Xakiim Sanaa'i iyo beerta xaqiiqada
Xakiim Sanaa'i iyo beerta xaqiiqada W/Q: Cabdisaciid Cabdi Ismaciil 5 June, 2020 "Indhaha nadiifka ahi, wax nadiif ah bay arkaan."
~ Xakiim Sanaa'i
"Kolka muraayadda maankaagu ay xumaato, malaa'igtu waxay yeelan kartaa weji sheydaan."
~ Xakiim Sanaa'i
Wadaaddada suufiyada oo ku sheeggan dhimrin, dulqaad iyo in aysan dhex gelin Alle iyo uunkiisa, waxay aad u adeegsadaan oraah hadda caan noqotay oo tiraahda: "Waddooyinka Alle tagaa waxay tiro le'eg yihiin neefta uunkiisa / الطرق إلى هللا بعدد أنفاس الخالئق". Wadaaddada suufiyadu si weedhaan - oo mararka qaarkood xadiis lagu sheego- ay sharraxaad uga bixiyaan, waxay xusaan qiso fac weyn oo asalkeedii hore ay Hindidu adeegsan jireen, haddase dunida oo dhan laga yaqaan. Waa qisada 'indhoolayaasha iyo maroodiga"(=blind men and an elephant /العميان والفيل).
Qisadu waxay leedahay: shan nin oo indhoolayaal ah, oo aan weligood maroodi arag, baa maalin waxaa la horgeeyey maroodi si ay u ogaadaan sida maroodigu uu u eg yahay. In dad aan wax arkin ay u baxaan si ay walax u daawadaan waa waalli cad, laakiin faduusha aadanuhu xad ma leh. Shanta indhoole maroodiga ma aysan arki karin, laakiin waxay awoodeen in ay taabtaan oo ay dareemaan. Mid kastaana wuxuu taabtay xubin jirka maroodiga ka mid ah, mid walibana isaga oo la kaashanaya aqoonta iyo khibradda uu nolosha u leeyahay ayuu isku dayey in uu tilmaan ka bixiyo sida maroodigu uu u egyahay. Midkii koowaad baa wuxuu taabtay lugta maroodiga wuxuuna sheegay in maroodigu uu u egyahay tiir ama geed jiriddi, midkii labaadna wuxuu taabtay saynta maroodiga wuxuuna sheegay in maroodigu uu u eg yahay xaaqin/minfiiq, midkii saddexaadna wuxuu taabtay gacanka maroodiga wuxuuna ku dooday in uu u egyahay tuubbo. midkii afraadna wuxuu taabtay dhegta maroodiga wuxuuna sheegay in uu u egyahay babbis ama marawaxad, kii shanaadna wuxuu taabtay caloosha maroodiga wuxuuna yiri maroodigu waa derbi.
Dabadeed, nimankii waxay ku murmeen sida maroodigu uu u egyahay, oo mid kastaa wuxuu ku adkaystay tilmaantii uu isagu bixiyey, ragga kalena wuxuu ku eedeeyey in ay yihiin beenaalayaan doonaya in ay dadka marin habaabiyaan.
Ugu danbayntii, waxaa soo dhexgalay nin indho lahaa oo dooddooda dhegaysanayey, oo ku yiri: "Ha dagaallamina. Qof khaldan iyo mid saxan midkoodna idinkuma jiro. Dhammaantiin dhib weyn baa idin haysta. Khilaafkiinna muran kuma aad xallin kartaan. Uma baahnidin in aad murantaan, laakiin waxaad u baahan tihiin in aad wax aragtaan. Uma baahnidin in aad maroodi ka fekertaan, balse waxaad u baahan tihiin in aad maroodi aragtaan. Kolka aad maroodi aragto oo keliya ayaad ogaan kartaa waxa maroodigu uu yahay."
Dulucda sheekadu waa in la muujiyo sida dadku ay ugu haystaan in khibraddooda shakhsiga ahi ay tahay xaqiiqo buuxda, iyaga oo ismoogaysiinaya aqoonta iyo khibradaha dadka kale ee la'aantood aan nolosha iyo jiritaanka laga helayn sawir dhammaystiran. Waxaa la yiri gabar macallimad ahayd baa carruur ay cashar siinaysay waxay uga sheekaysay qisadaan 'indhoolayaasha iyo maroodiga', waxayse illowday in ay carruurta u sheegto in raggu aysan wax arkayn. Kolkii ay sheekada dhammaysay bay ardaydii waxay weydiisay: "Nimankaani dad caynkee ah bay ahaayeen?"
Wiil yar oo ardaydii ka mid ah baa durba wuxuu la soo booday, "Waxay ahaayeen khubaro takhasus leh!" Marka mawduuc laga faalloonayo, dadka takhasuska lihi waxay caado u leeyihiin in mid waliba uu arrinka u jiito dhanka cilmiga uu isagu ku takhasusay, uuna iska indhotiro sida culuumta kale ay wax u arkaan. Taasina waxay horseeddaa in la waayo sawir dhammaystiran oo ku saabsan arrinka laga hadlayo.
Hubantidii, dhammaanteen waxaan la mid nahay indhoolayaashaas, oo waxaan ka hadalnaa qayb yar oo arrin ka mid ah, annaga oo u haysanna in qaybtaas yari ay tahay xaqiiqada oo dhan, dabadeedna waxaan la collownaa ama xataa aan la dagaallanaa cid kasta oo arrinkaas ka qabta fikrad teenna ka geddisan. Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Kant, waxaa laga hayaa murti macnaheedu uu yahay:
'Waan kuu tilmaami karaa sida dunidu ay iigu muuqato, laakiin kuuma sheegi karo sida ay dhab ahaan tahay.' Wadaadda suufiyadu sheekada 'indhoolayaasha iyo maroodiga', waxay tusaale ugu soo qaataan xaalka Eebbe iyo aadamiga. Aadanuhu Eebbe ma aysan arag, haddana qolo kastaa sida ay iyada la noqoto - oo ay buug ka akhrisay, ama ay wadaad ka maqashay ama ay maankeeda ka heshay- oo keliya bay Eebbe u sawirtaa, dadka kalena uma ay oggolaato in ay Eebbe ka qaataan sawir kooda ka duwan ama ay u bixiyaan magac kooda ka geddisan. Waana halkaas meesha ay ka askumaan khilaafaadka iyo colaadaha u dhexeeya diimaha iyo firqooyinku.
