Deriskunool faallo filin

Bulsho-baarihii Zygmunt Bauman (1925-2017), dadka saboolka ah ee dunida ku nool wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin "Qashinka dunida casriga ah". Tilmaantaasi ma ah mid uu ku maagayo saboolka, balse -sida ay la tahay- xaaladda saboolku ay ku sugan yihiin iyo sawirka kuwa ladani ay ka bixiyaan baa sidaas ah. Mudane Bauman buuggiisa "Cabsida Dareerta /Liquid Fear", bulshada casriga ah ee dareeraha ah wuxuu ku tilmaamay in ay tahay "Aalad isku dayaysa in nolol cabsiyi ka buuxdo ay ka dhigto mid lagu noolaan karo / modern society is a contraption attempting to make life with fear liveable."

Welwelkii Bauman uu horay uga muujiyey xaaladda adduunyada waxaa si cad loo arkay sebenka Koroonaha. Waddamadii dunida ugu waaweynaa, uguna hantida iyo aqoonta badnaa ayaa waxay isu rogeen xabsi weyn oo cid cid u gudbi kartaa aysan jirin. Xaaladda taaganna waxaa ku rumoobaysa oraahda tiraahda: "Geeridaa la tusaa si ay duumada ugu qancaan."

Si kastaba ha ahaatee, xalay mar aan cabbaar taleefishinka daawaday, waxaa indhahaygu qabteen labo muuqaal oo kaaf iyo kala dheeri ah, kuwaas oo durba i soo xasuusiyey filinka Koonfur Kuuriyaanka ah ee magaciisu uu yahay "Dulin /Parasite". Muuqaalka koowaad wuxuu ahaa sawirro laga qaaday dadka Roohingaha ah ee ku jira xeryaha qaxootiyaasha ee dalka Bangaladeesh, oo cabsi laga qabo in uu ku dhex faafo fayraska Covid-19. Muuqaalka labaadna wuxuu ahaa barnaamij ka hadlaya habdhaqanka dadka ladan iyo siyaabaha ay u noolyihiin sebanka Koroonaha -meelaha ay ku noolyihiin iyo meelaha ay ka dukaamaystaan.

Filinkaan "Dulin ama deriskunool", wuxuu sawir ka bixinayaa loollanka ka dhaxeeya bulshada dabaqaddeeda ladan iyo teeda saboolka ah. Ifafaale dunida oo dhan ka muuqda baa wuxuu yahay in bulshadu ay u qaysamayso dabaqad yar oo aad u ladan iyo dabaqad ballaaran oo sabool ah, meeshana ay ka baxayso dabaqaddii dhexe ee labadaas isu haysay.

Nidaamka dabaqaduhu ma aha wax cusub, oo muddo ayuu dunida ka jirey, laakiin waxaa cusub in dunidu ay noqotay tuulo yar oo isu wada muuqata iyo in dowladuhu ay faraha ka qaadeen isku daygii ahaa in la isku hayo dabaqadaha kala duwan ee bulshada.

Bong Joon-Ho oo ah ninka filinka soo saaray wuxuu sheegay in qisada filinku ay tahay mid isaga qudhiisa qabsatay waagii uu ardayga ahaa. Wuxuu sheegay in jeerkii uu jaamacadda dhiganayey uu mar macallin u noqday wiil qoys tanaad ahi ay dhaleen, kolkii uu arkay guriga qoysku ay ku noolyihiin iyo sida ay u noolyihiinna uu u qaadan waayey in nolol caynkaas oo kale ahi ay ifka ka jiri karto, uuna ku mashquulay sidii uu ugu kuurgeli lahaa nolosha qoyskaas, ilaa uu isu rogay sidii in uu yahay jaajuus ama sirdoon lagu qaybiyey in uu qoyska dabagal ku sameeyo.

