Ubadkaagu adiga ma aha
Aniga oo ku lugaynaya beer ku taal rug dadka waalan lagu hayo, ayaan waxaan la kulmay barbaar buug falsafad ah akhrisanaya. Habdhaqankiisa iyo caafimaadka ka muuqda labaduba waxay tusinayeen in uusan ka mid ahayn bukaanka rugtaan lagu hayo. Inta ag fariistay baan waxaan weydiiyey: “Maxaad halkaan ka qabanaysaa?”
Si tuhun ku jiro buu ii eegay. Laakiin markii uu hubsaday in aannan ka mid ahayn dhakhaatiirta rugta ka hawlgala, ayuu wuxuu iigu jawaabay: “Waa arrin aad u fudud. Aabbahay oo ah qareen la qaddariyo baa wuxuu doonayaa in aan isaga la mid noqdo.
Adeerkay, oo ah ganacsade maalqabeen ahi isaguna wuxuu doonayaa in aan ku daydo. Hooyaday waxay rabtaa in aan noqdo nuqul ka mid ah aabbeheed oo ay jeclayd. Walaashay had iyo jeer waxay iiga sheekaysaa tilmaamaha ku dayashada mudan ee saygeeda. Walaalkay isaguna wuxuu isku hawlaa in uu ii carbiyo sidii aan ku noqon lahaa ciyaartooy sidiisa oo kale caan u ah.
Sidaa waxaa la mid ah xaaladda macallimiintayda.. Dhammaantood waa ka go’an tahay, waana ku qanacsan yihiin in ay yihiin cidda ugu mudan in lagu daydo. Kulligood kuma jiro hal qof oo ii arka in aan ahay qof ka duwan, balse giddigood waxay ii arkaan sidii muraayad ay isku eegaan.
Sidaa awgeed, baan badbaado u biday rugtaan bukaanka lagu hayo. Halkaan, ugu yaraan waxaan metali karaa naftayda.” (Jubraan Khaliil Jubraan).
Dunida weligeed laguma arag labo ruux oo isku mid ah, timaaddadana la fili maayo in lagu arki doono. Qof kastaa wuxuu leeyahay dabeecad, dookh iyo mowhibo isaga u goonni ah, wuxuuna xaq u leeyahay in la tixgeliyo shakhsiyaddiisa u gaarka ah.

Comments