Suudaan iyo Addoonsiga Afrikaanka
Dhulka hadda loo yaqaan Suudaan iyo deegaannada ku xeeranba addoonsigu kumanyaal sano ayuu ka jirey. Faraacinadii Masar iyo ummado kale oo ka danbeeyey baa addoon ka guran jirey. Markii muslimiintii Carbeed ay Masar qabsadeenna addoonsiga way sharciyeeyaan, Afrikada lama-degaanka ka hoosaysa oo Suudaan ugu horraysayna si ba’an bay ugu baahiyeen, waxayna ku waajibiyeen in sannad kasta tiro addoon ah ay jisyo ahaan khilaafada Muslimiinta Carbeed ugu geeyaan, oo ah waxa loo yaqaan ‘Heshiiskii Baqti’ (=Baqti treaty /معاهدة البقط). Ilaa laga soo gaaray bilowgii qarnigii 20-aadna, addoonsigu xawli buu uga socday dhulkaan. Meelaha la sheego in raadka addoonsiga tooska ahi uu weli ku sii harayna waxaa ka mid ah Suudaan, Muritaaniya iyo dhulalka u dhaxeeya.
Baaxadda ka ganacsiga addoontana waxaa ka dhashay in xilliyada qaarkood, dhulka Suudaan neefka geela ama lo’da ahi uu ka qaalisanaado wiilka barbaarka ah ama gabadha gashaantida ah. Arrinkaas oo keeni jirey in ragga addoonta ka ganacsada iyo guud ahaan ganacsatadu halkii ay ka iibsan lahaayeen rati ama dibi ay ka iibsadaan addoon ay badeecadahooda iyo cafashkooda ku rartaan kolka ay safrayaan ama guurayaan. Wiilashii iyo gabdhihii addoon ahaanta deegaannadaan looga ugaarsan jireyna waxay kaalin mug leh ka qaateen ciidamadii dowladihii Bariga Dhexe ka jirey, qodidda macaadinta qaaliga ah ee dahabku ka mid yahay iyo suuqa dhillaysiga.
Si kastaba ha ahaatee, mowduuca addoonsiga dhowr jeer oo hore baan wax ka qoray, qoraallada aan ka qorayna waxaa ka mid ah buugga “Halgankii Tukeyaasha: Carabtu Sidee U Jileen Madowga?” Halkaanna ujeeddadaydu ma aha in mowduucaan aan si guud wax uga iraahdo, balse waxaan wax yar ka taabanaynaa wixii ninkii Ingiriiska ahaa ee Henry Cecil Jackson ee aan maqaalkii hore ku soo xusnay uu ka sheegay addoonsigii ka jirey dhulka Suudaan.
Henry Cecil Jackson oo sidaan horay u soo sheegnay Suudaan buug badan ka qoray, bulshada Suudaanta waxa uu ku tilmaamay in ay tahay bulsho nidaamka dabaqaduhu uu ku xididdaystay, addoonsiguna uu si weyn ugu dhex faafay.
Jackson buugtiisa aan horay u soo sheegnay ee kala ah “Suudaan: Maalmo iyo Caadooyin /Sudan: Days and Ways” iyo “Waxa Ka Gadaaleeya Suudaanta Cusub /Behind the Modern Sudan”, labadaba xog fiican buu kaga bixiyey addoonsigii Suudaan ka jirey iyo waxyaabihii xukuumaddii gumeysiga Ingiriisku ay ka qabatay. Sidoo kale, Henry C. Jackson waxa uu qoray buug kale oo uu u bixiyey “Foolka Madow iyo Kan Cad, ama Sheekada Subeyr Baashaa, Ka Ganacsade Addoon iyo Suldaan /Black Ivory and White or the Story of el Zubeir Pasha, Slaver and Sultan”.
