Soomaaliya: Dowlad Dhis Mise Ummad Dhis?
Labo jeer baan waxaan dhegaystay waraysi uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud kuwaas oo uu uga hadlay is-afgaradka Itoobiya ku doonayso badda Soomaaliya. Madaxweynuhu waraysiyadaas waxa uu ku sheegay in falka Itoobiya ay ku kacday uu fursad siinayo inay dib u xoogaystaan ururka argagixisada ah ee Alshabaab iyo qowmiyiinta xagjirka ah ee Soomaaliyeed. Runtii, ilama qummana in isku meel lagu xuso Alshabaab iyo qowmiyiin ama Soomaalida waddaniyadda ku fogaaday -waa haddii ay jiraane. Labadaan qolo ma aha kuwo la isbarbardhigi karo, gaar ahaan xilligaan xaaladda dhiillada lihi ay taagan tahay. Sidee bay suurogal ku tahay in la isku dhereriyo duul dadweyne aan waxba galabsan gawrac, qarax iyo qaxin u geysta, iyo qolo leh waxaan u taagannahay danaha dadkayaga iyo dalkayaga oo ka shaqaynaya nabadda, xasilloonida, difaaca, wadajirka iyo horumarka dalka iyo dadka. Soomaaliya ma laha qowmiyiin magaca waddaniyadda wax ku dhiba, laakiin waxaa ka jira xagjiriin magaca diinta masaakiin ku xasuuqa.
Alshabaab iyo inta badan ururrada diiniga ah, arrimo aad u fara badan oo raadinta dowladda diiniga ahi ay ka mid tahay baan si buuxda uga aragti duwannahay, laakiin ugu yaraan waxaa suurogal ah inuu jira hal qodob oo aan ka simannahay, kaasoo ah walaaca weyn ee aan ka qabno damaca gurracan ee habeen iyo dharaar hoggaamiyeyaasha Itoobiya ay ku doonayaan dhulka Soomaaliyeed.
Itoobiyaanku waa og yihiin in aysan suurogal ahayn in dadka Soomaaliyeed oo idil ay tirtiraan, laakiin si joogto ah waxay uga shaqeeyaan tirtiridda ummadnimada/qowmiyadnimada Soomaalida. Siyaasadda siyaasiyiinta Addis-Ababa ay ku shaqeeyaan weligeed waxay ahayd in soomaalida loola dhaqmo in ay yihiin qabiilo reer miyi ah oo leh caqli raacato reer guuraa ah; aysanna lahayn aqoon, ilbaxnimo, aragti dowladeed iyo wacyi ummadnimo toona. Soomaalidu waa in ay ahaadaan beelo iyo goballo kulligood Itoobiya laga xukumo, oo ay horjoogayaal ka yihiin barasaabyo Addis looga taliyo.
Siyaasiyiinta iyo qowmiyiinta Itoobiya cadow iyo argagixiso uma yaqaannaan Alshaab iyo Qaacido oo keliya, balse waxay argagixiso ugu yeeraan ruux kasta oo ay u arkaan in uu aamminsan yahay ummadnimada Soomaalida iyo wadajirka dhulkooda. Maxaa yeelay, Itoobiyaanku asalba ma rumaysna in dhulka Soomaaliya ay Soomaalidu leedahay, sidoo kale ma rumaysna in soomaalidu ay xaq u leeyihiin in ay yeeshaan qaran madaxbannaan oo itaal leh oo iyagu ay leeyihiin. Dhab ahaantii, hoggaamiyeyaasha Itoobiya geeska Afrika oo dhan baa ugu suntan inuu yahay dhul Itoobiya ay leedahay.
Rubuc qarnigii la soo dhaafay, dowladda Itoobiya dhan waxay ka shaqaynaysay kala qoqobka Soomaalida, dhanka kalena waxay faafisaa hadal carrabka baarkiis ah oo sheegaya in Itoobiyaanka iyo Soomaalidu ay yihiin dad walaalo ah oo af, dhaqan iyo dhul wadaaga, iyaga oo si duurxul ah u tilmaamaya Soomaalida ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed ee hadda loo bixiyey Kililka shanaad ee Itoobiya [maalmahaanna siyaasiyiinta iyo saxaafadda Itoobiya waxay bilaabeen in ay ku andacoodaan in weligood xiriir gaar ah ay la lahaayeen Soomaaliland]. Arrinkaas waxaa tusaale u ah erayadii Ridwaan Xuseen oo ah la taliyaha Abiy Axmed ee arrimaha amnigu uu dhowr habeen ka hor ku faafiyey bogga uu ku leeyahay aaladda internetka ee hadda loo yaqaan ‘X’, horayna loo oran jirey ‘Twitter’.
