Xabiib Burqiiba iyo Culumada Colaadiya Calmaaniyadda
Maxamed al-Masmuudi oo ahaan jirey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Tuunis, waxa uu sheegay in sannadkii 1951, isaga oo diyaarad la saaran madaxweynihii hore ee dalka Tuunis Mudane Xabiib Burqiiba (1903-2000), ayna ku sii jeedaan dalka Sacuudiga oo ay ballan kula lahaayeen Boqor Cabdicasiis Aal-Sacuud (1875-1953), uu Burqiiba weydiiyey su’aal ahayd: Mudane dadku waxay wax iska weydiiyaan in aad Alle rumaysan tahay iyo in kale, annaguna dhab ahaantii ma fahmin mowqifkaaga iyo waxa aad Alle ka aamminsan tahay?
Burqiiba -oo lagu tilmaamo in uu ahaa dawaca siyaasadda dalka Tuunis- wax yar ayuu aammusnaa, dabadeedna waxa uu yiri: “Si kasta oo ay tahay, Ilaah jannada ayuu i geynayaa.”
Masmuudi oo gartay in Burqiiba uusan su’aashiisa ka jawaabin, mar labaad ayuu isla weydiintii ku celiyey. Burqiibana wuxuu yiri: “Mararka qaarkood mu’min baan ahay, wakhtiyo kalena waan shakiyaa… Maankayga waxaa hareeya su’aalo jiraalka ku saabsan (=jiritaanka maqanayaasha Alle iyo aakhiro ay ugu horreeyaan, oo Cabdiqays waa kii isweydiiyey: ‘Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?’).”
Masmuudi oo aan weli jawaabta ku qancin, mar saddexaad Burqiiba wuxuu weydiiyey: “Mudane, hadda adigu Alle ma rumaysan tahay?”
نعم فأنا ذاهب إلى Burqiibana wuxuu ku warceliyey: “Haa, sow aniga Maka u socda! /مكة!”.
Maxamed Masmuudi oo safarkaas ka sii faallooday waxa uu yiri: “Markaan gaarnay magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga, waxaan aragnay lama-degaan ballaaran oo ay dad xoonsan yihiin. Dhan walba hanfi kulul baa ka dhabanayey, Burqiibana wuxuu cod dheer ku yiri ‘Tani waa Riyaad, waa Tumbukto kale oo uu dhextaagan yahay Boqor Cabdicasiis oo isku taxalujinaya in uu bacaadka guuraya ka badbaadiyo.’ Saddex maalmood kaddib baa boqorka na loo geeyey. Laakiin markaan boqorka u tagnay waxaa la joogay jaajuuskii Ingiriiska ahaa ee John Philiby -oo sidoo kale loo yaqiin Sheekh Cabdullaahi. Burqiiba si edeb iyo astur leh buu boqorka u dareensiiyey in uusan doonayn in ninkaasi uu goobjoog ka ahaado wadahadalkooda. Boqorkuna basaaskii Filibi wuxuu ka codsaday inuu xoogaa bannaanka uga baxo. Intaas kaddib, Burqiiba wuxuu boqorka u sheegay in aan samaynay jabhad hubaysan oo gumeystaha Faransiiska la dagaallanta, aanna u baahannahay taageeradiisa.
Boqor Cabdicasiis wuxuu ugu jawaabay: ‘Ku kalsoonaada in wixii aad u baahataan ee aan awoodno aad naga helaysaan. Balse intaa ka hor waa in aad idinku isku tashataan. Xisaabtana ku darsada in dowlad weyn oo gumeyste ah aad halgan kula jirtaan, loona baahan yahay in aad itaalkiinna garataan, oo aayar si qunyar socodnimo ku jirto aad xorriyaddiina u raadsataan (=adeegsiga siyaasadda maraaxisha).’ Waxay ahayd talo toolmoon oo aan ka helnay badawi lagu sifeeyey inuu ‘seefta ka af badan yahay, ushana ka jabi og yahay.’”
Docda kale, muddo gaaban kaddib markii Tuunis ay madaxbannaanida ka qaadatay gumeystihii Faransiiska, Xabiib Burqiibana uu noqday madaxweynaha Tuunis, waxaa madaxtooyada ku booqday Mustashriqii Faransiiska ahaa ee Jaak Beerki (Jacques Berque, 1910-1995), oo dhigaallo badan ka sameeyey Carabta iyo Islaamka -marka lagu daro Quraanka kariimka oo uu afka Faransiis u tarjumay, walow ay jiraan dhaliilo loo jeediyo tarjamada uu sameeyey.
