Diin iyo sheekoxariir maxay kala yihiin
Maalmihii la soo dhaafay saddex qof baa midba mar wax iga weydiiyey mawduuca diinta iyo sheekoxariirta. Waxaana qiyaasayaa in ay jiraan dad badan oo danaynaya in ay arrinkaas wax ka ogaadan. Sidaa darteed, sadarrada soo socda waxaan faallo kooban uga bixinaynaa diin iyo sheekoxariir waxa ay kala yihiin iyo xiriirka ka dhexeeya. Waxaana ka cudurdaaranayaa in hadalku uu aad iila durkay.
Noloshu iskeed macne uma laha, waxa macnaha u yeelaa waa sida dadku ay uga falceliyaan ugana sheekeeyaan dhacdooyinka soo mara. Dadku waxay ka sheekeeyaan qisooyin ku saabsan sida koonka loo uumay, halganka ay nolosha u soo mareen, guulihii iyo guuldarrooyinkii ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan damaca iyo baqdinta.
Sheekoxariirta waxaa lagu qeexaa in ay tahay 'riyada dadweynaha'. Waxaa lagu cabbiraa damaca uu leeyahay iyo rajada uu qabo, dhibaatooyinka ka hor yimaada iyo waxyaabaha uu ka welwelo. Aadanuhu waxay wadaagaan xubno jir oo isku mid ah iyo marxalado nololeed oo ilaa heer isu dhow, dhacdooyinka la soo dersana waxay uga falceliyaan siyaabo aan kala fogayn. Sidaa awgeed baa dadku meel kasta oo ay dunida kaga noolyihiinba waxay wadaagaan sheekoxariiro isku mawduucyo ka hadla.
Tusaale ahaan, aqoonyahannada sheekoxariiraha baaraa waxay rumaysan yihiin in dadyowga adduunka oo idil -si kasta oo dhulkooda, dhaqankooda iyo diintoodu ay u kala geddisan yihiin- ay wadaagaan sheekoxariiro aad isugu dhow oo ka hadla ubaarka koonka. Qaar ka mid ah aqoonyahannadaasina waxay qabaan in qisada abuurka ee lagu xusay inta badan kutubta muqaddaska ah ee diimuhu ay ka soo jeeddo isla sheekoxariirtaas ay dadku curiyeen kumaanka sano ka hor. Sheekadu waa mid qura laakiin waxaa kala duwan faahfaahinta.
Sheekoxariiruhu waxay ka hadlaan damaca iyo baqdinta nafta aadamiga (=Desire and fear /الرغبة والرهبة). Waa cilmi-nafsi naftayada iyo tan aadamiga wax nooga sheegaya, waxayna kaalin weyn ka qaateen dhammaan ilbaxnimooyinkii dunida soo maray.
Barafisoor Joseph Campbell oo nagu baraarujinaya ahmiyadda sheekoxariiruhu ay aadamiga u leeyihiin wuxuu yiri: "Haddii noole koon kale ka yimid uu ku weydiiyo, 'Sidee baan wax uga ogaan karaa waxa bani'aadam uu yahay?' jawaabta ugu habbooni waxay noqonaysaa, 'Sheekoxariiraha baro /Study mythology'".
Si kastaba ha ahaatee, weydiin meesha ku jirta baa waxay tahay: Sheekoxariirtu ma wax xun baa?
Dad badan erayga 'sheekoxariir' wuxuu u la macne yahay erayga 'been', marka ay maqlaanna waxay sawirtaan wax liita oo aan qiimo lahayn, aanna loo baahnayn in barbardhig lagu sameeyo diin iyo sheekoxariir. Sidee la isu barbardhigi karaa diin muqaddas ah iyo sheekoxariir been ah?!
