Shirkii shinbiraha shareecada iyo xaqiiqada

“Wuxuu yiri: waxa aad doonaysaa wuxuu u muuqdaa wax aan suurogal ahayn. Waxaan iri: Waxa aan suurogalka ahayni waa waxa aan jerinayo / قال ما تبتغيه يبدو محاال، قلت: إن المحال مقصودي "
~ Fariidudiin Cataar.
“Shirkii shinbiraha” ama “sheekaysigii shinbiraha” waa buug baarka sare kaga jira buugta fekerka suufiga iyo suugaanta muslimiintu ay curiyeen ee dunida oo dhan laga xiiseeyo. Buuggaan oo ah sheeko maanso ahaan lagu gudbinayo, waxaa qoray suufi Beershiyaan ahaa oo la oran jirey Maxamed bin Ibraahim bin Abuubakar al-Hamadaani, laakiin lagu garan og yahay naynaasta ‘Fariidudiin al-Cataar’, oo noolaa qarnigii 12-aad ee miilaadiga, wuxuuna ka mid yahay buugta wadaaddada suufiyadu ay qarniyo badan ardaydooda muqararka uga dhigi jireen. Waa sheeko-maanseed ka tarjumaysa nafta aadanaha badankiisa.
Buuggaan oo asalkii hore ku qornaa afka Faarisiga ama Beershiyaanka, waxaa loo rogay afaf badan oo ay ka mid yihiin; Carabi, Turki, Urdu, Ingiriis, Faransiis iyo kuwo kale oo badan. laakiin halkii uu tixda ka ahaa, mararka qaarkood waxaa laga dhigaa tiraab. Maxaa yeelay, dhawr kun oo meeris oo gabay ah in af kale si milgo leh loogu rogaa ma aha hawl si fudud lagu haweysan karo. Waxaase xusid mudan, in xataa qaabka tiraabta ah ee Carabiga loogu tarjumay ay aad u xallad iyo xiiso badan tahay.
Culumada Islaamka, siiba suufiyadu had iyo jeer ruuxda aadamiga waxay ku metalaan shinbir. Shinbir ay la gudboon tahay in uu labo xaaladood kala doorto; in uu abidkiis shabaqa adduunyada ku jiro oo uu lugihiisa hoostooda eego iyo in uu haado oo xorriyad ku naalloodo. Tusaale ahaan, culumada Islaamka ee ruuxda qofka shinbirka ku matalay waxaa ka mid ah Xallaaj, Jalaaludiin Ruumi iyo Ibnu Siinaa iyo Gasaali oo labaduba Cataar ka hor qoray dhanbaallo gaagaaban oo ay u bixiyeen “Dhanbaalka Shinbirka” (=Treatise on the Birds /رسالة الطير). Waxaana la rumaysan yahay in Cataar uu si mug leh u darsay qoraalladdii iyo halabuurkii raggii ka horreeyey sida; Aristoofaan, Ibnu Siinaa, Gasaali iyo Abuu Calaa al- Macarri, dabadeedna uu jeexday waddo iyo asluub isaga u gaar ah, akhristahana uu ugu soo bandhigay maanso dahab la aslay ah, oo milgaheeda iyo muunaddeedu ay aad u sarreeyaan.
Buugga sheekooyin badan baa ku jira, laakiin sheekada weyn ee dhextaalka ahi waa socdaal lagu galaa-bixinayo toddobo tog, laguna tagayo caalamka qarsoon iyada oo Alle la raadinayo.
Safarka noocaan ah ee Alle iyo aakhiro lagu baadigoobayaa ma ah fikrad Cataar keenay ee sida la qiyaasayo waa fikrad jirtey tan iyo markii aadanaha garaadka leh dunida lagu arkay, Cataar ka hor iyo ka dibna laga hadlayey. Aadanaha garaadka leh badankiisu kuma qancaan nolosha adduunyada ee gabowga iyo geeridu ay ka danbeeyaan. Sidaa darteed, waxay u hanqaltaagaan nolol kale oo dhaanta midda ay ku noolyihiin.