Filinku wuxuu isbarbardhig ku samaynayaa labo qoys oo is tiro le'eg, oo mid kastaa uu ka kooban yahay afar xubnood; aabbe, hooyo, inan iyo inan. Laakiin xagga dhaqaalaha iyo nolosha aad ugu kala duwan. Labada qoys inkasta oo ay isku magaalo joogaan, haddana waxay ku kala noolyihiin labo adduunyo oo aan shaqo isku lahayn, taana waxaa ugu wacan nidaamka hantigoosiga ee waraabaha noqday. Sida baaritaannada lagu xuso 20% dadka dunida ugu taajirsani waxay hantaan 85% hantida dunida ka jirta, halka 20% ugu saboolsani ay ka hantaan wax ka yar 0.1% hantida dunida.

Wiilka qoyska saboolka ahi uu dhalay baa shaqo macallinnimo wuxuu ka helayaa qoyska tanaadka ah oo uu gabadhooda afka ingiriiska u dhigayo. Dabadeedna iyada oo xeelad iyo xirrib la adeegsanayo ayaa dhammaan xubnaha qoyska saboolka ahi waxay shaqo ka helayaan guriga qoyska ladan - macallimiin, darawal iyo adeegto guri. Haddaba, maxaa dhacaya marka labada qoys ay hal guri ku kulmaan?

Aragtiyaha cilmi-bulsheedka cusubi waxay ahmiyad siiyaan saamaynta deegaanku uu ku leedahay nolosha iyo loollanka bulshada, filinkuna qodobkaas si mug leh buu xisaabta ugu darsaday. Qoyska Kim ee saboolka ahi waxay ku noolyihiin guri yar oo ku yaal dhulka hoostiisa (=basement), oo aan lahayn meel hawo iyo iftiin ay ka soo galaan oo aan ka ahayn daaqad yar oo qura.

Meel u dhowna waxaa deggan qoyska Park oo ku nool fillo weyn oo labo dabaq ah oo ku taal buur dhaladeed, naqshaddeeda iyo qurxinteedana uu ku farayaraystay injineer caan ahi. Isla gurigaan fillada ah hoostiisa waxaa ku nool nin muddo afar sano ah aan maalin qura cadceedda arag. Gurigaani wuxuu leeyahay jaranjaro dheer oo isku xirta guriga reerka ladani ay ku noolyihiin iyo halanbaqada ninka saboolka ahi uu maxbuuska ku yahay ee uu uga dhuunto dadka deynta ku leh. Jaranjaradu waa summad u taagan farqiga u dhexeeya dabaqadaha kala sarreeya ee bulshada. Si taa la mid ah, guriga hodonka ee buurta saaran iyo kan saboolka ee dabaqa hoose ku yaallaa waxay astaan u yiiin labada dabaqadood ee labada qoys ay kala metalayaan. Dunida sare waxaa iska leh hodanka, dunida hoosana waxaa iska leh saboolka.

Labada qoys ee tan Kim iyo tan Park, inkasta oo ay isku deegaan yihiin, haddana duruufahooda dhaqaale ayaa waxay ka dhigeen sidii in ay labo qaaradoodu ku kala nool yihiin, mid kastana ur gaar ah u yeelay. Marka magaalada uu roob ku da'ana isku si uma uu saameeyo, oo xaafadaha ay deggen yihiin dadka ladan ee leh dhuumaha biyaha iyo wasakhda qaada roobku waddooyinka ayuu nadiifiyaa, dadkuna waxay ka helaan neecaw qabow oo ay ku istareexaan. Si taa ku lid ah, roobku xaafadaha saboolka buulasha ayuu ka dumiyaa, wuxuuna u horseedaa silic iyo saxariir hor leh.

