Salaanta sebanka Koronada
Gacanqaadkii astaan nabadeed ahaa ayaa Koronadu u rogtay khatar caafimaad, iyadoo salaantii dadka lagu beddelay fogaan, nadaafad iyo taxaddar.

Gacanqaadka, dhunkashada iyo habsiintu waxay ka mid yihiin qaababka faraha badan ee dadku ay isu salaamaan. Mana jirto cid taqaan xilligii aadanuhu ay bilaabeen in gacanqaad la isku salaamo, laakiin waxaa loo badinayaa in ugu yaraan saddexdii kun ee sano ee u danbeeyey dhulalka qaarkood laga yaqiin gacanqaadka.
Sida la malaynayo, gacanqaadku bilowgii hore wuxuu ka dhashay si loo muujiyo astaan nabadeed. Marka labada qof ee isi salaamayaa uu mid kastaa soo taagayo gacantiisa midig oo maran, wuxuu ku baaqayaa in uu nabad doonayo, wax hub ahna uusan sidan. Waxaana lagu doodaa in dhaqanka gacanqaadka weheliya ee ah in labada qof ee isgacanqaadayaa uu mid kastaa kor iyo hoos u ruxo gacanta kan kale, asal ahaan looga gol lahaa in la hubiyo in qofka kale uusan sidan hub ugu qarsoon gacanta uu soo taagayo iyo marada dhexdooda, haddii uu sitanna ruxidda looga soo rido. Dadka qaarkoodna waxay ku doodeen in qarnigii 19-aad, Yurub dhaqan xumo loo arki jirey in qof salaan loo soo taago iyada oo gacanta la soo taagay aysan maradu ka feydnayn. Falkaasi wuxuu ahaa dhaqan xumo lagu khasban yahay in laga cudurdaarto (=malahana xaalku wuxuu u dhigmay in nin Soomaali ah loo taago toorrey dabada lagu dheggan yahay).
Dabcan, aragtidaani sharraxaad kama bixin karto dadka gurran, ee la fili karo in ay ku farxi lahaayeen in ay salaan u soo taagaan gacantooda midig oo maran iyaga oo isla markaas gaallays (=billaawe) waabaayo lihi ay gacanta bidix ugu qarsoon tahay. Macnayaasha kale ee gacanqaadku uu tusiyo waxaa ka mid ah in daacadnimo, gacalo, sinnaan, ixtiraam, kalsooni iyo saaxiibtinnimo ay ka dhaxayso dadka wadaagaya, oo badanaa dabaqadaha kala sarreeyaa gacanqaad midaysan ma wadaagaan.
Diimuhu markii ay abuurmeenna, badankoodu gacanta midig waxay la xiriiriyeen Eebbe iyo wax kasta oo san, halka tan bidix ay ku sunteen sheydaanka iyo wax walba oo silloon.
Waxyaabaha wanaagsan ee midigta loo qoondeeyey waxaa ka mid ah salaanta. Dabshidkii 1511, fannaankii Michelangelo wuxuu sameeyey sawir ka hadlaya qisada loo yaqaan 'abuuriddii Aadam' ee diimaha ibraahiimigu ay sida gaarka ah uga xareediyaan, wuxuuna muujiyey Aadan oo nolosha ka guddoomaya Eebbe gacantiisa midig ( فإذا سّوّويته ونفخت فيه من روحي).