Dunida waxaa ka jira boqollaal diimood iyo kumanyaal firqo oo mid kastaa ay ku andacoonayso in iyada oo keliya xaqa la tusay. Sidee baa diimahaas iyo firqooyinkaas oo dhammi ay run ku wada noqon karaan? Runtu waa mid qura, laakiin afka iyo qaabka loo tebiyo ayaa kala duwanaan kara. Eebbe iyo diimuhu waxay la mid yihiin maroodigaas ay indhoolayaashu siyaabaha kala geddisan u qeexeen. Sida indhoolayaasha uu mid kastaa ugu qaatay in maroodigu uu yahay xubinta uu isagu taabtay oo qura, ayaa dadka diimaha kala duwan haystaa qolo kastaa waxay ugu haysataa in diinta ay iyadu haysataa ay tahay midda keliya ee saxda ah. Haddii aad buuggeenna iyo nebigeenna/weligeena rumayso jannada ayaa lagu geynayaa, haddii kalena cadaabta ayaa lagugu fogaynayaa.
Marka aad adeegsanayso erayada 'Alle, Eebbe ama Ilaah' ma garanaysaa waxa aad ka hadlayso? Waa maxay Eebbe? Waxaa laga yaabaa in aad u haysato in aad Eebbe taqaan, maadaama aad erayga maqashay, laakiin in aad erayga maqashay kama ay dhigna in aad macnihiisa taqaan. Erayadu waa summado aan iskood macne u samayn, oo had iyo goor macnahoodu uu ku xiran yahay aqoonta iyo khibradda cidda adeegsanaysa. Haddaba waa maxay khibradda aad Eebbe u leedahay? Sida dayaxa iyo farta lagu fiiqaa aysan isku midka u ahayn, baan Eebbe iyo sawirka dadku ka bixiyaan isku mid u ahayn [=ما عرفناك حق المعرفة].
Labo kun iyo shan boqol oo sano ka hor, feylasuuf Giriig ahaa oo la oran jirey 'Xenophanes ( 570-478 ee miilaadiga ka hor)' baa wuxuu qoray: "Dadku waxay u haystaan in ilaahyadu ay dhashaan, ayna dhar xirtaan, ayna leeyihiin codad iyo muuqaallo iyaga u eg.
Laakiin dibida, fardaha iyo libaaxyadu haddii ay gacmo yeelan lahaayeen, oo ay awoodi lahaayeen in sida dadka oo kale ay gacmahooda wax ugu sawiraan, farduhu waxay sawiri lahaayeen ilaahyo iyaga u eg, dibididuna ilaahyo dibi ah, mid waliba ilaah wuxuu u yeeli lahaa muuqaal kiisa u eg. Itoobiyaanku (=Afrikaanka madow) waxay u haystaan in ilaahyadu ay leeyihiin midab madow iyo san fidsan; Tarayshiyaankuna(=Dadka Indo-Yurubiyanka ah) waxay u haystaan in ilaahyadu ay leeyihiin indho cagaaran iyo timo cas."
Berigii Sinoofenis uu noolaa, dadka dunida ku nool badankoodu waxay rumaysnaayeen in ay jiraan ilaahyo badan oo midkastaa uu hawl gaar ah ku takhasusay. Dadku waxay ogaayeen in qofka ay ku adagtahay in uu qabto hawl badan oo kala duwan, ilaahyadana xaaladdooda ayay ku metaleen oo waxay u qaateen in uusan jiri karin hal ilaah oo awooda in keligiis uu maamulo ummuuraha koonka oo idil. Sidaa awgeed, waxay sawirteen jiritaanka ilaahyo badan oo mid waliba uu shaqo gaar ah qabto. Ilaaha wax abuura in uu cid dilo lagama filan karin, sidoo kale baa waxaa kala duwanaa ilaaha roobka iyo kan abaarta, kan dagaalka iyo kan nabadda, kan jacaylka iyo kan nacayba, kan quruxda iyo kan foolxumada,...iqk. Dadku waxay rumaysnaayeen in ilaahyadaas badani qaarba ay leeyihiin muuqaalka iyo dabciga qayb dadka ka mid ah. Farqiga keliya ee dadka iyo ilaahyada u dhexeeyey wuxuu ahaa in ilaahyadu ay ka awood badan yihiin dadka, oo haddii dadku ay leeyihiin labo gacmood iyo labo indhood oo keliya, ilaahyadu waxay yeelan karaan kun gacmood iyo kun indhood oo fursad u siinaya in ay wax walba ogaadaan, wax walbana awoodaan.
Maanta dadka dunida ku nool, in ka badan kalabar waxay haystaan diimaha lagu sheego in ay yihiin towxiidiga ama ibraahiimiga (=Yahuudiyadda, Kirishtanka iyo Islaamka), waxayna rumaysan yihiin in uu jiro hal ilaah oo keli ah. Sidaas oo ay tahay, wadaaddada diimaha kala duwani qolo kastaa Eebbe waxay u sawirtaa sidii in uu yahay afhayeen ay iyagu u igmadeen difaacidda danaha beeshooda oo keli ah.
Eebbe qalbiga ayaa lagu ogaadaa ee caqliga laguma ogaado. Dadkuna qalbiga kama sinna, oo mid kastaa dareen gaar ah buu leeyahay. Mana jiraan labo ruux oo qalbigoodu sawir boqolkiiba boqol isku mid ah uu Eebbe ka siiyo.
Sidaa darteed, dadka ku takhasusa diimaha, siiba kuwa takhasusa caqiidada iyo doodaha la xiriira jiritaanka iyo jiritaan la'aanta Eebbe, badankoodu labo xaaladood bay mid ku danbeeyaan. In ay munaafaqiin noqdaan ama in ay mulxidiin noqdaan [=انتهى عقل العقالء إلى الحيرة]. Suufigii Xakiim Sanaa'i oo aad mooddo in uu xaqiiqadaan tilmaamayaana meeris gabaygiisa ka mid ah wuxuu ku yiri: "Rumaynta iyo rumayn la'aantu, labaduba waxay ka soo fulaan qalbigaaga munaafaqa ah."
BELIEF AND UNBELIEF
BOTH HAVE THEIR ORIGIN
IN YOUR HYPOCRITE’S HEART
Iimaanku halkee buu ka yimaadaa? Iimaan la'aantuse halkee bay ka timaaddaa? Labaduba isku meel bay ka yimaadaan; qalbi aan si buuxa u qanacsanayn bay ka soo fulaan. Ruuxa mu'minka ahi wuxuu yiraahdaa: "Waa rumaynayaa, laakiin ma hubo in uu jiro." Mulxidkuna wuxuu yiraahdaa: "Ma rumaynayo, laakiin waa laga yaabaa in uu jiro."