Subeyr Raxma Mansuur Baashaa (1831-1913), waxa uu ahaa nin ka mid ah Suudaanta carabta sheegata oo si daran ugu mabay ka ganacsiga addoonta, hanti xad-dhaaf ahna ka sameeyey, ilaa heer loo bixiyey naynaasta ‘Boqorka Addoonta’. Waa nin dadka Suudaanta ahi ay si weyn ugu qaybsan yihiin, oo kuwa Carabta is-xijiya ee ugaarsiga addoonta kula baxay naynaasta ‘Keenayaal /الجالبة’, waxay ku sheegaan inuu ahaa halyey qaran oo Suudaan leedahay. Halka Suudaanta kale badankoodu ay u arkaan inuu ahaa tuug taroox ah oo mariyey oo madoobeeyey, oo quwado shisheeye jaajuus u ahaa, saamayn tabanna ku lahaa dadka iyo dhulka Suudaan, waxayna u ol’oleeyaan in la tirtiro astaamaha muujiya qaddarintiisa. Tusaale ahaan, dadkaani waxay ku baaqaan in magaca laga baddelo mid ka mid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum oo ninkaan loogu magacdaray. Suudaanna tan iyo maantada la joogo, waxaa ka jira takoor iyo quursi qabiilooyinkii dadka addoonsan jirey ay kula kacaan dadka ka soo jeeda kuwii la addoonsan jirey.
Henry C. Jackson oo ninkaan ka hadlayaana waxa uu yiri: “Subeyr markii uu gaaray gu’ga 25aad, waxa uu aaday Koonfurta Suudaan si uu ganacsi uga bilaabo, sida hortii ay qaar kale oo badani yeeleen, bilowgii horena waxa uu ka ganacsan jirey badeecadaha qiimaha sare leh sida foolka maroodiga, laakiin muddo kaddib suuqii foolka maroodigu waa uu xumaaday, duulkii ka shaqaysan jireyna waxa ay ogaadeen in macaasha ka badan kan foolka maroodiga ee cad ay ka samayn karaan ka ganacsiga foolka madow, waxayna bilaabeen in ay ku duulaan dadka madow ee dhulka deggan oo ay soo ugaarsadaan, ayna addoonsadaan, kuna iibiyaan qiimo aad u sarreeya, hawshaasina waxay ahayd mid iyaga aad ugu fudud maaddaama ay haysteen banaatiikh iyo hub casri ah oo dilaa ah, halka dadyowga deegaannadaas ku noolaa aysan haysan hub ay isku difaacaan oo aan ka ahayn warmo, qaanso iyo leebab/fallaaro.”
Jackson intaas waxa uu ku daray: “Subeyr waxa uu lahaa aragti fog oo ku aaddan inuu boqortooyo ka amaamudo bartamaha Afrika, halkii addoonta uu soo qabsado uu uga iibin lahaa ragga qabiilooyinka kale, waxa uu samaystay ciidan addoomo ah oo uu damacsanaa inuu kaga dhabeeyo hirgelinta damaciisa ahaa inuu abuuro boqortooyo uu isagu leeyahay. Markii uu galay 120 goobood oo dagaal ahna waxa uu ku guulaystay inuu gacanta ku dhigo deegaanno baaxad leh oo ka mid ah Baxru Gasaal, Daarfoor, iyo Wadaay, ganacsatadii kale ee addoonta ugaarsan jireyna waxa uu ka mamnuucay in ay addoon ka ugaarsadaan deegaannada uu isagu ku amar-ku-taagleeyo.”
Taariikhda Subeyr Baasha oo xooggeed isaga iyo dadkii taageersanaa laga qoray, waxaa ka buuxa khuraafaad iyo sheekoxariiro badan oo dhan isaga lagu buunbuuninayo, dhanka kalena Afrikaanka madow looga bixinayo sawir foolxun oo muujinaya in ay yihiin duunyo aan ku toorranayn waxaan ka ahayn in ay hilibka dadka cunaan iyo inay is fuulfuulaan.
