Sebenka Dugaagga iyo Curashada Nidaamka Cirifyada Badan
Muddada kala guurka ah ee u dhaxaysa dhimashada dunidii hore iyo dhalashada tan cusub waxaa ka dhasha xaalad hubanti la’aan ah iyo isbeddello waaweyn oo saameeya nidaamka caalamiga ah.

Soddomaadkii qarnigii labaatanaad ee la soo dhaafay, Antooniyo Garaamshi -oo ahaa faylasuuf maarkisi ah oo u dhashay dalka Talyaaniga- oo xilligaas ku xirnaa xabsi uu ku riday nidaamkii Fashiistada ee Musoliini ayaa buuggiisa “Dhambaallada Xabsiga /Prison Notebooks (1929-1930),” waxa uu ku qoray: “Sida dhabta ah, xaqiiqadu waxay tahay in dhibaatadu ay ka dhalanayso in dunidii hore ay sakaraadayso, tan cusubna ay dhalashadu ku adag tahay, muddada kala guurkana waxaa soo ifbaxa noocyo badan oo kala geddisan oo calaamado cudur ah.”
Garaamshi waxa uu adeegsaday erayga ‘interregnum’ oo ah eraybixin Roomankii hore ay u adeegsan jireen muddada kala guurka ee u dhaxaysa dhimashada boqorkii hore iyo caleemasaarka boqorka cusub. Sida meelo badan oo adduunka ka mid ah uu weli dhaqanku yahay, muddada lagu jiro marxaladda kala guurka ee u dhaxaysa labada hoggaamiye waxaa la joojin jirey dhaqangelinta qodobbo ka mid ah qaanuunka iyo arrimaha siyaasadda, maadaama awooddii sharciyadda huwanayd ay meesha ka maqan tahay.
Goor danbe, oraahda Garaamshi waxaa fududeeyey faylasuufka reer Solofiiniya ee Slajov Zizek oo u dhigay qaab fudud oo ay sahlan tahay in dusha laga qabto. Wuxuu u beddelay “Dunidii hore waa sakaraadaysaa, dunida cusubna waxay la harjadaysaa dhalashada, haddana waxaa lagu jiraa sebenka dugaagga.” Waxaana la qiyaasayaa in erayga ‘sebenka dugaagga ama bahallada,’ uu ka qaatay sawir gacmeedka uu sameeyey farshaxamiistihii Isbaanishka ahaa ee Faransiisko Goya ee lagu magacaabo “Hurdada garaadku waxay dhashaa dugaag /The sleep of reason produces monsters” ama “Riyada garaadku waxay dhashaa dugaag /The dream of reason produces monsters.” (Sawirka Goya maqaal hore baan uga hadalnay).
Halkaan dugaaggu ma aha bahallo la yaqaan ama kuwo male’awaal ah, balse waa ifafaalayaal aan caadi ahayn oo taariikhda lagu arko, oo ka dhasha isdiiddooyinka dhacdooyinka, waqtiyada la waayo sharciyadda iyo mas’uuliyadda akhlaaqeed.
Waqtiyada kala guurka lagu jiro waxay abuuraan hubanti la’aan, xasillooni darro, xoogaysiga kelitalisnimada, danaystayaasha iyo dibkannaaxa. Waa xilliyada anaaniyada iyo nafjeclaysigu ay cirka isku shareeraan. Waa xilliyada ay ka faa’iideystaan ee ay bulaalaan shakhsiyaadka, ururrada iyo dowladaha fursado gaadka ahi. Nuxurka fikradda Garaamshi waa in xilliyada caynkaan ah ay bulshadu la kulmi karto fursado waaweyn iyo dhibaatooyin halis ah oo isfeer socda, laakiin badiba dadka uma cadda jihada ay wax u socdaan, arrinkaasina waxa uu mugdi geliyaa go’aannada ay tahay in la qaato.
