Aadanaha iyo ubaxa

"Ubaxu waa catarka ilaahyada, iyo faanka cadradaha, laabtoodu laan ubaxa bay ka doorbiddaa dahabka kiisa aan la goyn karin."
~ Pierre De Ronsard (1524-1585).

Dalka Turkiga, sida meelo badan oo dunida ka mid ah, fayraska Koroonaha darti, labadii bilood ee u danbeeyey waxaa joogsaday dhaqdhaqaaqii nolosha xooggiisa, dadka badankooduna guryaha ayay gabran yihiin. Gaar ahaan, maalmaha dhammaadka toddobaadka ee Sabtida iyo Axadda waxaa laga dhaqan geliyaa bandow buuxa, oo aan la oggolayn cid dhaqaaqda iyo meel furan oo aan ka ahayn farmashiye iyo isbitaal. Hayeeshee, Axaddii shalay ahayd ee taariikhdu ay ahayd May 10, 2020, dadka loo oggolaaday in ay shaqaystaan waxaa ka mid ah dadka ka ganacsada iibinta ubaxa, sababtuna waa xuska maalinta hooyada oo shalay ku beegnayd. Dadka ubaxa ka ganacsada dowladdu waxay u sheegtay in ay dadka guryahooda ubax ugu geyn karaan. Go'aankaani ganacsatada ubaxa oo xilligaan hoos u dhac xoog lihi uu ku yimid ganacsigooda waxuun caymo ah buu u noqonayaa, dhanka kalena bulshada ayuu wuxuu ku abuurayaa farxad iyo rajo nololeed.

Markii aan maqlay go'aanka xukuumadda Turkigu ay bandowga uga cafisay dadka ka ganacsada ubaxa, dhan farxad baa i saaqday, oo waxaa ii muuqday saamaynta togan ee go'aankaani uu ku yeelan karo nafsadda bulshada Koroonaha la daalaa dhacaysa. Docda kalena, masayr xun baa i galay, oo waxaan isweydiiyey: Abooyow Soomaalida iyo ubaxu sidee bay isku yihiin?

Soomaalidu ubaxa waxay xasuustaan marka caashaq la soo hadalqaado, oo hadal haynta ubaxu heesaha Soomalida waa ku badan tahay [=Ubax la moodyeey iyo ubax la moodyow], laakiin nolosheenna kale ubaxu wax saamayn ah kuma uu laha. Inkasta oo la iga xog ogaalsan yahayna, waxaan qiyaasayaa in afka Soomaaligu uu sabool ku yahay magcaanta ubaxa.

Goor hadda qiyaastii toban sano laga joogo, baan maalin isbitaal waxaan ku booqday nin aan macrifo ahayn oo xanuunsanaa. Intii aan la joognay baa waxaa u yimid gabdho uu waalid u ahaa oo sida hadiyado uu ubax ka mid ahaa. Si gabdhaha aan kuraasta ugu bannayno, una siinno fursad ay ku waraystaan ninka xanuunsan ee ay soo booqdeen darteed, baa aniga iyo dhowr nin oo kale waxaan isku mar ka baxnay qolkii uu ku jirey ninka xanuunsani. Goortii aan bannaanka u baxnay baa nin raggii ka mid ahaa wuxuu yiri: "Bal eega, Soomaalidu dhaqanka gaalada ayay qaateen, ubax haddeer dhadaya ama la xoorayo bay lacag ku kharash garaynayaan!" Runtii ninkaas wax jawaab ah uma aan celin, laakiin eraygu wuxuu ahaa mid iga degi waayey. Maxaa dhib ah oo ku jaban in gabdho ay oday adeerkood ah oo xanuunsan ay ubax u geeyaan?! Tan iyo maalinkaas waxaan isweydiiyaa: Hadalkaas ma waxaa ugu wacan qalafsanaanta dhaqanka miyiga ee aan kulligeen ka soo jeedno, mise waracnimo been ah iyo khalad diinta laga fahmay, mise muudalnimo gaar ah?

