Dhanbaallada Beershiya iyo dulqaadka diimaha

"Ma waxay idinla tahay in Eebbe uu u ciqaabayo in aysan ku camalfalin diin uusan iyaga u waxyoon?"
~ Montesquieu

"Baariis magaalada jinka iyo malaa'igta"
~ Taha Xuseen (1889-1973)

Dabshidkii 1721, sharciyaqaan Faransiis ahaa oo la oran jirey Charles Montesquieu (1689-1755), ayaa wuxuu soo saaray buug cinwaankiisu yahay "Dhanbaallada Beershiya" (=Persian Letters/رسائل فارسية). Waa buug isla goortii uu soo baxayba ka mid noqday buugta loogu akhriska badan yahay. Haddana lagu tiriyo in uu ka mid yahay buugta ugu wanaagsan kuwii falsafadda ee la qoray qarnigii siddeed iyo tobnaad.

Qoraaga buuggu wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay dhaqdhaqaaqii maanfurka Yurub ee ku salaysnaa caqliga, cilmiga, xorriyadda iyo horumarka. Wuxuu ahaa sharciyaqaan lagu bartay buuggiisa caanka ah ee "Ruuxda Qawaaniinta /The Sprit of the Laws", oo ah buug ka hadla falsafadda siyaasadda iyo dowlad wanaagga, laguna tiriyo in uu ka mid yahay saddexda buug ee loo arko in ay u gogol-xaareen nidaamyada dastuuriga ah ee dunida maanta ka jira. Waa ninka loogu abtiriyo fikradda kala saaridda saddexda awoodood ee qaranka - laanta sharci dejinta, laanta garsoorka iyo laanta fulinta.

Monteskiyu wuxuu sheegay in danta laga leeyahay jiritaanka xukuumaduhu ay tahay in la helo caddaalad, nabad, sinnaan, iyo in aan ruuxna ruux kale ka baqan. Dhanka kalena wuxuu ku baraarugay in cid walba -marka lagu daro xukuumadaha- oo awood buuxda heshaa ay noqoto fasaad iyo musuq miiran. Sidaa darteedna, loo baahan yahay in dowladdu ay yeelato saddex laamood oo hubin iyo isdheelitir isku sameeya, kana hortaga in awoodda si xun loo adeegsado. Waayo? Awood baa awood xakamaysa (=Power shall stop power).

Monteskiyu buuggaan 'Dhanbaallada Beershiya', wuxuu isku weydiinayaa su'aal falsafi ah oo oranaysa: Dhaqanka qofka ma waxaa haga damaciisa mise waxaa hoggaamiya akhlaaq samaanta, maxaase dhacaya haddii damaca ama anshax wanaagga midkood lagu talax tago? Si uu weydiintaas uga jawaabana wuxuu xusaya sheeko uu u bixiyey "Qisada beeshii Torogladhada /The Parable of the Troglodytes". Waa qisada beel uu sheegay in ay ku dhaqnaan jirtey dhulka carabta, oo sameeyey magaalo dadka ku dhaqani ay markii hore noolaayeen iyada oo ruux kastaa uu sameeyo wixii damaciisa iyo dookhiisu ay u yeeriyaan. Arrinkaas oo keenay in uu shaqeeyo xeerka dabeecadda ee dhigaya in uu waarayo kan awoodda leh oo keli ahi. Laakiin marxaladdii labaad, waxay go'aansadeen in ay ku dhaqmaan anshax wanaag. Ugu danbayntiina waxay ku qanceen in ay lamahuraan tahay in la helo xukuumad talada u qabata (Dhanbaallada 10, 11, 12, 13 iyo 14-aad). Waa qiso inta aad akhrinayso, uu maankaagu su'aalo badan iska weydiinayo: Soomaalida iyo dowladnimada?

Docda kale, sannadkii 1864, Maurice Joly oo ahaa abuukaate Faransiis ah, baa wuxuu qoray buug uu cinwaan uga dhigay "Dooddii Miikafili iyo Monteskiyu ay cadaabta ku yeesheen /The Dialogue in Hell Between Machiavelli and Montesquieu". Joly wuxuu sawirtay in labadaan oday ay cadaabta isku arkeen, dabeedna ay dhex martay dood mid kastaa uu ku difaacayo afkaartii uu qabay markii uu ifka joogey. Miikafili wuxuu difaacayaa kelitalisnimada iyo in dantu ay xalaalayso wadiiqo walba oo lagu gaari karo, madaxduna ay xaq u leeyihiin samaynta wax kasta oo ay xukunka ku ilaashan karaan [=Dantaada maqaar ey baa loogu seexdaa]. Monteskiyu isaguna wuxuu difaacayaa xorriyadda iyo in shacabku uu xaq u leeyahay la xisaabtanka madaxda. Gunaanadka dooddana, Monteskiyu oo dhan la dhacsan sida Miikafili uu u difaacay afkaartiisa, dhanka kalena damiirkiisu uu qaadan kari la' yahay ku dhaqanka afkaartaas aan qalbiga lahayn, ayaa wuxuu ku cabanayaa: "Eebbaha daa'imka ahow, maxaad oggolaatay! /Eternal God, what have you permitted!"