Runtiina, dadka badankooda waxa nolosha macnaha iyo nuxurka ugu yeelaa waa rajada laga qabo in wax wanaagsan imaan doonaan, oo dhan nolosha adduunyada ee aan hadda ku noolnahay ay timaaddada ka soo rayn doonto, oo ay dhaami doonto sida ay hadda tahay, dhanka kalena ay jiri karto nolol iyo duni ka barwaaqo iyo liibaan badan midda hadda ifka lagu haysto. Guud ahaan, noloshu abdo la’aan macne iyo raandhiis loo bogo ma yeelan karto. Shinbiraha Cataarna waxay baadigoob ugu jiraan helidda dunidaas maqan ee gabowga iyo geerida laga badbaadayo.
Dareenka ugu culus ee aadamiga la darsaa waa hilowga qofku wax uu tabayo in ay ka maqan yihiin uu u hanqaltaago. Waxyaalaha aadamigu tabana waxaa ugu weyn abuuraha. Waa xaaladda qofku uu dareemo in uu u baahan yahay in uu arko oo la sheekaysto wax ka weyn aadanaha. Sida la sheegana, ma jiro dareen ka culus tebidda Alle oo aan ka ahayn geerida. Gabyaagii Xaafid al-Shiiraasi oo dareenkaas cabbirayaana gabayadiisa midkood wuxuu ku leeyahay meerisyo macnahoodu yahay: “Caawa walax laabtaydu tabayso baa indhahaygu aad ula jilceen, codkayguna aad ugu naxariis batay. Waa baahidayda Alle, taasi aad bay u caddahay.
Something missing in my heart tonight
Has made my eyes so soft,
My voice so tender,
My need of God,
So absolutely clear”.
Fariidudiin Cataar oo sidoo kale loo yaqaan ‘Cataarkii Niisaabuur’ (1141-1210) waxaa lagu tilmaamay in uu ka mid yahay saddexda maanso-yahan ee ugu weyn suufiyada Beershiya – waxaana xusid mudan in Beershiya ama Faaris ay tahay halka fikirka suufiga ee Islaamka xooggiisu uu ka soo jeedo. Saddexdaas gabyaa waxay kala yihiin; Xakiim Sanaa’i al-Gasnawi (1080-1131), Maxamed Fariidudiin al-Cataar iyo Jalaaludiin al-Ruumi (1207-1273).
Jalaaludiin Ruumi-na waxaa laga hayaa in uu yiri: “Cataar wuxuu ku dawaafay (=wareegay) toddobada magaalo ee caashaqa, annaguse weli middii koowaad baynaan la soo laaban / لقد طاف العطار مدن العشق السبع، وما زلنا نحن في منعطف طريق واحدة”. Waxaana jira dad ku dooda in Ruumi carruurnimadiisii uu la kulmay Cataar, laakiin arrinkaas lama hubo, waxaana loo badinayaa in aysan kulmin. Hase ahaatee, marka suugaantooda iyo halabuurkooda la akhriyo waxaa la ogaanayaa in ugu yaraan ay hal il ka cabbeen.
Dhanka kale, waxaan shaki ku jirin in Cataar uu akhriyey, waxna ka ammaahday buugga Xakiim Sanaa’i ee lagu magacaabo “Safarka Addoomada Alle Ee Meesha Loo Noqonayo” (The Journey of the Servants of God to the Place of Re-turn\سير العباد إلى المعاد), oo ah maanso ka hadlaysa qof u baxaya socod uu Alle ku sahaminayo.