Sida runta ah, oraahdaani ma aha mid ku rumoobaysa waagii Garaamshi oo keliya, balse sidoo kale waxay ku rumoobaysaa xilligga haatan lagu jiro iyo goor walba oo lagu jiro kala guur ay isbeddelayaan duruufaha dhaqan-dhaqaale iyada oo aan gacanta lagu hayn astaamo si cad u muujinaya xaaladda meesha sahanka loo yahay iyo wax lagala kulmi doono. Waa oraah si buuxda uga tarjumaysa xaaladda adduunyadu ay hadda ku sugan tahay, ee laga guurayo casrigii dunidu ay halka cirif lahayd ee meesha qura looga talin jirey (=unipolar era), lana filayo in loo guuro duni cirifyo badan leh oo taladeeda meelo kala duwan lagu go’aamiyo.
Nidaamka hadda adduunka gabaabsiga ku ahi wuxuu curtay labo marxaladood oo taariikhi ah oo kala danbeeyey. Tan hore waxay ahayd dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, markii la aasaasay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha Biriton Woodis ee Santuukha Lagacta Adduunka iyo Baniga Adduunka. Tan labaadna waxay timid sannadkii 1989, kolkii la dumiyey derbigii Baarliin oo astaan u noqday in waddamada reer Galbeedka -oo Maraykanku uu hormuud u yahay- ay la hoydeen guushii dagaalkii qaboobaa, iyaga keligoodna ay xaq u yeesheen in ay dunida ku amarkutaagleeyaan. Tusaale ahaan, Faransiis Fukuyaama waxa uu qoray buuggiisa caanka ah ee “Dhammaadka Taariikhda,” oo nuxurkiisu yahay in taariikhdu ay ku joogsatay libinta raacday reer Galbeedka uu Maraykanku garwadeenka u yahay iyo nidaamkooda hantigoosiga iyo dimuqraadiyadda la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaanta ah ee ay ku danaystaan.
Sidaas si la mid ah, sannadkii 1990kii, Charles Krauthammer oo wax ku qori jirey wargeyska Maraykanka ah ee Washington Post waxa uu qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay “Waxaa Lagu Jiraa Daqiiqadaha Nidaamka Halka Cirif. Hadda ku Raaxaysta. Ma sii jiri doono/The Unipolar Moment. Enjoy it now. It won’t last long.”
Nidaamka halka cirif leh ee haatan burburka qarka u saaran waxaa laga dhaxlay in Qaramada Midoobay laga xayuubiyey gebi ahaanba hawlihii loo igmaday, duniduna aysan lahayn wax nidaam ah oo heshiis lagu yahay. Waxaa laga dhaxlay waxa ka socda Qasa, Suudaan iyo meelo badan oo dunida ka mid ah. Waxaa laga dhaxlay in waddamo badan ciidamadoodii joogtada ahaa ay ka barbar dhiseen kuwo calooshood u shaqaystayaal ah oo aalaaba lagu maalgeliyo hantida laga bililaqaysto dalalka tabarta yar ee aan awoodda u lahayn in ay difaacdaan kheyraadka dhulkooda. Waxaa laga dhaxlay in la xeerin waayo waxyaabaha ummadaha oo dhan danta u ah oo isbeddelka cimiladu ay kow ka tahay. Waxaa laga dhaxlay in si bareer ah oo qaawan la isugu xoogsheegto, si joogto ahna loo saadaaliyo in dunidu ay dagaal saddexaad qarka u saaran tahay.
Weel waliba markuu buuxsamo wuu daadiyaa, boqortooyo kastaana kolkay gaamurto waa gaasirantaa. Gabyaagii reer Andalus ee Abu Baqaa Rundina waa kii ku maansooday “Wax waliba haddii uu dhammaystirmo waa uu nusqaamaa / لكل شيء إذا ما تم نقصان، فال يغر بطيب العيش إنسان”. Dalka Maraykanka oo calanka u sida nidaamka halka cirif leh waxaa loo arkaa in uu yahay imbiradooriyad maraysa marxaladda hoobashada iyo burburka. Imbiradooriyaduhu marxaladda ay hoos-u-dhaca iyo burburka ku jiraan waxay u dhaqmaan sida koox maafiyo ah oo fashilantay oo midiba midka kale uu ka takhalusayo. Arrinkaasna waxaa loo daliishan karaa habdhaqanka Doonald Taraam iyo bahdilka uu kula aqdaanto hoggaamiyeyaasha caalamka siiba sida uu isaga fogaynayo ummuuraha Naato iyo Yurub, iyo weliba sida uu u waayey waddamo badan oo ku taageera siyaasadihiisa ku aaddan Israa’iil iyo Yukreen. Maraykanku sumcad xun buu ku leeyahay dunida qaybteeda koonfureed, waxaana laga wada cabanayaa gardarradiisa iyo gacanqaadkiisa xad dhaafka ah- midda uu hadda Fensuweela ku hayo baa markhaati cad ah.