Maahmaah Shiinays ah baa waxay tiraahdaa: "Haddii adduunyada labo kumi oo suko ah aad ka haysato, mid ku iibso cad kimis ah oo aad cunto, kan kalena laan ubax ah." Waa maahmaah tusinaysa ahmiyadda uu ubaxu u leeyahay bani'aadamka. Ubaxu waa walax carruur iyo cirroole, lab iyo dheddig, hodon iyo sabool, wadaad iyo waranle cid ka maarantaa aysan jirin. Ubaxu waranlaha baashaalka adduunyadu ayuu u bilaa, wadaadkana wardiga iyo khushuucda ayuu u xiiso geliyaa. Ubaxu ruuxa dareenka leh ee daawada ama ursada wuxuu kaga keenaa 'Aaha!' Aahaduna waa qeexidda ugu wanaagsan ee Eebbe la siiyo. Waa qeexidda qura ee wadaaddada diimaha kala duwan iyo feylasuufyadu ay isla oggolaan karaan in erayga 'Eebbe' lagu qeexo. Waa maxay Eebbe? Eebbe waa 'Aahada!' aan niraahno marka aan la kulanno waxaan u bogno samaantiisa ama aan la fajacno xumaantiisa.

Sida la ogyahay, ubaxu waa qayb dhirta ka mid ah. Aadanaha iyo dhirtana waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer, oo aadanuhu dhirta la'aanteed ma uu jiri karo. Dhirta iyo beeruhu dadka waxay ka caawiyaan xagga nolosha iyo xagga male'awaalka labadaba. Sidaa awgeed, dhirtu waxay dheehdaa caqiidada, falsafadda iyo suugaanta ummadaha oo dhan. Tusaale ahaan, diinta Buudadu waxay qabtaa in Buuda uu baraarugga ama waxyiga helay isaga oo geed hoos fadhiya. Nebi Ciise wuxuu ku dhashay geed hoosti. Nebi Muxamedna asxaabtii reer Madiino wuxuu kula shiray geed hoosti. Waa geedka magaciisu uu taariikhda Islaamka galay ee loogu yeero 'Ridwaan'. Sababta muslimiintu ay geedkaas magacaas ugu bixiyeenna waa in quraanka lagu xusay in Eebbe uu ka raalli noqday mu'miniintii geedkaas hoos fadhiyey (=كَلَقَقْدْد َرَرِضِضَيَي ُهَّللاُهَّللا َعَع ِن اْلْلُمُمْؤْؤِمِمِنِنيَنَن ِإِإْذْذ ُيَبَباِيِيُعُعوَنَن ََ مَتَتْحْحَتَت الَّشَّش َجَجَرَرِةِة َفَف َع ِل َم َما ِفي ُقُق ُلوِبِبِهِهْمْم َفَفَأَأنَزَزَلَل الَّسَّس ِكِكي َنَةَة َعَعَلَل ْيِهِه ْْ).

Nebi Saleebaanna, qasiidada loogu yeero "Heesta heesaha" (=Song of Songs / نشيد األنشاد), wuxuu ku ammaanay gabadhii uu jeclaa ee Shulammite -oo ah astaan u taagan Eebbe- wuxuuna ku metelay in ay tahay beer. Erayada heestana waxaa ka mid ah:

"Gacalisooy! Yaa kaa qurxoon?! Maxaase kaa macaan! Waxaad leedahay taagga geedka timirta ah. Naasahaaguna waa sida tufaaxa. Waxaan damcaa in aan tafo geedka timirta ah, si aan u gaaro naasahaaga la moodo rucubyada canabka."