Si taa la mid ah, buugga "Gabbal Dhac Xaddidan /The Sunset Limited" ee uu qoray Cormac McCarthy oo goor danbe filin laga sameeyey, ninka mulxidka ahi -[waxaa jilaya Tommy Lee Jones], marka uu ku fashilmo in uu tarayn isu dhigo si uu isu dilo, ninka badbaadinayaa [waxaa metalaya Samuel L. Jackson] wuxuu dood ku la galayaa gurigiisa, isaga oo abdo ka qaba in uu ka hor joogsado in uu mar labaad isku dayo in uu is-dilo -waa haddii uu ku qanciyo in uu rumeeyo Eebbaha aan oggolayn in qofku uu naftiisa dilo.

Labada nin waxaa dhexmaraysa dood ku saabsan jiritaanka Eebbe iyo hadafka ay dadku u nool yihiin. Muddo saacad iyo bar ka badan, doodda waxaa majaraha u haynaya ninka muuminka ah ee ku doodaya in isdilku uu xaaraan yahay, oo daliishanaya nusuusta diinta. Hase ahaatee, tobanka daqiiqo ee filinka ugu danbeeya ayaa ninka mulxidka ahi wuxuu jeedinayaa khudbo gaaban oo uu ku deedifaynayo dooddii dheerayd ee muuminka.

Doodda filinkaan falsafiga ahi waxay ku dhammaanaysaa oraah ninka muuminka ahi uu Eebbe ugu cataabayo oo oranaysa: "Ma fahmin arrinka. Haddii aad doonayso in aan caawiyo, maxaad aniga erayada [=xujada] ii siin weyday? Isaga ayaad siisay! Aniga maxaa jira? /I don't understand it. If you wanted me to help him, why didn’t you give me the words? You give em to him. What about me?". Waa weero uu ku qirayo in dooddii looga guulaystay. Waana weero qofka maqlaa uu durba xasuusanayo isla oraahdii Monteskiyu ee aan kor ku soo xusnay iyo tii nebi Ciise uu ku baroortay kolkii la deldelayey ee ahayd: "Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?" (=Eloi Eloi lama sabachthani? /My God, my God, why have you forsaken me?).

Docda kale, sida dad badani ay rumaysan yihiinna, isla buuggaan "Doodda Miikafili iyo Monteskiyu", ayaa waa danbe waxaa laga xaday afkaarta ku qoran buugga caanka ah ee loo yaqaan "Borotokoollada Odayaasha Sahyuunidda" (=Protocol of the Elders of Zion /بروتوكوالت حكماء صهيون), oo dadka qaarkood ay ku tilmaameen in uu yahay -ama ugu yaraan uu ka mid yahay- buugta dunida ugu halista badan. Laakiin sida dhabta ah, aan dhaafsiisnayn dicaayad ay buunbuuniyeen dad aamminsan aragtida shirqoolka oo aalaaba ay rumaystaan dadka ka welwelsan noloshooda iyo jiritaankooda.

3 Yeelkadeed, Monteskiyu waxaa laga hayaa in uu yiri: "Kolkaan u fiirsaday, waxaan ogaaday in qofku si uu ugu guulaysto ummuuraha adduunyada, looga baahan yahay in uu xakiim ahaado, laakiin uu muuqaal nacas yeesho." Malaha isaga oo siyaasaddaas ka duulaya, ayuu daabacaaddii hore ee buuggaan 'dhanbaalladii Beershiya', wuxuu soo saaray isaga oo aan ku xusin magaciisa, isla markaana wuxuu ku daabacay magaalada Amisterdaam ee caasimadda dalka Nederland, oo xilligaas xagga xorriyadda ku dhaantay dalka Faransiiska. Xilligaan meelo badan oo Yurub ka mid ah, weli waxaa ka sii socday halwgalladii ku caanbaxay magaca 'Maxkamadihii baaritaanka', ee lagu ugaarsanayey aqoonyahannadii ka aragtida duwanaa wadaaddada Kaniisadda Katooligga. Monteskiyuna, wuxuu ka mid ahaa dadkii ka biyo diiday doodaha wadaaddada Katooliga iyo guud ahaan diimaha waxyiga ku dhisan.