Cataar wuxuu ku dhashay, noloshiisa badankeedana ku qaatay magaalada ‘Niisaabuur’ ama ‘Nishaabuur’. Yaaquut al-Xamawi buuggiisa ‘Mucjam al-Buldaan’ marka uu tilmaamayo Nisaabuur wuxuu leeyahay: waa “Macdanta kuwa fadliga leh, iyo isha ay ka soo burqadaan culumadu, dhulkii aan maray oo dhanna kuma aannan arag magaalo la mid ah … waxaana ka soo baxay culumo aan tiro lagu koobi karin / معدن الفضالء ، ومنبع العلماء، لم أر فيما طوفت من البالد مدينة كانت مثلها... وقد خرج منها من أئمة العلم ما ال يحصى”. Wadaaddada suufiyada ah ee dhulkaan ku abtirsada waxaa ka mid ah; Ibraahiim bin Ad-ham, Shaqiiq al-Balkhi, Bashiir al- Xaafi, Fudeyl bin Ciyaad, Abuu Yasiid al-Bastaami, Xaatim al-Asam, Abuu Xafsi al-Xaddaad, Abuu Cusmaan al-Xiiri, Cabdukariim al-Qusheyri, al-Gasaali, Abuu Saciid bin Abii al-Kheyr, al- Cataar, Jalaalu-diin Ruumi, iyo qaar kale oo badan.
Fariidudiin Cataar sida magaciisa laga garan karo, isaga iyo aabbihiisba waxay ka ganacsan jireen catarka iyo walxaha la isku carfiyo. Sida la ogyahayna dunidii hore catarluhu catar keliya kama uusan shaqayn jirin, balse sidoo kale wuxuu ahaa dhakhtarka caafimaadka iyo daawooyinka loo raadsado- dhakhtar iyo farmashiiste wada jira. Cataar wuxuu ahaa dakhtar cudurrada jirka ku dhaca ku daaweeya daawooyinka sheybaarka, kuwa nafta iyo ruuxda ku dhacana wuxuu ku daaweyn jirey murti iyo suugaan.
Cataar isaga oo aad mooddo in uu aad ula dhacsanaa sida meheraddiisu uga deeqday in uu dad u baahdo, Eebbana uga mahadnaqaya nicmadda uu ku galladaystay ayuu wuxuu yiri: “Ilaah baa ku mahadsan in aannan madaxtooyo u baahan, mid liitana isu dullayn, dulmilowna aannan kimis ka cunin, buugna aannan cid u qorin / شكرا هلل فلم ألجا إلى قصر، ولم أكن ذليال لحقير، ولم أطعم خبز ظالم، ولم اختم كتاب لذكر احدهم”.
3 Cataar wuxuu noolaa xilli ay aad u xoogaysteen dulqaad la’aanta iyo nacaybka la xiriira dhalashada iyo madaahibta oo muslimiintu kooxo iyo firqooyin u qaybsameen. Hayeeshee, Cataar tacasubka iyo dulqaad la’aanta wuu liidi jirey, wuxuuna u arkayey in ay yihiin astaan lagu garto in qofku jahli iyo waalli ku sugan yahay. Isaga oo qodobkaan ka faalloonayana wuxuu yiri: “Midkaagaan dulqaad la’aanta u qafaalan, ee abidkiis nacaybka maxbuuska u ahow, haddii aad caqli iyo kasmo ku faanayso, sidee tacasub iyo dulqaad la’aan ugu hadaaqdaa? / يا من وقعت أسير التعصب، وظللت أبدا أسير البغض، إذا كنت تفاخر بالعقل واللب، فكيف تنطق بعد ذلك بالتعصب؟”.
Cataar wuxuu ahaa suufi suugaan yahan ah oo halabuur badan, wuxuuna ka tagay dhigaallo badan oo dhaxalgal noqday, oo ay ugu caansan yihiin gabayadaan uu u bixiyey “Shirkii Shinbiraha /منطق الطير” iyo buugga kale ee lagu magacaabo “Xuska awliyada/تذكرة األولياء”. Cataar wuxuu si dadban noogu sheegay in sababta keentay badnaanta suugaantiisu ay tahay in uu qoraalka iyo curinta maansada uu naftiisa ku daaweeyo, wuxuuna yiri: “Qalbigayga baan waxaan ku iri: hadal badanayahow warka yaree, oo runta raadi, wuxuuna ku jawaabay: canaanta iga yaree, waayo anigu dab baan ku dhex jiraa haddii aannan hadlinna waa gubanayaa / قلت لقلبي: أقل القول أيها الترثار، واطلب الحقيقة، فأجاب: أقل اللوم، فأنا في نار وإن لم أنطق احترقت”.