Jackson dowladdii khilaafada Cusmaanida ee Turkidu hoggaanka u hayeen, Masaarida iyo dowladdii Mahdiyadda Suudaan oo saddexduba Ingiriiska ka hor, ay xilliyo kala geddisan, siyaabo kala duwan Suudaan u xukumi jireen, ayuu waxa uu ku eedeeyey in middoodna aysan ku fekerin in dhibaatada addoonsiga wax laga qabto, balse si taa caksigeeda ah addoonsiga ay u arkayeen ganacsi Eebbe xalaaleeyey oo mudan dhiirrigelin iyo in la taageero. Waxaase xusid mudan in Ingiriiska iyo ummadaha reer Galbeedka qudhoodu ay addoonsiga ka qaateen kaalin aan ka dhicin midka Muslimiinta carbeed ay ku lahaayeen. Reer Galbeedku addoonsiga uma joojin inuu xun yahay darteed, balse waxay joojiyeen kolkii ay arkeen in uusan danahooda ugu adeegayn sidii ay rabeen. Run ahaantii, reer Galbeedku addoonsiga ma ay joojin, laakiin waxay uga dallaceen marxalad kale oo ah gumeysi. Nidaamka addoonsiga dadka ayaa la yeeshaa, halka nidaamka gumeysiga dadka iyo dhulka labadaba la isku darsado. Taas oo macnaheedu yahay in gumeysigu uu ka baaxad weyn yahay addoonsiga.
Si gaar ah. Jackson waxa uu u sheegay in maamulkii Mahdiyadda oo sheegan jirey inuu shareecada islaamka wax ku dhaqo, niman wadaaddo ahina ay hoggaanka u hayeen, aysan marna ciqaabin dadka ku kaca in ay dilaan dadka addoonta u ah. Falka dadka addoonta ah ee ay dilaan dadkii lahaa oo ahaa mid baahsan waxba lagama soo qaadi jirin. Waayo, wadaaddadu waxay ku andacoon jireen in qofka addoonka ahi uu yahay nooc hantida ka mid ah, oo uusan waxba kaga duwanayn saca iyo dameerka. Ruuxa dila addoonkiisuna uu la mid noqonayo qof xoolihiisa ku ciyaaray. Sidaas darteedna uusan galin denbi eed loogu raacdo.
Laakiin, haddiiba ay dhacdo in qof lagu ciqaabo inuu hantidiisa si xun ugu tasarufay, ciqaabta uu mudan karaa waa nooca loo yaqaan tacsiirta ama edbinta, oo iyada go’aan ka gaariddeeda ay leeyihiin qaaliyaasha iyo madaxda dowladdu. Ciqaabta edbintuna waxay noqon kartaa in eedaysanaha lagu yiraaho: duf ku bax ee hantidaada hadda ka dib ha ku ciyaarin ee si fiican u dhaqo. Qoraagu waxa uu ku dooday in maamulkii uu isagu saraakiishiisa ka midka ahaa ay dhulkaas ka dhaqangaliyeen xeerka ciqaabta Ingiriisa English criminal law) oo qodobadiisa ay ka mid yihiin kuwa lagu qaado dadka dilka geysta, iyada oo aan loo eegayn sifaha cidda la dilay ay lahayd sida; lab iyo dheddig, xor iyo addoon, hodon iyo sabool, iwm. Waana wax laga xumaado in qaanuunka Ingiriisku uu ka caddaalad iyo waxtar bato midka wadaaddada diimuhu ay Alle u nisbeeyaan ama u tiiriyaan.
Jackson waxa uu qiray in ummuuraha ay ku fashilmeen wax ka qabadkooda ay ka mid tahay suuqa dhillaysiga iyo denbiyada la xiriira. Waxa uu xusay in sababaha fashilka keenay ay ka mid ahayd saamaynta dabaqadaha ladani ay suuqaan ku lahaayeen.