Buuggaan 'dhanbaallada Beershiya', ugu yaraan dhanka muuqaalka kore, waa uu ka fudud yahay kan 'Ruuxda qawaaniinta', oo sida qoraaga qudhiisu uu sheegay waa nooc sheeko ah (=a kind of novel). Waxaana lagu metalay in uu la mid yahay sidii warqad lagu dhex qariyey alaabo loo sido qof maxbuus ah, oo ku jira xabsi aan loo oggolayn in uu wax ogaado. Dadka ka faalloodey qaab qoraalka buugga qaarkoodna waxay yiraahdeen: "Monteskiyu, ulajeeddada buuggiisa wuxuu qariyey in ka badan inta addoonta dhufaanan ee Usbek ay qariyeen dumarkiisa maqabbiyada ah."

Sidaas oo ay tahay, haddana ulajeeddada dhabta ah ee qoraagu waa in uu dadkiisa wax u sheego. Wuxuu doonayaa in uu dhaliilo duruufaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada Faransiiska iyo guud ahaan Yurub, isaga oo saluugsan dhinacyada akhlaaqda, dhaqaalaha, dhaqanka, diinta, dowladnimada, siyaasadda,...iqk. Labada mawduuc ee ugu waaweyn ee buuggu uu ku wareegayaana waa dhaleecaynta kelitalisnimada madaxda iyo dulqaad la'aanta diimaha.

Monteskiyu buugga kama uusan dhigin mid uu isagu qoray, balse wuxuu u muujiyey sidii in uu yahay dhanbaallo ay is dhaafsadeen labo sarkaal oo Beershiyaan ama Iiraani ah, oo lagu kala magacaabo Usbek iyo Rika oo booqashadoodii ugu horraysay ku tagay Yurub, gaar ahaan magaalada Baariis, iyo eheladoodii iyo asxaabtoodii ay waddanka uga tageen iyo weliba saaxiibbo kale oo waddamo kale ku kala sugnaa.

Qoraagu wuxuu is tusay in asluubkaani uu fursad u siinayo in uu fikrado badan dadka la wadaago, wax badan oo dhaliilo ahna uu sheego. Halkii uu ka dhihi lahaa aniga ayaa sidaan qaba, ayuu wuxuu yiri dalxiisayaal na soo booqday baa sidaas noo arkay, talooyinkaasna noogu deeqay. Waa wax sheeg dadban. Sida la og yahayna, wax sheegga dadbani waa ka saamayn badan yahay, kana mas'uuliyad yar yahay kan tooska ah. Taa waxaa dheer, in dalxiisayaasha ajanebiga ah qudhoodu aysan si toos ah wax u sheegayn, ee taa beddelkeeda ay adeegsanayaan maad iyo jeesjees.

Kajanka iyo jeesjeeska ayaa ah hubka ugu culus ee Monteskiyu uu u adeegsanayo gudbinta farriimihiisa. Fikrado waaweyn oo lagu margan lahaa, buu dadka ku laqsiinayaa erayo kooban oo kaftan iyo jeesjees lagu iidamay. Tusaale ahaan, marar badan wadaaddada Masiixiga ah wuxuu ugu yeerayaa magaca 'daraawiish', maxaa yeelay dhan magacu waa midka ay yaqaannaan dalxiisayaasha Beershiyaanka ahi, dhanka kalena wuxuu rabaa in uu sarbeebo in wadaaddada masiixigu aysan aqoon dhab ah lahayn, oo aqoonta ay sheegtaan oo dhammi ay harawsi ku dhisan tahay. Waayo? Aqoonta wadaaddada diimuhu waxay ku qotontaa ka hadalka Alle aysan aadamiga kale waxba ku dhaamin.

Wadaaddada diimuhu dadka waxay ku haystaan cabsida laga qabo waxa dhici doona geerida kadib. Wadaaddadu waxay dadka ku bajiyaan hub khatar ah oo la yiraahdo: waa la dhimanayaa! Dadka badankooduna kolka ay maqlaan weedha: "waa la dhimanayaa!", cabsi bay la suuxaan, wax danbana isma weydiiyaan. Waa dhab in la dhimanayo, laakiin waa kuma ruuxa yaqaan waxa dhimashada ka danbeeya?

Sida runta ah, qoraagu marna si toos ah uma sheegayo in diintu ay xun tahay ama Ilaah uusan jirin, balse wuxuu ku celcelinayaa in wadaaddada diimuhu ay yihiin munaafaqiin qaarkood ay niyad wanaagsan yihiin. Wadaaddada diimaha ee uu sida tooska ah uga hadlayaana waa Masiixida iyo Muslimiinta.

Labada nin ee Beershiyaanka ahi muddo toban sano ah bay Yurub joogayaan (=1711- 1720). Muddadaasna waxay si hoose ugu kuurgalayaan hey'adaha iyo dhaqamada dadka Faransiiska ah iyaga oo ka duulaya sidii dadka Beershiyaanku ay waagaas wax u arki jireen. Muddadaas iyaga iyo eheladooda iyo asxaabtooda baa waxay isu dirayaan 161 dhanbaal ama warqadood (daabacaaddii 1-aad ee buugga waxaa ku qornaa 150 dhabaal, laakiin daabacadihii danbe waxaa lagu daray 11 dhanbaal oo kale).