Waxaa la wariyey in saxaabada nebiga qaarkood ay nebiga u tageen kuna yiraahdeen: Rasuulkii Allow naftayada waxaan ka helnaa arrin ay nagu adagtahay in aan afka soo marino. Nebiguna wuxuu yir: "Miyaad hesheen?" Waxay yiraahdeen: "Haa." Markaana nebigu wuxuu ku yiri: "Kaasi waa iimaan cad /ن اِإلِإلي َما ِحَذَذا َك َصَص ِري ُُ ", ama wuxuu yiri: "Taasi waa iimaan saafi ah /نلي َما ِْ ا ِإِإضُُحَكَك َم ْلِتِت ْْ ". Nebigu nafsad ahaan buu u daaweeyey saxaabada. Maxaa yeelay, wuxuu ogaa in haddii uu yiraahdo ciddii shakidaa iimaan ma ay laha, uusan helayn hal qof oo qanaaco buuxda ku rumeeya. Waa kuma ruuxa aan shakin? Soo culumada caarifiinta ah qaarkood kuma ay ducaystaan: "Rabbow shakiga ii kordhi /ربي زدني تحيرا". Shakiga ayaa if iyo aakhiraba lagu tanaadaa.
Wadaaddada diimaha ee kaniisadaha, macaabidda iyo masaajidda dhoobani afka waxay ka sheegtaan in ay Alle iyo anbiyo rumaysan yihiin, laakiin marka si dhab ah loogu kuurgalo waxaa la ogaanayaa in 99% aysan waxba rumaysnayn ee ay xeeriyaan biilka reerkooda ama ay ka cabsadaan falcelinta bulshada. Mulxidiintu, inkasta oo aysan mu'miniinta ka saxsanayn, haddana ugu yaraan waa ay ka daacadsan yihiin.
Mulxidiintu waxay ku doodaan: Eebbe waan baarnayn, waxna waan weynay, halkaas bayna nooga ekaanaysaa, oo raadintiisa waqti danbe ku dhumin mayno. Wadaaddada suufiyada ee diimaha kala duwani, iyagu iskuma mashquuliyaan doodaha ku aaddan in Eebbe caqli lagu caddeeyo. Waxay aamminsan yihiin in iimaanku uu la mid yahay jacaylka. Sida la ogyahayna, Jacaylka maanku ma hago ee waxaa haga wadnaha. Wiilka ama gabadha wax jeclaaday isma weydiiyaan sababta ay u jeclaadeen qofka ay calmadeen. Si taa la mid ahna, waa jahli iyo garaad li'i in laga murmo in ay jirto diin mid kale ka fiican, ama sawir Eebbe laga haysto oo mid kale ka saxsan. Suufigii gabygaaga ahaa ee Xakiim Sanaa'i oo horay mas'aladaan wax isaga weydiiyeyna wuxuu yiri:
"Albaabkiisa [=Eebbe] maxaa farqi ah oo u dhexeeya Muslimka iyo Masiixiga, kan dhawrsada iyo denbiilaha?
Albaabkiisa kulligood wax bay raadinayaan, isaguna waa la raadiye."
At his door, what is the difference
between Moslem and Christian,
virtuous and guilty?
At his door all are seekers
and he the sought.
Suufigii Ibnu Carabina waa kii meerisyada caanka ah ku lahaa:
"Qalbigaygu wuxuu noqday mid qaab kasta yeelan kara.
Waa daaqsin deero iyo mawlac wadaad.
Waa aqal sanamyo yaallaan iyo kacbo lagu dawaafo.
Waa looxda Towreedka iyo baalasha quraanka.
Waxaan rumaysnahay diinta jacaylka meel kasta oo geeddigeedu uu u jiheysto... Jacaylka ayaa ah diintayda iyo iimaankayga."
ن لرهبا ِر صور ٍة... َفمرعى لغزالن ودي ُلًك ُُللقد صار قلبي قابًا
طائة الوثا ٍن وكعب ُتوبي ُُ ن قرا ِف تورا ٍة ومصح ُُحٍف... والوا ديني وإيمانيب ... فالح ُُها توجهت ركائب ُُن أ ّب بديِنِن الح ُُنَأدي ُ
Diimaha mid kastaa waxay xanbaarsan tahay ilbaxnimo, khibrad iyo suugaan ay malaayin dad ahi boqollaal sano ka qaybqaadanayeen, waana doqonnimo iyo xishood la'aan in la yiraahdo: diin heblo waa xun tahay ama diintaan baa teer ka fiican. Dhammaan nebiyda taariikhda lagu xusay mid kastaa farriintiisa wuxuu u gudanayey si waafaqsan waqtigii, goobtii iyo duruufihii uu ku noolaa (=Islaamka maanta jiraa ma aha kii nebi Muxamed uu ogaa, balse waa islaam muddo afar iyo toban qarni ah isbeddeleyey, mustaqbalkana inta dad muslimiin ahi ay jiraan isbeddeli doona).
Suufigii weynaa ee Xakiim Sanaa'i qofka isku daya in uu caqligiisa Eebbe ku ogaado wuxuu ku metalay in uu la mid yahay ruux indho la' oo doonaya in uu tilmaamo sida uu u eg yahay muuqaalka hooyadi/hooyadeed. Sagaal bilood baad ku jirtey riximka hooyadaa, ee maxaad ka ogtahay sida riximka hooyadaa uu u e'kaa?
Your intellect is just a hotch-potch Of guesswork and thought, Limping over the face of the earth; Wherever they are, he is not; They are contained within his creation. Man and his reason are just the latest Ripening plants in his garden. Whatever you assert about his nature, You are bound to be out of your depth, Like a blind man trying to describe The appearance of his own mother. While reason is still tracking down the secret, You end your quest on the open field of love. Haddii cidi kugu tiri rumaynta Alle caqli iyo cilmi bay u baahan tahay, ciddaas been bay kuu sheegtay. Iimaanku caqli iyo cilmi toona uma baahna, wuxuu u baahan yahay caqli aan faduul badnayn, oo sida addoonka wixii loo sheego isaga qaata.