Dhigaallada taariikhda ee mowduucaan ka hadla qaarkoodna waxay xusaan in qarnigii 19-aad, sannad walba kumanyaal gabdho Itoobiyaan ah oo badankooda da’doodu u dhaxayso 12-15, loo kala daabuli jirey Waqooyiga Suudaan, Masar, Istaanbuul, iyo meelo kale oo ka mid ah dhulalka Carabta iyo Yurub. Gabdhahaas oo dalabkoodu uu aad u sarreeyey, waxaa hanti xoog lihi ka soo geli jirtey boqorrada Itoobiya, madaxdii iyo maalqabeenkii Suudaan iyo Masar, iyo ganacsato iyo dullaaliin kale oo deegaanno kala duwan ka soo kala jeeda.
Tusaale ahaan, boqorkii Xabashida ee Yuuxannihii 4-aad (Yohannes IV), xilliyada qaarkood ganacsatada ka shaqaysata dhoofinta addoonta Itoobiya ee gabdhaha yaryar u badnaa, sannad kasta waxa uu ka qaadi jirey hanti dhan labaatan kun oo Geniga Masaarida ah.
Jay Spaulding iyo Stephanie Beswick oo ah taariikhyahanno u dhashay dalka Maraykanka oo deegaankaan wax ka qora, sannadkii 1995 waxay daabaceen maqaal ay ka qoreen suuqa dhillaysiga Waqooyiga Suudaan muddadadii u dhaxaysay 1750-1950. Muddadaas labada boqol ee sano ahna, magaalooyinkii ku yiil Waqooyiga Suudaan iyo tuulooyinka laga sameeyo waddooyinka ay safarradu maraanba waxaa ka jirey guryo ay deggen yihiin haween jirkooda iibiya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kuwo addoon ahaan looga soo afduubo Itoobiya iyo qaar Masar laga soo musaafuriyey. Meelaha dumarkaani ku shaqaystaanna wax badan kagama duwanayn waddooyinka hadda waddamada reer Galbeedka ku yaal ee loo yaqaan ‘Degmooyinka Layrka-Cas /Red- light district’, oo waxaa kaloo laga heli jirey adeegyo ay ka mid yihiin cunno, cabbitaanno, meelo la seexdo, iyo madaddaalo iyo maararrow.
Qoraallada mowduucaan ka hadlayna, waxa ay wariyaan in Suudaanta Waqooyigu, siiba qoysaska magaca lihi ay si weyn u ilaaliyaan dhawrsanaanta gabdhahooda, laakiin dan iyo heello aysan ka galin wiilasha iyo suuq ka qaraabashadood, bal ayba dhiirrigeliyaan ragga gabdho wadidda badan. Waayo, sida ummado kale oo badan bay waxay aamminsan yihiin oraahda tiraahda: Ragga jeebkooda ayaa ceebeeya, haweenna jirkooda.
Sida Jackson uu ku dooday, maamulkii Ingiriisku markii uu arkay culayska arrinku uu leeyahay, waxa uu xoogga saaray inuu dhanka caafimaadka saamayn ku yeesho, si loo xakameeyo xanuunnada galmada la isku qaadsiiyo. Waxaana la bilaabay in haweenka suuqaan ka shaqeeya la siiyo shati shaqo oo sahlaya in xaaladahooda lala socdo, si ugu yaraan cudurrada looga ilaaliyo ragga caddaanka ah ee reer Yurub iyo kuwa xukuumadda gumeysiga u shaqeeya. Laakiin nidaamkaani sidii loogu talogalay uma uusan shaqayn, sababtuna waxay ahayd iyada oo aad loo hareer mari jirey ku dhaqankiisa.
Sida dhabta ahna, meelo ka mid ah dunida Islaamka ayaa shati siinta haweenka laga fuliyey muddo dheer ka hor intii aan gumeystayaasha reer Yurub cagta soo dhigin dunida Islaamka. Laakiin dhulalka Islaamka danta arrinkaan laga lahaa badiba waxay ahayd dan xagga anshaxa la xiriirta iyo in boqorradu ay canshuur ka helaan.