Dulucda halkudhegga Doonal Taraam uu ol’olaha doorashada ku galay ee “Maraykanka ayaa mudnaanta koowaad leh /America First,” oo ay muuqato in uu isku hawlayo hirgalintiisa waxaa ugu muhiimsan labo qodob oo kala ah:
Kow: In dalalka dunida oo idil lagu soo rogo canshuuro iyo cunaqabatayno ganacsi, iyo
Labo: In saaxiibbada iyo bahwadaagta Maraykanku ay la baxaan kharashka lagu difaacayo iyo adeeg walba oo ay rabaan in loo qabto. Waddamada qaarkood xitaa arkidda Taraam waa in ay lacag ku bixiyaan.
Shaki badan baa ku gadaaman miro-dhalnimada siyaasadahaan, laakiin ilaa hadda Taraam wuu ku adkaysanayaa, siyaasiyiinta reer Galbeedka ee ku jaalka ahina way kaga dayanayaan. Waxaana la rumaysan yahay in siyaasadahaani ay yihiin kuwa horseedaya in Maraykanku uu dhumiyo hoggaaminta adduunka, oo Taraam uu yahay kan soo afjaraya awoodda iyo calanwalleynta Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, dunidu waayahaan danbe oo dhan waxay ku jirtey marxaladda dugaagga, waxaana ka shaqeeya sharciga kaynta ee dhigaya in la isu cuno sida loo kala itaal roon yahay. Waxaana muuqda ifafaale xoog leh oo muujinaya in adduunyadu ay galayso casri cusub oo awoodda la qaybsanayo, nidaamkii halka cirif lahaana uu beddelayo mid cirifyo badan leh (=multipolar world). Laakiin, weli waxaan la hubin nidaamka cusubi sida uu noqon doono iyo cidda hoggaanka u qaban doonta. Waxaase loo badinayaa in ay ka soo muuqan doonaan atoorayaal ay ugu mudan yihiin Shiinaha, Ruushka, Hindiya, Kooxo ka tirsan Laatiin Ameerika oo Baraasiil ugu cadcaddahay, iyo dabcan Maraykanka iyo Midowga Yurub.
Waxaa jira dhigaallo tiro leh oo mawduucaan laga qoray, balse weli qodobbada mawduucaan inta la isku waafaqsan yahay waxaa ka badan inta la isku khilaafsan yahay. Waxa la isku khilaafsan yahayna waxaa ugu horreeya macnaha la siinayo eraybixinta ‘cirifyada badan’ lafteeda.
Tusaale ahaan, Shiinaha -iyo guud ahaan dunida koonfurtu- marka ay erayga qeexayaan waxay ku macneeyaan in la helo duni aan gumeysi ka jirin oo dowladaha oo dhammi ay siman yihiin, ayna leeyihiin xuquuq siman, fursado siman iyo xeerar siman oo lagu wada dhaqmo iyada oo aan loo eegin awoodda waddanku uu leeyahay. Waa in xiriirka dowladaha ka dhexeeya dimuqraadiyad lagu saleeyo.
Shiinuhu waxay ku doodaan in ay lamahuraan tahay in dunidu ay yeelato nidaam cirifyo badan oo ku sifaysan tilmaamaha soo socda:
In dowladaha oo dhan isku si loola dhaqmo;
In qaanuunka dowliga ah la wada ixtiraamo, oo si siman loogu hoggaansamo;
In lagu wada dhaqmo siyaasad ku dhisan furfurnaan iyo wax isdhaafsi loo siman yahay;
Kala duwanaan ay Qaramada Midoobay isu hayso.