Waa 161 dhanbaal, oo Monteskiyu uu ku muujinayo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin ama isaga midka yihiin labada ummadood ee Beershiyaanka Muslimka ah iyo Yurubta Masiixida ahi. Maxaa yeelay, labada nin ee Beershiyaanka ahi ma ah dalxiisayaal caadi ah, ee waa dalxiisayaal u oomman xogta iyo xigmadda galbeedka, isla markaana si joogto ah isu barbardhigaya Bariga [Iiraan iyo Turkiga) iyo Galbeedka. Waxay isku dayayaan in ay ogaadaan qolo walba dhanka ay ku wanaagsan tahay iyo kan ay ku liidato.

Arrimaha ay u kuurgalayaanna waxaa ka mid ah; akhlaaqda, dastuurka, dhaqaalaha iyo qaybsiga hantida, maamul wanaagga, sayninksa iyo diinta, isu dulqaadashada diimaha, fanka, xiriirka ragga iyo haweenka, guurka iyo furriinka, moodada, isdilka iyo mawduucyo kale oo badan.

Labada nin ee socotada ah ee Usbek iyo Rika, inkasta oo ay Beershiyaan ama Iiraani wada yihiin, oo xagga dhalashada iyo dhaqanka ay ka siman yihiin, haddana waa kala duwan yihiin. Usbek waa waayeel waayo arag ah, wuxuuna leeyahay shan xaas iyo dumar addoon ah, oo ah maqabiyado ay waardiyeeyaan niman addoon ah oo la dhufaanay. Halka Rika uu ka yahay barbaar doob ah, oo aan nolosha khibrad badan u lahayn, dadkana ka weheshada hooyadiis oo Usbek ku eedaynaysa in uu ka duufsaday wiilkeedii madiga ahaa ee ay keligi indhaha ku nuursan jirtay.

Meelaha laga dheehan karo farqiga labada nin u dhexeeya waxaa ka mid ah aragtidooda ku aaddan dumarka. Tusaale ahaan, Usbek oo ah oday ay dumar badani u joogaan, wuxuu qirayaa in uusan jeclayn dumarkaas. Taas oo jirta, haddana dumarkiisa aad buu u ilaaliyaa, ugana masayraa, wuxuuna u arkaa in ay yihiin hanti uu leeyahay oo ay waajib tahay in indhaha dadka laga dheereeyo. Waa haween addoonta waardiyeeyaa ay ka xorriyad badan yihiin.

Si taa ka duwan, Rika waa barbaar aan lahayn wax badan oo uu xeeriyo. Taa darteedna, si dhib yar buu kula qabsanayaa bulshada Faransiiska, siiba haweenka Faransiiska oo uu ka helayo furfurnaantooda iyo toos u hadalkooda. Wuxuu ku doodayaa in haweenka Faransiisku ay qaab fekerka dumarka habeen qura uga bareen wax ka badan wixii uu soddon sano kaga baran lahaa haddii uu la dhaqmi lahaa haweenka Beershiyaanka oo keli ah. Waayo? Dumarka Beershiyaanku waxay ku dhaqmaan dardaarankii ahaa: "Dumaroow waxaad doonaysaan diida."

Usbek iyo Rika waxay kala metalayaan facyaasha kala duwan ee ummadaha. Had iyo goor waayeelku waxay ku mintidaan dhaqammada ab ka soo gaarka ah ee lagu soo ababiyey, halka dhallinyaradu ay si fudud ku qaataan hadba wixii sax ugu muuqda. Guud ahaan, buugga waxaan ku arkaynaa in marka Usbek iyo Rika ay isbarbardhigayaan axwaasha ummadaha, ay doodda Usbek aad u culus tahay una falsafad badan tahay, halka tan Rika ay ka qeexan tahay, kana qosol badan tahay.

Usbek iyo Rika marka ay gaaraan Yurub, waxay u qaadanayaan in ay duni kale tageen, oo wax walba waa ku diimayaan. Waana dabciga bani'aadamka in xaajo nin la toosani ay mid kale tuur la yeelato. Tusaale ahaan, Usbek warqad uu u diray nin ay saaxiib ahaayeen oo ku noolaa magaalada Ismiir ee carriga Turkiga, wuxuu ku leeyahay: "Waa muuqaal la yaab leh in qof muslim ahi uu markii ugu horraysay arko magaalo Masiixi ah. Ka hadli maayo waxyaabaha dareenka soo jiidanaya ee ay ka midka yihiin in aan ku kala duwannahay dhismayaasha, dhar xirashada iyo caadooyinka aasaasiga ah:

waxa aan arkayo oo idil waa wax cajiib ah, oo igu abuura dareen la yaab leh oo aannan cabbiri karin." Mar kale, Usbek warqad uu u diray nin ay qaraabo ahaayeen oo Talyaaniga ku noolaa, wuxuu ku yiri: "Wax walba waa i xiiso geliyaan, wax walba waa i soo jiitaan; waxaan la mid ahay sida ilmo carruur ah oo xubnihiisa curdanka ahi ay wax walba ku diimaan."

