Waxaad tahay waxa aad og tahay

Waxaad tahay waxa aad og tahay

Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Ludwig Feuerbach (1804-1872) maqaal uu qoray dabshidkii 1863/4 oo cinwaankiisu yahay "Waxyaaabaha ku saabsan ruuxaaniyadda iyo maaddada /Concerning Spiritualism and Materialism", wuxuu ku yiri: "Qofku waa waxa uu cuno /Man is what he eats". Oraahdaan oo caadi ahaan lagu macneeyo in nooca raashinka ee qofku uu cunaa uu saamayn ku leeyahay jirkiisa, dabcigiisa iyo garaadkiisa.

Sida muuqatana aragtida Fooyarbakh waxaa taageeraya cilmiga casriga ah. Aadamigu muddo hilaaddii laga joogo 1.8 Malyan oo sano ayuu bartay karinta cuntada isaga oo weli Afrika ku nool. Raashinkii ugu horreeyey ee uu karsadayna wuxuu ahaa miro, khudaar iyo hilib.

Barashada karinta cuntadu waxay keentay in haweenku ay jikada jantaan, oo ay ku tartamaan noocyada iyo qaababka raashin samaynta. Waxaana abuurmay ilbaxnimo iyo dhaqammo cusub oo ka curtay barashada cunto karinta. Dhanka kale, barashada karinta raashinku waxay raad ku yeelatay dadka maan iyo muuqaalba. Waxaa la arkay dad xagga jirka iyo xagga garaadka labadaba kaga geddisan dadkii noolaa ka hor intaan la baran karinta raashinka. Waxaa soo baxay dad ilkahooda iyo calooshoodu ay ka yar yihiin dadkii raashinka ceeriinka ku cuni jirey, isla markaana maskaxdoodu ay ka weyn tahay kuwii hore -(malaha dadka oo dhan ma aha).

Guud ahaan, oraahda Feuerbach iyo kuwa la macnaha ah waxaa laga qaatay in si loo dhawro caafimaadka iyo dhisnaanta jirka qofka loo baahan yahay in la qaato raashin isu dheellitiran oo tiro iyo tayaba wanaagsan. Haddii aad raashin wanaagsan cunto fayo qab baad helaysaa, haddii aad qaadato raashin liitana waad jirranaysaa.

Yeelkadeede, waxaan ognahay in sida jirka qofku uu raashin ugu baahan yahay oo kale uu maankiisuna raashin nooc kale ah ugu baahan yahay. Fiyoobida maanku waxay ku xiran tahay hadba waxa lagu nafaqeeyo. Marka oraahda Feuerbach dhankaas laga eegana, waxaa la oran karaa "Qofku waa waxa uu yaqaan oo qura".

Waxaa jira dad aqoontoodu ay ku kooban tahay midda casriga ah ee maanta jirta oo keliya, waxaa kaloo jira dad aqoonta casriga ah iyo tii hore labadaba wax ka yaqaan, waxaa iyaguna jira qaar aqoontoodu ay ku kooban tahay tii boqolllaal sano ka hor jirtey oo keli ah.

Waxaa jira dad jir ahaan maanta nool, laakiin fekerkooda iyo aqoontoodu ay yihiin kuwii boqolllaal ama xataa kumanyaal sano ka hore meelo dunida ka mid ah ka jirey. Khilaafaadka iyo isfahan la'aanta meelo badan ka jirana, qayb ahaan waxaa u sabab ah in xagga maanka ay dadku ku kala noolyihiin waqtiyo kala duwan, oo qaar ay quutaan aqoonta casrigooda, halka qaar kale ay quutaan aqoontii jirtey waagii godadka loo hoyan jirey.

Si dadka ay suurogal ugu noqoto in ay doodaan, dabadeedna ay meel wax isla dhigaan, waxaa lamahuraan ah in dadka maankoodu uu u fekero sidii boqollaal sano ka hor loo fekeri jirey ay qarniyo horay ugu soo guuraan, oo duruufaha lagu noolyahay ay fahmaan. Maxaa yeelay dani waa seeto, aadamiguna wuxuu la fac yahay sabankiisa iyo deegaankiisa, mana jirto ummad u noolaan karta sidii qarniyo ama kumanyaal sano ka hor loo noolaa.

Ku Allahoode, waxay wariyeen in gabari ay mar Picasso ku tiri: "Maalin dhaweyd sawirkaaga baan waxaan ku arkay guriga gabar saaxiibtay ah. Aad buu u qurux badnaa. Indho daraandar buu igu riday, waxaana is arkay aniga oo dhunkanaya."

Picasso wuxuu weydiiyey: "Ma kaa dhab baa! Dabadeed sawirku muxuu sameeyey? Sawirku dhabannada ma kaa dhunkaday?"

Gabadhii: "Acuudi Billaahi! Ma waalan tahay! Sawirku ima dhunkan!"

Picasso: "Haddaba, waa hubaal in uusan aniga ahayn."

Sida sawirku uusan xaqiiqada u mateli karin, ayaan aqoontii ummadihii tagayna waaqica iyo runta lagu noolyahay aysan u mateli karin. Soomaalina horaa looga guntay: "Aabbahay baa geel lahaa anigaa dameer leh baa dhaanta."

Waa baan dad wanaagsan iyo aqoon wacan lahaa, waxaa dhaanta hadda ayaan kistaan haystaa ama halkaas higsanayaa. Qof kastaa ha ogaado in uusan u ekayn sida uu u muuqdo oo keli ah, balse uu uga sii egyahay sida uu u fekero iyo waxa uu aamminsan yahay. Waxa aan cunno iyo huga aan xiranno oo keli ahi ma saameeyaan muuqaalkeena, laakiin sidoo kale waxaa saameeya waxa aan akhrinno iyo khibradda aan nolosha u leennahay.

Comments