Sida runta ah, sheekoxariirtu ma ah been iyo wax liita toona, balse waa waxa nolosha aadanaha quruxda iyo macnaha u yeela. Erayga sheekoxariir ma tusiyo macne ah 'been' ee wuxuu tusiyaa macnaha 'sarbeeb' (=metaphor/المجاز). Sheekoxariiruhu been ma sheegaan, laakiin waxay si sarbeeb ah u sheegaan run aan lagu dhicin in si toos ah erayo qayaxan loogu tebiyo. Waxaana la yiraahdaa: Sheeko-xariiruhu waxay ka warramaan dhacdooyin aan dhab ahaan u dhicin, laakiin runi ay ka buuxdo.
Erayga Soomaaliga ah ee 'Sheekoxariir', wuxuu Soomaalida ugu jiraa halka erayada 'Myth/األسطورة' iyo 'Fable/الحكاية' iyo kuwa la macnaha ah oo wada jira ay afafka qalaad ugu jiraan. Erayadaasi caadi ahaan ma tusiyaan macne ah 'been', laakiin waxay tusiyaan macne ah hadal ama sheeko leh xallad iyo xiise waara. Sheekoxariirtu sheekooyinka caadiga ah waxay uga duwan tahay in ay ka hadasho mawduucyo waaweyn sida ilaahyada iyo halyeeyada, saamaynteeduna ay waarto oo boqollaal ama kumanyaal sano laga sheekeeyo iyada oo facyaasha kala dambeeyaa ay ku murmaan fasiraadda ugu wanaagsan ee la siinayo.
Sheekoxariirta ummadaha adduunka oo dhan baa wadaaga, waxaana loo adeegsadaa si loo fasiro ifafaalayaasha koonka iyo nafta aadanaha lagu arko sida; dhalshada iyo dhimashada, qorrax soo baxa iyo qorrax dhaca, gudcurka iyo caddada, xilliyada sannadka, roobka, onkodka iyo qaar kale oo badan. Ifafaalayaal badan oo maanta saynisku macneeyo kumanyaal sano waxaa fasiri jirtey sheekoxariirta.
Sheekoxariirtu ma aha taariikh, loomana sheego si loo xuso dhacdo waa meel ka dhacday, balse waxaa loo sheegaa si nafta aadanaha wax looga ogaado. Marka ayeydaa ama awowgaa ay kaaga sheekaynayeen sheekoxariiraha Soomaalida sida Dhegdheer iyo Carraweelo, iyaga iyo bulshoweyntii sheekooyinka curiyey midna ulajeeddadoodu ma aysan ahayn in cid been loo sheego. Meel walba iyo mar kasta ulajeeddada laga leeyahay sheekoxariirtu waa in si dadban loo gubdiyo farriin aan afka lagu ballaarin karin ama af ku ballaarintu ay nuxurka iyo quluudda ka qaadayso. Waa jahli iyo garasho yari in sheekoxariiraha been lagu sheego.
Sheekoxariiruhu waxay ka hadlaan mawduucyo waaweyn sida; ilaahyada, anbiyada, awliyada, qiyaamaha, boqorrada, halyeeyada, dhalashada iyo dhimashada, sayga iyo afada, waalidka iyo carruurta, iyo mawduucyo kale oo wada xasaasi ah, oo ay adagtahay in si cad carrabka loogu dhufto. Sheekoxariirta waxaa la adeegsadaa marka arrinku uu taagan yahay xaalad la mid ah xaaladdii haysatay Soomaaligii yiri: "Haddaan hadalno waa af salax ku dheg, haddii aan aammusnana ariga sida laga deynmaayo!"
Waxyaabaha ka qaybqaata burburka diimaha waxaa ka mid ah in sheekooyinka diinta lagu xusay loo qaato in ay yihiin dhacdooyin taariikhi ah oo dhab ahaan waa meel uga dhacay. Kolka qofku uu naftiisa ku dirqiyo in ay rumaysato in sheekooyinka ku jira kutubta dadka muqaddaska u ah sida Gita, Baybalka iyo Quraanku ay yihiin dhacdooyin run ah oo seban la arkay, dabadeedna naftu ay ka biyo diiddo oo ay ku adkaysato in aysan suurogal ahayn in dhacdooyinkaasi ay dhab ahaan u jiraan, natiijada ka dhalataa aalaaba waxay noqotaa shaki iyo kutubbo xoornimo.