Hayeeshee, Usbek iyo saaxiibkiis, durba waxay yaqiinsanayaan in si kasta oo dhaqammadu ay u kala duwan yihiin, haddana weli ay joogaan duni bani'aadam la mid ahi ay ku dhaqan yihiin, ayna la gudboon tahay in si feejignaani ku jiro ay isugu dheellitiraan midnimada aadamiga iyo kala duwanaanta dhaqamada.

Sida dhabta ah, dalxiisayaasha Beershiyaanka ahi ma ah khashiin ama dammiin wax walba ku diimaya, balse waa rag leh garaad ay wax ku miisaamaan, samaha iyo xumahana ku kala gartaan. Mana ah rag ku sirmaya muuqaalka kore ee dadka iyo walxaha, balse waa waxgarad si hoose ugu fiirsanaya nuxurka ummuuraha. Haddana, Soomaalidu been ma sheegin jeerkii ay ku maahmaaheen: "Deriskaaga mar ku diin, marna ku dayo, marna ka darnow."

Monteskiyu, buuggaan wuxuu ku dhaleecaynayaa boqorrada, xildhibaannada, garsoorka, siyaasiyiinta, saxaafadda, aqoonyahannada, wadaaddada, haweenka iyo qaar kale. Tusaale ahaan, boqorrada wuxuu ku eedaynayaa in sharciga aysan caddaaladda ugu adeegin ee ay danahooda ku qunsadaan. Mar uu boqorkii Faransiiska ee Luwiskii 14-aad, tilmaamayna wuxuu yiri: "Boqorka Faransiisku waa kan ugu weyn dhammaan boqorrada Yurub, ma uu laha ceelal dahab ah sida kan ay deriska yihiin ee boqorka Isbaanishka, laakiin wuu ka hodonsan yahay; maxaa yeelay wuxuu ka faa'iideystaa isla weynida shacabkiisa iyo faan jacaylkooda, kaas oo ah il-dhaqaale oo aan u dhammaan sida ceelasha dahabku ay u guraan. Sidaa awgeed, kolka uu damco in uu dagaal ba'an qaado, ama uu qolo ku taageero, ma uu heli karo xoolo aan ka ahayn in uu iibiyo naynaasaha sharafta; mucjisada isla weynaanta aadamiga ayaa fursad u siisa in uu bixiyo mushaarka askartiisa, dhufeysyadiisa uu xoojiyo, cutubyadiisana uu diyaariyo.

Dhanka kale, boqorkaani waa sixirroole weyn, oo awooddiisa ku saameeya fekerka raciyadiisa, kana dhiga kuwo u fekera sida uu rabo; haddii khasnaddiisa ay ku jirto hal malayan oo geni, uuna u baahan yahay labo malyan oo geni, waxa keliya ee uu sameeyaa waa in uu ku qanciyo in halka geni uu le'eg yahay labo geni oo ay ka rumaystaan, haddii dagaalku sii cuslaado oo uu musalifina, waxa qura ee ay ku kallifaysaa waa in uu laabta ugu rido in xaashiyihu ay xoolo yihiin iyaguna ay taa ka aqbalaan; bal xaaladdu waxayba gaartay in ay rumaystaan in xanuun oo dhan uu ka bogsiin karo kolka uu taabto; maxaa ka weyn awoodda uu naftooda ku leeyahay!"[=Qoraagu wuxuu tilmaamayaa magcaanta iyo manaasibta la iibsado, ammaahda ay dowladuhu shacabka ka qaataan iyo lacagaha ay daabacaan].

Goortii boqor Luwiskii 14-aad uu geeriyooday, ee wiilkiisii uu carshiga ka dhaxlay, dadku waxay bilaabeen in ay ka faalloodaan waxa laga fili karo boqorka cusub. Jeerkaasna, Montiskiyu isaga oo dadka xasuusinaya sida siyaasiyiintu ay ugu nugul yihiin wadaadda iyo dumarka ayuu wuxuu yiri: "Hab-dhaqanka boqorrada reer Galbeedka la ma saadaalin karo jeer labo imtixaan oo waaweyn ay ka gudbaan: haweenka iyo wadaaddada, mid kasta oo labadaan ka mid ahi wuxuu ku dadaalaa sidii uu nafta boqorka ku hanan lahaa. Sidaa awgeed wuxuu geli doonaa dagaallo khatar ah." Qoraagu faallada waa sii watay, isaga oo adeegsanaya magaca Beershiyaanka martida ah ee Usbekna, wuxuu yiri: "Waagii aan imid Faransiiska, waxaan ogaaday in boqorkii geeriyoodey ay haweenku si buuxda ugu talin jireen, inkasta oo uu ahaa waayeel gaboobay oo boqorrada oo dhan dumarka ugu baahi yar... Maxay tahay sababta haweenay ku bixinaysa in ay la saaxiibto wasiir? Ma waxay idinla tahay in ay ka heshay? Maxay tahay nacasnimadu! Waxay rabtaa in waagii beryaba ay ka saxiixdo shan ama lix codsi... Dadka Beershiyaanku waxay ka cawdaan in labo ama saddex dumar ahi ay waddankooda xukumaan, xaaladda Faransiisku taa waa ka sii daran tahay; halkaan haweenka oo dhan baa xukuma, hal meel kama xukumaan ee awoodda ayay qaybsadeen."