Tusaale ahaan, sida la sheego magaalada Qaahira qarnigii 13-aad baa laga bilaabay in la diiwaan geliyo gabdhaha jirkooda iibiya, oo la siiyo shati ay ku shaqaystaan, lagana qaado canshuur loo bixiyey ‘Xuquuqda Boqortooyada iyo Macaamilka Canshuuraha ama Kastamka /الحقوق السلطانية والمعامالت الديوانية’. Si taa la mid ah, isla waayahaas dowladdii Xafsiyiinta (1207-1574) ee magaalada Tuunis ay caasimadda u ahayd, dhaqaalaha khasnadda dowladda soo gala badankiisu waxa uu ka soo xaroon jirey burcad badeedda, ka ganacsiga dadka addoonta ah iyo dumarka jirkooda iibiya. Dumarka ka meermeera bixinta canshuurta ama lagu qabto iyaga oo si suuq-mugdi ah ku shaqaysanaya marka hore digniin iyo garaacid baa la isugu dari jirey, mar labaadka ama mar saddexaadkana inta iyaga iyo mukulaal la isku xiro, dhagxaan waaweynna lagu cusleeyo baa badda lagu tuuri jirey.
Dhaqankaan jirka dumarka lagu canshuurayaana waxa uu ka jirey qaar kale oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dunida Islamka. Meelaha qaarkoodna waxaa la isku taxalujin jirey in si goonni ah dumarka muslimiinta xirfaddaan looga mamnuuco -walow ay adkayd in lagu guulaysto. Waxaana xusid mudan, in heesta Masaaridu aadka u jecel yihiin ee lagu magacaabo ‘Saalima Yaa Salaama /سالمة يا سالمة’, oo hadda hees jacayl ah loo arko, asalkeedii hore ay ahayd hees loo qaado gabdhaha jirkooda ka ganacsada ee baaridda caafimaadka ku baramoosa, ee natiijado taban kala kulma, sidaasna shatiga shaqada ku qaata. Heestuna gabdhaha waxay u ahayd dhiirrigelin iyo faan.
Wararka xiisaha leh ee mowduucaan ku saabsanna waxaa ka mid ah, in dumarkii jirkooda ku noolaa ee dalka Suudaan ay maalintii dalkaasi xorriyadda qaatay iyo maalintii ku xigtay (1 iyo 2 Janawari 1956), ay diideen in wax adeeg ah ay u fidiyaan raggii reer Yurub, iyaga oo go’aankaas ku muujinaya dareenkooda waddaninimo.
Jackson buugtiisa, gaar ahaan buugga ‘Suudaan: Maalmo iyo Caadooyin’, waxa uu ku faahfaahinayaa duruufihii dhaqan-dhaqaale ee Suudaan ka jirey, wuxuuna wax badan ka iftiiminayaa dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iqk. Tusaale ahaan, marka uu ka hadlayo sida xaaladda caafimaadku u liidatay iyo xanuunnadii loo la’an jirey, waxa uu sheegay in xanuunnada loo dhinto ay ka mid ahaayeen malaariyada, qaniinyada masaska iyo dabaqallooca, iyo xanuunka hurdada, wuxuuna ka sheekeeyay qisada labaatan wadaad oo Kirishtaan ahaa oo webiga Niil ku safray si ay diinta Kirishtaanka ugu dhex faafiyaan bulshooyinka deegaannadaas ku dhaqnaa, laakiin dhowr sano gudahood saddex iyo toban ka mid ah wadaaddadaas waxaa dishey malaariyo, labana waxay u dhinteen disantariyo, labona waxay hawlgab noqdeen iyaga oo xaaladdooda caafimaad ay aad liidato.
Waxaana xusid mudan, in Jeneraal Charles George Gordon oo dhulka Suudaan ka talinayey sannadihii u dhaxeeyey 1877-1880, laguna sifeeyey in uu ahaa “Nin leh dareen Suufi ah oo qarsoon, oo rumaysta wax walba oo laabtiisa ku soo dhaca. Sidaas awgeedna, qaata go’aanno is burinaya, iyada oo sababtu ay tahay xiriirka ruuxiga ah ee uu la leeyahay Ciisa Masiix -ama nebi Ciise.” Muddadii uu xukumay Suudaan uu isku taxalujiyey la dagaallanka ganacsiga addoonta, laakiin maahmaah Soomaaliyeed baa waxay tiraahdaa: ‘Col kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaan’. Taa awgeedna, natiijada hawlgalladaas hal bacaad lagu lisay ka soo qaad.