Jaak Beerki oo carabta qaarkeed ay jecel yihiin in ay ugu yeeraan naynaasta “Faransiiskii Carabta caashaqay /الفرنسي الذي عشق ال عرب”, intii uu la joogay Xabiib Burqiiba waxa uu ku dheeraaday ammaanta Carabta iyo diinta islaamka. Balse hadalka waxaa ka dhex galay Burqiiba oo ku yiri: “Mudane ammaanta aad Carabta iyo Islaamka huwisay sida aad u jeceshahay ama ka daran baan u jeclahay, hayeeshee ammaantaasi ma aha mid hadda wax noo taraysa, mana aha xilka dadkaygu ay ii igmadeen. Hadda xilka la iga sugayaa waa in aan ka shaqeeyo dowlad dhis iyo horumarinta bulshadayda. Waa in aan dadkayga ka saaro silica iyo saxariirta saboolnimada, jahliga, cudurrada, cabsida iyo dib-u-dhaca. Waajibka i saarani waa in dadkayga dib-u-dhacu haysto aan la simo ummadaha horumaray ee nolosha wanaagsan ku naalloonaya. Marka waxaan kaa codsanayaa in halkii aad wakhtiga nooga dhumin lahayd ka sheekaynta tagto laga soo gudbay oo aan baahidayada waxba ka tarayn, in adiga iyo dalkaagu aad nagala shaqaysaan sidii aan ku gaari lahayn timaaddo yididdiilo fiican leh.” Waana tii maahmaahdu ahayd: ‘Aabbahay baa geel lahaan jirey, anaa dameer leh baa dhaanta.’
Sheekooyinka kale ee tirada badan ee Xabiib Burqiiba laga sheego waxaa ka mid ah mid sheegaysa in sannadkii 1955, ka hor intii Tuunis aysan gobannimada ka qaadan gumeystihii Faransiiska, uu Burqiiba oo ahaa hoggaamiyaha gobannimadoonku dadka u sheegay in haddii uu qabto talada dalkaas uu ku dhaqi doono nidaamka calmaaniyadda -oo diinta iyo dowladda la kala sooci doono. Kolkii hadalkaasi uu bulshada ku dhex faafay, waxaa aad uga carooday wadaaddadii calmaaniyadda gaalnimada u arkayey. Dabadeed wadaaddadii markay masalada xoogaa gedgeddiyeen, waxay go’aan ku gaareen in ay guddi culumo ah oo qodobkaas Burqiiba kala dooda ay iska dhex xulaan. Guddigii culumada ahaa waxay tageen aqalkii Burqiiba uu deggenaa. Markay halkaas gaareen ee la soo dhaweeyey kaddib, waxaa lagu wargeliyey in Burqiiba weeso iyo salaad uu ku mashquulsan yahay darteed uu daqiiqado kooban uga maqnaan doono, sidaasna ay ku raalli ahaadaan.
Wadaaddadii markii ay ogaadeen in hoggaamiyuhu uu tukanayo waa isku dhexyaaceen, oo waxaa isu qaban waayey warka loo sheegay iyo fikraddii ay odayga ka hasyteen, waxayna isweydiiyeen: ‘Haddaba ninku weli wuu tukadaa!’, caradiina waa ka jabtay, waxayna dareemeen xoogaa gacalo ah oo ay u qabaan ikhyaarkaan taqiga ah ee tukanaya.