Qofka isku daya in uu Eebbe caqli iyo cilmi ku ogaado, waxa qura ee uu ka dheefaa waa in waddadu ku dheeraato, oo goor tabari ka dhammaatay uu ku ducaysto "Eebbow waxaan ku weydiistay iimaan la mid ah kan habraha /اللهم إيمانا كإيمان العجائز". Xakiim Sanaa'i oo xaqiiqadaan si fudud oo qeexan gabaygiisa ugu cabbiray wuxuu yiri:
Dhabbadu waxay u dheertahay oo keliya,
Maxaa yeelay adiga ayaa ka daahay in aad qaaddo.
Tillaabo qura,
Ayaa isaga [=Eebbe] kuu keenaysa.
Addoon noqo,
Aad boqor isu rogtide.
The way is only long, Because you delay to start on it. One single step, Would bring you to Him. Become a slave, And you will be a king. Culumada diimaha ku takhasusay waxaa ka iimaan badan habraha aan wax qorin, waxna akhrin, iyaguna Eebbe iyo anbiyada kuma ay murmaan. Tusaale ahaan, haddii ayeydaa, islaan Buudi ah, mid Hinduus ah, mid Yahuudi ah, iyo mid Kirishtan ahi ay meel isugu yimaadaan, waxay u badan tahay in ay Abbaay Sitida wada qaadi lahaayeen. Buuda, Ciise, Kirishna, Maxamed iyo Muusana aysan soo hadal qaadeen (=Waddamada ay ku noolyihiin dadka kala diinta ah, in arrinkaan oo kale uu ka dhaco waa ku badan tahay).
Ku Allahoode, Soomaalidu waxay sheegaan in haweenay rati u kici waayey ay Shiikh Cabduqaadir u dhawaaqatay iyada oo leh: Shiikh Cabduqaadirow! Shiikh Cabduqaadirow! Shiikh Cabduqaadirow!
Dabadeed, dad baryadeeda maqlayey baa waxay weydiiyeen: Xaajiyo heblo, horta Shiikh Cabduqaadir ma taqaan? Waxay tiri: Maandhooyinow wadaadkaas islaameed ma aqaan ee ratigayga baan ku kacsanayey!
Sida dhabta ah, aqoonta aadanuhu -siiba wadaaddada diimuhu- ay Eebbe u leeyihiin waa ka yar tahay aqoonta islaantaasi ay Shiikh Cabduqaadir u lahayd, laakiin iyaguna Eebbe danahooda bay ku qunsadaan oo damac ama cabsi baa ugu wacan hadalhaynta Eebbe (=Ugu yaraan haweenaydu waxay hillaadin kartay in Shiikh Cabduqaadir uu yahay aadane muuqaalkeeda oo kale leh).
Yeelkadeede, wadaaddada suufiyada ah ee qisada 'maroodiga iyo indhoolayasha' dhigaalladooda ku xusay waxaa ka mid ah Xakiim Sanaa'i, Jalaaludiin Ruumi iyo Imaam Abuu Xaamid al-Gasaali. Qisada markii hore gabyaagii suufiga ahaa ee Xakiim Sanaa'i baa wuxuu ku xusay buuggiisa "Beerta xaqiiqada iyo dhabbada shareecada / حديقة الحقيقة وشريعة الطريقة", laakiin goor danbe waxaa sii faahfaahiyey suufigii Jalaaludiin Ruumi oo ku xusay buuggiisa "Matnawi", una bixiyey "Maroodigii qolka mugdiga ah ku jirey."
Ruumi isaga oo tilmaamaya sida garashada qofka aadamiga ahi ay u kooban tahay ayuu wuxuu yiri: "isha wax dareentaa waxay la mid tahay sacabka gacanta oo keli ah. Sacabku mar qura walaxda oo idil ma uu taaban karo / ، مثل كف اليد فحسبسّّ وعين الح وليست لكف واحدة قدرة اإلحاطة به ككل". Ruumi isaga oo hadalka sii wata ayuu wuxuu yiri: Haddii ruux kastaa uu shamac qaadan lahaa, isku marna ay u tagi lahaayeen kala duwanaantu meesha waa ka bixi lahayd. Ruuxa isku daya in uu wax walba dareemayaashiisa ku ogaado, dhalanteed eber ah buu gacanta ku dhigaa.
Fekerka iyo suugaanta suufiyada islaamka xooggiisa waxaa lagu curiyey afka faarisiga, waxaana curiyey muslimiin ku abtirsada qowmiyadda faarisga ama Iiraanida. Labada af ee dunida islaamka ugu saamaynta badani waxay ahaayeen afka carabiga oo ah afka kitaabka quraanku uu ku qoran yahay, muslimiintuna ay aad u barakaystaan iyo afka faarisiga ama beershiyaanka oo looga hadli jirey dhul aad u ballaaran oo u dhexeeyey dhulka hadda loo yaqaan Iiraan iyo Ciraaq tan iyo gudaha dalka Shiinaha.
Suugaanta suufiyada ee ku qoran afka faarisiga waxaa tiirar u ah saddexda suufi ee kala ah; Xakiim Sanaa'i (1045-1131), Fariidudiin al-Cataar (1117-1231) iyo Jalaaludiin Ruumi (1207-1273), oo saddexduba ka tirsan muslimiinta Sunnada ah.
Raadka saddexdaan suufi ay ku yeesheen maansada faarisiguna waxay keentay in lagu doodo in uusan jirin gabyaa afka faarisaga maanso ku tiriyey oo aan suufi ahayni. Waxaana la sheegaa in saddexdoodu ay si dadban macallimiin isugu ahaayeen, oo inkasta oo aysan si toos ah arday iyo macallin isugu noqon, haddana ay afkaarta kala dhaxleen. Jalaaludiin Ruumi oo saddexdooda ugu da' yaraa, oo ka sheekeeyey saamaynta Sanaa'i iyo Cataar ay ku lahaayeen, wuxuu yiri: "Cataar waa ruuxda, Sanaa'ina waa labada indhood, waxaan imid Sanaa'i iyo Cataar gadaashood."
Ruumi aad buu u jeclaa Xakiim Sanaa'i, isaga oo wax nooga tilmaamaya sababta uu u jecel yahayna wuxuu yiri: "Sanaa'i wuxuu sheegaa wax walba oo aan ka baqno in aan sheegno." Marar badanna waxaa dhaca in la isku khaldo Sanaa'i iyo Ruumi, oo maanso ama meerisyo midkood uu leeyahay kan kale la siiyo. Tusaale ahaan, filinka magaciisu yahay "Muuqaalka biyaha /The shape of water", wuxuu ku dhammaadaa meerisyo gabay ah oo uu marinayo ruux aan loo jeedin. Waa meerisyo oranaya: "Anigu ma garan karo muuqaalka. Waxaan kaa helaa hareerahayga oo idil. Jiritaankaagu indhahayga wuxuu ka buuxiyaa gacaladaada. Wadnahayga waxaa jilciya, in aad meel walba joogto /Unable to perceive the shape of you. I find you all around me. Your presence fills my eyes with your love. It humbles my heart. For you are everywhere."