Muuqaallada la hayo ee muujiya gacanqaadka kuwa ugu filka weyn waxaa ka mid ah mid taariikh ahaan u noqonaya qarnigii 9-aad ee miilaadiga ka hor. Waa gacanqaad dhexmaray boqorkii Ashuurida ee Shamaneserkii 3-aad iyo hoggaamiye Baabili ahaa, sida la qiyaasayana gacanqaadkaas heshiis isbahaysi oo dhex maray bay ku xoojinayeen. Maansada Giriigga ah ee Ilyaada oo la hilaadinayo in nuqulka hadda la hayaa uu u noqonayo qarnigii 8-aad ee ka hor dhalashadii nebi Ciise, iyadana waxaa lagu xusay in labo ruux ay "sacabbada isgeliyeen, kuna ballameen daacadnimo." Qarniyo badan ka dibna, Shakespeare ayaa masraxiyaddiisa "Sidaad Jeceshahay /As You Like It" wuxuu ku sheegay in labo qof ay "isgacan qaadeen, walaalnimana isku dhaarsadeen."
Midda kale, baaritaan dabshidkii 2015kii ay sameeyeen cilmibaarayaal Israa'iili ahi, waxay filimaan ka duubeen boqollaal dad aan is-aqoon ah oo is gacanqaadaya, dabadeedna waxay ogaadeen in afarmeeleedow meel dadka la sawiray ay salaanta ka dib sacabkooda ursadeen. Arrinkaas oo lagu fasiray in dadku iyaga oo aan ku baraarugsanayn ay gacanqaadka u adeegsadaan xiriir ahaan iyo in ay ogaadeen kiimikada qofka kale, taas oo ay kala mid noqonayaan noolayaasha kale ee urka isku garta.
Siday ahaataba, bulshooyinkii hore ee miyiga iyo tuulooyinka ku noolaa salaanta gacanqaadka iyo dhunkashada lihi waa ku yarayd. Caadi ahaanna, bulshada marka heerkeeda madaniyaddu uu kordho, waxaa la kordha muujinta caadifadda. Ummadihii hore ee noloshoodu ay adkayd badankoodu ma jeclayn muujinta dareenkooda caadifadda, oo waxaa loo arki jirey dhaqan dadka, siiba ragga, aan ku habboonayn, oo muujiya jileec iyo tabar yari. Tusaale ahaan, Soomaalidii hore ee reer miyiga ahayd, gacanqaadka iyo guud ahaan salaantu uguma aysan badnayn sida ay hadda tahay.
Aabbaha Soomaaliga ahina aalaaba dareenkiisa dhabta ah lama uu wadaagi jirin reerkiisa -afadiisa iyo carruurtiisa. Qof ahaan, hooyaday -AUN- oo aan hubo in ay ahayd qof naxariis badan, laakiin aan si fudud dareenkeeda ku muujin jirin, weeraha aan ka bartay waxaa ka mid ah: "Dhallaan lama dheeliyee dhiilkiisaa loo dhaamiyaa." [=Dhiilkiisa ama dhiitaaydiisa oo laga wado calooshiisa]. Guud ahaan, arrinkaani ma ahayn dhaqan Soomaalida ku gaar ah, balse wuxuu ahaa arrin ay la wadeegeen bulshooyinka ay isku duruufta ahaayeen.
Nebigana (scw) waxaa laga wariyaa in uu mar saxaabada ku yiri: "Ma idin tusaa shey haddii aad samaysaan aad isjeclaanaysaan? Salaanta dhexdiinna ku baahiya / أفشوا السالم بينكم". Soo jeedinta nebigana waxaa laga fahmayaa in salaanta iyo gacanqaadku aysan xilligaas bulshada ku dhex baahsanayn. Maxaa yeelay, haddii bulshadu ay caado u leedahay salaanta, looma baahdeen in loo sheego, waayo war la qabaa xiiso ma leh.
Waxaana xusid mudan, in ay jiraan aqoonyahanno reer Yurub u dhashay oo qaba in gacanqaadku uu Yurub ku faafay wixii ka danbeeyey dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Wixii muddadaas ka horreeyey qaabab kale ayaa la isu salaami jirey, gacanqaadkuna wuxuu lahaa munaasabado gaar ah oo loo adeegsado sida marka la gaaro heshiisyada colaadaha lagu joojinayo.