Wuxuu dhaleecaynayaa wasiirrada iyo xildhibaannada. Wuxuuna ku doodayaa in weligeed aan la arag boqor xun, haddii ay dhacdana ay wasiirradiisa iyo la taliyeyaashiisu ka sii xumaayeen. Wasiiradda iyo la taliyeyaasha ayaa ah kuwa boqorrada iyo madaxweynayaasha sida xun wax ugu sheega.

Monteskiyu isaga oo aad mooddo in uu ka hadlayo xaaladda Soomaaliya maanta ka jirta, ayuu xildhibaannada dalkiisa wuxuu ku eedaynayaa in xeerarka ay ansaxiyaan aysan ahayn kuwo ay ka fekereen samaan iyo xumaan midka ay bulshada ku yeelanayaan, balse ay si fudud u soo guuriyaan sharciyo waddamo kale loo dejiyey, oo waddankooda aan khusayn.

Docda kale, Monteskiyu wadaaddada kaniisadda wuxuu ku eedeeyey; khuraafaad, musuqmaasuq, masaakiin magaca diinta lagu dhaco iyo af iyo uur kala jeeda. Mar uu wax ka tilmaamay khuraafaadka wadaaddana wuxuu yiri: "Ha la yaabin waxa aan boqorka kaaga sheegay; waayo waxaa jira sixirroole kale oo ka awood badan; xataa awoodda uu boqorka ku leeyahay baa ka weyn midda boqorku uu ku leeyahay dadka kale. Sixirroolahaan waxaa loogu yeeraa Boob; badanaa inta uu boqorka ku qanciyey in saddexdu ay hal oo keliya tahay, kimista la cunaana aysan kimis ahayn, khamrada la cabbaana aysan khamro ahayn, iyo arrimo badan oo kale oo noocaan ah." (Dadka haysta diinta Kirishtanku waxay qabaan in Ciise Masiixi habeenkii ugu danbeeyey ee uu xertiisa la casheeyey in uu u qaybiyey kimis iyo khamro, uuna u sheegay in ay kala metalayaan dhiiggiisa iyo hilibkiisa. Khamrada iyo kimista kaniisaddana qofkii sidaa u niyeysata loogu denbi dhaafo. Saddexda halka isku ahina waa fikradda Masiixidu ay aamminsan yihiin ee sheegaysa in Eebbe uu saddex muuqaal leeyahay; Abbaha, Inanka (=Ciise Masiix) iyo Ruuxda Qudduuska ah [=Trinity]).

Monteskiyu wuxuu canbaareeyey dagaallada macne darrada ah ee u dhexeeya wadaaddada iyo madaahibta Masiixiga ah iyo guud ahaan dagaallada diimaha iyo madaahibta ku salaysan. Bilmatal, mar uu tilmaamay colaadaha madaahibta diinta Masiixiga, wuxuu yiri: "Ma jirto boqortooyo uu gudaheeda dagaal sokeeye uga dhacay sida boqortooyada Masiixiga... Waxaan kuu sheegayaa ma ah wax u gaar ah Faransiiska iyo Jarmalka. Maxaa yeelay dadka waxaan ka maqlay:

In Isbeyn iyo Talyaaniga ay joogaan wadaaddo aan farxad aqoon, oo dadka u guba sida xaabada loo gubo."

Montiskiyu wuxuu ku jeesjeesay hawlgallada diin faafinta ee xilligaas ay wadaaddada masiixigu ka wadeen dhulalka dibedda. Wuxuu wax la la yaabo ku sheegay falalka "Reer Yurubku ay ku caddaynayaan wejiyada Afrikaanka iyaga oo ku doodaya in ay aadamiga ugu adeegayaan." Mar uu la hadlayo wadaaddada ku andacooda in Eebbe cadaabayo dadka aysan iyaga isku diinta ahaynna wuxuu yiri: "Ma waxay idinla tahay in Eebbe uu ku ciqaabayo in aysan ku camalfalin diin uusan iyaga u waxyoon? /Do you think that God will punish them for not practicing a religion which he did not reveal to them?"