Meerisyadaan la ma yaqaan cidda dhab ahaan u tirisay, waxa qura ee laga sheegay waa in ay yihiin 'dhanbaal caashaq' oo boqollaal sano ka hor qof muslim ahi uu u diray Eebbihiis oo uu calmaday. Laakiin durba markii filinku soo baxay, dadku waxay u kala jabeen labo kooxood oo midi ay meerisyada Ruumi siisay, tan kalena Sanaa'i. Labada qolo midina marag uma hayso dooddeeda, laakiin waxay sheegeen in erayada iyo macnaha meerisyadu ay labaduba u eg yihiin kuwa Sanaa'i iyo Ruumi.
Dhab ahaantii, meerisyadaan waxaa curin kara gabyaa kasta oo aqoon u leh quraanka kariimka. Maxa yeelay, meerisyadu waxay la macne yihiin aayado badan oo quraanka ku soo arooray, sida aayadda oranaysa: "Meel kasta oo aad u jeedsataan waa wejiga هُُج َو ْموا َف َث َّلَو ُّتَن َما ُيَفَأَأ ْ" iyo midda kale ee oranaysa: "[Eebbe] waa kan [jiho] Eebbe / ا ل horreeyey, waana kan danbayn, waa kan muuqda waana kan qarsoon / هو األول واألخر والظاهر والباطن". Sida la ogyahayna wadaadda suufiyadu Eebbe waxay ku tilmaamaan in uu yahay 'Xabiib' iyo 'Runta'.
Waxaana la sheegaa in buugga Sanaa'i ee 'Beerta runta iyo waddada shareecada' oo sidoo kale loogu yeero 'Buugga Alle /إلهي نامة' uu raad weyn ku leeyahay buugga Ruumi ee 'Masnawi Macnawi' iyo kan Sacdi Shiiraasi ee 'Bustaan', oo labaduba safka hore uga jira dhigaallada fikirka iyo suugaanta tasawufka ee Islaamka. Tusaale ahaan, dadka qaarkood waxay sheegaan in sababta Jalaaludiin Ruumi ku bixisay in uu curiyo maansada ku qoran buuggiisa "Masnawi Macnawi", ay ahayd codsi uga yimid xerow ka mid ahaa ardaydiisa oo la oran jirey 'Xusaamudiin Jalabi', oo shiikhiisa kula taliyey in uu curiyo maanso u dhiganta "Beerta Runta" ee Xakiim Sanaa'i ama "Shirkii Shinbiraha" ee Fariidudiin al-Cataar.
Xaqiiqadii, Xakiim Sanaa'i saamayn kuma uu lahayn Cataar, Ruumi iyo Sacdi oo keli ah, balse wuxuu saamayn ku yeeshay badiba dadka gadaashiis afka Faarisiga ku maansooda. Maansoyahannada caanka ah ee uu raadka ku yeeshay waxaa ka mid ah Nuuradiin Cabdiraxmaan Jaami oo noolaa qarnigii 15-aad iyo Maxamed Iqbaal oo noolaa qarnigii 20-aad iyo facyaashii u dhexeeyey. Waxaana jira dad ku dooda in abwaankii Talyaaniga ahaa Dante Aligeri ka hor inta uusan qorin buuggiisa "Majaajillada Eebbe /Divine Comady", uu si qotodheer uga bogtay buugga Xakiim Sanaa'i ee "Safarka Addoomada Alle Ee Meesha Loo Noqonayo /سير العباد إلي الميعاد". Guud ahaan, waa la isla qiray raadka Sanaa'i uu ku reebay suugaanta afka faarisiga iyo tan suufiyada. Waxaana lagu doodaa in saamaynta suugaantiisu ay ka ballaaran lahayd sida ay hadda tahay, magaciisuna uu aad u faafi lahaa haddii maansadiisu ay ahaan lahayd mid fudud oo dad badani ay si sahlan ku fahmi karaan. Sanaa'i qudhiisana waxaa laga sheegaa in uu yiri: "Waxaa i fahma sixiroolayaasha oo keli ah." Isaga oo ka wada waxaa i fahma dadka intooda garashada sare leh.
Xakiim Sanaa'i oo lagu magacaabo 'Abuu al-Majdi Majduud ibn Adam', wuxuu ku dhashay, kuna dhintay magaalo la yiraahdo Gasna ama Gasni oo hadda ka tirsan dalka Afganistaan. Sida la sheegana qaybtii hore ee noloshiisa ma uusan ahayn wadaad suufi ah, ee wuxuu ahaa gabyaa meherad ka dhigtay in uu boqorrada ammaano, mararka qaarkoodna uu la taliye u noqdo. Hayeeshee, waa danbe ayuu suufi u xuubsiibtay. Waxaana la tebiyaa dhacdo la sheego in ay sabab u ahayd in uu wadaad noqdo.
Dhacdada oo labo qaab oo xoogaa kala duwan loo wariyo, middood waxay leedahay sidatan: Suldaankii Gasna ee 'Bahram Shah' baa wuxuu go'aamiyey in uu duullaan ku qaado dhulka Hindida mushrikiinta ah ee ay deriska yihiin. Xakiim Sanaa'i oo markaas ahaa gabyaaga suldaanka, kana mid ahaa ragga aan laga waayin golaha Suldaanka, waxaa looga yeeray aqalka madaxtooyada si uu uga mid noqdo ragga boqorka ku wehelinaya duullaanka. Waayo, waxaa la ogyahay in waagaas gabyaagu uu ku jirey kaalinka wasaaradda warfaafinta oo colaad iyo nabad labadaba aan looga maarmi jirin.