Akhristow ma xasuusatay meerisyadii ahaa:

"Sidii baxarsaaf ku yaalla bustaan, ayaad hadba ii bidhaantaa" iyo

"Tufaaxa ka taagan toolmaan baan habeen walba taabo leeyahay" iyo kuwa kale ee la macnaha ah ee ku jira suugaanta Soomaalida (Guud ahaan fikirka suufiga, gaar ahaan kan Muslimiinta waxaa ku badan in Eebbe lagu metalo ruux dumar ah oo quruxdeeda lala ashqaraaro).

Ruuxa aadamiga ahi wuxuu ka kooban yahay jir iyo ruux sida diimuhu ay sheegaan, ama jir iyo naf sida falaasifadu ay ku warramaan. Jirku wuxuu joogaa dhulka, ruuxduna samaday dawaaftaa. Baahida jirku waa ka geddisan tahay tan nafta ama ruuxda. Jirku wuxuu quutaa walxo maaddi ah sida kimista iyo biyaha, ruuxduna waxay quudataa walxo macnawi u badan sida digriga diimaha, gabayada, heesaha, muusigga iyo daawashada walxaha qurxoon ee ubaxu uu kowda ka yahay. Kimistu waxay na siisaa nolol, ubaxuna nolosha ayuu macne iyo dhadhan u yeelaa (=حدائق ذات بهجة).

Indhahaa ku doogsada

Qalbiguna ka sii daran Daallo iyo Hawdoo

Daruuruhu ku hooreen

Dooggiyo dureemada

Mulaceeyey daadkii

Nayluhu dardhanayaan

Badhna daafta joogaan!!!

Xiriirka ka dhexeeya dadka iyo ubaxu aad buu u da' weyn yahay, waana adagtahay in la sheego goorta aadanuhu ay barteen jacaylka ubaxa iyo in ayba isla kowsadeen, oo aadanaha garaadka lihi uu caashaqay ubixii ugu horreeyey ee indhihiisu ay qabteen.

Ubaxa dhan indhaha iyo ruuxda dadka ayaa ku doogsada, dhanka kalena waxay ka helaan ur udgoon, waxayna u isticmaalaan dhinacyada caafimaadka, cuntada iyo is qurxinta. Barafuunkii ugu horreeyey ee aadanuhu uu bartayna wuxuu ahaa kan uu ka helo ubaxa ay dabeecaddu ugu deeqdo.

Marka laga hadlayo taariikhda barafuunka ama catarka, waxaa la sheegaa in Masaaridii hore ay ka mid yihiin ummadihii ugu horreeyey ee barafuun sameeya. Sida la sheegay, Masaaridu waxay yaqaanneen labo qaab oo ubaxa barafuun looga sameeyo. Qaabka hore wuxuu ahaa in ubax badan la dul saaro warqadda Burdaha -ee Masaaridii hore ay caanka ku ahaayeen- oo labo dacal leh. Ubaxa waxaa lagu daadin jirey xoogaa biyo ah, dabadeedna labo qof oo dumar ah baa labada dacal ee burdaha waxay u maroojin jireen si dhafandhaaf ah, oo haweenay kasta dacalka ay hayso waxay u maroojin jirtey jihada ku lidka ah midka ay tan kale u maroojinayso. Arrinkaas oo keeni jirey in ubaxu uu dheecaan dhiiqo, dheecaankaas baa weelal dhoobo ah loo dhigi jirey, muddana lagu kaydin jirey. Sidaasna waxaa lagu heli jirey barafuun ama catar laga iibiyo boqorrada, wadaaddada, iyo haweenka ragga madaxda iyo maalqabeenka ah, kuwaas oo isku carfin jirey munaasabadaha gaarka ah. Tan iyo maantana, dadyow badan baa qaabkaan oo kale barafuun ku samaysta. Habka labaad ee Masaaridu ay barafuunka u samayn jireen wuxuu ahaa in ubax laga buuxiyo dabqaad dhoobo ka samaysan, dabadeedna dab lagu daaro, markaana ubaxu uu sameeyo qiiq udgoon oo meesha la joogo ay caraftiisu saaqdo. Aalaaba fooxinta noocaan ah looma adeegsan jirin dhanka qurxinta iyo xarragada dadka, balse waxaa loo adeegsan jirey dhanka diinta sida carfinta meelaha lagu cibaadaysto iyo sagootinta dadka dhintay, waana dhaqan weli meelo badan oo duni ah ka jira, oo waa annaga masaajidda iyo mawlacyada fooxa u shidna.

