Soomaali Weyn Dhab Mise Dhalanteed

Dhammaadkii sagaashanaadkii qarnigii labaatanaad ee na weydaartay, baan galab dukaan ku yiil suuqii Suxeyfa ee magaalada Jidda ee Soomaalidu ay ku ganacsan jireen, waxaan ku arkay buug yar oo qaab baamfalet ah u samaysan. Waagaas oo buugta Soomaalidu ay dhif iyo naadir ahayd, wax walba oo qof Soomaali ahi uu qoray ama Soomaaliya laga qorayna ay xiiso lahaayeen darteed, buuggii waan iibsaday. Waxa uu ahaa buugga lagu magacaabo “Soomaaliyeey: Halkee Baad Ku Socotaa?” ee uu qoray Dr. Cumar Cusmaan Raabe -Allaha u naxariistee.

Buugga oo aad u yaraa, runtiina ahaa xaashiyo xooggoodu ay ka koobnaayeen jaantusyo iyo khariidado muujinaya sida dhulka Soomaalidu goor aan fogayn uu u noqon doono mid quwado shisheeye oo Itoobiya ugu horrayso ay wada qaadan doonaan. Dhab ahaantii, buuggu dareen buu igu beeray, laakiin dareenkaasi marna ma uu gaarsiisnayn heerka uu hadda joogo. Waxay ila ahayd in Dr. Raabbi uu arrinka xoogaa buunbuuniyey si uu dareenka dadka Soomaaliyeed u kiciyo -maadaama xilligaas dagaallo sokeeye oo ba’ani ay dalka gudihiisa ka holcayeen.

Waagaas waxaan qabay aragti ah in Soomaalidu ay tahay ummad hoggaan xumo haleeshay darteed qabiilo isugu laysay, qarankoodiina ku dumiyey, laakiin goor ay noqotaba ay hubaal tahay in la gaari doono mar colaadda iyo carada laga bogsado, oo Soomaali isu soo noqoto. Sida muuqatana, waxaa ilduuf iiga jirey in qabiilka qudhiisu uu yahay seefta qaranka soomaaliyeed lagu qalayo ee cadcadka loogu jarjarayo, ugu danbaynta -Ilaah kama dhigee- si toos ah iyo si dadban hadba tii la doono loogu qaadanayo.

Hayeeshee, dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaan la kulmay ama warbaahinta ka dhegaystay rag Soomaaliyeed -oo isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo ganacsato- oo ku doodaya in aysan jirin waxa la yiraahdo ‘Soomaali Weyn’. Kuna andacoonaya in fikradda Soomaali weyntu ay tahay midda soomaalidu ay eedeen, ee shillalka baas ee ay maanta dul saaran yihiin gaarsiisay.

Maalin dhaweyd, oday Soomaaliyeed baa waxa uu nagu yiri: ‘Fikraddaan Soomaali weyntu aniga weligay igama gadmin. Weligay waxaan u arki jirey fikrad foorarta. Anigu waxaan ku dhashay, oo wax ku bartay gudaha dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waddan kalena ma aan lihi. Haddaba, sidee baa wiil ku dhashay Gaarisa, ama Jigjiga ama Jabuuti ee waddan kale ka heli kara fursado waxbarasho, shaqo iyo baasaboor uu iigu ciriirinaya fursadaha yar ee gudaha Soomaaliya ka jira?”

Saaxiibkay waxaan weydiiyey: Adiga fikradda Soomaali weyntu ma waxay kuugu qiimaysan tahay fursadahaas aan la hubin ee aad ka guulalloobayso in carruurta aad awowga u tahay in lagu ciriiriyo -(waayo aniga iyo wadaygeyba hadda waxaan nahay waayeel aakhirucumri ku jira oo dhan u batay)? Miyaadan ogayn in Siyaasiyiinta Itoobiya ay ku andacoodaan in Itoobiya iyo Soomaalidu ay walaaloobayaan kolka Soomaalidu ay faraha ka qaadaan riyada dhalanteedka ah ee ay ugu yeeraan ‘Soomaali weyn’? Dooddaas oo dulucdeedu tahay: Itoobiya iyo Soomaalidu waxay walaalo noqonayaan kolka Soomaalidu ay ka tanaasulaan in ay yihiin qaran madax-bannaan oo iskiis u taagan, ayna oggolaadaan inay noqdaan qowmiyad ka mid ah qowmiyadaha dalweynaha Itoobiya. Walaalnimada siyaasiyiinta Itoobiya ay Soomaalida ka raadinayaan waa middii wanka iyo waraabaha, ee waraabuhu uu wanka ku lahaa:

Wuxuu yiri:

waa tahaye Sidaas kuu lama warramin
Walaalow baan wadaa
Warshado aan kuu furiyo
Waddaan soo jeexayaa
I weydii waxaad rabtee
Wadaaygey baa tahaye
Aan waayo iswehelinnee
Wanyahow hay goyn wadnaha!
***
Wuxuu yiri:

Waa tahaye
Webigii adigaa fadhiya
Wadaan maran baan wataa
Ilmihii wuu’day hayaan
Wajigu waa weyn yahaye
War nacab ha i oran walaal
Wadaaygey baa tahaye
Aan waayo iswehelinnee
Wanyahow hay goyn wadnaha!!