Erayga 'dulin ama deriskunool' (=parasite/ طفيلي) waa noolaha kuwa kale ku dul nool ee ka hela nafaqada uu u baahan yahay. Magaca filinkuna wuxuu si toos ah uga tarjumayaa habdhaqanka dabaqadda saboolka ah ee duruufaha noloshu ay ku dirqiyaan in ay ku kacaan fal kasta oo ay noloshooda ku maarayn karaan. Tusaale ahaan, weedha ugu horraysa ee filinku uu ku bilaabanayaa waa midda uu leeyahay inanka reerka saboolka ah ee oranaysa: "Waa noo dhammaatay, Wi-Fi dambe oo bilaash ahi ma helayno." Hadalkaasi wuxuu imaanayaa ka dib marka haweenayda dabaqa ka sarreeya deggen ee ay interneetka ka isticmaalaan ay beddesho baaswoodhka ama erayga sirta ah ee ay ku gasho interneetkeeda -waxaana xusid mudan in horay qoyska looga xiray taleefannadii oo ay biilashooda iska bixin kari waayeen. Xubnaha qoyska oo dhammi waxay iska kaashanayaan sidii lagu heli lahaa anteennada iyo erayga sirta ah ee lagu galo Wi-Figa sida sirta ah looga isticmaalo dadka deriska ah.

Wi-Figa waxaa loogu tagayaa suuliga dhexdiisa, halkaas oo inanka iyo inanta reerku ay si dhib yar isaga barakaadsanayaan [=fariisanayaan]. Falkaas oo ka marag kacaya in faqrigu uu reerka baray in dantooda ay suuli u dhex fariistaan -soo lama oran dantaada maqaar ey baa loogu seexdaa. Sidoo kale, qoyskaani ma iibsan karaan ama ma doonayaan in ay iibsadaan sunta lagula dagaallamo cayayaanka guryaha gala sida; baranbarada, dhiqlaha iyo kutaanta. Taa awgeedna, waxay furayaan daaqadda yar ee gurigooda si sunta laamiga lagu buufinayaa ay gurigooda u soo gasho, oo cayayaanka uga layso.

Dhanka kale, waxaa iyaguna dulin ah qoyska tanaadka ah oo dhan walba uga tiirsan adeegyada dadka kale -waxbarasho, gaadiid, nadaafad iyo karinta raashinka. Ninka maalqabeenka ahi darawalkiisa wuxuu u qiranayaa in haddii adeegtadu aysan joogin uu gurigiisu qashin qub noqonayo, maalmo kooban gudahoodna oon la cuno laga weynayo. Waxaa intaa dheer, in magacu uu si dadban uga tarjumayo dugaagnimada nidaamka suuqa iyo sida uu u keeno in dabaqadda yar ee ladani ay sidii gafanaha dhiigga uga jaqdo bulshada inteeda badan. Haddii si kale loo dhigo, magacu wuxuu tilmaamayaa halkudhegga Miikafiili ee yiraahda "dantu waxay xalaalaysaa waddada lagu gaarayo" oo ah kan hagaya dhacdooyinka filinka iyo guud ahaan dhaqanka dadka dunida. Meelaha filinku uu sida cad ugu tilmaamayo dabciga danaysiga ee dadka waxaa ka mid ah in wiilka qoyska saboolka ahi marka ay isbartaan gabadha uu macallinka u yahay, ee saaxiibkiis uu ku aamminay, shaqadana ugu qalqaaliyey si uu isaga ugu waardiyeeyo, uu durba dardaarankii saaxiibkiis daaqadda ka tuurayo, isaguna gabadha isa siinayo.

Kolka dunida sare iyo tan hoose ay kulmaan, oo saboolka iyo hodonku ay isu yimaadaan, waa in ay isku dhacaan, marka ay isku dhacaanna waa in uu dhiig daataa. Qaybta danbe ee filinka labada qoys waa dagaallamayaan, daawadayaashuna waxay isweydiin karaan: Halkkaan yaa denbiile ah? Jawaabta ay judhiiba helayaanna waa in shakhsiyaadka iyo qoysasku -kuwa ladan iyo kuwa saboolka ahiba- aysan ahayn eedaysanaha dhabta ah, balse denbiiluhu uu yahay nidaamka jideeyey in ciddii wax haysata wax loogu daro.