Maalin ka mid ah dabshidkii 1850, dhakhtar Hangeri ahaa oo la oran jirey Ignaz Semmelweis, ayaa shir dhakhaatiiri ku lahaayeen magaalada Vienna wuxuu ka jeediyey muxaadaro nuxurkeeda lagu soo koobi karo labada eray ee kala ah: gacmaha dhaqda!
Waagaas waxaa la ogaa in waddamada Yurub iyo Maraykanka heerka dhimashada carruurta guryaha ku dhashaa ay aad uga yar tahay tan carruurta isbitaallada ku dhasha ee ay dhakhaatiirtu hooyada ka ummuliyaan, arrinkaas oo aan la aqoon wax lagu macneeyo, dad badanna ay isaga daayeen in uu yahay maqaadiir iyo doonista Eebbe. Hayeeshee, doktor Semmelweis wuxuu ogaaday in sababtu ay tahay jahliga dadka iyo nadaafadadda gacmaha dadka ilmaha hooyada ka ummulinaya.
Waayadaan dhakhaatiirta iyo kaaliyeyaasha caafimaadku kuma aysan baraarugsanayn ahmiyadda ay leedahay nadaafadda gacmuhu, waxaana dhici jirtey in dhakhtarku uu dumar badan ka ummuliyo isaga oo aan marna faraxalan, gacmo gashina aan xiran, taas oo keeni jirtey in jeermiskii ay gacmihiisu sideen uu u gudbiyo hooyada foolanaysa iyo ilmaha dhashay oo aan weli lahayn awood uu isaga caabbiyo jeermiska.
Ayaan darro, sanooyin badan la ma fahansanayn ahmiyadda ay leedahay talada dhakhtarku uu soo jeediyey, arrinkaas oo keenay in colaad xumi ay ka dhex aloosanto isaga iyo dhakhaatiirtii kale ee ay isku xirfadda ahaayeen. Dhakhaatiirtu talada Semmelweis waxay u qaateen mid iyaga meel ku dhac ku ah oo lagu ceebaynayo, isaguna dhankiisa markii uu waayey cid taladiisa maqasha ayuu dhakhaatiirta wuxuu ku eedeeyey in ay yihiin: jaahiliin dhego weyn iyo "gacan-ku-dhiiglayaal aan mas'uul ahayn /irresponsible murderers". Ugu danbayntii, doktor Semmelweis wuxuu eersaday dadaalkii uu ku bixiyey dhaqan gelinta fikraddiisa, waxaana lagu dhex diley xarun lagu hayo dadka qaba xanuunnada dhimirka oo lagu xiray. Doktor Semmelweis wuu dhintay, laakiin nasiib wanaag fikraddiisii lama aysan dhiman ee dunida oo idil baa u ayday.
Si kastaba ha ahaatee, waayahaan danbe waxaa xoogaystay tuhunka laga qabo gacanqaadka la isku salaamo, oo loo arko in uu ka qaybqaato isu gudbinta cudurrada, arrinkaas oo keenay in la jideeyo talooyin iyo siyaasado ka dhan ah gacanqaadka oo laga hirgeliyo isbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka. Dadka qaarkoodna si ay isaga ilaaliyaan cudurrada la kala qaado ayay si iskood ah waxay u joojiyeen gacanqaadka dadka kale, falkaas oo ay ku muteen dhibaatooyin dhaqan-dhaqaale. Dhowrkii sano ee u danbeeyeyna waxaa si weyn u baahay dhaqanka ah in la isku salaamo gacmaha oo tantoomsan. Salaanta noocaan ah oo asal ahaan la sheego in ay bilaabeen burcaddii qarnigii 19-aad ku noolaa magaalada New York, waxaa la biday badbaado, waayo waxaa loo arkaa in tantooyadu ay ka khatar yar tahay gacanqaadka caadiga ah, marka laga hadlaya faafidda cudurrada.