Aqoonyahannadu tan iyo sebankii Aristootal (384-322 C.H) waxay aadamiga ku qeexaan in uu yahay noole caqli leh. Qeexiddaani markay u yaraato waa mid aad loo buunbuuniyey. Aadamigu ma aha noole garaad leh, balse waa noole sheekoxariir falkiya. Dadku waxay leeyihiin caqli iyo caaddifad, inta ay caadifadda adeegsadaan baana ka badan inta ay caqliga adeegsadaan. Waxyaabaha faraha badan ee aan caadifadda ku garanno waa sheekoxariir, nolosha dadkuna dhadhan iyo macne ma yeelateen haddii aan sheekoxariiri jirin.
Ahmiyadda iyo dareenka sheekooyinku abuuraan waxaa si fudud lagu ogaan karaa marka la arko ilmo yar oo erayada afkiisu ay kooban yihiin oo marka sheekoxariir loo taleexiyo la yaab iyo ka helid muujiya, ciddii u sheegtayna ka codsada in ay mar kale u biisto ama ugu celiso.
Sheekada 'Kun habeen iyo habeen' waxay noo sheegaysaa in Shahrisaad ay kun habeen nafteeda boqorkii dili lahaa uga badbaadisay sheekoxariir ay xalladdeeda dhexda uga istaajinaysay, kun habeen kaddibna boqorku halkii uu ka dili lahaa uu guursaday oo ay boqorad noqotay. Soomaaliduna waa tan tiraahda: 'War baa ugu baahi badan.'
Caqliga waxaan u adeegsannaa xisaabta, sayniska, suuqa, lacagta iyo arrimo kale oo aan badnayn. Caadifadda ama dareenka waxaan u adeegsannaa diinta, gabayga, sheekada, muusigga, dhaantada, farshaxanka, jacaylka, quruxda iyo ummuuro kale oo badan. Dhammaan arrimahaas aan caadifadda u adeegsanaa, ugu danbaynta waxay soo wada hoosgalayaan sheekoxariirta, maxaa yeelay khayaalkooda baa ka badan xaqiiqadooda. Murti caan ah baa waxay tiraahdaa: "Kimis la'aan la ma noolaado, Kimis darteedna looma noolaado." Xisaabta, sayniska iyo lacagtu waa kimis nafta nagu haysa, sheekoxariirtuna waa ruux nafteenna samada geysa.
Akhristow bal waxaad sawirataa duni aan diin, jacayl, gabay, hees, dhaanto, farshaxan, muusig iyo riwaayad aan midna laga aqoon. Duni aan lagu arag masaajid, kaniisado, macaabid, mawlacyo, shaneemo, tiyaatar, garoomo ciyaareed iyo waxyaabo badan oo kale oo nolosha dadka dhadhan iyo macne u yeela. Shaki la'aan haddii intaas la waayo, nolosha dadku waxay noqon lahayd mid aad u liidata oo aan istaahilin in lagu noolaado.
Feylasuufkii Giriigga ahaa ee Aflaadoon buuggiisa 'Jamhuuriyadda' (=Republic /الجمهورية), wuxuu ku sheegay in magaaladiis magaalooyinka ugu sidata (=the ideal city /المدينة الفاصلة) uusan u oggolaanayn in gabyaa uu ku noolaado. Sababta Aflaadoon gabayga iyo gabyaaga ku dirtayna waxaa lagu sheegay in uu ka carooday gabyaagii Homer oo qasiidadiisa sheekoxariirta ah ee 'Odyssey' ku xusay arrin ku saabsan mar labo ilaah lagu qabtay iyaga oo qaawan oo jacayl gogoldhaaf ah wadaagaya. Aflaadoon wuxuu ku andacooday in ragga gabyaa ay dhallinyarada marin habaabiyaan anshaxana ka dilaan kaddib marka ay uga sheekeeyaan gabayo sheekoxariir ah oo akhlaaqda u daran {= والشعراء يتبعهم الغاوون }.