Burqiiba kolkii uu salaaddii dhammaystay ayuu u tagay wadaaddadii, waxayna weydiiyeen: Sababta uu u yiri hadalka suuqa la wareejinayo?! Isaguna wuxuu ku adkaystay in uusan cidna ka aqbalayn inay shaki geliso diintiisa iyo waddaniyaddiisa. Wadaaddadii oo doodda Burqiiba ku qancay, dadweynaha waxay u sheegeen in ay isdejiyaan, oo ay ogaadaan in Burqiiba uu weli diinta iyo iimaanka ku sugan yahay. Sida la wada og yahay, Burqiiba markii uu qabtay madaxnimada dalka Tuunis, durba dadweynaha waxa uu ku wargeliyey in hadda la bilaabayo wax uu ugu yeeray ‘Jihaadka weyn /الجهاد األكبر’, wuxuuna isku dayey in uu dalkaas ka hirgeliyo qorshayaal lagula dagaallamayo faqriga, jahliga, iyo dibudhaca. Jihaadka weyn waxaa saldhig looga dhigay calmaaniyad la mid ah tan Faransiiska ee loo yaqaan laysiteega (=laïcité /الالئكية), oo ah in diinta si buuxda looga fogeeyo nolosha guud iyo fagaarayaasha dadweynuhu ay wadaagaan. Waa calmaaniyad rumaysan in diintu ay tahay wax ka haray taariikhda fog ee marxaladdii dhallaannimada bani’aadamka, oo ay lamahuraan tahay in looga takhaluso sida dadka garaadka lihi ay uga takhalusaan afkaartii iyo caadooyinkii carruurnimadooda, ama ugu yaraan diintu ay noqoto mid ku kooban qofka iyo ilaaha uu caabudo, laamaha nolosha ee dadweynuhu ay wadaagaanna laga dheereeyo. Calmaaniyadda dalka Tuunis laga dhaqangeliyey dunida islaamka inteeda kale laguma arag, marka laga reebo dalka Turkiga oo ahaa tusaalaha Burqiiba uu ku dayan jirey.
Sida dhabta ah, dadka qummaatiga ugu kuurgalay siyaasadihii diinta ku aaddanaa ee ay fuliyeen Ataaturki iyo Burqiiba waxay qabaan in aysan ka tarjumayn calmaaniyad, balse labaduba ay diinta ka dhigteen aalad u adeegta danaha dowladda. Calmaaniyadda saxda ahi ma aha in diinta loo adeegsado dano siyaasadeed ee waa in dowladdu ay faraha kala baxdo ummuuraha diinta, oo si buuxda loo kala madax- banneeyo maamulka dowladda ee madaniga ah iyo diinta. Waxaase muhiim ah in aan laga ilduufin in Ataaturki iyo Burqiiba ay labaduba ku guulaysteen in ay dhisaan wacyiga ummadnimo ee dadkooda, taasina ay keentay in ilaa xad waddamadoodu ay ka badbaadeen fashilka ku dhacay dowladaha ka jira deegaannadaan iyo meelo badan oo dunida ah.
Ilaa iyo maanta, dadka reer Tuunis aad bay ugu murmaan Burqiiba mu’min iyo mulxid midka uu ahaa. Dadka Burqiiba gaalnimada ku tuhmana waxaa safka hore uga jira ururrada islaamka siyaasiga ah, oo ay ugu horreeyaan taageerayaasha dhaqdhaqaaqa al-Nahda ee uu hoggaamiyo Sheekh Raashid al-Ganuushi, waxa ugu weyn ee ay daliishadaanna waa calmaaniyadda uu dalkaas ka dhaqangeliyey. Dhawaanna aqoonyahan u dhashay dalkaas oo lagu magacaabo Dr. Shukri al-Mabkhuut baa waxa uu qoray buug uu cinwaan uga dhigay ‘Taariikhda Gaalaysiinta Tuunis / تاريخ التكفير في تونس’. Mabkhuut waxa uu sheegay in qoridda buuggaan uu go’aansaday kaddib markii dastuurka Tuunis lagu daray cutub difaacaya xorriyadda damiirka, denbina ka dhigaya in dad la gaalaysiiyo, isla markaana sheegaya in dowladdu ay tahay cidda qura ee u xilsaaran difaaca diinta, aysanna jirin cid difaaca diinta marmarsiinyo ka dhigan karta. Waxaana xusid mudan, in dalka Tuunis dad loogu laayey fatwo gaalaysiin ah oo ay wadaaddo soo saareen.
Dr. Mabkhuut buugga juskiisa koowaad wuxuu uga hadlay saddex nin oo qaar ka mid ah wadaaddada dalka Tuunis ay gaalaysiiyeen. Saddexdaas nin waxay kala yihiin Cabdicasiis Tacaalibi (1876-1944), Daahir Xaddaad (1899-1935) iyo Xabiib Burqiiba. Waa madaxweyne iyo labo wadaad oo halgamayaal ahaa, oo madaxweynuhu iyaga iyo dhigaalladooda uu ka shidaal qaadan jirey.