Sanaa'i isaga oo diyaarsaday gabayadii uu ka tirin lahaa munaasabaddaas ayuu wuxuu aaday xaruntii madaxtooyada. Hase ahaatee, intii uu ku sii socday baa dhegihiisu waxay maqleen hees iyo muusig macaan oo qalbidaraandar ku riday. Wax badan buu heeso iyo muusig maqlay, laakiin kuwii uu maalinkaas maqlay wax la mid ah horay uma uu maqal. Wuxuu ahaa cod iyo laxan duni kale ka imaanaya, ruux kasta oo maqlaana uu ku sakhraamayo. Wuxuu ku leexday meeshii codku uga baxay. Markii uu ku soo dhawaadayna wuxuu arkay koox dhallinyaro ah oo beer dhexdeed dhaanto iyo dheelaas ku haysta -heeso, muusig, dhaanto iyo koobab khamro ah.
Dhallinyarada waxaa la joogey suufi dhulkaas caan ka ahaa oo lagu magacaabi jirey 'Lai Khur', laakiin aalaaba loogu yeeri jirey naynaasaha 'Waalane' iyo 'Sakhraansane'. Dadkuna ay ku murmi jireen sababta uu mar walba la sakhraansan yahay, oo dadka qaarkood waxay oran jireen khamro uu cabbo ayuu la sakhraamaa, halka kuwo kale ay ku doodi jireen in uu ku sakhraamo digriga iyo maxabada Alle, khamraduna ay tahay xeelad uu dadka isaga didiyo, si aysan ugu mashquulin karaamaadkiisa, oo aysan u dhexgelin xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Eebbihiis. Dadka qaba in Lai Khur uu ku sakhraamo khamro uu cabbay darteed, hadalkiisa waxba kama ay soo qaadi jirin, oo waxay u arki jireen cantarabaqash ruux sakhraansani uu yiri. Laakiin si taa ka duwan, dadka aamminsan in uu maxabadda Alle ku sakhraamo, hadalkiisa waxay u arki jireen ilhaam ama waxyi xagga Alle looga sheego (=Lai Khur wax xog ah oo sheekadaan dhaafsiisan lagama hayo, sidaas oo ay tahayna waxaa lagu xusaa boqollaal buugta tasawufka ka mid ah, sababtuna waa qisadaan isaga iyo Xakiim Sanaa'i sida dadban u dhexmartay, oo magaciisa ka dhigtay mid maanka suufiyada ku waara).
Xakiim Sanaa'i markii uu soo gaaray beerta barbaarta iyo Lai Khur ay joogeen, isma uu tusin ee geed gadaashi buu ku gabbaday isaga oo heesahooda iyo hadalkooda ka dhegnuugsanaya. Durbadiiba, Lai-Khur ayaa wuxuu codsaday in khamro la soo daadiyo, markii khamradii la soo shubayna, wuxuu yiri: "Aan u niyeysanno in Suldaan Bahram Shaah uu indho beelo." Hase ahaatee, barbaartii ayaa dhibsaday in suldaanka indho la'aan loogu duceeyo. Waxay ku cawdeen in suldaanka oo caddaalad iyo garasho ku sheeggan, aan loo quurin indho la'aan iyo dhib kale toona.
Lai Khur oo aan doodda dhallinyarada garaysanna, isaga oo qoslaya buu wuxuu yiri: "Suldaanku waa istaahilaa in uu aragga beelo, maxaa yeelay waa dhoohane aan waxba kala ogayn. Haddii uusan doqon ahayn dhul fog duullaan ugama uu baxeen. Duullaanka Hindiya maxaa laga dheefayaa? Dhimasho, burbur, barakac, iyo ugu yaraan waqtigiisa iyo waqtiga dadka kale oo luma mooyee ma wax kale baa laga macaashayaa? Maxay tahay doqonnimada taa ka weyni? Suldaanku waa indhoole, haddii uu arag iyo aragti leeyahay gurigiisa ayuu joogi lahaa, wuxuuna ka shaqayn lahaa sidii uu qalbigiisa iyo dhulkiisa janno uga dhigi lahaa. Ma jiro wax macne ah oo ku jira duullaanka uu suldaanku qaadayo oo aan ka ahayn damac suldaanka indhotiray."
Mar labaad ayaa Lai Khur wuxuu codsaday in khamro la soo shubo. Kolkii la keenayna wuxuu yiri: "Aan ula niyoonno in Xakiim Sanaa'i uu indho beelo." Dhallinyaradii eraygaas aad bay uga dhirfeen, waayo Xakiim Sanaa'i wuxuu ahaa gabyaa ay aad uga helaan maansadiisa iyo xikmaddiisa. Waxay yiraahdeen: waa laga yaabaa in suldaanka damaca iyo boqortooyadu ay indho tireen, laakiin maxaad ku maagtay Xakiim Sanaa'i oo daacadnimadiisa iyo xikmaddiisa aan ka wada dheregsannahay?
Lai-Khur wuxuu ku jawaabay: Sanaa'i baa ka indho la' suldaanka, waayo boqorka waxaa loogu cudurdaari karaa jahli iyo in damacu uu ka saa'id caleeyey, laakiin Sanaa'i maxaa loogu cududaarayaa? Waa caalim aqoon iyo xikmad lagu tuhmo, laakiin muxuu ku qabtay aqoontii iyo xikmaddii? Boqor miskiin ah oo sidiisa oo kale u dhimanaya ayuu ammaan uga dhigay. Marka Eebbe weydiiyo cilmigaagii iyo xikmaddaadii maxaad ku qabatay, muxuu ku jawaabayaa? Ma wuxuu oranayaa boqorrada ayaan ku ammaani jirey? Sanaa'i baa suldaanka ka dammiinsan, marka waa in isaga aan labo koob u la niyoonaa.
Erayadaasi waxay ahaayeen sidii dhulgariir Xakiim Sanaa'i uu la kulmay, isla markiiba waxaa ku dhacay waxa wadaaddada Buudiyadu ay ugu yeeraan 'satori' oo ah dareen qofka madaxiisa majo u roga, oo noloshiisa si buuxa u saameeya. Waa dareen ka dhigan in qofku uu dib u dhashay, oo uu ku dhaco baraarug keena in uu bilaabo feker iyo qaab nololeed cusub oo ka duwan kii uu horay ugu noolaa. Lai-Khur wuxuu Xakiim Sanaa'i ugu jirey, halka mar danbe Shamsudiin Tabriisi uu u galay Jaluuludiin Ruumi.
"When the path ignites a soul, there's no remaining in place.