Laakin dadka doodda Aflaadoon ka faallooday qaarkood waxay yiraahdeen haddii Afladoon uu magaaladiisa gabayga iyo gabyaaga ka mamnuuci lahaa, ma uusan heleen dad magaalada dega. Maxaa yeelay dadku gabayga iyo gabyaaga ayay falsafadda iyo feylasuufka ka jecel yihiin.
Dadku waxay isku dayaan in nolosha ay ku noolyihiin ay u yeelaan macne la fahmi karo, sheekoxariirtuna waa isku daygaas nolosha macnaha loogu yeelayo. Sidaa darteedna, la yaab ma leh in Prof. Joseph Campbell uu sheekoxariirta ku qeexay in ay tahay 'suugaanta ruuxda /the literature of the sprit'. Suugaantu wax aan loo jeedin bay waxay ka dhigtaa wax la taaban karo.
Sheekooyinka 'Kun habeen iyo habeen/ألف ليلة وليلة', Mahabharata, Iliad iyo Odyssey iyo qaar kaleba, waa sheekooyin dadku akhriskooda iyo dhegaysigooda ay kumanyaal sano xiisayn jireen, timaaddadana la xiisayn doono. Waa sheekofaneedyo ka gudbay heerka suugaanta caadiga ah oo khayaalkooda sarreeyaa uu ka dhigay sheekoxariiro. Waa sheekooyin looga golleeyahay in aadamiga laga kaxeeyo nolosha maaddiga ah ee uu ku noolyahay oo wax laga tuso nolosha aan maaddiga ahayn iyo maqanaha (=Alle iyo aakhiro). Mar kale, Joseph Campbell sheekoxariiraha wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin 'Heesta koonka /The song of the universe'. (Akhristaha danaynaya mawduuca sheekoxariiraha- siiba sheekoxariiraha diintu- wuxuu xog fiican ka heli karaa dhigaallada ay ka midka yihiin kuwa Joseph Campbell sida; 'The power of myth /قوة األسطورة', 'The Hero with Thousands Faces /البطل بألف وجه' iyo 'The Masks of God' iyo buugta aqoonyahannada kale ay qoreen sida buugga James Frazer ee 'The Golden Bough /الغصن الدهبي').
Akhristow bal xoogaa yar doodda waxaad uga nasataa qaybtaan yar ee ka midka ah sheekoxariiraha Giriigga.
Zeus iyo Hades waxay ahaayeen labo ilaah oo walaalo ah. Zeus wuxuu ahaa ilaaha ilaahyada, wuxuuna xukumay samada iyo dhulka iyo inta u dhaxaysa. Hades isaguna wuxuu ahaa ilaaha aakhirada.
Zeus iyo ilaahadda Demetera oo ahayd afadiisu waxay dhaleen gabar la yiraahdo Persephone oo maaddaama ay labo ilaah iska dhaleen aan qaban jirin wax shaqo ah oo aan ka ahayn dalxiis iyo daawashada beeraha ubaxa. Demetera oo la qiyaasayo in rag badani ay been u sheegeen, ma oggolayn in gabadheedu ay guursato, oo barbaar kasta oo soo doona waa u dayrin jirtey.
Maalinkii danbe, ayaa Hades oo dunida u soo dalxiis tagay wuxuu arkay Persephone oo beer ubax ka guranaysa, isla eegmadii koowaadna wuu caashaqay. Isaga oo ogaa in hooyadeed aysan u oggolaanayn darteed ayuu wuxuu u tagay walaalkiis Zeus, waxaana dhexmaraytay sheeko sidaan hoose loo soo wariyey;
Hades: Zeus i dhegayso, anigu inantaada ayaan aad u jeclahay.
Zeus: Waa gartay, waa inan quruxleey ah.
Hades: Sidee bay kula tahay in aan qalbigeeda ku hanan karo. Qalbiga gabdhaha ubax iyo dahab baa lagu kasbadaa. hayeeshee iyadu waa ilaahadda ubaxa, waxaana dhalay labo ilaah oo dahab baahi uma ay qabto. Ka warran haddii aan hees u qaado ama aan gabay u tiriyo?