Qoraagu wuxuu ku dooday in gaalaysiintu ay tahay aalad dano adduunyo oo kuwa siyaasaddu ugu mudan yihiin loo adeegsado. Isaga oo qodobkaan qalinka ku adkaynayana waxa uu yiri:
“Cilmibaarista taariikhdu waxay shaaca ka qaadday in eedaha gaalaysiintu ay Tuunis ka bilowdeen sannadkii 1904 kolkii Shiikh Cabdicasiis Tacaalabi la maxkamadeeyey iyada oo eedaymo halis loo soo jeediyey. Mar kale gaalaysiinta waxaa la arkay markii uu soo baxay buugga Daahir Xaddaad ee ‘Haweenkeenna: Shareecada iyo Bulshada,’ sida la ogyahayna Daahir Xaddaad waxa uu ka mid ahaa xerta Tacaalabi. Sidoo kale Xabiib Burqiiba oo ah astaan u taagan calmaaniyadda xagjirka ah baan ka badbaadin gaalaysiinta islaamiyiinta. In qarnigii labaatanaad saddexdaan nin oo xiriir lahaa la gaalaysiiyey ma aha arrin si kadis ah ku dhacay. Saddexdaan nin waxay horfiiq u ahaayeen dadka ku hawshoon casriyeynta diinta iyo siyaasadda Tuunis. Intaas waxaa weheliya, in saddexduba ay ka tirsanaayeen hal urur siyaasadeed.” Xabiib Burqiiba oo aad u la dhacsanaa Kacaankii Faransiiska iyo waxqabadkii Kamaal Ataaturki, wuxuu rumaysnaa in waxa dadkiisa ka maqani aysan ahayn diin iyo dhaqan islaam toona, balse waxa ka maqani ay yihiin maanfurnaan iyo cilmiga iyo wacyiga dunida casriga ah ka jira oo laga faa’iideysto. Waxa loo baahan yahay ma aha in dowladda la islaamiyo, balse waxaa loo baahan yahay in diinta la cusboonaysiiyo, oo indhaha casriga lagu akhriyo.
Sidaas awgeed, Burqiiba waxa uu xoogga saaray waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada guud iyo xoraynta haweenka. Si gaar ah, wuxuu ahmiyad ballaaran u siiyey waxbarashada iyo arrimaha haweenka. Maxaa yeelay, sida isaga qudhiisu uu ku khudbayn jirey “shacab ummi ahi dowlad casri ah ma dhisi karo,” haweenkuna waa bulshada barkeed, bulsho barkeed uu dayacan yahayna kulligeed dayac iyo darxumo kama baxayso, samaan iyo sareedana ma gaari karto. Dumarku si ay u yeelan karaan nolol iyaga u gaar ah oo aan ku xirnayn in ay rag guursadaan darteed, Burqiiba wuxuu ku dadaalay waxbarashada iyo daryeelka dumarka, wuxuuna jideeyey sharciyo badan oo u adeegaya sidii haweenku ay ku heli lahaayeen xuquuq iyo waajibaad u dhigma kuwa ragga. Waxaa la mamnuucay in raggu dumar mid ka badan ay guursadaan, waxaana la adkeeyey furriinka oo khasab laga dhigay in uu ka dhaco gudaha maxkamad madani ah. Sidoo kale, waxaa la jideeyey in labka iyo dheddigu ay dhaxalka u sinnaadaan, oo sed isle’eg ay ka helaan. Xiriirka u dhaxeeya lammaanaha isqabana waxaa loo aqoonsaday in uu yahay ‘xiriir iskaashi,’ halkii horay loogu arki jirey in uu yahay ‘xiriir addeecid’. Guud ahaan, dumarka dalka Tuunis waxay heleen xuquuq dumarka dunida carabta oo dhammi ay ku kuunyaan.
Burqiiba fikradahaas waxaa macallin ugu ahaa dad ay ugu mudan yihiin Daahir Xaddaad, Cabdicasiis Tacaalibi iyo Mustafa Kamaal Ataaturkigii dalka Turkiga. Tusaale ahaan, Burqiiba waxa uu akhrin jirey buugga Daahir Xaddaad ee “Dumarkeenna: Shareecada iyo Bulshada /امراتنا في الشريعة والمجتمع”. Xaddaad oo ahaa wadaad dhallinyaro ahi, buuggiisaan yari wuxuu isku dayey inuu si wacan isu waafajiyo shareecada islaamka iyo xuquuqda ay lamahuraanka tahay in ay helaan dumarka Muslimiinta ah ee ku nool dunidaan jaqaafisay ee tuulada yar noqotay, cilmiga iyo farsamadana ku hormartay. Burqiiba dhowr bilood kaddib markii uu madaxweynaha noqday, wuxuu soo saaray xeerka qoyska ee dalkaas oo loo bixiyey ‘Majaladda Xeerka Qoyska / مجلة األحوال الشخصية’. Waa xeer magaca ka ammaahday qoraal ay horay u diyaarisay dowladdii Cusmaanida ee Istaanbuul ay xarunta u ahayd, dulucdana ka qaatay buugga Daahir Xaddaad ee kor ku xusan. Waa xeer lagu tilmaamay in uu yahay dastuurka dhabta ah ee dalka Tuunis.