Ridwaan Xuseen iyo guud ahaan makiinadda dicaayadda Itoobiya waxay isku dayayaan inay dunida ka dhaadhiciyaan in Soomaalida ay walaalo yihiin, arrinkaasina Itoobiyaanka uu xaq u siinayo in ay bililiqaystaan dhulka Soomaaliya, isla markaana gumeystaan Soomaalida. Eebbe ha u naxariistee oraah aan hooyaday ka maqli jirey baa waxay tiraahdaa: “Calool nugulaa carruurtay aabbahood, intuu i canaantay/cacamiyey buu Caasho-Luul i yiri!”
Haddii dumarka Soomaaliyeed ay iska diideen in raggu erayo maran ku beerlaxawsadaan, ummadda Soomaaliyeed ma yeelaysaa in Itoobiyaanku carrab iyo ficil is-khilaafsan ay ku dhagraan?! Habdhaqanka siyaasiyiinta Itoobiyaanku ay madaxda Soomaalida kula aqdaantaan waa mid muujinaya inay u haystaan in Soomaalidu ay yihiin duul isku darsaday cudurrada laga ducaysto ee doqonnimada iyo dammiinnimada.
Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aan doonahayn in aad heshaa, daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoo, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye (Abwaan Qamaan Bulxan ‘AUN’).
Soomaalidu muddo qiyaastii 80 sano ah bay dowlad dhiska ku bixisay, oo tan iyo sannadihii 1950-aadkii, markii dowladdii daakhiliyaddu [=AFIS] ay koonfurta dalka ka dhalatay iyo weliba ka hor, dowlad baa laga hadlaa, laakiin dadaal iyo waqti intaas aad uga yar baa ummad dhiska lagu bixiyey. Gaar ahaan, soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa laga hadlayey mowduuca dowlad dhiska (=state building), laakiin marna si qumman loogama hadlo mowduuca ummad dhiska (=nation building). Ummad dhiska baana ka muhiimsan dowlad dhiska, waayo marka ummaddu midaysan tahay waa u fududdahay inay dib u dhisato dowlad ka duntay, laakiin dowladda uma sahlana inay si fudud u midayso ummad quluubteedu kala jeesatay.
Waxaana xusid mudan, in qaabka loo maray dowlad dhiska Soomaaliya uu dhaawacayo ummad dhiska. Soomaaliya iyo Itoobiya labadaba dowladdii dhexe waxay ka burburtay waqti isku mid ah, haddana waxay ku kala duwanaayeen heerka qaranjabku uu gaarsiisnaa iyo wadiiqada loo maray dib-u-yagleelka qarankii dumay. Markii Xukuumaddii Itoobiya ee Mingisto Xayle Maryam uu hoggaaminayey ay dhacday, qowmiyadaha Itoobiyaanku aad isuma layn, hantidii qaranka iyo tii dadweynahana aad looma bililiqaysan, jabhaddii Tigreega ee TPLF ee talada dalka la wareegtayna waxay garwaaqsatay in sida qura ee qowmiyadaha dalka Itoobiya la isugu hayn karo, xukunkooduna ku cimri dheeraan karo ay tahay in la dhiso maamullo federaal ah oo dhalasho iyo af ku dhisan oo ah waxa loo yaqaan ‘federaalka isirka ama qowmiyadda ku dhisan /ethnic federalism’.
