Sumcadda Islaamka iyo Su’aalaha Sayniska
Maalin dhexdaas ah ayaan booqday Matxafka Taariikhda Sayniska ee Jaamacadda caanka ah ee Oxford. Intii aan dhex wareegayay matxafka waxaan ku arkey qayb dhan oo loo gaaryeelay kaalinta iyo taariikhda Islaamku ka qaatay hormarka cilmiga Sayniska. Taariikhda qoran waxay xusaysaa waqti dunida Islaamka loo soo doonan jiray sayniska iyo culuumta casriga ah.
Tusaale ahaan sannadihii u dhaxeeyay 900- 1200 CD (=Ciise dabadi), ayaa ah waqti dahabi ah- golden age- oo saynisku si fiican ugu bullaalay dunida muslimka. Waqtigaas muslimiinta ayaa ahaa hormuudka guud ahaan hal-abuurka iyo cilmiga sayniska.
Qoraalkaan wuxuu ku saabsanyahay doodaha cilmiga ah ee ku saabsan sumcadda diinta Islaamka iyo muslimiintu ay ku leeyihiin hormarinta sayniska. Sidoo kale qoraalka wuxuu dul istaagi doonaa doodaha cilmiga ah ee ku aaddan sababaha ka danbeeya dib u dhaca dhanka cilmiga sayniska ah ee waqtigan ka jira dunida muslimka.
Waxaan ognahay waqtiyadan la joogo in dunida muslimku aad ugu danbayso hormarka laga gaaray aqoonta sayniska. Tusaale ahaan, cilmi baarisyadii sayniska ahaa ee Jaamacadda Harvard kaliya ay soo saartay sanadkii 2005 ayaa ka badnaa dhamaan cilmi baarisyadii ay soo saareen toddobo iyo toban waddan oo carab ah oo la isku daray (Eeg: Economist, Jan 26, 2013).
Aqoonyahannada waqtigan jooga qaar baa ku dooda in diinta Islaamka iyo saynisku si lama filaan ah col iyo cadaawo u noqdeen; balse dooddaas waxaa daaqadda kala baxaya taarikhda qotoda dheer ee Islaamka iyo sayniska ee aan ku soo arkay matxafka Jaamacadda Oxford. Taariikhdan waxay muujinaysaa in muslimiinta hadda ka hor qaab miyir qab ah maskaxdooda ugu fureen fursadaha laga heli karo falsafadda iyo aqoonta sayniska.
Tusaale ahaan, magaalooyinka Baqdaad, iyo Dimishiq ayaa ahaa magaalooyin loo soo doonan jiray culuumta kala ah caafimaadka, xisaabta iyo cilmiga beeraha mudaddii u dhaxeysay 900-1200 CD. Haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxaa qaldamay oo daaqadda kala baxay hormarkii sayniska ee dunida Islaamka ka hanaqaaday?
Aqoonyahanno badan oo ujeeddooyin kala duwan leh ayaa isku dayay in ay su’aashan qaab cilmi ah uga jawaabaan. Tusaale ahaan, Muzaffar Iqbal ayaa buuggiisa Sayniska iyo Islaamka“Science and Islam” ku qaada dhigay saddex marxaladood oo Islaamka iyo sayniska isla soo mareen.
Marxaladda koowaad wuxuu mudane Muzaffar ku sheegay in ay bilaabatay waqti ku beegan qarnigii sideeddaad. Waana markii si fiican falsfadda iyo sayniska looga soo dhaweeyay dunida islaamka. Waqtigaas qaaradda Yurub waxaa ka jiray aqoon darro iyo dagaallo faraha looga gubtay oo qaaradda ka dhigay deegaan mugdi ah.
Marxaladda labaad waa waqtigii reer Yurub mugdiga ka baxeen oo murqaha la soo baxeen si ay u adoonsadaan ummadaha kale. Waqtigaan waxaa dunida muslimka soo booqday aqoonta sayniska oo ku daaban gumeysigii reer Yurub. Halka marxaladda sadexaadna bilaabatay wixii ka danbeeyay bartamihii qarnigii labaatanaad oo ku beegan waqtigii waddammo badan oo muslim ah xornimada ka qaateen gumeysigii reer Yurub.
Saddexda marxaladood ee mudane Muzaffar ku dooday in Islaamka iyo Sayniska isla soo mareen, waxaa ku hoos qarsoon in Sayniska marwalba marti ama kooyto ku ahaa dunida muslimka. Haddii si fiican loo sii guda galo taariikhda muslimiinta iyo sayniska waxaa kuu so baxaya in qaybo badan oo xisaabta ka mid ah in ay ka hanaqaadeen dunida muslimka. Sidaa daraadeed doodda mudane Muzaffar ma ahan dood dhamaystiran.
Waxaa jira doodo kale oo qaba in muslimiinta iyo sayniska waligood isku dhibbanaayeen. Aqoonyahannada dooddan soo bandhiga waxay ku doodaan in su’aalaha saynisku is weydiiyo yihiin kuwo ku qotoma xaqiiqooyinka ka muuqda nolosha iyo deegaanka dabiiciga ah- positive statements, halka su’aalaha diimuhu badanaa ku mashquulaan u badanyihiin su’aalo ku saabsan waxyaabo la sheegay in ay fiicanyihiin ama xunyihiin sida xaaraan iyo xalaal oo kale – Normative statements.