Masaaridii hore waxay ka mid yihiin ummadihii ugu horreeyey ee guryahooda, qubuurtooda iyo macaabiddooda ubax ku dhex beera [=Akhristow waxaa jira dad qaba in Shiinuhu ay yihiin ummaddii ugu horraysay ee adeegsiga ubaxa laga bartay]. Caqiidada Masaaridu waxay dhigaysay in iyada oo koonka aan waxba ka jirin, uu ilaaha koonka abuuray ee Atum "uu ka soo dhex baxay biyo, dabadeedna uu ku fariistay ubax isaguna biyaha ka soo mur baxay", sidaasna uu koonku ku abuurmay. Taa awgeedna, Masaaridu ubaxa aad bay u danayn jireen, macaabiddooda iyo qubuurtoodana waxay ku beeri jireen dhir udgoon oo doomuhu ay uga keeni jireen dhulka Bunti ama dhulka udugga iyo ilaahyada (=Soomaaliya).

Ubaxu waa af dadku, siiba kuwa isjecel ay ku wada hadlaan, oo ka deeqa in ay erayo u baahdaan. Tusaale ahaan, bulshooyinka qaarkood marka gabari ay wiil ubax ka guddoonto, waxay ku macneeyaan in ay ka oggolaatay in haasaawe iyo shukaansi uu u bilowdo. Jasiiradaha Hawaayna, haddii inan ay dhegta midig ubax gashato, waa baaq muujinaya in gabadhu ay madax bannaan tahay, oo wiil kasta oo wax isku hayaa uu la xiriiri karo. Haddii ay dhegta bidix ubax gashatana waa baaq macnihiisu yahay in ay tahay gabar la doonay, asii aan weli lala aqal gelin. Haddii ay labada dhegood gashatana waa murwo la qabo oo aan juuq loo oran karin. Geed ubax ahna waxaa laga sheegay in uu geedaha kale ugu faanay: "Aniga ayaa idiinku deeqsisan, waayo waxaan marti geliyaa, oo agtayda isku xodxota barbaarta caashaqa la sakhraansan."

Sidii cir ku hooray meel cosob loo

Cadceeddi u soo baxdaa tahayee

Haddii aad ubax tahay mid aad u uroo Udgoon badan baad ahaan lahaydee!!!

Ubaxa sida midabyadiisu ay u kala duwan yihiin baa munaasabadihiisuna u kala geddisan yihiin, oo munaasabad kasta -dhalasho iyo dhimasho iyo inta u dhaxaysa- waxay leedahay midab iyo nooc ubax ah oo u gaar ah. Midabyada ubaxa ee kala duwan ummadaha adduunka summado iyo macnayaal kala geddisan bay u leeyihiin. Oo ubaxa cas, kan cad, kan huruudda ah, kan buluugga ah iyo mid kastaa ummadaha kale duwan macno gaar ah buu u leeyahay. Sidaa awgeed, inta aadan qof ubax siin waa in aad ogaataa goorta ubaxa noocaas ah ay bulshadaasi isu hadiyeyso. Waayo waxaa dhici karta in iyada oo loo dabbaaldegayo aroos ama dhalasho aad dad u hadiyeyso ubax ah nooca ay u haystaan in uu ka tarjumo dhimasho, halkaasna ay ka dhalato mushkilo weyn oo aadan xisaabta ku darsan.