Labada qoys ee tan saboolka ah iyo tan hodonka ah wax colaad oo shakhsi ahi kama ay dhaxayso, malaa'ig iyo sheydaanna ma kala metalayaan laakiin nidaamka ayaa marka hore u kala hiilliyey, marka danbana isku diraya.

Dagaalku uma dhexeeyo labo qoys, balse wuxuu u dhexeeya kuwa wax haysta iyo kuwa aan wax haysan. Baaritaannada dhaqaaluhu waxay caddeeyeen in mar kasta oo farqiga xagga dakhliga ah ee u dhexeeyaa xubnaha bulshadu uu kordho ay la kordhaan heerka denbiyadu. Farqiga ballaaran ee u dhexeeya hodonka iyo saboolku wuxuu baabi'yaa kalsoonida ka dhaxaysa, wuxuuna yareeyaa iskaashigooda. Tusaale ahaan, marka ninka sakhraansani uu ku kalleetiyo guriga qoyska saboolka, ma ay kari karaan in ay jac iska yiraahdaan jeer wiilka martida ahi uu ka celiyo. Laakiin marka qoysku ay shaqo helaan, ee xaaladdooda dhaqaale ay xoogaa wanaagsanaato waxay ku dhiiranayaan in ay iska waabiyaan. Filinkaan dabaqadda ladani tan saboolka ah waxay u aragtaa sidii in ay baranbaro yihiin, halka tan saboolka ahi ay tan ladan u aragto in ay dugaag yihiin.

Muuqaallada sida wacan u tilmaamaya nidaamka dabaqiga ah ee filinka ku jira waxaa ka mid ah, midka ninka saboolka ahi halkii uu ka dili lahaa ninka kale ee saboolka ah ee inantiisa dilay, uu ka dilayo ninka maalqabeenka ah ee uu darawalka u yahay oo uu dhibsado sida uu isaga weyneysiiyo dadka saboolka ah. Waxaa kaloo ka mid ah, midka gabadha qoyska saboolka ahi ay u macaansanayso cuntada eeyda. Waa muuqaal sheegaya in xaaladaha qaarkood ay oonta eeydu ka wanaagsan tahay midda saboolka. Laakiin weydiintu waxay tahay dadku ma ka duwan yihiin xoolaha mase waa iscajabin aan waxba ka jirin?

Dhaqsuu uga xanaaqaa gujada xaakim taliyaaye

Haddii aadan xariggii Ilaah kiisa uga xeeban

Xikmaddaan dhankiisa u qulqulin wuu ka xadantoone

Xoodaamo lagu maalyey tood xoolo doobbiga e

Boggaa loo xoqaa toojadoo lagu xadaa weele

Dadkuna xoolo kama ay fogee waa is xunbulayaane! (Axmed shiikh Jaamac; Shirweynaha xoolaha soomaaliyeed).

Filinku, sinnaan la'aanta bulshada u dhaxaysa marna si cad uguma uu muujinayo xoolo ama habdhaqanka dadka. Sidoo kale erayga "sabool" marna lama adeegsanayo. Taa baddelkeeda wuxuu adeegsanayaa adooraha dadka. Tusaale ahaan, inanka yar ee qoyska ladani ay dhaleen isaga oo aan la socon in darawarlka gaariga u wada, haweenayda guriga uga shaqaysa iyo macallimadu ay yihiin qoys isku aqal ka soo toosay, buu wuxuu sheegayaa in urkoodu uu isku mid yahay (=same smell on them). Mar kale iyada oo la tilmaamayo saboolnimada ayaa waxaa la adeegsanayaa oraahda "Dadka raaca tareennada dhulka hoos mara ur gaar ah bay leeyihiin." Sida la og yahayna, in laga faallooda urka jirka dadku waa arrin aan caadi ahaan lagu dhicin in afka lagu ballaariyo.

