#xusuus
Xusuus
Jan 19, 2017
Illowsho Dhawaa Ma Ummul Baa?
“Illowsho dhawaa ma ummul baa?”, waa maahmaah Soomaaliyeed oo soo jireen ah, qofkii ay maankiisa ka soo maaxatayna wuxuu ahaa qof aad u xikmad badan, si fiicanna ugu fiirsaday. Maahmaahdana waxaa la xusuustaa mar kasta oo la arko qof dhakhso ku illoobay arrin ay ahayd in uusan illoobin.