Zeus: War gabadha waa la qancin karaa, laakiin hooyadeed xaggee baa laga marayaa?
Hades: Haddaba maxaa xal?
Zeus: Afduub. Ma jirto wax haweenku ay ka jecel yihiin in cagaha dhulka looga qaado oo la afduubo.
Hades: Laakiin waa inantaada!
Zeus: Hadday tahayna?!
Hades: U malayn maayo in ay tahay talo wanaagsan.
Zeus: Eeg, aniga iyo adiga keennee baa dumar badan guursaday? If iyo aakhiro midna ma ku ogtahay cid dumar iga badsatay? Iga rumayso, waad ku guulaysanaysaa.
Hades: Hagaag, waa abdaynayaa in ay shaqayso.
Intaa ka dib, Hades gabadhii buu afduubay oo sidaas ku guursaday -raggu meel ay joogaanba falkaas waxay ka barteen dhaqanka masaafaysiga ee gabdhaha lagula baxo.
Demetera oo ahayd ilaahadda roobku markay ogaatay in Hades uu gabadheedii afduubay, waxay ku dhaaratay in aan dhulka dhibic roob ahi ku da'i doonin jeer loo soo celiyo gabadheeda. Zeus oo dareemay cawaaqib xumada ka dhalanaysa go'aanka Demetera, wuxuu isku dayey in uu heshiisiiyo Demetera iyo Hades, xalna waxaa loo arkay in gabadhu lix bilood oo sannadka ka mid ah ay hooyadeed dhulka oogadiisa kula noolaato, lixda bilood ee kalana ay saygeeda dhulka hoostiisa kula noolaato.
Lixda bilood ee Persephone ay dhulka joogto waxaa la heli jirey jawi macaan iyo roob, beeruhuna waa bixi jireen. Lixda bilood ee ay dhulka hoostiisa ku nooshahayna dhulka waxaa qarin jirey baraf. Sidaasna waxaa lagu bartay afarta xilli ee sannadka(=Sheekadu intaan waa ka dheer tahay).
Yeelkadeede, marka loo yimaado xiriirka ka dhexeeya diimaha iyo sheekoxariiraha, waxaa la oran karaa diin iyo sheekoxariir waa sida shilin labadiis dhinac, oo inkasta oo labo muuqaal oo kala duwan ay leeyihiin haddana isku wax bay tusiyaan. Balaayiinta ruux ee dunida ku nool, qolo kastaa diinta ay iyadu haysato bay diin u taqaan, diimaha ummadaha kale oo idil ay haystaanna sheekoxariir bay u aragtaa. Tusaale ahaan, qofka Muslimka ah islaamku waa u diin, laakiin boqollaalka ama xataa kumanyaalka diimood ee kale ee dunida laga haysto wuxuu u arkaa sheekoxariir. Si taa la mid ah, Shintaha Jabbaan ku nool waxay la tahay in Shintuhu ay tahay diin sax ah, laakiin wixii ka soo haray oo dhammi ay yihiin sheekoxariir.
Sidaa awgeed, sheekoxariirta waxaa lagu qeexaa in ay tahay “Dadka kale diintooda /Other people's religion.” Diintana waxaa lagu qeexaa: “Sheekoxariir khalad loo fahmay /Misunderstood mythology.” Diinta aad adigu rumaystan tahay waa kuu diin, laakiin diinta dadka kale ay rumaysan yihiin waa kuu sheekoxariir. Dadka kale iyaguna dhankooda diinta ay rumaysan yihiin waxay u arkaan diin, laakiin midda aad adigu rumaysan tahay waxay u arkaan sheekoxariir.