Culumo uu ka mid yahay Dr. Anthony Fauci oo ah madaxa Mac'hadka Qaranka ee Xasaasiyadda iyo Cudurrada Faafa ee dalka Maraykanku, waxay qabaan in gacanqaadka gebi ahaanba dunida laga cirib tiro. Waayo waxay la tahay in gacanqaadku uu si joogto ah uga qaybqaato faafidda cudurrada. Dr. Fauci oo toddobaadkii hore mawduucaan ka hadlayna wuxuu yiri: "Haddaan runta idiin sheego, u malayn maayo in weligeen hadda ka dib loo baahan yahay in aan isgacan qaadno."
Gacanqaadka in dunida laga ciribtiraa ma aha hawl sahlan, maxaa yeelay gacanqaadku wuxuu noqday qayb nolosha dadka ka mid ah, oo dhaqan, dhaqale iyo siyaasadba loogu baahdo. Laakiin waxaa la saadaalinayaa in mar kasta oo uu kordho wacyiga ku aaddan noolayaasha ilima-qabatayga ahi, uu hoos u dhacayo heerka gacanqaadku, laguna beddelayo qaabab kale oo la isu salaamo, sida haddaba loo bilaabay in cirbaha iyo suxullada la isla dhaco.
Ummuuraha mucjisada ah ee muujinaya in fayraska Covid 19 uu ka mid yahay calaamadaha aakhru sabankana, waxaa ka mid ah in la arkay odayaal toddobaatan jirro ah oo ka cararaya gabdho labaatan jirro ah oo doonaya in ay dhunkadaan. Koroonaha ka hor yaa suuraysan karay in taas oo kale ifka lagu arki doono.
Dabshidkii 1929, gabar kalkaaliso caafimaad ahayd oo la oran jirey Leila Given, ayaa joornaal lagu magacaabo "American Journal of Nursing", waxay ku qortay maqaal ay uga hadashay sida gacanqaadka la isku salaamaa uu uga qaybqaato faafidda bakteeriyada, waxayna soo xigatay daraasado iyada ka hor la sameeyey. Leylo bulshada Maraykanka waxay u soo jeedisay talo ahayd in ay qaataan qaabka Shiinuhu ay isu salaamaan, oo ah in labada qof ee isi-saalamaya uu midkastaa isagu labadiisa gacmood isku qabto. Leylo maqaalka waxay ku soo gunaannaday: Haddaan sidaa yeelno "Ugu yaraan bakteeriyadayadu guriga ayay ku nagaan doontaa /At least our bacteria would then stay at home."
Taariikh ahaan, haddii gacanqaadku uu ku bilowday si loo muujiyo nabad iyo badqab, maanta nabadda iyo caafimaadku waxay ku jiraan in gacmaha la laabto. Marka ikhyaareey si loo yareeyo faafidda feyraska Covid-19, ruux walba gacmihiisa ha haysto oo bakteeriyada guryaha ha lagu dhaaf.
Kolka ehelada iyo asxaabtu ay gacan kuu soo taagganna u akhri aayadda 28-aad ee suuradda al-Maa'ida ee oranaysa: "Haddaad gacantaada iigu soo fidisay si aad ii disho, anigu gacantayda kuugu soo fidin maayo si aan kuu dilo, anigu waxaan ka cabsan Ilaahayga ah Eebbaha caalamiinta / لئن بسطت إلي يدك لتقتلني ما أنا بباسط يدي إليك ألقتلك إني أخاف هللا رب العالمين".
Gacanqaadku waa reebban yahay, salaan la'aantuse waa gef lagu mudanayo eed la mid ah tii gabyaaga Soomaaliyeed uu gabadha u jeediyey, jeerkii uu lahaa:
Ina adeer ma nabad baa miyey, eedi kugu raaci?
Afku miyuu ku go’ayaa haddaad, iga akhbaar qaaddo?
Mise foosiyaay maba ogid, uunku ila yaabye!

Comments