Cabdullaahi Aw Xasan
@cabdullaahiaw-xasan
Maxaa u dhexeeya firqooyinka isku khilaafay sifaadka Alle?
Bilawgii qarnigii 2aad ee taariikhda hijriyada waxaa soo if baxay khilaaf u dhexeeya culimada islaamka oo ku saabsan sida loo fasirayo sifaadka Alle, waxayna markii ugu horraysey u kala baxeen ugu yaraan 4 qolo oo kala raacsanaa Abu Xaniifa oo ahaa immaamkii 2aad ee madaahibta fiqiga ah ee afarta ah
Maxaa u dhexeeya culimada xorta ah iyo kuwa madaahibta?
Maadaama diinta loo barto qaab mad-hab ah waqtigan hadda la joogo waxaa soo baxay arrimo badan sida dagaallo badan, ciqaabo aan dadka u cadayn sida ay ku yimaadeen sida; dadka dhagaxa lagu dilo, xuquuqda dumarka oo aad moodid inay inteedii badnayd culimada ka hoos baxday sida inaan gabadhu nin meher
Ma waajib baa in gabdhuhu madaxa qariyaan?
Inta aanan wax ka ogaan baabka loo yaqaan xuquuqda waxaan u malayn jirey inaan gabdhaha wax xuquuq ahi ka maqnayn, maxaa yeelay waxaan ku kadsoomi jirey hadallo in badan dhegahayga ku dhici jirey sida islaamku wuu karaameeyey gabdhaha, sidaa darteed haddaan maqlo dad ka hadlaya xuquuqda gabdhaha wax
Tafsiirka diinta ma la dhammaystiray?
Haddii la maqlo mas’alo cusub oo diina waxaa dadka qaarkii yiraahdaan diinta waa la kamilay, taasoo laga fahmayo in loo maleeyey in cilmiga diintu ka duwan yahay culuunta kale, laakiin runtii quraanku wuxu ka kooban yahay waxa lagu barto culuunta kale sida qaanuun, taariikh, luqad, xisaab, farsamo i
