Asalka sheekada gabarey-maanyada

Sheeko-xariirta gabarey-maanyada -ama gabadha baddu- waa sheeko ummadaha adduunka badankoodu ay wadaagaan. Waana sheeko kumanyaal sano soo jirtay. Laakiin waxaan si dhab ah loo ogayn meeshii iyo sansaankii ay markii hore ku bilaabatay. Waxaase loo badaniyaa in ay arrimo dhawr ah midkood ka dhalatay, sida;

  1. Aragtida horumarka noolaha (=Evolution theory): dad bay waxay la tahay in sheekadu ka soo jeeddo fikradda jiritaanka noole u dhaxeeyey aadamiga iyo noolayaasha badda qaarkood oo noolaa kumanyaal ama xataa malaayiin sano ka hor dabadeedna dabeecaddu ka hiillisay oo dabar-go’ay. Dadka qaarkii xusuustooda sawirkaasi ku harsanaa waxay u sii gudbiyeen facyaashii ka danbeeyey, kuwaas oo waayadii dambe ku daray diimahooda iyo dhaqamadooda, kuna sawiray mawlacyada wax lagu caabudo. Wixii intaa ka danbeeyeyna dad baa waxay u qaateen in noole caynkaasi ahi uu weli jiro, waxayna allifeen sawirka iyo sheekada gabarey-maanyada. Yeelkadeede, aragtidaani ma aha aragti cilmi ee waa nooc sheekabaraleyda ka mid ah.

  1. Aragtida labaad oo ah midda loo badan yahay, waxay qabtaa in gabareymaanyadu tahay khayaal ka dhashay maanka badmaaxyada. Dunidii hore ee lagu safri jirey doomaha tabarta yar ee dabaysha ku socda, badmaaxyo barbaar u badan baa waqti dheer oo bilo ah badda ku jiri jirey, iyaga oo aan indhahoodu qaban waxaan badda iyo cirka ka ahayn. Muddadaasna waxay u buseeli jireen la jooggii haweenka. Dabadeedna badmaaxii oo riyo ku jira oo gabari maankiisa ka guuxayso, ayna u badan tahay inuu xoogaa khamro ah ku dhuftay, baa wuxuu ku baraarugi jirey sharqanta noole –sida hoonbarada- hal mar biyaha ka soo kuda, oo haddana durba dib ugu libdha.

Kolkaasna khayaalkiisa ayaa wuxuu isku xiraa wixii maankiisa ku jirey iyo hummaagga hortiisa ka muuqday, waxaana u soo bixi jirey sawir gabar qalanjo ah oo isaga maqaadiirtu la maagtay. Sidaa aawadeed, baa aalaaba gabarey-maanyada waxaa loogu ekaysiiyaa gabar isku darsatay muuqaal qurxoon iyo qalbi malaa’ig ah –dabcan waa la wada arkay qalbiga malaa’igta.

Badmaaxyada kuwoodii fanka iyo indha’adaygga isku darsadayna waxay ku adkaysteen in ay gabdhahaas sanooyin saaxiib la ahaayeen, wiilal iyo gabdhana Eebbe kala siiyey. Waxaana xusid mudan, in Kiristoofar Kolombas uu ku dooday inuu saddex goor arkay gabareymaanyada. Laakiin sida la ogyahay kiristoofar been iyo khayaal labadaba wuu lahaa, oo wuxuu geeriyoodey isaga oo ku adkaysanaya in dhulka uu tagay uu yahay Hindiya (Akhristow weli badmaaxyada dumar jacaylka waa lagu xantaa, waxaana jirta suugaan badan oo laga sameeyey).

Guud ahaan, buugga uu qoray Prof. Horace Beck ee “Folklore and the Sea”, ayaa si faahfaahsan oo qurux badan uga hadla sheeko-xariiraha badda. Haddii aan xusuustu I khatalinna waxaan filayaa in uu qodobka gabareymaanyada ku soo qaatay, siiba xiriirka ka dhexeeya qalanjadaas mar la argta ah iyo barbaartii badmareennada ahaa.

Comments