Dhacdooyinka iyo sheekooyinka faraha badan ee la xiriira addoonsigii ka jirey Suudaan ee Jakson uu ku xusay buugtiisa aan ka soo qaadanno labo ka mid ah oo sidaan hoose uu u wariyey;
Sheekada koowaad oo ku saabsan haweenay ay afduubeen rag addoonta ka ganacsan jirey, waxa uu u wariyey sidaan soo socota:
Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa maxkamadda la keenay labo nin iyo haweenay ay ka afduubeen deegaanka Manaaqil (oo 120 mayl Koonfur ka xiga magaalada Khartuum). Waxaan isweydiiyey waxa labada eedaysane ay ka faa’iidayaan afduubka haweenaydaan.
Maxaa yeelay, haweenaydu waxay ahayd lixdan jir caato iyo darxumo la ildaran, oo lafaheeda oo dhammi ay soo taagtaagmeen. Waxaan isweydiiyey: Middaan yaa ka iibsanaya?
Haweenayda kolka maxkamadda la hor keenay, waxay ahayd mid farxad weyni ay wajigeeda ka muuqato, taana waxaa ugu wacnaa in ay dareemaysay in dhammaan dadka maxkamadda joogaa ay iyada danaynayaan oo warkeeda sugayaan, waxayna bilowday in si raynrayn ku jirto ay qisada afduubkeeda dadka hortooda uga sheegto, waxayna tiri:
“Waxay ahayd casar liiq ay qorraxdu godkeeda u sii galbanayso, markii aniga oo xanbaarsan biyo aan soo dhaamiyey aan bilaabay in aan qaado wadiiqada gurigayga tagta. Laakiin durba waxaa i soo weeraray labo nin (dhankooda ayay farta ku fiiqday), afka ayay iga xireen, waxayna ila aadeen jiho ka fog dhankii aqalkaygu jirey, dariiquna waxa uu ahaa mid cidlo ah oo lama kulmin wax dad ah. Hayeeshee, markaan masaafo xoogaa ah soconnay baan waxaan ku soo baxnay tuulo yar oo eeydeedii ay qaylo ku dhufteen kolkii ay na arkeen, arrinkaas oo labada nin cabsi ku riday, dabadeed nabar aan la suuxay bay madax iiga dhufteen, afarta addinna waa iga xireen, waxayna igu dhex tuureen caws dhaadheer oo i wada qariyey, halkaas baanna iska oollaa aniga oo aan isnuuxin.
Goortii aan ka soo miyirsaday nabarkii madaxa la iiga dhuftay, cabsi iyo argagax baa aniga oo dhan i wada saaqay, waayo waxaan dareemay in libaaxyo iyo shabeello ay habeenkii dhulkaan ka qaraabtaan, dabadeedna si lama filaan ah baan waxaan ku maqlay codka niman meel iga durugsan ku sheekaysanaya, jeerkaasna waxaan ku dhuftay qaylo dheer intii tabartaydu ahayd oo dhan aniga oo gargaar ka codsanaya. Hase ahaatee, waxay u qaateen in cirfiid ama jin aan ahay, iyaga oo baydadsan oo la mooddo in ay dabaysha la baratamayaan bayna cagaha wax ka dayeen. Laakiin nasiib wanaag, nimankii dadkii tuulada waxay ku wargaliyeen in jinniyad ay ku dhuumanayso kaynta guryahooda u dhow, kulligoodna waxay ii yimaadeen iyaga oo jinniyad raadinaya. Markay ogaadeen xaqiiqada arrinkana waxay i geeyeen tuuladooda.”