Waxaana la xusaa, in Burqiiba hooyadiis markay uurkiisa lahayn ay ka yaxyaxi jirtey uurkeed. Sababtuna waxay ahayd in xilligaas ay afartan jir ahayd, waayahaas oo gabdhuhu ay da’ yar ku guursan jireenna ay ayeeyo ahayd, dadkuna ay kaga maadaysan jireen in ay tahay ayeeyo uur leh, oo weli ilmo dhalaysa. Dhanka kalena, haweenku Burqiiba hooyadi way ka masayri jireen, waayo waxay dhashay siddeed wiil, oo waxay ahayd wiil dhala haween badan hoodo dheer -oo ixtiraam iyo qaddarin weyn ay bulshadu u hayso. Dhacdooyinkaasina waxay ka mid yihiin arrimaha Burqiiba ku bixinayey in uu isku hawlo in gabdhuhu ay helaan fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo, si da’da guurkooda gadaal loogu dhigo, oo ay u guursadaan iyaga oo jir ahaan iyo maskax ahaan labadaba qaangaar ka noqday, oo xil qoys qaadi kara.
Waxaana la sheegay, in Jamaal Cabdinaasir mar ay Burqiiba ku kulmeen magaalada Belgaraad ee caasimaddii Yuguslaafiya, uu ugu hanbalyeeyay soo saaridda xeerka qoyska, uuna ku yiri: “Wax wanaagsan baad qabateen markaad soo saarteen qawaaniintaas horusocodka ah. Waa wax aad u fiican, oo bogaadin mudan, balse ayaandarro anigu Masar kama hirgelin karo. Duruufaha dalkaygu hadda taa ma oggolaanayaan.”
Docda kale, Cabdicasiis Tacaalabi oo ahaa saxafi, siyaasi, dhulmareen, iyo aftahan gabyaagii Ciraaqiga ahaa ee Macruuf al-Rasaafi uu ku tilmaamay in uu yahay: “Baaniyaha ugu weyn ee Carabtu ay qarnigaan aragtay / أعظم خطيب عربي عرفه هذا القرن”, isna waxa uu aasaasay mid ka mid ah xisbiyadii ugu horreeyey ee dalka Tuunis laga furay, xubnihii xisbigaasna waxaa ka mid ahaa Xabiib Burqiiba. Dhanka kale, Tacaalabi wuxuu leeyahay qoraallo uu ka mid yahay buug uu u bixiyey “Ruuxda Xoraynta Ee Quraanka /روح التحرر ف ي القرآن”, oo uu ku sheegay in islaamku uu yahay diin madani ah oo caqliga, cilmiga iyo casriyoobidda la socon karta, uuna ku xusay baahida loo qabo in afkaarta diiniga ah ee Muslimiinta dib-u-cusboonayn lagu sameeyo, wadaaddaduna ay faraha ka qaadaan fikradaha khuraafaadka, qashirka iyo maalaayacniga ah ee ay diinta u haystaan (=القشور والتفاهات). Cabdicasiis buuggaan wuxuu ku mutay cadaadis iyo canbaarayn, si la mid ah sida Daahir Xaddaad uu buuggiisa ugu kasbaday cayda iyo ciqaabta wadaaddada -iyo dabcan caamada ay marin habaabiyeen.
Nin kale oo Burqiiba uu tusaale ka dhigan jirey, waxa uu ahaa Mustafa Kamaal oo lagu naynaaso ‘Ataaturki ama Aabbaha Turkida’. Burqiiba ma qarin jirin qaddarinta uu u hayo Ataaturki, wuxuuna sheegi jirey in uu mudan yahay in looga daydo ummuuro badan oo ay ka mid yihiin kala duwidda diinta iyo dowladda, iyo kaalinka haweenku ay ku leeyihiin bulshada.
