Seddaxda qaab ee uu banii’aadamku u noolaado
Banii’aadamku wuxuu u noolaan karaa saddax qaab oo aad u kala giddisan: (1) qaabka xoolaha (2) qaabka caqliga iyo (3) qaabka iimaanka dhabta ah. Dadka ka tirsan qaybta koobaad waxay ku tilmaaman yihiin is dulmin, ad adeeg, cuqdad, masayr, caadifad xad dhaaf ah iyo ku raali ahaanshaha waxyabaha keena