Runtii, ruux kasta oo arka noolahaas dacdarradu dilootey, waa ku adkaan lahayd inuu u qaato waxaan ka ahayn in ay jinniyad tahay!
Qoraagu marar badan waxa uu ku celceliyey in Suudaantu ay ahaayeen bulsho si daran u rumaysan khuraafaadka iyo sheekoxariiraha. Saraakiishii Ingiriiskuna ay dagaal adag ku qaadeen khuraafaadka, balse aysan guul fiican ka gaarin. Hadda ka horna, mar baan waxaan akhriyey qoraal Barafisoor Saciid Shiikh Samatar (AUN) uu ku sheegay in Suudaantu ay yihiin bulsho khuraafaadkii Carabta iyo kuwa Afrikaanku ay isu biirsadeen, ayna adagtahay in lagala tacaalo.
Saciid isla qoraalkaas isaga oo ka jawaabaya in Soomaaliya uu ka hanaqaadi karo dhaqdhaqaaq diini ah oo jihaad-doon ahi iyo in kale? Waxa uu yiri: Maya, Soomaaliya dhaqdhaqaaq jihaad-doon ahi ka ma uu abuurmi karo. Waayo, Soomaaligu Alle darti u ma dhinto, balse waxa uu u dhintaa geeliisa darti. Ayaandarro, waa loo wada jeedaa in dhaqdhaqaaqyo diini ahi, oo qaarkood ay jihaad-doon yihiin ay Soomaaliya ka saa’id caleeyeen. Qof ahaanna, marka oraahda Saciid aan xasuusto waxaan isku qanciyaa: Malaha Soomaalidii Saciid yaqaannay baa god aakhiro u galbaday.
Sheekada labaad ee xiisaha leh ee Jackson uu qoray waxay leedahay:
Magaalada Ummu-Darmaan oo ahayd magaalada jinsiyadaha ugu badan ee dad kala kaan ahi dunidu ay ku noolaayeen marka laga reebo magaalada Maka al-Mukarama, waxay ahayd magaalo isku raran ah oo si foolxun isugu dhexdaadsan, aanna lahayn waddooyin la maro, arrinkaas oo culays badan ku keeni jirey qabashada denbiilayaasha dhibka geysta.
Denbiilayaasha magaalada dhibka ka geysan jirey, ee qabashadooda aan dhibka badan kala kulannay waxaa ka mid ahayd haweenay lagu magacaabo Faatumo -oo ahayd haweenayda keliya ee fal denbiyeedka xirfadda ka dhigatay oo aan kula kulmay Suudaan. Dumarka marar dhif ah ayaa maxkamad la soo taagi jirey, kuwa la soo taagaana waxay u badnaayeen kuwa Koonfurta ka soo jeeda, kuwaas oo aalaaba lagu soo eedeeyo denbiyo yaryar sida in ay shati la’aan khamriga biirta ku sameeyaan, in dumar kale ay is huruufeen, iyo xaaladaha qaarkood denbiga ka weyn ee samaynta iyo ka ganacsiga khamriga noocyadiisa culus.
Faadumo tuugad bay ahayd; waxay ahayd haweenay addoon ah oo la xoreeyey, waxay lahayd jir ciyaartooy [=athletic], oo si la yaab leh u dhisan. Habeen walba guri hor leh bay u dhici jirtey. Inta aysan guryaha u dhicin, marka hore dharka oo dhan bay iska dhigi jirtey, waxayna isku dhabooqi jirey dufan si gacmaha dadka ay ugu adkaato in ay qabtaan. Laakiin ugu danbayntii waa la qabtay, sababta oo ah habeen habeennada ka mid ah ayay iyada oo dad cayrsanayo waxay ka booddey derbi dheer. Goortii ay booddayna, dadkii cayrsanayey oo dhammi waxay mar qura ku qayliyeen “Waa hubaal in taasi Faadumo tahay! /That must be Fatma!” Dabadeed, dadkii badnaa ee eryanayey halkii ay ka sii cayrsan lahaayeen, waxay aadeen guriga Faatumo, halkaas oo ay ugu dhuunteen, markii goor danbe ay gurigeeda timid iyada oo sidata alaabtii ay xadayna way qabteen.
