Caafimaadka habraha
Shiikh Maxamed al-Gasaali (AUN) oo la yaabay duullaanka jinku ku hayo Muslimiinta ayaa waxaa laga hayaa in uu yiri: “Cafaariiddu (=jinku) ma waxay ku takhasuseen gelidda muslimiinta oo keliya? Maxaa loo waayey Jarmal iyo Jabbaan ka cabanaya jinni jirkooda degay.”
Afartankii sano ee la soo dhaafay, dunida Islaamka waxaa aad ugu xoogeystay wax loogu yeeray “Caafimaadka Islaamka” ama “Caafimaadka Nebiga” ama “Daaweynta Islaamka”. Waxaa la furay macaahid, isbitaallo iyo xarumo loogu yeeray shifo oo ku andacoonaya in ay cudurrada ula tacaalaan si waafaqsan diinta Islaamka. Cilmi ku sheeggaanni wuxuu ku salaysan yahay fikrad ah in ay jiraan nusuus diini ah oo u badan axaadiis nebiga laga wariyey oo ka hadlaya arrimo caafimaadka (=cudurrada iyo daawooyinka) la xiriira.
Laakiin dhab ahaantii, tan iyo waqti aad u fog muslimiinta waxaa ku jirey dad rumaysan in waxa loogu yeero caafimaadka Islaamka ama caafimaadka nebigu uu yahay arrin ismoodsiis ku dhisan. Dadkaas qaarkood caafimaadka Islaamka waxay ugu yeeraan magaca “Caafimaadka Habraha/طب العجائز”, waayo waxay la tahay in waxa loogu yeeray caafimaadka Islaamka sida; ku daaweynta toobinka, ku daaweynta kaadida geela, ku daaweynta timirta loo yaqaan cajwada, …iwm., ay yihiin arrimo khibradda iyo caadooyiinka bulshada laga bartay, balse aysan ahayn waxyi diin sheegtay. Axaadiista nebiga loogu abtiriyo ee mawduucaan ku saabsanina- haddii ay sugnaadaan- ay yihiin erayo nebigu yiri isaga oo ah qof caadi ah, oo ka duulaya wuxuu ka arkay bulshadii uu la noolaa ee aysan ahayn waxyi xagge Alle looga sheegay. Sababta keentay in habraha loogu abtiriyaana waa iyada oo dunida oo dhan haweenku- siiba islaamaha waaweyni- ay ahaayeen kuwa caadi ahaan qaababkaan wax u daaweeya.
Tusaale ahaan, aqoonyahannada muslimiinta ee ka biyo diidey fikradda caafimaadka nebiga waxaa ka mid ah taariikh iyo bulsho-baarihii caanka ahaa ee Ibnu Khalduun (1332-1406 C.D.). Ibnu Khalduun wuxuu ku dooday in nebigu (scw) uusan cilmi caafimaad la imaan, sababtana wuxuu ku sheegay in shaqada nebigu ay ahayd inuu dadka diin gaarsiiyo, laakiin aysan ahayn in uu caafimaad baro. Erayadii Ibnu Khalduuna waxay ahaayeen sidatan:
" ،وللبادية من أهل العمران طب يبنونه في غالب األمر على تجربة قاصره على بعض األشخاص عن مشايخ الحي وعجائزه، وربما يصح منه البعض، إال أنه ليس على قانوناويتداولونه متوارث:طبيعي، وال عن موافقة المزاج. وكان عند العرب من هذا الطب كثير، وكان فيهم أطباء معروفون كالحرث بن كلدة وغيره. والطب المنقول في الشرعيات من هذا القبيل، وليس من الوحي في للعرب. ووقع في ذكر أحوال النبي صلى هللا عليه وسلم، من نوعاشيء وإنما هو أمر كان عادي ذكر أحواله التي هي عادة وجبلة، ال من جهة أن ذلك مشروع على ذلك النحو من العمل. فإنه صلى هللا عليه وسلم إنما بعث ليعلمنا الشرائع، ولم يبعث لتعريف الطب وال غيره من العاديات وقد وقع له في شأن تلقيح النخل ما وقع، فقال: "أنتم أعلم بأمور دنياكم").

Comments