Sidee Eebbe lagu baafiyaa?
Ku Allahoode, waxay wariyeen in wadaad allecaabud ahaa oo webi ku dabaalanaya uu wiil u yimid, kuna yiri: “Shiikhow waxaan rabaa in aan xertaada ka mid noqdo.” Shiikhiina wuxuu weydiiyey: “Maxay tahay sababta aad u doonayso in aad xertayda uga mid noqoto?” Wiilkii xoogaa buu fekaray, wuxuuna yiri: “Maxaa yeelay waxaan rabaa in aan Alle helo.”
Wadaadkii inta wiilkii ku booday oo surka ku dhagay buu biyihii webiga tiimbiyey, jeer neeftii qabatayna sidaas buu ku hayey. Markii uu qiyaastii daqiiqad ku hayey buu ka soo bixiyey. Wiilka neeftaa ku dhegganayd, oo intii cabbaar ah ma uusan hadli karin. Ugu danbayntii, markii uu si caadi ah neeftii u qaatay baa wadaadkii wuxuu weydiiyey: “Waxaad ii sheegtaa, wixii aad dunida ugu jeclayd markii aad biyaha ku dhex jirtay.”
Wiilkii wuxuu ku jawaabay “Hawo!”
Shiikhiina wuxuu yiri: “Waa hagaag, hadda gurigaaga isaga laabo, laakiin waxaad igu soo noqotaa marka aad Alle ugu baahato si la mid ah sidii aad hawada ugu baahnayd markii aad biyaha ku dhex jirtay.”
Wadaadka waa runtiis, oo Alle erayo laguma cabbiro, buug iyo macallinna lagama barto. Alle waa tajribo qalbiga lagu dareemo, dareenka qalbigana dadku ma wadaagaan, ee qof kastaa si buu u dareemaa una sawirtaa. Caarifiinta mawduucaan ku xeeldheerina waxay yiraahdaan: ruuxa isku daya in uu Alle erayo ku qeexaa, wuxuu la mid yahay ruux doonaya inuu hawo gacanta ku buuxsado. Hawada waa la dareemi karaa laakiin gacanta laguma qaban karo, si taa la mid ah qofku Alle waa dareemi karaa laakiin erayo kuma macnayn karo.
Marka qura ee dadku Alle arkaan waa marka ay dhab ahaan ugu baahan yihiin. Haddii kutubta diinta ee dunida taal oo dhan laguu akhriyo si aad Alle u aragto, laakiin aadan dhab ahaan Alle ugu baahnayn Alle arkayi maysid. Sababta oo ah, Eebbe ma aha aqoon la is baro, ee waa dareen lagu noolaado.
Arkidda Eebbana aadanuhu ma kala xigaan, oo arkidda Eebbe looma shardiyo af, dhaqan, diin, midab iyo wax kale toona. Waxa qura ee loo shardiyaa waa dareenka iyo baahida qalbiga. Oraahda caanka ah ee Paulo Coelho-na waxay leedahay: “Markaad walax doonayso, koonka oo dhan baa kula shirqoolaya (=kaala shaqaynaya) sidii aad ku hanan lahayd /when you want something, all the universe conspires in helping you to achieve it.”
Marka aad Alle u baahan tahay wax kasta Ilaah baad ka dhex arkaysaa ama ka dhex maqlaysaa. Biyaha webiyada, mawjadaha badda, dabaysha dhacaysa ee dhirta iyo ubaxa ruxaysa, buuraha, roobka, onkodka, qorraxda, dayaxa, xiddigaha iyo xataa wejiyada dadka iyo duunyada. Wax walba waxaad ka dhex arkaysaa astaan Alle leeyahay, waana xaaladdaas marka dhab ahaan loo yiraahdo: Hebel ama heblo ishaaraa la tusay. Arkidda ishaaradu anbiyada iyo awliyada kuma koobna, laakiin ishaarada waxaa hela ruux kasta oo dareenka Eebbe uu ku weyn yahay. Waa xaaladdii uu ku sugnaa nebi Ibraahim ee quraanku nooga sheekeeyey:
" فلما جن عليه الليل رأى كوكبا، قال هذا ربي، فلما أفل قال ال أحب اآلفلين، فلما رأى القمر بازغا قال هذا ربي، فلما أفل قال لئن لم يهدني ربي ألكونن من القوم الضالين، فلما رأى الشمس بازغة قال هذا ربي هذا أكبر، فلما أفلت قال يا قوم إني بريء مما تشركون إني وجهت وجهي للذي فطر السماوات واألرض حنيفا وما أنا من المشركين "
Nebi Ibraahim intii uu noolaa oo dhan dayaxa, qorraxda iyo xiddigaha wuu arki jirey, laakiin wixii maalintaas ka horreeyey aragga indhaha oo qura buu ku eegi jirey, macne aysan dadka kale u lahaynna uma aysan samayn jirin. Hayeeshee, maalinta quraanku uu xaaladdiisa noo sawirayo arrinku sidaa waa ka beddelnaa, oo Ibraahim walxahaas kuma uusan eegin indhihiisa oo keliya, balse sidoo kale wuxuu ku eegay qalbigiisa. Maalintaas Ibraahim wuxuu baahi u qabay in uu Alle arko, wuuna arkay! Aragga indhaha kuma uusan arag, balse wuxuu ku arkay aragga qalbiga.
