na dhaaftay!’

Kolkaas ayuu inta soo baxay, si kalsooni ku jirto dadkii waxa uu ugu sheegay: ‘Tan iyo maantada aan joogno, afartan maalmood oo bisha barakaysan ah baa na dhaafay.’ Dadkii deriska ahaa oo yaabay ayaa mar qura waxay ku wada qayliyeen: ‘Shiikhow maxaad leedahay? Bisha Soonqaad soddon maalmood ka ma badan karto!’ Wadaadkii Juxa oo caroodayna dadkii waxa uu ku yiri: ‘War dadkiinna maxaa idinka khaldan? Miyeydaan ogayn in bishu ay aad ugu dheertahay kuwa sida dhabta ah u sooma?!!!’

Soonka iyo cibaadooyinka kaleba sida muruqa labo suulle bay qofba si ku yihiin, oo saamayn gaar ah ugu leeyihiin. Nebi Ciisana waxaa laga maqlay inuu yiri: “Eebbe ma daneeyo wax afkiinna gala, laakiin waxa uu daneeyaa wax afkiinna ka soo baxa.” Marka qof kastaa ha ka digtoonaado wax afkiisa ka soo baxaya.

Comments