Qoraagu isaga oo adeegsanaya qaab majaajillo ah, ayuu si dadban wuxuu isbarbardhig ugu samayaynayaa qaar ka mid ah diimaha adduunka, wuxuuna gaarayaa natiijo ah in uusan jirin farqi weyn oo macne samaynaya oo u dhexeeya diimaha dadyowga dunidu ay kala haystaan.

Meelo badan oo buugga ah, wuxuu kaga faalloonayaa ahmiyadda wada noolaanshaha iyo xorriyadda diinta. Wuxuu ka warramayaa waxtarka xorriyadda diintu ay u leedahay nabadda iyo horumarka bulsahda. Tusaale ahaan, dhanbaalka 85-aad, wuxuu kaga hadlayaa wanaagga xorriyadda diinta iyo dhibkii dhaqan-dhaqaale ee dalka Iiraan ka soo gaaray markii dadka haysta diinta Saraadashtiga dalkaas laga cayriyey, wuxuuna ka digayaa xumaha ka dhalan kara haddii Shaaha Iiraan uu ansaxiyo qorshaha siyaasiyiinta dalkaas qaarkood ay ku doonayaan in la barakiciyo Armeenida Masiixida ah.

Farriimaha faraha badan ee Mudane Montiskiyu uu dadyowga reer Galbeedka u sheegayo waxaa ka mid ah in dunida aysan keligood ku noolayn ee la la wadaago. Sidaa darteedna, looga baahan yahay in aysan dhibsan dhaqamada iyo diimaha dadka kale. Tusaale ahaan, marar badan Islaamka iyo Muslimiinta ayuu ammaanayaa.

Danta uu taa ka leeyahayna ma aha gacalo gaar ah oo uu u qabo islaamka iyo muslimiinta, balse waa in uu dadkiisa ku baraarujiyo in keligood aysan diin haysan, ee ummado badan oo diimo kale haystaa ay jiraan, isla markaana qolo kastaa ay u haysto in diintoodu ay tahay midda diimaha ugu saxan.

Qof ahaanna, mar kasta oo aan farriintaas maqlo, waxaan isweydiiyaa: abbooyow goorma ayaa Muslimiintu heli doonaan cid u sheegta in dunida aysan keli ku ahayn ee la la wadaago. Muddo qarni ku dhow, baa dunida Islaamka waxaa lagu faafinayey fikrad ay wadaaddadu u bixiyeen "Macallin u noqoshada adduunyada /أستاذية العالم". Adeegsiga eraybixintaan waxaa ku caan baxay ururka Ikhwaanu Muslimiinka, laakiin hirgelinteeda waxaa ka siman ururrada saxwada oo dhan. Waa fikrad nuxurkeedu uu yahay in ururrada diiniga ah ee Muslimiintu, ay qabsadaan adduunka oo idil, ka dib marka la sameeyo hawlgallo isdabajoog ah oo ka bilowda in la helo "qof Muslim ah", oo sameeya "qoys Muslim ah", oo isaguna markiisa sameeya "bulsho Muslim ah", oo iyaduna kolkeeda abuurta "dowlad Muslim ah" oo soo celisa "khilaafadii Islaamka" oo keligeed xaq u leh in ay dunida ka taliso (=Oo dhab ahaantii laga wado qof Ikhwaan ah oo dhisa qoys Ikhwaan ah, oo abuura bulsho Ikhwaan ah, oo iyaguna sameeya dowlad Ikhwaan ah oo calanka u taagta khilaafo Ikhwaan ah. Waxaana xusid mudan in macnaha qoysku halkaan uusan ahayn qoyska la yaqaan ee ka kooban aabbe iyo hooyo iyo asalkooda iyo faracooda, balse waxaa laga wadaa xubno isku aydaloojiyad ah oo sheeko iyo wada shaqayn leh).

Xasan Bannaa (1906-1949), oo ah ninka aasaasay ururka Ikhwaanu Muslimiinku, isagoo sharraxaya hawsha la doonayo in ururku uu qabto, wuxuu yiri: Xilkayagu waa in aan "hoggaaminno dunida, aadamiga oo dhanna aan ku duwno nidaamyada Islaamka ee hagaagsan, iyo waxa ay farayaan oo la'aantood aysan dadku liibaanayn / مهمتنا سيادة الدنيا، وإرشاد اإلنسانية كلها إلى نظم اإلسالم الصالحة، وتعاليمه التي ال يمكن بغيرها أن يسعد الناس".

Wadaaddada Saxwadu waxay dhallinyarada ka dhaadhiciyaan in dadka Muslimka ahi ay aadamiga ugu garasho badan yihiin, ayna waajib ku tahay in dunida oo dhan ay hoggaamiyaan, oo xoog iyo xeelad kii ay adeegsadaanba looga fadhiyo in dunida oo idil khilaafada Islaamka la hoos keeno, calanka madowna laga taago.