Waa hubaa in dad badani ay qeexiddaan dhibsanayaan, laakiin marka la doonayo in caaddifadda la xakameeyo ee caqligu shaqeeyo runta lama dhaafaanka ahi sidaas bay noqonaysaa. Bilmatal, marka Muslimiintu ay arkaan malaayiin Hinduus ah oo u xaj tagaya webiga Ganjis, kuna mayranaya iyaga oo aamminsan in ay ajar iyo denbi dhaaf ka helayaan, waxay u qaataan in Hinduustu ay yihiin doqommo aan caqli lagu ogayn oo khuraafaad iyo sheekoxariir laga dhaamiyey. Hinduustuna dhankooda goorta ay arkaan malaayiin Muslimiin ah oo kacbada dawaafaya, waxay u arkayaan in ay yihiin xoolo aan bar caqli ah lagu ogayn oo dhagax la dhisay ku dul meeraysanaya.
Hinduusiga webiga Ganjis ku mayranaya iyo Muslimka kacbada ku dawaafaya ee biyaha Samsamka marna waraabaya marna isku rushaynaya kee baa xaqiiq haya kee baase sheekoxariir taleexinaya? Su'aashaan haddii qof Muslim ah la weydiiyo jawaabta ugu dhow ee laga filiyaa waa inuu yiraahdo: Dabcan waa Muslimka Samsamka barakaysan waraabaya.
Haddii qof Hinduusi ah la weydiiyana wuxuu oranayaa: Shaki la'aan waa Hinduusiga webiga barakaysan xumaha isaga mayraya. Haddii la weydiiyo qof aan labada midkood ahaynna waxaa laga sugayaa in uu yiraahdo: Labaduba khuraafaad iyo sheekoxariir bay rumaysan yihiin. Qolo kasta oo dadkaas ka mid ahina dooddeeda buug ay aamminsan tahay bay ku salaynaysaa.
Mararka qaarkood waxaa la yiraahdaa: 'Sheekoxariiri waa diin dadkii rumaysnaa ay dhammaadeen'. Waxaa kaloo la yiraahdaa: 'sheekoxariiraha maanta jiraa waa diimihii shalay, diimaha maanta jiraana waa sheekoxariiraha timaadda." Sida dhabta ah, diimaha iyo sheekoxariiruhu isku waqti bay noolyihiin, laakiin waxaa kala duwan qalbiga lagu eegayo.
Run ahaantii, diinta iyo sheeko-xariirtu waxay ku kala duwan yihiin labo arrin oo ay khasab tahay in diimuhu ay yeeshaan, laakiin sheekoxariirta ka maqnaan kara. Caadi ahaan diimuhu waxay leeyihiin caqiido ay lamahuraan tahay in la rumeeyo, rumayntana waxaa ka dhalanaya in ficil ahaan loo fuliyo waxa la rumeeyey. Sheekoxariirta laguma khasbana in la rumeeyo, haddii la rumaystana ka dhalan mayso in lagu dhaqmo. Sidaa aawadeed, waxaa la oran karaa sheekoxariirtu waa sheeko, laakiin diintu waa iimaan la caashaqo.
Diini waa caashaq harsi iyo hoyaad looga tago. Waa calmasho ka dhalata carbin . Qof iyo qolo kastaa waxay jecel yihiin diinta ay ku abtirsadaan. Jacaykaasina ma aha mid barasho iyo fahan ku yimaaada, balse wuxuu ka dhashaa carbin waalidka iyo bulshadu ay ruuxa tan iyo carruurnimadiisa- si toos ah iyo si dadbanba uga dhaadhiciyaan in diinta dadkiisu ay haystaani ay tahay midda qura ee saxda ah.
Ruuxa garaadka leh ee doonaya in diintiisa aan sheekoxariir lagu sheegin, waxaa waajib ku noqonaya in isagu/iyadu aysan dadka kale diimahooda sheekoxariir ku sheegin.