Waxaana xusid mudan, in dadka addoonta ah marka la xoreeyo kaddib, ay culays kala kulmi jireen siday u noolaan lahaayeen. Maxaa yeelay, badankoodu ma lahayn aqoon iyo xirfad ay ku shaqaystaan, isla markaana ma heli karin ehel iyo asxaab nolosha ka caawiya. Taasina waxay ku khasbi jirtey in ay ka shaqeeyaan shaqooyin dhib badan oo waxa ka soo galaa uu aad u yar yahay, ama in ay u bayraan dhanka fal denbiyeedka sida; xatooyada, dhaca, ka ganacsiga jirka dumarka, iibinta daroogada iyo walxaha kale ee qaanuunku mamnuucay, iqk.
Ugu danbayntii, Mudane Jackson waxa uu u mahadnaqay shaqaalihii Suudaanta ahaa ee iyaga oo mushaar aad u yar qaata 2 ilaa 8 Geni), haddana qaban jirey shaqooyinka faraha badan ee dhabarjabka iyo xiiso la’aanta isku darsaday. Waxaa uu qiray in libinta hawlaha la qabto la siin jirey isaga iyo saraakiishii kale ee Ingiriiska ahaa, laakiin cidda hawsha culayskeedu uu ku dhacaa ay ahaayeen shaqaalaha hoose ee Suudaanta ah, inkasta oo shaqaalahaasi ay mararka qaarkood ilduuf iyo gefaf samayn jireen. Khaladaadkii shaqaalahaasi ay sameeyeenna waxa uu ka xusay mid yar oo maad leh. Waa khalad ka dhashay afka Ingiriiska ee lagu shaqeeyo, oo shaqaalaha Suudaanta ah af qalaad ku ahaa, badankooduna aysan aqoon fiican u lahayn. Jackson oo gefkaan dhacay ka warramayaana waxa uu yiri:
Telegaraamyada wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maalin walba waxaa loo kala diri jirey magaalo kasta oo telegaraaf uu yaal. Wararka telegaraamkuna waxay ahaayeen nicmo weyn oo ay sugaan saraakiisha gobollada fogfog ku sugan, oo aan haysan qaab kale oo ay war uga heli karaan dunida deegaankooda ka baxsan.
Maalin ka mid ah sannadkii 1909, baan goor fiid ah aniga oo ka imid ugaarsi waxaan ku soo laabtay aqalkaygii xaalkiisu xaalka ahaa ee magaalada Sinaar. Miiska xafiiskayga waxaa dul saarnaa aalad biyaha gaaska leh lagu samaysto (=sparkled siphon), dhalo wiski ah, iyo telegaraamkii Reuters oo warar wixii maalinkaas dunida ka dhacay oo dhan soo koobaya. Wararka maalintaas waxaa ka mid ahaa war ku saabsan in Qeysarku uu xanuunsan yahay. Waxaan ku qoslay war sidaan u qornaa: “Qeysarku waxa uu sariirta la jiifaa ri’. Boqorka Heybadda leh waxay u ahayd habeen wareer badan /The Kaiser is in bed with the goat. His Imperial Majesty passed a disturbed night.” In xarafka ‘a’ lagu baddelo xarafka ‘u’ waa wax fudud oo shaqaalaha telegaraafku aysan ahmiyad weyn siinayn ka taxadariddiisa, laakiin waa arrin macnaha oo dhan baddeli kara (Sida muuqata qofkii telegaraamka soo guuriyey erayga ‘gout’ oo laga wado xanuunka ‘turqada’ oo lagu tilmaamo inuu yahay xanuun boqorrada ku dhaca ayuu waxa uu ku baddelay erayga ‘goat’ oo macnihiisu yahay ri’).

Comments