Sababta oo ah Itoobiya oo ka kooban qowmiyado tiro badan, oo waxyaabo badan ku kala geddisan, isla jeerkaasna boqollaal sano ku hoos noolaa nidaam dhulgoosi ah oo addoonsi ku qotoma, iyo boqollaal sano oo Amxaaro iyo duul yari ay dulmi iyo duudsi ku hayeen bulsho weynta Itoobiya, waxaa la yaqiinsaday in sida keliya ee Itoobiya lagu badbaadin karaa ay tahay in -ugu yaraan – afka looga sheego in qowmiyadaha oo dhan loo oggol yahay inay iskood isu maamulaan, dowlad goboleed ay leeyihiinna ay samaystaan. Sidaas oo ay tahayna, waxaa jira dowlad goboleedyo ku dulman nidaamkaas federaalka oo ay ka mid yihiin kan Soomaalida, kan Cafarta, kan Oromada iyo kan Shucuubta Koonfureed oo weli dowladda dhexe ay saamayn xoog leh ku leedahay. Isu dheelitirnaan la’aanta ka jirta dowlad goboleedyada Itoobiyana waa tan keentay dhibaatooyinka iyo dagaallada dalkaas hadda ka holcaya.
Si taa lidkeed ah, Soomaalidu waa hal qowmiyad oo wadaagta af, dhalasho, dhaqan iyo diin. Isla markaana aan arag nidaam dhulgoosi iyo qolo keligeed ummadda inteeda kale ku amarkutaaglaysa –walow ay jireen, welina jiraan dad Soomaaliyeed oo si gaar ah loo hayb sooco, la quursado, xuquuqdoodana lagu tunto. Waxa qura ee Soomaalidu isku kala soocdaa waa abtirsiga beelaha, kaas oo qudhiisa aysan ku kala tegin, waayo caadi ahaan qof kasta oo Soomaali ahi waxa uu xidid iyo xigaalo ku leeyahay dhammaan beelaha Soomaalidu ka kooban tahay, waana halka Soomaalidii hore ay ka oran jireen ‘aji ha igu haybsan’.
Sannadihii sagaashanaadkii qarnigii tagay, waqtiyadii dagaallada sokeeye ay dalka sida ba’an uga socdeen, waxaa caadi ahaa in aad aragto rag soomaaliyeed oo marka la joogo fadhi ku dirirrada siyaasadda looga murmo ay caradu la gaarto cay iyo xitaa gacan qaad. Iyada oo ay taasi jirto, baa haddana waxaa suurogal ahaa in aad aragto isla raggii fadhi-ku-dirirka hoteellada ku dagaallamay oo ka wada qaybgalaya munaasabad bulsho sida; aroos, aas iyo tacsi, iqk. Waana meesha laga yiri: ‘Maalintii oday oday baa loo shiraa, habeenkiina habar habar.’ Abwaan Abshir Bacadle (AUN) isaguna waa kii ku ducaystay: “Allow yaa dadkii wada dhashoo la isu dacareeyey… Allow yaa mar kale daawada deris wanaaggooda!”
Federaalka beelaysiga ku dhisan, waqtiga dhow waxtar waa u yeelan karaa dhibaatooyinka Soomaalida oo wuxuu gudan karaa kaalinka murtida tiraahda ‘caro walaal waa la bariyaa’, laakiin weydiinta u baahan in Soomaalidu si weyn uga baaraandegaan waxay tahay: nidaamkaani xal ma u yahay dhibaatooyinka Soomaalida ee timaaddada fog? Siyaasadaha dowladaynta qabiilku mustaqbalka fog xal la mahadiyo ma u noqonayaan mushkiladaha Soomaalida?
Abtirsiga qabiilku waxa uu shaqayn karaa inta qabiilku uu u jeedo qabiil kale oo uu la ficiltamo. Waayo? Sida Soomaalida iyo ummado kaleba ay qireen qabiilku waa sida basasha oo ma laha meel furfurka lakabyadiisu ay ku istaagaan. Qabiilku Kolka uu arki waayo qabiil kale oo uu la xintamo isaga ayaa isku soo guda noqda oo jilib-jilib, laf-laf iyo qoys-qoys isu ximiya, oo waa tan carabtu ay tiraahdo ‘Aniga iyo walaalkay ina adeerkayo baan iska eegnaa, aniga iyo ina adeerkayna soo galootiga baan iska eegnaa /أنا وأخي على ابن عمي، وأنا وابن عمي على الغريب’. Ifafaalahaasina waa mid hadda beelaha Soomaalida badankooda ka muuqda. Soomaalidu waa ummad mid ah oo ay kala qaybinayaan qabqablayaal dagaal, siyaasiin xil doon ah oo hankoodu hooseeyo iyo quwada shisheeyo oo Itoobiya iyo Imaaraadku ay maanta kow ka yihiin.