Waa isla fikradda ay u dagaallamayaan ururrada Alshabaab, Boko Xaraam, Daacish, Qaacido iyo qaar kale oo badan.

Wadaaddadu haddii ay oran lahaayeen waxaan doonaynaa in aan soo celinno ilbaxnimadii Islaamka, ilaa heer waa loo garaabi lahaa, laakiin waxay yiraahdeen waxaan soo celinaynaa khilaafadii Islaamka, waayo waxay la tahay in haddii ay xukunka gacanta ku dhigaan ay helayaan awood ay ku fulin karaan wax walba oo ay damcaan. Ismana ay weydiin in khilaafadii la soo celin karo iyo in kale? Iyo xataa in khilaafadu waxtar u leedahay Muslimiinta iyo in kale?

Fikradda 'macallin u noqoshada caalamka' iyo khilaafo soo celinto, waxay ka hor imaanaysaa aayadaha quraanka ee sheegaya in Eebbe uu ummadaha qoloba qaab nololeed gaar ah u sameeyey, kala duwanaantuna ay doonistiisa ku timid, haddii uu ْم كن ُمّل َج َع ْل َنا ِكُ ْن َهاج ًا َو َل ْو َش آ َء مْرَعَع ًة َو ِشِ damcana uu ummad qura ka dhigi lahaa (= ا للّهُلّهُ ةَد ًحّم ًة َوا ِأْم ُكَلَجَج َع َل ُ).

Waa fikrad waalli ah, oo caqliga iyo waaqicuba ay diidayaan, lana mid ah tii Yahuuddu ay ku sheegteen in ay yihiin "shacab Alle doortay /شعب هللا المختار". Waa fikrad ku lid ah nolosha, horumarka iyo ilbaxnimada. Marka hal qolo ay isku daydo in keligeed ay dunida ka arrimiso, waxaa abuurma nacayb iyo colaado dunida aafeeya. Monteskiyu oo xaqiiqadaan qalinka ku adkeeyeyna, wuxuu yiri:

"Waxaan qirayaa in taariikhda ay ka buuxaan dagaallo diimeed, laakiin waxa loo baahan yahay in aan garanno in sababta dagaalladaasi aysan ahayn tiro badnida diimaha; balse sababtu ay tahay tacasubka ay la gubanayaan kuwa u haysta in diintoodu ay ka sarrayso diimaha dadka kale. Ruuxdaas xagjirka ah baa waagii hore Yuhuudda ku bixisay in ay iskala weynaadaan kooxaha kale, cudurkaas faafa oo markii danbe ay ka qaadeen Masiixida iyo Muslimiintu. Wareerkaas fekerka ku dhaca baa keena in garaadka aadamigu uu lumo."

Adduunyadu waa ka ballaaran tahay meel hal qolo iyo hal feker ay ka taliyaan.Midabyada badan baana ka qurxoon halka midab. Milgaha iyo wanaagga noloshuna waxay ku jiraan kala duwanaanta.

Meelaha ugu yaabka badan buugga, waa heerka Usbek uu ku guuldarraysanayo in uu fahmo sida ay u fekerayaan xaasaskiisa maqabiyaadka ahi. Wuxuu u haystaa in ay faraxsan yihiin, daacad yihiin, kuna qanacsan yihiin nolosha iyo qolqolka lagu hayo. Laakiin xaaladdu sidaas aad bay uga geddisan tahay, oo dumarka waxaa ka buuxa caro, nacayb, murugo iyo wareer. Addoonka madaxda u ah ragga dhufaanan ee haweenka u haya ayaa wuxuu u diriyaa farriin uu ugu sheegayo in xaasaskiisa oo idil ay anshax xumo iyo gogoldhaaf ku aqdaanteen, isaguna wuxuu u dirayaa jawaab uu ku amrayo in uu arrinkaas sida ugu dhaqsaha badan uu wax uga qabto, oo uu haweenka edbiyo. Laakiin dhanbaalka jawaabta ahi wuxuu soo gaarayaa goor danbe oo xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen, haweenkii oo dhammina ay dhinteen -marka lagu daro Ruksaana oo ahayd midda uu ugu jecel yahay, uuna u haystay in iyaduna ay indhaheeda ka jeceshahay. Malaha, Usbek iyo ragga la midka ahi ma aysan maqal oraahda tiraahda: "Nin s... raacay sooma nabad hooyo."

Guntii iyo gebagebadi, dhanbaallada Beershiya waa buug la qoray saddex boqol oo sano ka hor, ayna dhici karto in akhristuhu uu ku caajiso baalashiisa hore, laakiin mar haddii uu ka gudbo baalasha hore uusan dhulka dhigayn jeer uu ka laaco.

Comments