Dhirta badankeedu waxay ubaxa bixisaa muddo gaaban oo toddobaadyo ah, aalaba gu'ga ama horroonta xagaaga, sidaana cimriga ubaxu waa uu gaaban yahay. Dhaqammo badanna ubaxa waxay la xiriiriyaan dhalashada iyo dhimashada. Ubaxa durba dhadaa waa astaan u taagan dhimasho. Laakiin, dhanka kale maadaama dhirtu ay caleen dhacsato xilliga qaboobaha, ayna dib u ubxiso xilliga gu'ga, taas waxaa astaan looga dhigaa nolol geerida ka danbaysa, oo waxaa la saadaaliyaa in sida dhirtii dhimatay ay u soo noolaatay, oo ubaxa u bixisay oo kale uu qofkii dhintay dib ugu soo noolaanayo. Waana halkaas meesha uu ka soo jeedo dhaqanka ah in qabriyada ubax la dhigo. Sidoo kale, dadku meelaha wax lagu caabudo sida kaniisadaha, macaabidda, masaajidda iyo mawlacyada waxay geeyaan ubax ama waxay u shidaan bukhuur ama foox lagu raalligelinayo -ama haddaad doonto dheh lagu laaluushayo- ilaahyada si ay ugu naxariistaan duulka dhintay (=Waagii aan dhallinyarada ahaa masaajidda waxaan u kala jeclaa sida sawaxankooda iyo wacdigoodu uu u kala dheeryahay, laakiin hadda oo aan gaboobay waxaan u kala jeclahay sida fooxoodu uu u kala carfoon yahay).

Sidaan horay u soo xusnay, ubaxa iyo guud ahaan dhirtu saamayn badan bay ku leedahay diimaha dunida ka jira. Tusaale ahaan, mid ka mid ah sheekoxariiraha diinta Masiixigu waxay sheegtaa in dhirta ubaxa bixisaa aysan asalkii hore qodax lahayn. Laakiin markii Aadan iyo Xaawo ay gafeen ee ay cuneen geedkii laga reebay -ee dartiisa jannada looga soo eryay- baa Eebbe dhirtii ubaxa qaarkeed qodax u yeelay, si uu dadka u xasuusiyo in aysan ku noolayn xaaladdii jannada ee wax walba ay u sahlanaayeen.

Dhanka qaaradda Aasiya, ubaxa afafka qalaad loogu yeero lootas (=lotus), waxaa lagu sheegaa in uu yahay kan bulshada Hindidu ay ugu qaddarinta badan yihiin. Wuxuu astaan u yahay nadaafad, run, qurux iyo barwaaqo. Sheekoxariirta Hindidu waxay tebisaa in asalkii hore geedkaani uu ka baxay xuddunta ilaaha Hinduusta ee Fishnu. Meelaha dadka diintaas aamminsani ay ku noolyihiinna waxaa lagu arkaa ilaahadda Lakhshami oo Hinduustu ay ugu yeeraan ilaahadda hantida iyo taranka oo ku fadhida geedkaas ubaxa ah, gacanta midigna ku haysata. Ubaxa geedkaani marka iftiinka qorraxdu uu ku dhaco wuu kala furmaa, marka iftiinka qorraxda la waayana waa isku xirmaa. Sidaa darteedna, waxaa la isku metalaa geedkaan iyo maanka aadanaha. Iftiinka aqoontu wuxuu furaa maanka dadka, mugdiga jahliguna wuxuu demiyaa garashada dadka. Sida runta ah, ummado badan ayaa geedkaan ka bixiya sawir u dhigma kan Hindidu ay ka bixiyaan. Ummadahaasna waxaa ka mid ah dadka haysta diinta Buudiyada oo qaba in Buuda iyo geedkaani ay isdhaleen ama ay wada dhasheen. Sidoo kale, fikrad taa u dhiganta waxaa aamminsanaa Masaaridii hore oo ku doodi jirey in ilaahaddooda Isis uu geedkaani dhalay. Sidoo kale, Masaaridu ruuxa dhintay waxay sacabbada uga buuxin jireen ubaxa geedkaan, iyaga oo u la niyoonaya in qofka dhintay uu soo noolaado isaga oo barwaaqaysan. Guud ahaan, sheekoxariiraha qaaradda Aasiya ubaxa geedkaani waa summad u taagan xubinta taranka ee haweenka oo laga fisho in ay dhasho ilmo cusub iyo nolol hor leh.

