Soonkii Hindiga iyo kan bilyan Muslim ah
Ramadaanku wuxuu noqon karaa kacdoon nafeed iyo bulsho, haddii soonku ka gudbo caado cibaado oo uu dhalo ficil, xorriyad iyo isbeddel muuqda.

Soonkii Hindiga iyo kan bilyan Muslim ah:
Rashiid Saliim al-Khuuri (1887-1984) oo caan ku ahaa naynaasaha "Gabyaagii Carabnimada" iyo "Gabyaagii tuulada", wuxuu ahaa gabyaa Masiixi ah oo u dhashay dalka Lubnaan, una ol'oleeya arrimaha Carabta iyo midayntooda. Waxaana la sheegaa inuu carabnimada ku dhaaran jirey, oo uu oran jirey: "Haa, carabnimadaan ku dhaartaye. Maya, carabnimadaan ku dhaartaye!", ilaa heer loo bixiyey "Weliga midnimada Carabta". Carabtana wuxuu ugu baaqi jirey in ay khilaafaadkooda qabiilka iyo diinta ku dhisan ay meel iska dhigaan, oo ay midoobaan.
Gabyaagaan oo jooga magaalada Sao Poula ee dalka Baraasiil, ayaa maalin ciid ah waxaa martiqaaday Muslimiin ciidu-fidri u damaashaadayey, waxayna ka codsadeen inuu munaasabaddaas gabay ka tiriyo.
Gabyaagu maalintaas wuxuu tiriyey gabay caan noqday, oo uu isbarbardhig ku sameeyey soonka bilyan Muslimiin ah iyo soonkii halgamaagii Hindiga ahaa ee Mahatma Gandhi (1869-1948) uu ka soomay isticmaalka badeecadaha gumeystihii Biritan, si uu cunoqabatayn dhaqaale ugu sameeyo gumeystaha, ugana xoreeyo dadkiisa iyo dalkiisa.
Rashiid gabaygiisa wuxuu ku sheegay in soonka Hindigu uu istikhyaarkiisa ku soomay, uu gaajo u diley imbiraadooriyad aan gabbalku ka dhicin, uuna irdaha u laabay warshadihii Manchester. Laakiin si taa ka duwan soonka halka Bilyan ee Muslimka ahi - ( tirada Muslimiinta hadda waxaa lagu qiyaasaa 1.8 bilyan)- uusan dunida wax saamayn ah ku lahayn. Rashiid wuxuu si dadban Muslimiinta u weydiinayaa su'aal ah: war Hindida soonkoodii wax buu taraye, idinka kiinnu halkee buu la' yahay?
Meerisyadii gabaygiisana waxaa ka mid ahaa:
لَقد صامَ هِنْدِيٌّ فَجَوَّعَ دَوْلَةً فهَلْ ضارَ عِلْجاً صَوْمَ مِلْيون مُسْلِمِ
تَجَشَّمَ عَن أَوْطانِهِ صَوْمَ عامِدٍ فَجَشَّمَ أَوْطانَ العِدَى صَوْمَ مُرْغَمِ
وَخَلَّى بِلادَ الظّالِميَن بِلادَهُ تَضيقُ بِجَيشِ العاطلينَ العَرَمْرَمِ
وَألْقَى عَلى "مَنْشِسْتَرٍ" ظِلَّ رَهْبَةٍ يَضِجُّ بِأَشباحِ الشَّقاءِ المُخَيِّمِ
أَهابَ بِآلاتِ الحَديد فَعُطَّلَت مَصانِعُ كانت جَنَّةَ المُتَنَعِّمِ
وَشَلَّ دَواليبَ الرَّخاءِ بِصَرْخَةٍ أَدارَت دَواليبَ القَضاءِ المُحَتَّمِ
كَساها نسيجُ العنكبوتِ وكم كَسَت جُسوم البَرايا بِالقَشيبِ المُنَمْنَمِ
تُهَدِّمُها أَسرارُ نَفْسٍ عَجيبةٍ تَجولُ بِذاكَ الهَيْكَلِ المُتَهَدِّمِ
فَيا لَكَ مِن عانٍ لَدَيهِ تَصاغَرَت جَبابِرُ أبدانٍ وعَقْلٍ وَدِرْهَمِ
وَراحَت مُلوكُ المالِ تَشْكو بِبابِهِ مِنَ الفَقرِ يا للظّالم المُتَظلِّمِ
أكُرِّم هذا العيدَ تَكريمَ شاعرٍ يَتيهُ بآياتِ النَّبي المُعَظَّمِ
ولكنَّني أَصبو إلى عيدِ أُمَّةٍ مُحَرَّرَةِ الأَعناقِ من رِقِّأَعْجَمي
Haddaba, su’aasha gasu'aasha ay tahay in Muslimiintu is weydiiyaani waxay tahay: Sidee bay suuragal ku tahay in Ramadaanku noqdo kacdoon ku dhaca nafta qofka iyo bulshada, oo wax ka beddela nolosha qofka, bulshada iyo dunidaba?