Hiillada qabiilku waxtar bay u lahayd soomaalidii reer guuraaga ahayd ee baadka iyo biyaha daba socotay. Waayo, qabiilku reer guuraaga waxa uu ugu jirey booska dowladda, oo waxa uu u ahaa caymis iyo gaashaan. Laakiin kolka bulshadu ay degto, oo ay noqoto reer magaal nidaam dowladeed leh, qabiilku waxa uu dhumiyaa shaqadii uu miyiga ka hayey, isla markaana waxa uu caqabad ku noqdaa qaranka iyo nidaamka dowladnimo ee bulshada reer magaalowday ay u baahan tahay. Soomaalida dowladnimadu waxay ka duntay markii ay qaranka u la dhaqmeen sida hashii maandeeq ee ay kala dhici jireen. Ninka aad qaraabada tihiin xaq buu u leeyahay inuu ku siiyo qaalintiisa geela ah, laakiin marna xaq u ma laha in uu ku siiyo xoolo iyo xil dowladeed oo aadan sifo xalaal ah ku mutaysan. Maxaa yeelay, qaalinta geela lama wadaago, laakiin xoolaha iyo xilalka dowladda ummadda oo dhan baa wadaagta.
Caadi ahaan, marka la maqlo dowlad dadka maankooda waxaa ku soo dhaca madax iyo siyaasiyiin, marka la maqlo ummadna waxaa ku soo dhaca dad wadaaga aqoonsi guud oo ay leeyihiin sida; af, dhalasho, dhaqan, dhul, diin, iwm. Ummad-dhiska ama qaran-dhisku waa eraybixin macnayaal kala duwan u leh dadyow kala geddisan. Laakiin, halkaan annagu waxaan ka wadnaa qorshayaasha dowladda iyo dadweynuhu u dejiyaan si loo abuuro dareen xooggan oo ku aaddan aqoonsi ummaddeed oo bulshada oo dhammi ay wadaagto.
Ummadnimada Soomaalidu weli waxay joogtaa qaabkii Alle ama dabeecaddu ay boqollaal sano ka hor u uumeen. Dunida casriga ah, caadi ahaan ummadnimadu ma aha middii dabiiciga ahayd ee waa mid dadku ay abuuraan iyaga oo ka duulaya danaha iyo dareenka ay wadaagaan, oo ah waxa aqoonyahankii Benedict Anderson (1936- 2015) uu u bixiyey ‘Bulshooyinka Male’awaalka ah’ (=imagined communities / الجماعات المتخيلة). Taas oo macnaheedu yahay in dowladaha qaranka ah ee dunida ka jiraa ay isku tolaan dadyow waxyaabo badan ku kala geddisan, ayna ka soo saaraan ummad dano iyo hadaf midaysan leh. Ayaan-darro, si taa caksigeeda ah, Soomaalidu maanta duul Eebbe iyo dabeecaddu isku toleen bay kala kaxeeyaan.
Aalaaba, ilmaha Soomaaliga ah aqalkooda waxa uu ku bartaa abtirsiga beeshiis, marka uu gurigooda dibedda uga baxana waxa uu ogaadaa wax loogu yeero soomaalinimo iyo islaannimo oo loo sheego in bulshada oo dhammi ay wadaagto. Laakiin, labadoodaba -siiba soomaalinimada- looguma laqino si la mid ah ama xitaa u dhow sida qabiilka looga raadido.
Ummadnimadu waa hawl si joogto ah loo qabto oo aan lahayn xilli go’an oo ay dhammaato. Waana mas’uuliyad dowladda iyo dadweynuhuba ay wadaagan. Xilka ugu culusna waxa uu saaran yahay xarumaha waxbarashada iyo barbaarinta, iyo warbaahinta mid dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay labadaba. Ummad dhiska kaalinka ugu weyn waxaa ka qaata buugta muqarraraadka ah ee ardayda dugsiyada loogu dhigo, sheeko-faneedyada, suugaanta kale, taariikhda iyo cilmi-bulsheedka iyo laamo kale oo badan. Sidoo kale, waxaa kaalin lixaad leh ka qaata wararka iyo xogta saxaafadda iyo warbaahinta kala duwan lagu faafiyo.