Waxaa jira sheekooyin fara badan oo ka warrama taariikh nololeedkii Fariidudiin Cataar, dhalasho, dhimasho iyo inta u dhaxaysa. Hayeeshee, sheekooyinkaas badankoodu waa sheeko- xariiro gadaal laga allifay. Tusaale ahaan, waxay ku been-hawaaseen in uu buug qoray ka dib markii la dilay ee unuunka laga gooyey, oo isaga oo aan luqun lahayn uu buug iyo suugaan xallad leh noo allifay.
Cabdiraxmaan Jaami (1424-1492) buuggiisa “Saxansaxada wehelka/نفحات األنس”, wuxuu ku xusay sheeko ku saabsan Cataar oo uu sidaan u dhigay:
“Maalin maalmaha ka mid ah, Cataar oo dukaankiisa jooga baa waxaa soo hor istaagay miskiin tuugsanaya, dhawr goorna wuxuu ku yiri: Alle darti wax ii sii, laakiin Cataar dan iyo heello kama uusan galin miskiinka. Saboolkii dawarsanayeyna wuxuu Cataar ku yiri: Mudane sidee baad u dhimanaysaa? Cataarna wuxuu ugu jawaabay: sida aad adigu u dhimanayso oo kale. Saboolkii mar kale ayuu wuxuu ku yiri: ma awooddaa in aad u dhimato sidayda oo kale? Cataarna wuxuu yiri: Haa, waan awoodaa. Markaas ninkii saboolka ahaa koobkii uu ku dawarsanayey buu hortiisa dhigay, wuxuuna yiri: Allow! Naftiina waa ka haadday.
Saacaddaas laga bilaabo Cataar noloshiisii waa isbeddeshay, oo inta uu dukaankii irdaha isugu dhuftay, buu xaq raadin bilaabay.”
Shaakadaan waxaa laga fahmayaa in Cataar si kado ah uu suufi ku noqday, laakiin sida dhabta ah sheekadaani waa mid la allifay. Waayo Cataar qudhiisa ayaa buugtiisa ku qoray in tan iyo carruurnimadiisii uu ku noolaa jawi afkaarta suufiyadu ay ku xoog badan tahay, oo uu dhalay aabbe suufi ahaa oo fikirkaas ku ababiyey. Waxaana xusid mudan, in sheekooyinkaan khuraafiga ahi ay aad u faafeen qarniyadii danbe, markii dib-u-dhacu uu ku yimid fikirka suufiga ee hal-abuurnimadu ka idlaatay, uuna ku soo ururay qabri iyo mawlac laga hinraago oo keliya.
Qofka quraanka wax ka yaqaani, marka uu cinwaanka buugga arko durba wuxuu xusuusanayaa ayaadda 16-aad ee suuradda an-Namli ee oranaysa: “Suleymaan wuxuu dhaxlay Daa’uud, wuxuuna yiri: Dadow waxaa na la baray codka shinbiraha, waxaana na la siiyey wax walba, kaasina waa fadli cad / ،وورث سليمان داوود وقال يا أيها الناس علمنا منطق الطير وأوتينا من كل شيء إن هذا لهو الفضل المبين”. Isla suuraddaan aayaddeeda 18-aadna waxaan ku arkaynaa quraanjo hadlaysa oo oranaysa: “Markii ay yimaadeen toggii quraanjada, quraanjadii waxay tiri: Quraanjooy guryihiinna gala, yaan Suleymaan iyo ciidankiisu idin burburin iyaga oo aan dareemayne / حتى إذا أتوا على وادي النمل قالت نملة يا أيها النمل ادخلوا مساكنكم ال يحطمنكم سليمان وجنوده وهم ال يشعرون”. Aayadda 22-aad ee isla suuraddana hud’hud warbixin siinaya nebi Saleebaan ayaa wuxuu leeyahay: “Markuu muddo yar maqnaa –buu yimid- wuxuuna yiri: waxaan ogaaday wax aadan ogayn, Reer Sabana war la hubo baan kaaga keenay / فمكث غير بعيد فقال أحطت بما لم تحط به وجئتك من سبأ بنبأ يقين”. Nebi Maxamed na (scw) waxay ka wariyeen in uu yiri: “Ha dilina hud’hudka maxaa yeelay Saleebaan buu hage u ahaa .. wuxuuna jeclaaday in Alle la caabudo oo aan cid kale dhulka oo dhan loogu shariik yeelin / لا تقتلوا الهدهد فإنه كان دليل سليمان .. وأحب أن يعبد هللا وال يشرك به شيئا في أقطار األرض”.