~(Carays Ciise Kaarshe ‘AUN’).

Saaxiibkay waxa uu ku adkaystay in Itoobiya uusan dhul hor leh u oggolayn, laakiin kuwa hadda iyada iyo Keenya ku maqan uusan damac uga jirin, waxa qura ee uu doonayaana ay tahay in Itoobiya, Keenya iyo Jabuuti aan calamo u kala lahaanno sidii gumeystayaashii reer Yurub ay nooga tageen, Soomaalida dhulalkaas ku dhaqanna ay deegaankooda iimaansadaan, oo doolaalada ay naga daayaan.

Qof ahaan, waxaan ku garaadsaday iyadoo Soomaali weynta iyo ha israacdadu ay Soomaali oo dhan muqaddas u yihiin, haddana walaaca aan qabaa ma ah mid la xiriira dhimashada fikradda Soomaali weyn oo keliya, balse cabsi weyn waxaan ka qabaa in saadaashii xumayd ee Dr. Cumar C. Raabbi ay rumowdo oo – Alle ma qaddaree- Soomaaliya qurubqurub loo kala googooyo. Soomaali weyn warkeed ha joogee, waxaa ifafaalayaal badani muujinayaan in labadii qaybood ee jamhuuriyadda ku midoobay ay ku socdaan in fitigfaatir loo qaybiyo, dabadeedna kulligood luqmad-luqmad loo wada liqo.

Waxaana ii muuqda in ay soo baxeen Soomaali badan oo guubaabadii Sangub (AUN) ee ahayd: ‘Ha is raacdo diiddaye, ha is raamsatee daa,’ inta run u qaatay, si xishood darri ah ugu andacoonaya: Soomaali waa kala danaysatay, waana kala dabayl raacday ee reer waliba degelkii awoowayaashood geela ku raacan jireen ha calfadaan. Waa dood nuxurkeedu uu yahay in Soomaalidu ay dib ugu noqdaan jabadkii qaniinka badnaa ee 1960-kii ay ka guureen, ee qaran dowlad ah oo dunida magac ku leh ay ka noqdeen.

Sidaas oo ay tahay, Soomaaliya siday u indha xuntahay uma Alle la’a! Alle iyo aadmiga garaadka leh labadubana waxay noo sheegeen in quusashadu ay tahay wax liita. Waxa nolosha qiimaha iyo qaayaha u yeelana uu yahay abdada laga qabo in la gaari doono berri dhaanta maanta iyo shalay. Waa rajada waxa abuura tamarta wax lagu qabto. Horumar kasta iyo ilbaxnimo walba oo dunida lagu arkay waxaa tiirdhexaad u ahaa harjad iyo halgan ay rajo hormuud u ahayd, oo ay hoggaaminaysay.

Iyaga iyo ku Allahoode, waxay wariyeen in Suufigii Abul Xasan oo sakaraadaya uu wiil xertiisa ka mid ahaa ka codsaday inuu u sheego macallimiintiisii ugu waaweynaa ee uu wax ka bartay?

Shiikh Xasan waxa uu yiri: “Hadda waa goor danbe oo aan munaasab u ahayn in su’aal caynkan oo kale ah la i weydiiyo. Waqtigu aad buu gabaabsi u yahay, aniguna waan dhimanayaa.” Laakiin xerowgii baa weydiiyey: “Magcaanta oo qura ii sheeg. Weli waad nooshahay, weli waad neefsanaysaa, oo waad hadlaysaa, magcaanta oo keliya ii sheeg.”

Shiikh Xasan: “Waa arrin adag, waayo kumanyaal macallimiin ah baan lahaa. Haddaan isku dayo in magacyadooda oo keliya aan taxo waxay igu qaadanaysaa bilo iyo sannado. Waa waqti danbe. Balse hal macallin oo keliya baan kuu sheegayaa.