Sidaan horay u soo xusnay, hawsha ummad dhisku waa ka adagtahay, kana waqti dheertahay midda dowlad dhiska. Ummad dhisku waa shaqo u baahan in maalin walba la qabto, ama sida aqoonyahankii Faransiiska ahaa ee Ernest Renan uu ugu yeeray waa “afti maalinle ah / a daily referendum)”, si xubin kasta oo bulshada ka mid ah loogu qanciyo in isaga/iyada ay ummadnimadu u tahay doorashada macquulka ah (=the rational choice).
Qaybtii danbe ee qarnigii 19-aad markii la dhisay dowlad midaysa dadka Talyaaniga oo af, dhaqan iyo ummuuro kaleba ku kala geddisnaa, ayaa siyaasigii Talyaaniga ahaa ee Massimo d’Azeglio waxa uu yiri: “Waxaan samaynay dal Talyaani ah. Hadda, waxaa nala gudboon in aan dhisno ummad Talyaani ah /We have made Italy. Now we have to make Italian.” Oraahdaas oo uu ku muujinayey in ummad dhisiddu ay ka culus tahay dowlad dhiska.
Dhanka kale, Nebi Muxamed (scw), waxaa laga wariyaa in goor uu duullaan ka soo laabtay uu la hadlay saaxiibbadi, uuna ku yiri: “Waxaan ka soo noqonay jihaadkii yaraa, waxaana u soo noqonay jihaadkii weynaa /رجعنا من الجهاد األصغر إلى الجهاد األكبر ”, isaga oo jihaadka yar ka wada dagaalka la la galo cadowga hubaysan, jihaadka weynna ulajeeda midka ruuxu naftiisa kula jiro ee uu samaha ku faro, xumahana uga reebo. Kolka laga hadlayo mawduuca dowlad-dhiska iyo ummad-dhiskana, jihaadka yar waxaa noqonaya dowlad dhiska, jihaadka weynna waa ummad dhiska.
Si Soomaalidu ay u hesho dowlad qaran oo xididdo adag ku taagaan, waa in marka hore loo hawlgalo sidii loo xoojin lahaa dareenka ummadnimo ee Soomaalida. Waxa ummaddu baahida weyn u qabtaa waa maamul wanaag ee ma aha qoqob iyo in xudduud beeleed la xoojiyo.
Maanta dunidu waxay maraysaa marxalad kala guura, oo awoodo cusubi ay abuurmayaan, kuwo kalena burburayaan ama ugu yaraan ay daciifayaan. Marxaladdaan kala guurka ahna cidda rajada laga qabo inay Soomaalida samato bixiyaan waa dhallinyarada -wiilal iyo gabdhaba leh- ee ka koray qabiilka iyo gobolaysiga qabiilka ku qotoma, isla markaana hankoodu uu ka sarreeyo xil la raadiyo iyo xoolo la aruursado, ee u nool wax naftooda ka weyn.
Isku soo xooriyoo, danta qoraalkaan laga leeyahay marna ma aha inuu dhiirigelin u noqdo argagixiso iyo ururro diini ah toona, balse ujeeddadu waa in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku baraarugto in xaalka Soomaaliya maraysaa uu joogo ‘cidna uma maqna, ceelna uma qodna.’
Intaan maqaalka soo mariyey waad ila maqlayseene
Mid yar baan ku soo koobayaa muhimaddiisiiye
Ilaahayow maslaxad caam ah oo lagu mataanoobo
Oo magaca soomaaliyeed lagu midaynaayo
Oon la ismaquunine qalbigu meel u wada jeedo
Oon la isku maandhaafinoo la isku mari waayin
Maskaxdeenna Eebbow ku beer murugtay hawshiiye
Oo in aannan kala maarmi karin adigu noo muuji (Abwaan Abshir Bacadle ‘AUN’).

Comments