Filinkaani wuxuu ka mid yahay filimaanta gudbinta farriimahooda u adeegsaday tilmaamidda ummuuraha hoose ee nafta aadamiga, ee aalaaba aan erayada lagu cabbirin. Tusaale ahaan, waxaan arkaynaa ninka maalqabeenka ah oo ninka darawalka u ah ku oranaya: "Adeegtadayadii hore waxay ahayd qof wanaagsan oo marna aan xadkeeda dhaafin. Waa necbahay dadka xadkooda dhaafa! Ceebta qura ee ay lahayd waa in ay raashin badan cunto, waxay cuntaa wax labo qof ku filan." In laga faalloodo cuntada dadku waa dhaqan foolxun oo laga xishoodo in afka la soo mariyo, weliba in laga faalloodu cuntada dumarku kuma sii jirto. Iswaraysiyada qoyska saboolka dhexmarayana waxaa ka mid ah mid sidaan u dhacaya:

Ki Taek: Jiliddu waa halkeeda, laakiin qoyskaan si fudud baa loo dhagri karaa, soo sidaas ma aha?

Chung Sook: Siiba Marwada.

Ki Taek: Waa sida aad u sheegtay. Waa qof allaheed uu alle yahay, waase qof aad u wanaagsan. Waa maalqabeen laakiin weli way wanaagsan tahay.

Chung Sook: Ha oran "Waa taajir laakiin weli way wanaagsan tahay." Way wanaagsan tahay maxa yeelay waa tanaad, ma garatay ulajeedkayga? Sida runta ah, qudhaydu haddii aan waxaan oo hanti ah haysan lahaa sideeda oo kale baan u wanaagsanaan lahaa! Malaha waanba ka wanaagsanaan lahaa.

Ki Taek: Warka hooyadiin waa sax, run bay sheegaysaa. Dadka ladani waa wada qalbi carruur, ismana shiddeeyaan. Sidaa darteedna wejigoodu duuduub ma uu yeesho.

Chung Sook: Waa sida feerada, xooluhu waa sida feerada oo kale. Laalaabka oo dhan bay sida feerada u taagaan, jeer raadkiisaba la waayo.

Dadka badankoodu, marka lagu daro saboolku curaafaysiga iyo dhagxaanta barakaysan waa aamminsan yihiin, haddana waxay og yihiin in cashadu ay ka muhiimsan tahay dhagxaanta barakaysan. Dhammaadka filinka labada qoys isbeddel baa ku imaanaya, laakiin nidaamka hantigoosiga ee dhibka keenay isaga waxba iska ay doorin maayaan. Feylasuufka Slavoj Žižek-na waxaa laga hayaa in uu yiri: "In la sawirto in dunidu ay gaddoomayso baa ka fudud in la sawirto in nidaamka hantigoosigu uu dhammaanayo."

Filinku muddo aad u gaaban buu abaalmarinno badan ku guulaystay. Abaalmarinnada uu ku guulaystayna waxaa ka mid ah abaalmarinta Oskarta. Arrinkaasna waxaa ka carooday Madaxweyne Donald Trump oo yiri: "Koonfurta Kuuriya waxaa naga dhaxeeya dhibaatooyin badan oo ganacsigu uu keenay, intaas oo dhan ka dibna waxay siiyeen abaalmarinta filimaanta ee sannadkaan. Ma wax wanaagsan baa? Ma garanayo." Madaxweynahana waxaa loogu jawaabay: "Waa la fahmi karaa, illeen ma uu akhrin karee /Understandable, he can't read."

Filinku inkasta oo uu af Kuuriyaan ku hadlayo, haddana qaddiyadda uu ka hadlayaa waa mid dunida oo dhan khusaysa, isla markaana uu qof walbaa fahmi karo. Kaftan iyo qosol badan baana ku jira, laakiin ma aha kaftan iyo qosol macne la'aan ah ee waa mid farriin xanbaarsan. Daawasho wacan.

https://video.egybest.news/watch.php?vid=375ae4180

Comments