The foot touches ground, but not for long." Xakiim Sanaa'i
Sanaa'i wuxuu u tagay Suldaan Bahraam Shaah, wuxuuna u sheegay in uusan duullanka u raacayn, hadda ka dibna uusan diyaar u ahayn in uu tiriyo gabayo ammaan ah. Suldaanku dhankiisa wuxuu isku dayey in uu ka joojiyey go'aankaas, wuxuuna ku damac geliyey in uu ku xigeenkiisa u magacaabayo, inanta qura ee ay walaalaha yihiinna uu ku darayo. Laakiin Sanaa'i waa ka cudurdaartay, wuxuuna sheegay in uusan maal iyo mansab adduunyo u baahnayn, ee uu doonayo in uu naftiisa xor u ahaado.
Xakiim Sanaa'i markii uu ka tagay golihii suldaan Bahram Shah, durba wuxuu u kicitimay dhulka Xijaas ee xarameynku ay ku yaallaan, halkaas oo uu cumro, xaj iyo siyaaro ku gutay. Intaa ka dibna, wuxuu ku noqday magaaladii uu ku dhashay, wuxuuna ku biiray xerta wadaad la oran jirey Yuusuf Xamdaani. Muuddo ka dibna, wuxuu soo saaray maansada dheer ee lagu magacaabo "Beerta runta iyo waddada shareecada", dadka qaarkoodna ay ugu yeeraan "Beerta Runta Ee Meegaaran /The Walled Garden of Truth". Waa maanso aad u dheer oo Sanaa'i uu ku cabbiray afkaartiisa ku aaddan Eebbe, caqliga, jacaylka iyo guud ahaan aragtida uu ka aamminsan yahay if iyo aakhiro. Tan iyo waagaasna maansadaani waxay ka mid noqotay dhigaallada aasaaska u ah fekerka suufiga islaamka.
Xakiim Sanaa'i wuxuu leeyahay ku dhawaad toban buug oo gabayo ah, laakiin dhammaantood waxaa ugu caansan buuggaan "Beerta runta" ama "Beerta runta ee meegaaran" iyo "Safarka Addoomada Alle Ee Meesha Loo Noqonayo".
Xakiim Sanaa'i doodda gabaygiisa wuxuu ku bilaabayaa in Eebbe aan caqli lagu ogaan, asal ahaanna aysan jirin sabab Eebbe loo raadiyo. Gefka oo dhammina uu bilowdo marka la isku dayo in Eebbe la raadiyo la isku hawlo in Eebbe la ogaado). Waayo, adiga iyo Eebbe masaafo idiin dhaxaysaa ma ay jirto. Eebbe kaama dheera ee naftaada ka raadi. Adiga iyo Eebbe labo ma tihidin. Wareerka iyo fahan la'aantu waxay ka dhashaan labo noqoshada. Haddii aad doonayso in aad Eebbe ogaato, marka hore naftaada ogow, labayntana meesha ka saar. Marka aad sidaa yeesho, Eebbe isaga ayaa iskaa tusaya.
We tried reasoning our way to Him: it did not work; but the moment we gave up, no obstacle remained. He introduced himself to us out of kindness: how else could we have known him? Reason took us as far as the door; but it was his presence that let us in. But how will you ever know him, as long as you are unable to know yourself? Once one is one, no more, no less: error begins with duality; unity knows no error. Cinwaanka maansada ee 'beerta meegaaran /walled garden', wuxuu leeyahay labo macne oo if iyo aakhiro kala tusiya. Erayga Faarisiga ah ee 'Firdows' oo macnihiisu yahay beer ama janno, asalkii hore wuxuu ahaa magac loogu yeero beer derbi ku meegaaran yahay oo ku taal dhul qarfe ah. Erayga 'Firdows' waxaa laga soo qaatay erayga 'Pairidaēza', oo ah eray ka mid ah afkii Afestaha (=Avesta) ee Beershiyaankii hore ay ku hadli jireen. Waana isla erayga afafka reer Galbeedka badankoodu ay ka ammaahdeen erayga ay jannada ugu yeeraan ee 'parádeisos ama paradise'.
Sida culumada baara diimaha iyo falsafaduhu ay sheegaan, Saraatustara oo ah nebiga loogu abtiriyo diinta Saraadashtiga ee Beershiyaankii hore ay haysteen, wuxuu rumaysnaa in maanka iyo ruuxda aadanuhu ay si joogto ah isu beddelaan, horumarna u sameeyaan.
Sida culumadaani ay qabaan, Saraatustara wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee adeegsada erayga "Horumar /Progress", wuxuuna aamminsanaa in timaaddadu ay dhaamayso tagtada, dadkuna horumarkooda iyo mustaqbalkooda ay mas'uul ka yihiin. Saraatustara wuxuu sheegay in koonka uu ka socdo loollan u dhexeeya kheyrka iyo sharka ama mugdiga iyo iftiinka, dadkana ay la gudboontahay in ay u hiilliyaan runta iyo xaqa.
Saraatustara waxay la ahayd in sida wanaagga loogu hiillin karo, horumarna lagu samayn karo ay tahay in lala yimaado erayo wanaagsan, fikrado wanaagsan iyo ficillo wanaagsan (=Good words, Good thoughts and good deeds motto). Siyaabaha falka wanaagsan loo samayn karana waxaa ka mid ah in dhulka la beerto. Sidaa awgeed, dadkii haystay diintaani waxay u jeesteen qodaalka beeraha. Dhulkii dadkaani degi jireen oo qayb lixaad lihi ay ahayd qarfe oomasoore ah darteed, waxaa loo baahday in la jeexo kannaalo biyaha webiyada qaada oo geeya dhulalka fog ee qarfaha ah. Waxaana dhici jirtey, in dad dhul oomasoore ah ku safrayaa ay si kado ah uga soo dul dhacaan beer meegaaran oo ku taal meel geeri go'an ah oo aysan nolol ka filayn. Dadkaasi marka ay beerta yimaadaan, ee ay ka helaan cabbitaan qabow iyo miro macaan oo ay cunaan, waxay dareemi jireen farxad iyo riyaaq ay u qaataan in ay duni kale tageen, oo ruuxdooda ayaa samada u safri jirtey. Waxaana baxay erayga 'pairidaēza' oo gadaal danbe laga qaatay erayada "Firdoows' iyo 'Paradise', oo isku mar tusiya beer meegaaran oo la mid ah tii Xakiim Sanaa'i uu ugu tagay suufigii Lai Khur iyo dhallintii la joogtay, iyo janno koon kale ka jirta oo Eebbe geerida ka dib uu ku abaalmarin doono dadka samaha sameeya inta ay ifka ku sugan yihiin.