Yeelkadeede, buuggaan hud’hudku ma ah shinbirka keliya ee hadlaya, balse shinbiraha oo dhan baa hadlaya oo sheekaysanaya, waana arrinkaas midka cinwaanka buugga ee "Shirkii ama sheekadii shinbiraha /منطق الطير" uu tusinayo (mararka qaarkood buugga waxaa lagu magacaabaa 'Kulankii shinbiraha /اجتماع الطير', waana magac loo qaateen ah).
Buuggu wuxuu ka kooban yahay qiyaastii 4600 oo meeris, wuxuuna u qaybsan yahay 45 qaybood ama maqaal, gogoldhig, iyo gunaanad.
Waxaana ku jira sheekooyin badan oo gaaraya 181 sheeko oo loogu laray si ay sharraxaad dheeri ah uga bixiyaan afkaarta buuggu xanbaarsan yahay - waxaana jira dad qaba in sheekooyinka qaarkood buugga gadaal looga daray, oo Cataar uusan lahayn. Inta gabayga iyo sheekooyinku socdaanna, waxaa naga hor imaanaya anbiyo iyo awliyo badan, oo ay ka mid yihiin: Ibraahim, Yacquub, Yuusuf, Muuse, Daa’uud, Saleebaan, Ciise, Xallaaj, Raabica Cadawiya, Ibraahim bin Ad’ham, Majnuun Leyla, Hippocrates, Aristotle iyo ardaygiisii Aliksandarkii weynaa oo sida Cataar sheegayo “Diinta darteed u dhintay / مات اإلسكندرفي طريق الدين” iyo ikhyaar kale oo aad u fara badan.
Buuggu wuxuu soo hoos galayaa suugaanta loogu yeero ‘Suugaanta astaanta ama summadda’ (Symbolic literature / (األدب الرمزيoo farriimaha uu sido wuxuu ku gudbinayaa sarbeeb walxo astaan looga dhigayo. Shinbiraha sheeko-maanseeddu ku socotaana waxay u taagan yihiin aadane Alle baadigoobaya, shinbirka lagu magacaabo ‘Simurgh’ isaguna wuxuu u taagan yahay Eebbe. Cataar dareenka aadanuhu Alle ku tabaan ayuu shinbiraha siinayaa, isaga oo aad mooddo in uu akhristaha ku canaanayo sida uu u dareemi waayey boholyowgaas xataa duunyada, shinbiraha iyo guud ahaan mayeeraanku ay dareemayaan.
Sheekadu qaab sarbeeb iyo astaamo ah bay waxay ku sheegaysaa waddada la rabo in uu maro suufigu si uu u helo wacyi, una gaaro yoolka uu tiigsanayo. Laakiin asluubka summaduhu wuxuu leeyahay labo weji oo dhib iyo dheef kala ah. Asluubkaani dhan caqliga wuxuu siiyaa xorriyad uu wax ku kala doorto, oo sida ay la noqoto uu naska ugu macnaysto, laakiin dhanka kale marar badan wuxuu keenaa mugdi ay dad badan macnaha ka anbadaan. Si ruuxu u fahmo suugaanta iyo guud ahaan halabuurka suufiyadana waxaa lamahuraan ah in uu fikrad ka haysto waxa wadaaddada suufiyadu ay ugu yeeraan ‘Xaqiiqada iyo shareecada /الحقيقة والشريعة”.

Comments