Dunida Islaamka -gaar ahaan Bariga Dhexe- ubaxa loogu jecel yahay, aalaabana diinta islaamka la la xiriiriyaa waa bahda loo yaqaan wardiga [=rose]. Wuxuu summad u yahay jacayl, farxad iyo naxariis. Muslimiinta iyo Masiixiduna waxay ugu yeeraan ubaxii samada ama ubaxii jannada. Muslimiintu carafta geedkaan waxay la xiriiriyaan ruuxaaniyadda, sidaa darteedna ubaxaan waxaa loo adeegsadaa aroosyada iyo aaska meydka. Marka la gaaro xajka ee kacbada maryaha laga baddalayana kacbada iyo maryaha cusub ee lagu dadayo waxaa lagu rusheeyaa biyaha samsamka oo lagu daray biyaha geedkaan. Si taa la mid ah, kolkii sannadkii 1453, Turkidii muslimiinta ahaa ee uu hoggaaminayey Suldaan Maxamedkii 2-aad oo loo yaqaan 'Maxamed al-Faatix' ay qabsadeen magaalda Istanbuul, Suldaan Maxamed Kaniisaddii Aaya Soofiya ayuu wuxuu u rogay masjid ka dib markii uu ku mayray biyaha ubaxaan. Taa waxaa weheliya in muslimiintu, gaar ahaan Shiicadu marka ay ka warramayaan dhacdadii Karbala ee lagu diley Xuseen bin Cali oo nebigu (scw) uu awoowe u ahaa, ay xusaan in goortii ciidankii Ummawida ee Yasiid bin Mucaawiye ka amar qaadanayey ay dileen Xuseen, uu soo da'ay roob dhibicdiisu ay dhiig u egtahay, markii roobku joogsadayna ubax gaduudani uu dhulka ka soo baxay. Dhacdadaas oo muslimiinta Shiicadu ay ku fasiraan in ubaxaani uu ka dhashay dhiiggii Xuseen bin Cali bin Abii Daalib.

Sida dhabta ah, ilbaxnimada Islaamku waxay timid iyada oo ilbaxnimooyinkii iyada ka horreeyey sida tii Beershiya, tii Shiinaha, tii Masaarida, tii Baabilida, tii Hindida iyo tii Roomanku ay aasaaska u qotomiyeen aqoon iyo waayo aragnimo badan oo ku aaddan cilmiga beeraha, siiba dhanka beeridda ubaxa. Muslimiintuna tan iyo xilligii dowladdii Cabbaasida dhaqankaas waa sii xoojiyeen oo boqorradii iyo maalqabeenkii muslimiintu waxay bilaabeen in dhulal fog ay ka soo dhoofsadaan ubaxa noocyadiisa aan dhulkooda laga helin. Fannaaniintii muslimiintuna waxay bilaabeen in muuqaallada ubaxa ay ku naqshadeeyaan masaajidda, qubuuraha iyo buugta uu quraanka kariimku ugu mudan yahay, arrinkaas oo keena in dabeecadda iyo fikirku ay isku meel ku kulaan, iyaga oo wada jirana ay samada u dhoofaan -haddii aad jeclaatana jannada gee, maxaa yeelay masaajidka iyo musxafka ubaxa lihi qofka muuminka ah waxay xusuusin karaan nimcada jannada loogu yaboohay.

