Bikronimada Maryan iyo umminimada nebi Maxamed maxay wadaagaan?
Sida dad badani ay la socdaan, dabshidkii 2017, wadaad Masri ah oo ka tirsan jaamacadda As-har baa wuxuu soo saaray fatwo uu ku sheegay in aakhiro nebi Muxamed (scw) uu guursan doono Maryan ina Cimraan oo ahayd nebi Ciise hooyadiis.
Fatwadaasi waxay xiisad ka dhex abuurtay Muslimiinta iyo Masiixida dalkaas ku wada dhaqan. Bulshada Kirishtaanka ah ee laga tirada badan yahay, fatwada waxay u qaateen mid daandaansi ah oo iyaga iyo diintooda lagu xaqirayo. Maxaa yeelay, Kirishtaanka badankoodu waxay aamminsan yihiin in Maryan if iyo aakhiraba ay bikro ahaanayso, oo ifka aan loogu galmoon, aakhirana aan loogu galmoon doonin. Waxaa taa weheliya, in Kirishtanku ay rumaysan yihiin in aakhiro dadku ay malaa’igta la dabeecad noqonayaan, oo ay noqonayaan ruux aan jir lahayn, galmo iyo wax la mid ahina aysan u suurogalayn.
Wadaadka As-hariga ah ee fatwada soo saaray oo magaciisa la yiraahdo Shiikh Saalim Cabdijaliil isagu fatwadiisa wuxuu ku saleeyey aayado quraan ah iyo axaadiis badan oo nebiga carrabka loogu tiro oo sheegaya in nebigu uu yiri: “Jannada Eebbe wuxuu iigu guurin doonaa Maryan ina Cimraan, Aasiyadii u dhaxdey Fircoon, iyo Kaltuuntii nebi Muuse la dhalatay”. Run ahaantii, fatwada wadaadkaani ma aha tii ugu horraysey ee noocaan ah, balse sannadkii 2010 hey’adda fatwada u qaabbilsan dalkaas Masar baa waxay soo saartay fatwo tan oo kale ah, oo cinwaan looga dhigay “Haweenka nebiga ee jannada waxa ka mid ah/من أزواجه صلى هللا عليه وسلم في الجنة”.
Dadka haysta diimaha Islaamka iyo Masiixiga badankoodu waxay rumaysan yihiin in Maryan ina Cimraan markii ruuxda Alle lagu afuufay, ee ay dhashay nebi Ciise ay ahayd gabar bikro ah, oo abidkeed aan cid galmo la wadaagin. Dhanka kale, muslimiinta xooggoodu waxay qabaan in nebi Muxamed (scw) uu ahaa ummi aan qoraal iyo akhris midna aqoon (=illiterate /أمي). Muslimiinta iyo Masiixida labaduba aad bay u difaacaan fikradaha umminimada nebiga iyo bikronimada Maryan.
Dadka diimaha baara qaarkood oo ay ka mid yihiin mustashriqaddii Jarmalka ahayd ee Annemarie Schimmel (1922-2003) iyo Prof. Sayid Xuseen Nasr waxay isweydiiyeen xiriirka ka dhexeeya labadaas fikradood ee umminimada nebi Muxamed iyo cadradnimada Maryan [=Muhammad’s illiteracy and Mary’s virginity]? (tusaale ahaan eeg buugga Sayid Xuseen Nasr ee cinwaankiisu yahay ‘Ideals and Realities of Islam’).
Aqoonyahannadaan waxay la tahay in cadronimada Maryan iyo umminimada Maxamed ay hal fikrad oo qura ka tarjumayaan. Waa fikradda ah in Ciise uu yahay ina Ilaah, oo hooyadiis aysan abidkeed rag xiriir la samayn, iyo dhanka kale in wax kasta oo nebi Muxamed uu sheegay uu yahay waxyi xag Alle ka yimid, oo uusan meel kale wax ka soo ammaahan.
Sida diimaha Masiixiga iyo Islaamkuba ay sheegaan, Maryan markii Jibriil u yimid ee uu u sheegay in ay wiil dhalayso, waxay ku tiri: “Sidee baan wiil ku dhalayaa iyada oo aan dad I taaban /أنى يكون لي غالم ولم يمسسني بشر”. Nebi Muxamedna goortii Jibriil ugu yimid buurta ‘Gaar Xiro’ ee uu ku yiri: Akhri? Wuxuu ku jawaabay “Anigu wax ma akhriyo /ما أنا بقارئ”. “Bikraan ahay” iyo “Wax ma akhriyo”, waa labo weerood oo isku nuxur xanbaarsan.
Bikronimada iyo Umminimadu waxay wadaagaan in labaduba ay tusiyaan nadaafad iyo daahirnimo. Waa jir iyo maskax aan la isticmaalin oo sidii hooyadood ku dhashay daahir u ah. Maskaxda nebiga caqli dad wax kuma darsan, Maryanna cidi uma galmoon. Maskaxda nebiga iyo riximka Maryan labaduba waxay dhaleen wixii Eebbe ku shubay oo keli ah, oo nebigu wuxuu keenay eraygii Alle, Maryanna waxay keentay ruuxdii Alle ama wiilkii Alle –sida Masiixidu u dhigaane.
Sida dhabta ah, doodaha ku saabsan bikronimada Maryan iyo umminimada nebi Maxamed meelo badan bay isaga eg yihiin. Tusaale ahaan, weydiimaha dadka haysta diinta Masiixigu ay isweydiiyaan waxaa ka mid ah; bikronimada Maryan ma dhabbaa mise waa sarbeeb? Maryan weligeed ma bikray ahayd mise waxay bikro ahayd wixii ka horreeyey intii aysan guursan Yuusuf [Joseph]? Ma dhashay carruur kale oo ay Ciise walaalo ahaayeen? Docda kale, Muslimiintu dhankooda waxay isweydiiyaan; maxaa laga wadaa umminimada nebiga? Nebigu weligi akhris-qoraal ma bartay mise maya? Iyo qaar kale.