Sida dhabta ah, fikirka suufiga Islaamka oo xooggiisa ay curiyeen muslimiin Beershiyaan ahi, wuxuu ka kooban yahay fahanka lagala baxay nusuusta diinta Islaamka oo la waafajiyey diimihii iyo falsafadihii ummadihii hore - siiba ummadihii ku dhaqnaa Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya.
Qisada laga wariyo Lai Khur iyo Suldaan Bahram Shaah mid la mid ahi waxay horay u dhexmartay Aliksandarkii weynaa iyo feylasuuf la oran jirey Dayaajonis (=Diogenes the Cynic '404-323 Ciise ka hor'), oo la sheegay in uu hanti ka lahaa baaquli/maddiibad uu iyadiina iska tuuray kaddib markii uu subax arkay wiil yar oo sacabbadiisa balli biyo uga cabbaya, lagana hayo in uu yiri: "Guryaha hodonka lagama helo meel candhuuf lagu tufo, oo aan ka ahayn wejiga qofka iska leh."
Sida la wariyey, waxaa maalin sheekaystay Aliksandarkii weynaa oo ahaa imbiradoor isku dayey in uu dunida oo dhan xoog ku qabsado iyo Diyaajonis. Intii ay sheekaysanayeen baa Aliksandar wuxuu yiri:
-Waxaan jeclaan lahaa in aan helo maalin aan nasto, oo aan ku raaxaysto cimrigayga inta ka hartay.
- Oo maalinkaasi goorma ayuu imaanayaa? Ayaa Diyaajonis weydiiyey.
- Marka aan dunida oo dhan qabsado, oo imbiraadooriyad qura isugu keeno.
Diyaajonis inta aad u qoslay buu wuxuu yiri:
- Hadda ayaan hubsaday in aad waalan tahay, waayo maalinta aad sugaysaa abidkeed imaan ay mayso. Dunida oo dhan ma aad qabsan kartid, xataa haddii aan ka soo qaadno in aad qabsatana, qabsashada waxaa ka dhib iyo hawl badan maamuliddeeda iyo isku haynteeda. Marka haddii aad taladayda qaadanayso, waxaan ku oran lahaa inta habhabta iyo dhul qabsiga iska daysid, kaalay agtayda soo fariiso oo bilicda qorrax dhaca ila daawo.
- Maxaad ka waddaa? Ma waxaad igula talinaysaa in aan ka tanaasulo riyadayda ah in aan dunida oo idil u taliyo?
- Haa ... waxaan kugula talinayaa in sidayda oo kale aad yeesho, oo maalin walba aad aroor hore toosto, webiga aad tagto, adiga oo qaawanna aad qorraxda isu dhigto, aad daawato dhirta cagaaran iyo ubaxa, aad dhegaysto heesta shinbiraha iyo shalalaqlaynta biyaha. Farxadda iyo liibaantu waa kuwa aan ka helno nafteenna gudaheeda, lagumana gaaro dhul la qabsado iyo cid laga adkaado toona.
Sida Suldaan Bahraam Shaah uusan u garaysan warka Lai-Khur iyo Xakiim Sanaa'i oo kale, baan Aliksandar u qaadan taladii Diyaajonis, laakiin waxyar ka hor intii uusan dhiman waxaa laga maqlay isaga oo leh: "Haddii aannan Aliksandar ahaadeen, waxaan jeclaysan lahaa in aan noqdo Dayaajonis." Laakiin mar Diyaajonis la weydiiyey cidda uu jeclaan lahaa in uu noqdo haddii uusan Diyaajonis ahayn, wuxuu ku jawaabay: "Haddii aanan Diyaajonis ahayn, waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo Diyaajonis."
Xakiim Sanaa'i wuxuu noolaa xilli qiyaastii kun sano ay ka soo wareegtay. Ruux kasta oo noolaa waqti sidaa u fogna waxaa laga fishaa afkaar haraadi ah oo la saluugo. Sanaa'ina dadkaas kama uu duwana, oo inkasta oo uu leeyahay murti iyo suugaan loo khushuuco, haddana dhigaalladiisa waxaa ku jira fikrado la dhaliilo. Fikradihiisa la saluugana aalaaba labo ayaa laga xusaa. Labadaas fikradood waxay kala yihiin; fikradda uu ka bixiyey aqoonta iyo midda uu ka bixiyey haweenka.
Sanaa'i wuxuu ku dooday in kitaabka quraanku uu muslimiinta aqoon ugu filan yahay, oo aysan u baahnayn in ay meel kale aqoon iyo cilmi u raadsadaan. Wuxuu yiri: Marka la isu geeyo xarafka ugu horreeya ee quraanku uu ka bilowdo oo ah 'B' (=Ba'da ugu horraysa bisinka faataxada) iyo xarafka uu ku dhammaado oo ah 'S" (=Siinka ugu danbeeya suuradda an-Naas), waxaa soo baxaya erayga "Bas /بس", oo macnihiisu uu yahay 'waa kaafi' ama 'waa ku filan yahay /كفى'. Sidaa awgeedna, looma baahna in muslimiintu meel aan quraanka ahayn ay aqoon ka raadiyaan. Sida la ogyahayna, fikraddaan iyo kuwa la midka ahi waa kuwa horseeday in muslimiintu ay is cajabiyaan, meel aan cilmi ku jirinna cilmi ka raadiyaan. Kitaabka quraanku, qalbiga qofka muslimka ah ee rumaysan hanuun iyo daawo ayuu u noqon karaa, waana ku habboon yahay in barakaysi ama suugaan ahaan loo akhristo, laakiin ma aha buug saynis iyo cilmi kale laga raadiyo. Taana wuxuu kala mid yahay buugta diimaha kale muqaddaska u ah.
Qodobka labaad ee Xakiim Sanaa'i aadka loogu dhaliilaa waa fikraddii uu ka haystay dumarka. Xakiim in kasta oo uu ammaanay haweenka diinta iyo taqwada leh, oo uu qoray: "Hal haweenay oo taqwo leh baa ka fiican kun nin oo ardaallo ah." Haddana, sawirka guud ee uu haweenka ka bixiyey waa mid aad u liita. Tusaale ahaan, wuxuu yiri: "Gabdhuhu in ay qabri ku jiraan bay ku dhaamaan in ay ifka joogaan." Haween badan oo jecel gabayada iyo sheekooyinka Sanaa'i, waxay tuuraan marka ay gaaraan meelaha uu dumarka kaga hadlayo.
Halkaan ka eeg tarjamada ingiriiska ah ee qayb ka mid ah gabayga 'Beerta Xaqiiqada'

Comments