Waa hurdada oo kale!

Waa hurdada oo kale!

Khudbadii salaadda jimcada ayaa wadaadkii khudbada akhrinayey wuxuu aad ugu dheeraaday geerida culayskeeda iyo dhibaatooyinka la gala kulmo. Kolkii uu khudbadii iyo salaaddii dhammeeyey oo uu dhanka dadka u soo jeestay, ayaa waxaa salaamay nin ka mid ahaa raggii safka hore ku tukanayey. Ninkaasi wuxuu imaamka u sheegay in uu geerida ka baqo, aadna uga welwelo. Imaamkii wuxuu ugu warceliyey: geeridu dhib ma leh, waxay la mid tahay hurdada la seexdo.

Waxaan hoosta iska weydiiyey: Oo haddii ay sida hurdada tahay muxuu maanta oo dhan noogu bajinayey, soo tan wadnuhu afka na joogo. Hurdada miyaa la isku bajiyaa, mise hurdada macaan waa lagu ducaystaa? Kaaga daranta wadaaddada diimuhu waxay noo sheegaan in muuminka wanaagsan ee Alle ka dhawrsada, aadanahana nabad geliya geerida lagu dhibo, halka shar-wadayaasha dhibka badan adduunka loogu raaxeeyo, geeridana loo fududeeyo oo ay si kedo ah ugu timaaddo.

Qof ahaan marka aan geeri maqlo labo sawir ayaa hortayda midkood yimaada; Kan hore waa wax hal mar qarsoomay oo la waayey. Wax aad taqiin oo aadan dib danbe isha uga qaadayn. Sawirka kale ee hortayda yimaada- siiba marka geerida lagu daro erayga muslimiintu adeegsadaan ee " Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuune" iyo kuwa la midka ah ee dadyowga diimaha kale haystaa ay adeegsadaan- waa baadi maqnayd oo la helay oo ay tahay in lagu farxo. Ruuxu marka uu helo baadi ka maqnayd waa farxaa, ciilkii iyo caradiina waa illoobaa. Tusaale ahaan, ruuxa xoolo dhaqatada ahi marka uu helo neef ka dhumay kuma fekero in uu neefka gawraco, balse xoolo jiraha dhabta ahi wuxuu ku sigtaa in uu dhunkado neefkii baadida ahaa ee uu helay. Waxayna ila tahay in xiriirka ka dhexeeya Alle iyo uunkiisu uusan middaa ka duwanayn, in uu ka qotodheer yahay mooyee.

Waxa qura ee la hubo, la islana oggol yahay in geerida iyo hurdadu ay wadaagaani waxa weeye in labaduba ay lama-huraan u yihiin noolaha, si kasta oo la isugu dayo in la iska caabbiyana aan la celin karin. Odaygii Mark Twain ahaa waxaa laga hayaa in uu yiri: "Geerida oo laga baqaa waxay ka dhigan tahay nolosha oo laga baqo. Ruuxa si buuxda u nooli waa mid mar walba geerida diyaar u ah/ The fear of death follows from the fear of life. A man who lives fully is prepared to die at any time."

Comments