Mar baan lamadegaanka ku habaabay, kolkii aan magaalada imidna waxay ahayd goor danbe oo habeen bar ah; oo dukaammadii iyo makhaayadihii la wada xiray, dadkii oo dhammina ay seexdeen. Hal ruux waddooyinka ma uu joogin. Si kasta oo aan isugu hawlay in aan helo cid i martigelisa, haddana qof qura oo dhaqaaqaya waan waayey. Ugu danbayntii, waxaan arkay nin daloolinaya guri derbigi. Inta u dhawaaday baan waxaan u sheegay in aan u baahnahay cid caawa i martigelisa, wuxuuna iigu jawaabay, “Anigu tuug baan ahay, adiguna waxaad iigu muuqataa inaad tahay wadaad suufi ah.” Muuqaalkiisa iyo qalabkii uu sitay labaduba waxay ka maragkacayeen inuu run sheegayo, laakiin ka hor intii aanan u jawaabin ayuu waxa uu yiri: “Hadda waa xilli danbe, aad bayna u adagtahay in aad hesho meel aad degto. Sidaa awgeed, caawa waad ila baryi kartaa -haddii ay suurogal kuu tahay in aad tuug la joogto.”

Shiikh Xasan waxa uu yiri: “Xoogaa yar baan tallamay ama labalabeeyey. Markaas baan xasuustay. Haddii tuuggu uusan ka cabsanayn Suufiga, maxaa dhacay oo Suufigu uu uga cabsanayaa tuugga? Run ahaantii, sida saxda ahi waa in isagu uu aniga iga baqo. Taa awgeed, waxaan ku iri, “Haa, waan kuu hoyanayaa.” Waan raacay, oo waxaan u martiyey tuuggii. Dhab ahaantii waxa uu ahaa ruux la jeclaysto, oo qofnimo wanaagsan leh, muddo bil ah baan la deggenaa! Habeen walbana wuxuu igu oran jirey, “Hadda anigu shaqadayda baan aadayaa. Adigu iska naso, oo tuko, oo hawlahaaga qabso.” Marka uu soo laabtana waxaan weydiin jirey “Wax ma soo heshay?” Wuxuuna oran jirey “Caawa maya, laakiin haddii Alle idmo habeen danbe baan isku dayi doonaa.” Weligay mar qura ma arag isaga oo ku sugan xaalad rajo la’aan ah.

“Muddo hal bil ah buu habeen kasta fara marnaan la soo laabanayey, laakiin mar walba waa uu faraxsanaa. Si joogto ahna waxa uu iigu oran jiry “Berri baan isku dayayaa. Inshaa Allaahu berri baan soo helayaa. Adiguna ii soo ducee. Ugu yareen Eebbe waxaad ku oran kartaa, “Ilaahow miskiinkaan u gargaar!”

Dabadeed, Shiikh Xasan waxa uu yiri: “Muddo dheer oo sanooyin ah baan tukanayey, oo Alle baryayey, salaaddii iyo ducadiina raadkooda mar qura ma aannan arag. Marar badanna waxaan gaaray xaalad quus iyo rajo la’aan ah, oo waxaan ku sigtay in aan joojiyo salaadda iyo ducada macne la’aant ah. Maxaa yeelay, Ilaah ma jiro, cibaadada iyo ducaduna waa khuraafaad aan wax qiimo ah ku fadhiyin. Hayeeshee, durba mar walba waxaan xusuusan jirey tuuggii habeen kasta oran jirey, “Ilaah idanki, berri baan heli doonaa!”

‘Sidaa aawadeed, maalin kale baan ku dari jirey salaadda iyo ducada. Haddii tuuggu uu leeyahay rajada iyo kalsoonida heerkaas gaarsiisan, aniga maxaa ii diidaya in maalin kale aan ku daro? Maalin kasta oo aan damco in aan joojiyo cibaadadana waxaa i hor imaanayey tuuggii rajada iyo mintidnimada badnaa ee xirfaddiisa u go’ay, waxaana iskula sheekaysan jirey ‘Ma tuuggaas baad ka liidataa ama ka qaddiyad yar tahay!’ Laakiin maalin maalmaha ka mida bay dhacday! Way dhacday! Ducadaydii baa Alle aqbalay! Wixii aan Alle ka baryey baan indhahayga ku arkay! Inta u jeestay dhankii uu iga xigay aqalkii tuugga oo aad iiga fogaa, baan Eebbe u sujuuday! Macallimiintayda oo dhan kan ugu mudani tuuggaas buu ahaa. Casharka ugu muhiimsan ee nolosha isaga ayaan ka bartay.

Haddaba, weydiinta meesha taal ee ay tahay in Soomaali kastaa uu isweydiiyo waxa weeye: Haddii dowladda Itoobiya oo dhac iyo boob u socotaa ay boqollaal sano ku taagan tahay tubtii ay ku xalaalaysan lahayd arliga Soomaaliyeed, maxaa Soomaalida u diidaya in dhankooda ay ku adkaystaan difaacidda dhulkooda iyo danaha ummaddooda? Maanta, wiil iyo gabar kasta oo Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay isweydiiyaan su’aasha ah: fikradda ‘Soomaali Weyn’ ma riyo laga baraarugay baa mise waa qaddiyad xalaal ah oo halgan hor leh u baahan???

Saatirku ha samatabixiyo ummaddeenna beylahda ah ee ba’a lala maaggan yahay!

Comments