Tusaale ahaan, saynisku wuxuu ka jawaabaa su’aalaha cilmiga ah- positive statement sida: waa maxay sababaha dabiiciga ah ee ka danbeeya dhul-gariirada ka dhaca qaybo ka mid ah dhulka? Aqoonyahannada qaba in islaamka iyo saynisku isku dhibanyihiin waxay qiil ka dhigtaan in qarnigan la joogo qaar badan oo ka mid ah culimada fiiskiska ee reer Pakistan aamminsayihiin in dhul-gariirada ka dhaca gobollo ka tirsan Pakistan sababeen danbiyo xaaraan ah sida galmo iyo tumasho lagu dufoobay- Normative statements.
Dhanka kale, waxaa jira dood kale oo aqoonyahanka qaar soo gudbiyaan taas oo ku doodaysa in Islaamka iyo Sayniska aysan dhibaato sidaa u buurani u dhaxeynin. Aqoonyahanka sidan ku doodaya waxay qabaan in buuqa iyo isqab-qabsiga ka dhex socda sayniska iyo diinta islaamka ay ka danbeeyeen duruufo gaar ah oo la soo darsay muslimiinta iyo wadaaddo wareersan oo dhaawacay sumcadda Islaamku ku dhex leeyahay kacaanka casriga ah ee aqoonta sayniska. Aqoonyahanka doodda noocan ah qaba waxay soo qaataan dhacdooyin taariikhi ah oo sababay dib u dhaca muslimiinta ka muuqda marka ay timaaddo hormarka sayniska. Tusaale ahaan, arrimo ay ka mid yihiin burburkii ku yimid qarnigii 13aad hannaankii iyo hormarkii laga gaaray beerashada, weerarradii dunida muslimka ay ku soo qaadeen Mangooliyiintii, qalalaasihii iyo is qabqabsigii siyaasadeed ee muslimiinta ka dhex dhacay iyo soo shaac bixiddii kooxo mayal adag oo aan u dulqaadan karin kala duwanaanshaha fikirka diineed ayaa la tilmaamayaa in ay sababeen in hormarkii sayniska ee dunida muslimka uu hakad galo!
Dhanka kale, ragga qaba aragtida ah in duruufo adag oo la soo darsay muslimiinta daaqadda kala baxeen dadaalladii sayniska ee socday waxay ku sii daraan dood kale oo lagu duqeynayo qaar ka mid ah culumaa’udiin ilbax ahaa oo muslimiinta u soo baxay Qarnigii 11aad. Ragga sida weyn loo duqeeyo ayadoo lagu eedaynayo in ay isbaaro u dhigteen hormarkii sayniska ee dunida muslimka ka socday waxaa ka mid ah Caalimkii diinta ee lagu magacaabi jiray Hamid Muhammad al-Ghazali . Mudane al-Ghazali wuxuu noolaa sanadihii u dhaxeeyay 1059-1111 AD.
Doodaha loo haysto caalimka weyn ee al-Ghazali waxaa ugu culus in uu adeegsaday farasamooyinkii aqoonta faslafadda asagoo isbaaro u dhiganaya faa’idooyinka u gaarka ah falsafadda. Tusaale ahaan buuggiisa caanka ahaa is diidka falaasifada wuxuu ku weeraray su’aalaha iyo weydiimaha cilmiga ah ee sayniska kaga jawaabi karo xaqiiqooyinka ka muuqda nolosha iyo deegaanka dabiiciga ah.

Aqoonyahannada weeraray oday al-Ghazali waxay ku doodaan in muslimiintu waa hore reer galbeedka kula tartami lahaayeen in ay doodaha faslafadda ku tijaabiyaan farsamooyinka casriga ah ee sayniska –scientific inquiry- kuwaas oo lagu kala saafo runta iyo beenta haddii aysan jiri lahayn isbaarada uu dhigtay shiikh al-Ghazali. Waa eed aad u culus oo u baahan in si caddaalad ah loo qaadaa-dhigo.
Waxaan soo ogaannay doodaha ugu waaweyn ee laga qabo dib-u-dhaca aqoonta sayniska ee ka muuqda dunida muslimka. Haddii doodahaas kala duwan la is bar-bardhigo, waxaa ugu miisaan culus doodda ku baaqaysa in Islaamka iyo sayniska dhibaato sidaa u buuran aysan ka dhex aloosnayn marka la eego taariikhda qotoda dheer ee muslimiinta ay isla soo mareen hormarinta sayniska. Sida ku cad taxanaha taariikhda, dhibaatooyinkii dhacay qarniyadii 11aad illaa 12aad iyo waliba soo shaac bixii wadaaddo xoogaa wareersan oo diinta Islaamka ka dhigtay dukaan ay ka ganacsadaan ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee ka danbeeya laangaabnimada ka muuqata sayniska marka la joogo dunida muslimka.
Tixraac
IqbÄl, M. (2007). Science and Islam. Greenwood Publishing Group.

Comments