Qofka dadka kale diimahooda sheekoxariirta ku sheegaa wuxuu la mid yahay qof ruux kale cid uu calmaday doqonnimo ama foolxumo ku sheegaya. Kolka saaxiibkaa ama saaxiibaddaa dooqooda aad cayso, ee aad u sheegto in qofka ay caashaqeen laga garaad iyo qurux badan yahay, hadalkaaga u qaadan mayaan talo iyo toosin, balse waxay u qaadanayaan cay si toos ah aad ugula bareertay. Jawaabta aad ka fili kartaana waa in ay kugu yiraahdaan: Gacaladayda ama gacalkayga waxaa ka doqonsan kana foolxun adigu midda ama midka aad dooratay, waxyahow aan dookha lagu ogayn. Marka weligaa cidna diinteeda iyo dookheeda wax ha ka sheegin. Waa lagu khasban yahay in diimaha iyo dookha laga hadlo, laakiin wax ka sheegga ayaa reebban, weliba marka arrinku uu cid si toos ah u khuseeyo.
Waxaa la sheegaa in sheekoxariiraha la hayo kuwa ugu filka weyni ay yihiin kuwa ka hadlaya geerida. Taa awgeedna waxaa la yiraahdaa: Muuqaalka geerida ayaa ah asalka sheekoxariirta. Sheekoxariiraha geerida ka hadla middood oo laga maqlay qabiilka Ashanti ee Galbeedka Afrika dega waxay oranaysaa:
Dunidii hore dhimasho ma jirin, laakiin waa danbe ayaa waxa la arkay dad dhimanaya, markaas ayaa dadku waxay Eebbe ka baryeen in uu geerida ka daayo, Eebbana waa ka aqbalay, oo muddo saddex dabshid ah geeri lama arag. Hase ahaatee, goor dambe ayaa dadku waxay ku baraarugeen in saddexdii sano ee aan geerida la arag aan sidoo kale dhalasho la arag. Dadka oo carruur la'aanta aad u dhibsadayna waxay Alle ka baryeen in uu ubad siiyo. Eebbana wuxuu siiyey ubad, wuxuuna u sheegay in hadda kaddib dhalashada iyo dhimashadu ay yihiin mataano aan kala harayn.
Sheekoxariir kale oo laga helay dadka loo yaqaan Aborijinka ee ku dhaqan Australia oo iyaduna ka hadlaysa sida geeridu ay ku bilaabtay, ayaa waxay leedahay:
Waa hore oo aan weli dhimashada la baran, waxaa meel ku wada noolaa nin iyo xaaskiis, ilmo yar oo ay dhaleen iyo wiil barbaar ah oo ay ninka walaalo ahaayeen. Barbaarka oo ahaa doob aan xaas lahayn waxaa hunguri ka galay xaaska walaalkiis. Galab galbaha ka mid ahna wuxuu u yimid iyada oo beerta bataate ka guraysa, tan iyo gabbal-dhiciina beerta dhexdeeda bay baashaal ku haysteen. Intii ay baashaalka ku jireen, aabbuhu wuxuu ku mashquulsanaa aammusinta dhallaankii yaraa oo gaajo darteed af isku qaban waayey. Aabbuhu markii uu cunugga yar aammusin kari waayey ayuu carooday oo hooyada maqan nacalad ku tuuray.
Fiidkii baa afadii iyo barbaarkii guriga yimaadeen, waxayna arkeen wiilkii yaraa oo gaajo u dhintay. Saygii oo ogaaday sababta lagu daahayna, wuxuu si ba'an u garaacay walaalkiis, walaalkiisna kolkii uu xanuunka u adkaysan waayey buu inta baxsaday daruuraha ka shishe- maray, wuxuuna noqday dayaxa cirka nooga muuqda. Haarihii ka soo gaaray dharbaaxooyinkii walaalkiis ku dhuftayna weli wejigiisa ayay ka muuqdaan oo waa annaga bil kasta aragna sida caddada iyo gudcurka ay uga wada muuqdaan. Saygii wuxuu sheegay in isaguna uu dhimanayo. Wuxuu qaatay saqiirkii dhintay, wuxuuna bilaabay in uu dhaqaaqo isaga oo dhaantaynaya - waxay ahayd baroordiiqdii ugu horraysay ee ruux dhinta loo sameeyo- ka hor inta uusan aadin badda isaga oo weli dhaantaynaya, dib dambe looma arag.

Comments