Run ahaantii, Burqiiba keli kuma ahayn tusaale ka dhigashada Ataaturki, balse waxaa la wadaagay madax badan oo dunida islaamka iyo waddamo kaleba soo maray. Madaxdaas waxaa ka mid ahaa Maxamed Cali Jinaax (1876-1948) oo ahaa hoggaamiyihii Muslimiinta Hindiya iyo masuulkii ugu horreeyey ee madax ka noqda dalka Bakistaan kaddib markii dalkaasi uu ka go’ay Hindiya.
Sida la sheegay, Maxamed Cali Jinaax wuxuu quus ka gaaray arrimaha siyaasadda, wuxuuna goostay in uu gebi ahaanba siyaasadda ka fariisto, sannadihii u dhaxeeyey 1931-1934 ma lahayn waxqabad siyaasadeed oo muuqda. Isaga oo xaaladdaas ku sugan ayuu waxa uu helay buugga kabtankii Ingiriiska ahaa ee Harold C. Armstrong uu ka qoray Kamaal Ataaturki ee lagu magacaabo “Yeey Bey Leh: Mustafa Kemal, Dersidda Nolosha Khaaska Ah Ee Kelitaliye /Grey Wolf: Mustafa Kemal, an Intimate Study of a Dictator”. Akhrinta buuggaasna wuxuu ka helay dhiirrigelin ka dulqaadday habbisadii siyaasadda ka saarnayd. Firfircoonidii iyo hoggaamintii siyaasadeed ee uu muujiyeyna waxa uu ku mutaystay in Bakistaanidu ay ugu yeeraan magaca ‘Hoggaamiyaha Weyn’, isla jeerkaana u aqoonsadaan in uu yahay aabbaha qarankooda (=Quadi-e-Azam and Baba-e-Qaum/ The Great Leader and Father of the Nantion). Kabtan Armistorong gacalo uu Ataaturki u qabay buuggaan uma uu qorin, balse danta uu ka lahaa waxay ahayd in uu sawir foolxun uga bixiyo Ataaturki. Wuxuu aad u buunbuuniyey in uu ahaa kelitaliye u go’ay cabidda khamrada, qamaarka iyo dumar wadka. Sidaas oo ay tahay, misna buuggu waxa uu qarin waayey oo uu si joogto ah u qirayaa tilmaamihii wanaagsanaa ee uu lahaa Ataaturki sida; waddan jacayl, geesinnimo, hoggaamiyenimo, xilkasnimo, mintidnimo, karti milateri, iyo kalsoonidii Ataaturki uu ku qabay naftiisa iyo dadkiisa. Tilmaamaha kalsoonida, mintidnimada iyo waddan jacaylka ayaana aha waxa ugu horreeya ee soo jiitay Maxamed Cali Jinaax, oo siyaasaddii uu beri hore ka saahiday dib ugu celiyey.
Waxaana la sheegaa in Maxamed Cali Jinaax oo aad uga sheekayn jirey Ataaturki, akhrinta buugga ‘Yeey Bey lehna’ aan ka daali jirin darteed, ay inanta uu dhalay ee Diina Wadiica ay ugu yeeri jirtey ‘Yeey Bey Leh’, ayna ku oran jirtey erayo ay ka mid ahaayeen: “Yeeyga beydda lahow, kaalay i gee masraxiyadda aammusan, maxaa yeelay fasaxaygii baan ku jiraa /Come on, Grey wolf, take me to a pantomime; after all, I am on my holidays.”