Taariikhyahannada baara diinta Masiixiga qaarkood waxay qabaan in bikronimada lagu sheego Maryan aysan xaqiiq ka tarjumin, balse ay tahay eray sarbeeb ahaan loo adeegsado oo keliya. Waayo, Baybalku wuxuu sheegayaa in Maryan ay u dhaxdey nin lagu magacaabo Yuusuf iyo in Ciise uu lahaa wiilal iyo gabdho ay walaalo ahaayeen. Baybalku wuxuu xusay wiilasha magcaantooda -(James, Joseph, Simon iyo Juda, ), laakiin ma uu xusin gabdhaha magcaantooda iyo tiradooda midna.
Docda kale, Yahuuddu nebi Ciise nebi iyo ilaah midna uma qirsana, laakiin waxay u aqoonsan yihiin in uu ahaa nin Yahuudi ah, oo aabbe iyo walaalo lahaa. Waxayna ku doodaan in Yuusuf iyo Maryan oo ahaa lammaane isu alkuman (=doonan) ay Ciise dhaleen ka hor intii aysan aqal gelin. Arrinkaas oo bulshada Yahuuddu ay u arkayeen in diin ahaan uusan dhib lahayn, laakiin xagga dhaqanka uusan ku fiicnayn. Baybalka oo ka hadlaya aragtidii bulshada Yahuuddu ay Ciise ka haysteenna wuxuu sheegay in Yahuuddu ay yiraahdeen: “Miyuusan kani ahayn Ciisihii ina Yuusuf ahaa, ee aabbihiis iyo hooyadiisba aan naqiin? Sidee buu hadda ku oran karaa, ‘Cirka ayaan ka mid?”
Is this not Jesus, the son of Joseph, whose father and mother we know? How can he now say, ‘I came down from heaven’? / أليس هذا هو يسوع بن يوسف، الذي نحن عارفون بأبيه وأمه؟ فكيف يقول هذا: إني نزلت من السماء؟).
Wadaaddada Yahuudda oo ay Masiixida qayb Baybalka ka mid ah wadaagaan, waxay ku doodaan in afafka cibriga iyo araamigu ay ahaayeen afafkii ay ku hadli jireen bulshadii Yahuudda ee Maryan iyo nebi Ciise ay ka dhasheen. Erayga Baybalka lagu xusay ee ah ‘Almah’na uusan afafkaas la macno ahayn bikro balse uu tusiyo haweenay da’ yar, yaraanta iyo bikronimaduna aysan isku macne ahayn. Afka cibriga erayga bikronimada loo adeegsadaa waa ‘Betulah’ (=betulah = virgin, almah= young woman). Sidaa awgeedna, Maryan markay Ciise dhashay waxay ahayd qof da’ yar, laakiin ma ahayn gabar bikro ah oo aan loo galmoon.
Hayeeshee, manaahijta cilmi baariddu waxay na baraysaa in diimaha kala duwan aan la isu qaban, oo waxa diini ay diin kale ka sheegto aan wax lagu salayn. Waayo diimaha tartan ba’an baa ka dhexeeya, aalaabana wanaag isuma quuraan.
Waxaa xusid mudan, in masiixiyiinta haysta mad-habta Katooliga qaarkood, ay rumaysan yihiin in Maryan goortii ay dhimtay ee la aasay ka dib, uu Eebbe jirkeedii kor u qaaday oo uu jannada geeyey (=The Assumption of Mary). Waxaana cajiib ah in fikraddaani ay ku salaysan tahay fatwo sannadkii 1950kii uu soo saaray wadaad xilligaas ugu sarreeyey kaniisadda Katooliga oo magaciisa la oran jirey Pope Pius Xll, laakiin ku caanbaxay naynaasta ‘Shiikha Hitler/ Hitler’s Pope’. Dadkaani waxay aamminsan yihiin in haddii la faago qabriga Maryan- waaba haddii la gartee- aan laga helayn xubin ka mid ah jirkeedii, kolay ku tahay dabagibinta la sheego in aysan dhammaan. Wadaadkaani wax daliil ah uma uusan keenin fatwadiisa, laakiin dadku -siiba kuwa diimaha rumaysani- waa u nugul yihiin rumaynta mucjisada. Su’aal meesha ku jirta baana waxay tahay: maxay ku kala duwan yihiin in wiil la qaado iyo in hooyadiis la qaadaa?
Dhanka kale, waxaa jira saddex fikradood oo kala duwan oo laga haysto umminimada nebi muxamed (scw). Saddexdaas fikradood waxay kala yihiin:
Qolo rumaysan in nebigu uusan weligii akhirs iyo qoraal midna aqoon.
Qolo qabta in nebigu bilowgii Islaamka ka hor uusan akhris-qoraalka aqoon, laakiin islaamka ka dib Eebbe uu baray akhris-qoraalka.
Qolo qabta in nebigu islaamka ka hor iyo ka dibba uu yaqiin akhris-qoraalka.
Guud ahaan, waxaa jira aqoonyahanno badan oo rumaysan in umminimada nebiga aan laga wadin in uusan akhris-qoraalka aqoon. Maxaa yeelay, waxaa jira markhaatiyo tusinaya in nebigu uu akhriska iyo qoraalka yaqiin, laakiin waa mawduuc kale oo hadda aynaan halkaan uga hadlayn.

Comments