Soomaalidu waxay tiraahaa: “Muruqa labo suulle ninba si ku ah.” Sidaa waxaa ka dhigan fahanka iyo sawirka dadku Alle ka haystaan.
Inkasta oo dadka intii isku diin iyo mad-hab ahiba ay aamminsan yihiin in ay isku Ilaah yihiin, oo ay hal ilaah oo kuwa dadka kale ka duwan ay iyagu wadaagaan, haddana waa dhif iyo naadir ama waaba mustaxiil in la helo labo qof oo sawir isku mid ah Alle ka haysta. Bal waxaaba lagu doodi karaa in qofku sawirka uu maanta Alle ka haysto uu ka duwan yahay kii uu shalay ka haystay iyo midka uu berri ka haysan doono.
St Thomas Aquinas (1225-1274) wuxuu ahaa nin tan iyo carruurnimadiisii ku taami jirey in uu diinta masiixiga u gargaaro. Markii uu weynaadeyna wuxuu ka mid noqday wadaaddada ugu sarreeya diinta Masiixiga iyo weliba dadka aqoonta durugsan u leh mawduuca diimaha.
Aquinas dhigaallo badan buu masiixiyadda ka qoray, dhigaalladiisana waxaa ka mid ah buug uu u bixiyey "”Koobaha caqiidada” (=Summa Theologiae/Summary of Theology /الخالصة الآلهوتية), oo ah buug weyn oo afar kun oo bog gaaraya. Thomas wuxuu isku hawlay in uu hal buug ku ururiyo runta jirta oo dhan. Sidaa darteedna, buuggaan oo lagu tiriyo in uu ka mid yahay buugta caqiidada diinta masiixiga ka hadla kuwooda ugu muhiimsan, waxaa ku jira akhlaaq, caqiido, dhaqan, diin, saynis, siyaasad, cilmi-nafsi iyo mawduucyo kale oo badan. Wuxuuna ka mid yahay maraajicda loogu noqdo aqoontii qarniyadii dhexe.
Aquinas buugga ma uusan ebyin ee dhexda ayuu ku joojiyey. Waxaana la sheegaa sheeko arrinkaas la xiriirta oo sidaan loo tebiyo;
Thomas Aquinas markuu muddo dheer buuggaan ku mashquulsanaa ayuu ugu danbayntii wuxuu ku qancay in doodaha caqiidada la xiriiraa aysan dadka aqoon u kordhin, Allena barin (ku Allahoode, dadka qaarkood waxay sheegaan in Aquinas arrinkaas ishaaro lagu tusay). Markaana wuxuu isweydiiyey waxtarka ku jira in caqiido laga hadlo marba haddii aysan dadka Alle barayn. Qalin iyo waraaq uu isi saarana maalintaas baa ugu danbaysay .
Maalin danbe, ayaa waxaa u yimid wadaad xoghayn u ahaa oo la oran jirey Reginald, oo ku yiri: “Mudane buugga ma aadan dhammayne, miyaadan shaqada ku noqonayn oo buugga dhammaystirayn?” Aquinas na wuxuu ugu jawaabay: “Boowe Reginald, wax danbe ma qaban karo..
3 wixii aan qoray oo dhammi waxay iigu muuqdaan casw xash oo dhaqso ku burburaya /Brother Reginald, I can do no more.. All that I have written seems like straw.”
Wadaaddada diimaha ee har iyo habeen Alle ka hadlaa, islaamaha ariga raaca eebbe ugama xog ogaalsana, marka iimaanka loo yimaadana waxay u badan tahay in islaamuhu ka iimaan badan yihiin culumada. Suufigii Abuu Yasiid al-Bastaamina waxaa laga hayaa inuu yiri: “Kuwa Alle ugu fog baa Alle ugu hadal hayn badan / أبعد الخلق من هللا أكثرهم أشارة إليه”. Wadaaddada Buudida ee mad-habta Zentuna waxay adeegsadaan oraah loo tiiriyo feylasuufkii Shiinayska ahaa ee Lao Tzu oo oranaysa: “Kan ogi ma hadlo, kan hadlaana ma oga /The one who knows, does not say. The one who says, does not know.”
Waxaan ku soo gunaanadayaa, kurayda kutubta caqiidada loo mariyo ee u haysta in ay Alle aadanaha kale ka badiyaan, waa in ay ogaadeen in aysan Alle aadanaha ka badin, balse ay dadka ka muran iyo qajajac badan yihiin oo keliya. Waxaana kula talinayaa in aysan Alle buugta ka baafin, ee ay ka baafiyaan nolosha iyo dabeecadda ay naftoodu ugu horrayso (استفت قلبك.. وإن أفتاك الناس وأفتوك) .

Comments