Waxaana xusid mudan, in magaalada Islaamabaad ee caasimadda Bakistaan ay ku taal waddo loogu magacdaray Kamaal Ataaturki, sidoo kalena magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga ay ku taal waddo loogu magacdaray Maxamed Cali Jinaax. Arrinkaas oo ka maragkacaya xiriirka labadaan dal iyo saamaynta Ataaturki uu ku lahaa siyaasiyiintii hore ee Bakistaan (=Akhristow, yeeyda ama uubatadu waxay kaalin weyn kaga jirtaa sheeko-xariiraha Turkida iyo ummado kale. Sheekoxariiraha Turkida middood baana waxay sheegaysaa in awowga ay ka soo askumeen Turkida hadda jiraa ay yeey bey lihi korisay, kaddib markii waalidiintiis iyo qabiilkii uu ka dhashay oo dhan ay xasuuqeen ummad ay colaadi kala dhaxaysay. Yeey bey lihina waa naynaas Kamaal Ataaturki tan iyo carruurnimadiisii loogu yeeri jirey, sida la sheegana markii hore ay hooyadiis ku koolkoolin jirtey). Waa dhab in madax badan oo dunida saddexaad ahi ay jeclaayeen in ay ku daydaan Kamaal Ataaturki. Laakiin waxaa la sheegaa in madaxdaas badankoodu ay ku fashilmeen ama ugu yaraan isbeddel dhab ah oo u dhigma kuwii Ataaturki aysan dalalkooda ka hirgelin. Sababtana waxaa loo aaneeyaa in Ataaturki uu ragga kale kaga duwanaa dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsan yihiin labadaan soo socda:
Doodaha ku aaddan baahida loo qabo isbeddelka iyo casriyoobiddu carriga Turkiga waxay ka curteen 100 sano ka hor intii Ataaturki uusan soo bixin. Sidaa darteed, Ataaturki waxa uu haystay tiro dad ah oo aragtida la wadaagay, hirgelinteedana kala qayb-qaatay.
Ataaturki guulihii dagaalladii difaaca iyo xoraynta dalka uu ka soo hooyey baa heybad iyo halyeynimo huwiyey, bulshada Turkidana ku bixiyey in ilaa xad ay u dulqaataan go’aannada iyo tillaabooyinka uu qaaday ee qaarkood aysan jeclaysan. Dadka Turkidu waxay isku qanciyeen in Ataaturki uusan marna dadka iyo dalka meel xun ku furayn. Ataaturkina waxaa laga hayaa in uu yiri: “Shacabkayga inta gacanta qabto ayaan waddada ku hagayaa jeer laga hubsado in ay waddada cagta la heleen, oo ay toobiye toosan qaadeen. Markaas wixii ka danbeeya ayaga ayaa laga rabaa in ay doortaan waxay rabaan iyo in ay is-xukumaan. Xilligaas marka la gaaro aniga hawshaydu waa dhammaanaysaa /I will lead my people by hand along the road until their feet are sure and they know the way. Then they may choose for themselves, and rule themselves. Then my work will be done.”
Ataaturki waxaa kale oo laga wariyaa in uu yiri: “Colkii dowladaha badan ka koobnaa ee dalkayga ku soo duulay waan ka guulaystay. Xukuumaddii dalkaygana waan ka guulaystay oo khilaafadii jirranayd baan ka takhalusay. Haddana waxaan isweydiiyaa in shacabka Turkiga aan ka guulaysan karo, oo aan horumar iyo ilbaxnimo u horseedi karo iyo in kale?”
Labada qodob ee kor ku xusan, Ataaturki waxaa kala mid ahaa Xabiib Burqiiba. Hase ahaatee, Ataaturki iyo Burqiiba waxay ku kala geddisnaayeen in kan danbe uu muddo dheer oo rubuc qarni ka badan uu madaxweyne ahaa. Muddadaas in badan oo ka mid ahna wuxuu ahaa oday cutush ah oo lowlabay, oo aan lahayn karti uu dowlad ku maamulo, balse ahaa magac u yaal ay dad kale danahooda ku fushadaan. Taas oo ilaa heer sumcaddiisa dhaawac u geysatay. Ku Allahoode, waxay sheegaan in waayihii hore qabaa’ilka qaarkood ay lahaayeen caado ah in ubadku ay aabbahood dilaan marka uu gaboobo. Sidoo kalena, qabiilku ay ugaaskooda dilaan kolka uu duqoobo, iyada oo laga hortagayo ceeb ay u soo jiidaan qoyska iyo qabiilka darteed. Si taa la mid ah, ummadihii hore qaarkood markay muddo joogaanba mar bay ilaahood gubi jireen, si maanka dadka looga ilaaliyo in Eebbe duqoobay oo uu tabar dhigay. Run ahaantiina, way wanaagsanaan lahayd in xeerkaan lagu fuliyo qaar badan oo ka mid ah madaxda Afrika iyo Carabta.