Sheekooyinka faraha badan ee dunida islaamka, siiba dhulalka carabta looga sheekaysto ee ubaxa ku saabsan waxaa ka mid ah; in boqorkii dowladdii Cabbaasida ee Mutawakil uu oran jirey "Anigu waxaan ahay boqorka salaadiinta, wardiguna [=waa magaca ay carabtu u taqaan ubaxa 'rose-ka'] waa boqorka reexaanta, labadeennuna waa is hudhannahay [=isleennahay] / أنا ملك السالطين والورد ملك الرياحين، فكل أولى بصاحبه". Wuxuuna diidi jirey in cid aan isaga ahayn lagu arko ubaxaas. Wuxuuna ku firdhin jirey golihiisa iyo gogoshiisa.

Khaliifkii Cabbaasida ee Ma'muun, isagana waxaa loo sheegay in uu jiro nin ku shaqaysta soohidda maryaha oo sannadka oo dhan -jimce iyo ciidba -aan maalin qura shaqada ka nasan, marka laga reebo xilliga uu soo baxo ubaxa guduudan ee loo yaqaan wardigu, jeerkaas oo uu muddo bil iyo bar ah u go'o daawashada ubaxa. Marka ubaxu uu magoolo ayuu shaqada irdaha u laabi jirey, isaga oo ku maansoonaya:

طاب الزمان وجاء الورد فاصطحبوا ... مادام للورد أزهار وأنوار

اشرب على الورد من حمراء صافية ... شهرا وعشرا وخمسا بعدها عددا

Kolka ubaxu dhadana wuxuu ku noqon jirey shaqadiisii isaga oo ku maansoonaya:

فإن يبقني ربي إلى الورد أصطبح ... وندمان صدق حاكة ونبيط

Ma'muun markii loo sheegay qisada ninkaas wuxuu yiri: "Indho barakaysan buu ubaxa ku eegay, waana in aan ku taageerno wanaaggaas", wuxuuna amar ku bixiyey in dabshid kasta la siiyo toban kun oo dirham.

Sidoo kale, waxay wariyeen in nin la oran jirey 'Roox bin Xaatim', oo muddo dheer waali ama gumernatoore ka ahaan jirey dowladdii Cabbaasida, oo fadhiya jardiinada gurigiisa, ayna la joogto gabar addoon ah oo uu lahaa, uu nin waardiyaha u ahaa u keenay baaf uu ku jiro ubax isugu jira casaan iyo caddaan. Roox ninkii waardiyaha ahaa wuxuu weydiiya halka uu ka keenay ubaxa, ninkiina wuxuu u sheegay in uu yahay hadiyad uu nin ugu soo dhiibay. Kolkaasna Roox wuxuu amray in ninkaas loo geeyo baafkiisa oo ay daraahim [=lacag qalin ka samaysan] ka buuxdo, laakiin gabadhii addoonta ahayd baa waxay u sheegtay in falkaasi uusan caddaalad ku dhisnayn, markii uu weydiiyey sababtana waxay tiri wuxuu kuu keenay ubax laba midab leh, oo casaan iyo caddaan isugu jira, adiguna waxaad siisay lacag hal nooc ah. Kolkaasna Roox wuxuu faray in dahab iyo qalin la isugu daro.

Isku soo duuboo, ubaxu waa walax lama huraan u ah nolosha aadanaha, oo loo baahan yahay in la dhiirigeliyo dhaqammada ku aaddan beeriddiisa iyo ku manaafacaadsigiisa. Ku Allahoode, waxay soo tebiyeen in boqor Beershiyaan ahaa uu maalin arkay ubax meel wadiiqo ah daadsan, kolkaasna intuu faraskii ka degtay uu ubixii gurbin ugu dhaqaaqay isaga oo leh: "Duulkii ku dayacay Allaha dayaco! /أضاع هللا من أضاعك!".

Waxaan idiinku ducaynayaa in aad kimis iyo ubax isla heshaan.

Comments