Taa baddelkeeda, siyaasiyiinta Maraykanku marka ay mawduucaan ka hadlayaan waxay xoogga saaraan in ay jiraan dowlado qaswadayaal ah oo doonayo in ay khalkhal ku abuuraan nidaamka halka cirif leh ee adduunyada ka arrimiya, loona baahan yahay in dhibka dowladahaas si kasta oo looga hortagi karo looga hortago. Bilmatel, Doonald Taraam khudbadii uu ka jeediyey munaasabaddii caleemosaarkiisa wuxuu ku xusay fikradda dhulballaarsiga gumeystayaasha ee “Qaddarta Cad /Manifest Destiny,” wuxuuna ku ballanqaaday in uu ballaarinayo dhulka Maraykanka. Munaasabad kalena taageerayaashiisa wuxuu u sheegay in uu doonayo “dal aad u ballaaran.”
Shiinaha iyo Ruushku waxay ku doodaan in cirifyada badani ay u wanaagsan yihiin iskaashiga iyo horumarka ummadaha adduunka oo dhan. Halka Maraykanku uu ku andacoodo in cirifyada badani ay halis ku yihiin nabadda iyo xasilloonida caalamka. Shiinaha iyo Ruushka oo ay niyadda kala jiraan qaar badan oo dadyowga koonfurta ahi waxay qabaan in nidaamka cirifyada badan lagu saleeyo ciribtirka gumeysiga iyo imbiriyaaliyadda, halka Maraykanka iyo Yurubta Galbeed ay uga ololeeyaan sidii lagu dardar gelin lahaa nidaamka halka cirif iyo gacan ku haynta reer Galbeedka (=The Western hegemony).
Halkudheg aad loo soo xigto oo loo tiiriyo hoggaamiyihii Shiinaha ee Maaw Tis Tuung ayaa wuxuu oranayaa: “Wax walba oo cirka ka hooseeyaa qas iyo fowdo cartamaya ayey ku sugan yihiin; xaaladdu waa mid aad u wacan.” Maaw Tis Tuung waxaa u muuqday in nidaamkii dalka Shiinuhu uu burburayo, waxayna la ahayd in burburka nidaamkaasi uu dadka Shiinaha fursad u siin karo in ay curiyaan nidaam cusub oo kii hore ka fiican.
Dhanka kale, ku allahoode, waxay wariyaan in oday Soomaali ahaa laga maqlay isaga oo Eebbe ka baryaya in uu adduunyo gaddoonka soo dedejiyo. Dadkii odayga allebarigiisa maqlay oo yaabban baa waxay weydiiyeen: War hebelow adiga oo lagu og yahay in aad tahay nin aan cibaadada ku wanaagsanayn oo aan aakhiro wax geysan maxaad adduunyo gaddoonka ka dheefaysaa? Siday sheegeen odaygii wuxuu ku jawaabay erayo sidaan ahaa: “Ratigii aan reerka u raran jirey baa iga garbabbeelay, oo haddii adduunyadu gaddoonta ratigaygaan shafka ka raran lahaa.”
Waxaan filayaa in xaalka soomaalida iyo ummado kaleba uu la mid yahay xaalka Maaw Tis Tuung iyo odaygaas soomaaliyeed, oo isbeddelka ku imaanaya nidaamka adduunka haddii aysan ka macaashin wax weyn oo ay khasaarayaan ma muuqdo.
Guntii iyo gebagabadii, soomaalidu si ay uga badbaadaan dabaylaha isbeddelaya oo ay qayb uga noqdaan nidaamka cusub ee curanaya waa in ay fahmaan juquraafi- siyaasadeedka abuurmaya, ayna joojiyaan khilaafaadka iyo colaadaha ma dhalayska ah ee dadkeenna iyo dalkeenna dilooday, dunidana ka reebay. Soomaalidu waa in ay midoobaan oo ay aragti iyo qorshe midaysan ka yeeshaan loollanka dowlaha dunida u dhaxeeya. Waa in la sameeyo doon la mid ah tii nebi Nuux oo naga badbaadisa duufaanta sebenka dugaagga Haddii taa la waayo oo aan sugno mucjiso uu Ilaah iskiis noogu sadaqaysto duufaan baa badweyn nagu hafin doonta -Alle kama dhigee! Maxaa yeelay, sidii horay loo sheegay: “Had iyo jeer Eebbe wuxuu u hiilliyaa kuwa hubkoodu fiican yahay.”

Comments