Waxaana xusid mudan, in ururka al-Nahda ee dalka Tuunis oo muddo dheer canbaarayn jirey calmaaniyadda, bulshada dalkaasna ka iibin jirey in uu ka shaqaynayo sidii lagu heli lahaa dowlad islaam ah oo shareecada lagu xukumo, sanooyinkii danbe oo dhan uu suuqgeynayey in calmaaniyadda iyo islaamku ay isqaadan karaan. Tusaale ahaan Sheekh Raashid al-Ganuushi iyo madaxda kale ee ururku waxay keeneen fikrad ay u bixiyeen ‘Aragtida kala saaridda dacwada iyo siyaasadda /نظ رية فصل الدعوي عن السياسي’, oo ah aragti dulucdeeda dhabta ahi ay tahay in la kala saaro diinta iyo dowladda, waxayna wax ka ansaxiyeen dastuurka dalkaas, waxayna oggolaadeen xeerka qoyska dalkaas oo ka mid ahaa waxyaabihii horay loogu gaalaysiiyey Madaxweyne Xabiib Burqiiba.
Sheekh Raashid iyo saaxiibbadi waxa kale oo ay sheegeen in shareecada islaamka iyo dimoqoraadiyadda reer Galbeedku ay isku nuxur yihiin, oo sina aysan isku diidayn. Qaamuuska eraybixinnada islaamka siyaasiga ahna waxay ku soo dareen eraybixinno cusub sida ‘Dimoqoraadiyad islaam ah’ iyo ‘calmaaniyad iimaan leh,” iyo qaar kale oo badan.
Iyaga iyo Allahoode, waxay wariyeen in Xabiib Burqiiba marka uu rabo in uu qof dammiinnimo ku sheego, uu oran jirey: “Hebel wuxuu la mid yahay sida ninkii labaatanka sano ay wadaaddadu diinta barayeen, oo ay iimaanka iyo towxiidka u sharraxayeen, ee labaatan sano kaddib weydiiyey xiriirka qaraabonimo ee ka dhaxeeya Alle iyo awliyada saalixiinta ah?” Mustafa Kamaal Ataaturki iyo Xabiib Burqiiba oo labadaba ay wadaaddo badani gaalaysiiyeen, dalalkooda gudahooda waxaa looga aqoonsan yahay in ay yihiin ‘ugaasyada dalkooda,’ ayna la mid yihiin Gaandiga Hindiya, Nelson Mandelaha Koonfur Afrika, Degoolka Faransiiska iyo Garibaldiga Talyaaniga. Ataaturki iyo Burqiiba ummadahooda waxay bareen in muwaadiniintu aysan ku khasbanayn in ay diin wadaagaan, balse ay ku khasban yihiin in ay waddanka wadaagaan.
Calmaaniyaddu shardi lamahuraan ah bay u tahay dowladda-qaran ee madaniga ah, balse keligeed kuma filna ee waxay u baahan tahay dimoqoraadiyad run ah oo gebidhaclaynta ka ilaalisa. Calmaaniyadda iyo dimoqoraadiyaddu waa labo aaladood oo isxakameeya, oo midkoodna uusan shaqayn karin kan kale la’aantiis. Calmaaniyaddu waa in ay ixtiraamto xorriyadda damiirka ee muwaadiniinta, marka lagu daro xorriyadda diinta. Dowladda calmaaniga ahina waa in ay dhexdhexaad u noqoto muwaadiniinta oo idil, oo dhammaantood ay fursadaha iyo qaanuunka u sinnaadaan. Diimahan asal ahaan ulajeeddadoodu waxay ahayd in ay aadamiga u adeegaan, oo ay helaan caddaalad, sinnaan iyo ruux xasillan. Diinta iyo siyaasadda mid kasta waa in la dhigo meesha saxda ah ee uu leeyahay.
Faylasuufkii Baaruukh Isbinoosa (1632-1677) oo fiisigyahankii Aynishtaan uu sheegay in Ilaaha uu rumaysan yahay uu yahay kan Isbinoosa (=I believe in Spinoza’s God), markii wadaaddada Yahuuddu ay gaalaysiiyeen, iskuday dilna uu ka badbaaday, waxaa laga hayaa in uu yiri: “Hor iyo horraan waa in aan baranno sida wax loo fahmo,” wuxuuna qoray buug dhan oo uu mawduuca horumarinta fahanka uga hadlay. Eebbow fahanka noo hagaaji!!
(FG. Sawirrada hoos ka muuqda waa mar aan booqday dalka Tuunis. Meelaha aan booqdayna waxaa ka mid ahaa masjidka iyo jaamacadda Seytuuna oo ah middii ay dhigteen Daahir Xaddaad iyo Cabdicasiis Tacaalabi, isla markaana laga gaalaysiiyey iyaga iyo buugtooda).

Comments