Fashilka Wahaabiyada (Salafiyada)
Yeelkadeede, intaasi waa qayb ka mid ah taariikhda urur diimeedka ‘al-Wahaabiyah’ ee raacsan waddadii Shiikh Maxamed bin Cabdulwahaab. Haddaan u imaado su’aasha ah maxay u fashilmeen, ee ah cinwaanka dhigaalkaan – waxaan durbadiiba helaynaa jawaabta oo ah mid fudud, taas oo ah in wadaadkaan iyo xertiisu ay garab mareen xeerarkii Eebbe u dajiyay koonkaan iyo abuurka ku hoos nool. Xeerkaas oo ah in la aqbalo dadka kaa diin, dhaqan, af, midab, mad-hab iyo fikir duwan – xisaabtooduna aysan ahayn shaqo qof aadane ah u taal, ee ay tahay mid Allihii uuntay u taal, isagana ay khusayso sida uu ka yeelayo umaddiisa kii rumeeyay iyo mid aan rumaynba. Eebbe oo arrintaan nooga digaya wuxuu Quraanka ku yiri:
وَلَا تَطْرُدِ الَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِالْغَدَاةِ وَالْعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُ ۖ مَا عَلَيْكَ مِنْ حِسَابِهِم مِّن شَيْءٍ وَمَا مِنْ حِسَابِكَ عَلَيْهِم مِّن شَيْءٍ فَتَطْرُدَهُمْ فَتَكُونَ مِنَ الظَّالِمِينَ
“ha eryin kuwa baryaya Eebbahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni wajigiisa waxba kaama saarna xisaabtooda iyana xisaabtaada wax kama saarna, ood erisid oodna ka mid noqotid daalimiinta”.
Eebbe wuxuu ka digayaa in dadka Muslimiinta ah ee kaa fikir ama darajo ama koox amaba mad-hab duwan la iska fogeeyo oo la eryo sababo la xiriira in qofku u arko inay ka hooseeyaan dhincyo kala duwan, iskaba daa in moorada laga saaro oo la gaalaysiiyo ama la dilo’e. Eebbe wuxuu ku tilmaamayaa qofka sidaas u dhaqma inuu ka mid yahay daalimiinta uu Eebbe ugu yaboohay ciqaab adag. Kaasi waa kan eryay oo kaliya, ka waran kan gaalaysiiyay oo ku tilmaamay inay yihiin mushrikiin, dhiiggoodana daadiyay, sharaftooda duray, maalkoodana dhacay?
Qofkii u fiirsada qaabka ay u dhaqmaan xerta Wahaabiyadu, wuxuu durbadiiba ogaanayaa in aysan nolosha adduun u oggolayn qofkaan iyaga raacsanayn oo ku socon manhajkooda- Muslim iyo gaal kuu doono ha ahaadee. Arrinkaasina waa midka Eebbe (SWT) uu ku dhaleeceeyay dadyowgii naga horeeyay ee Yuhuudda iyo Kirishtaanka. Eebbe wuxuu yiri:
وَقَالَتِ الْيَهُودُ لَيْسَتِ النَّصَارَىٰ عَلَىٰ شَيْءٍ وَقَالَتِ النَّصَارَىٰ لَيْسَتِ الْيَهُودُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُمْ يَتْلُونَ الْكِتَابَ ۗ كَذَٰلِكَ قَالَ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ مِثْلَ قَوْلِهِمْ ۚ فَاللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كَانُوا فِيهِ يَخْتَلِفُونَ.
“Yuhuud waxay tiri Nasaara (Kirishtaanka) waxba ma’aha. Nasaarana waxay tiri Yuhuud waxba ma’aha. Iyagoo aqrinaya kitaabka (Tooraat iyo Injiil) sidaas ayeey yiraahdeen kuwaan waxba garaneyn hadalkooda oo kale, Eebbaa kala xukumi maalinta qiyaamaha waxay isku khilaafeen”.1
Aayaddaan waxaa laga qaadanayaa inaan qolana la fiijin oo lagu sheegin inay baadiyeysan yihiin, xukunka iyo kala soocidda abuurkana loo daayo Allihii uuntay sida uu aayadda ku caddeeyayba. Waxaan kaloo aayaddaan ka fahmeynaa in Eebbe sheegay inay jiraan dad aan Yuhuud iyo Nasaaro toona ahayn, laakiin u dhaqmaya kuna hadaaqaya waxay labadaas qolo ku hadaaqi jireen kuna dhaqmi jireen, oo ah in firqo gooniya isu aragto inay kaligeed tahay uun kooxda badbaadaysa, wixii aan iyaga ahaynnaa ay halaagsamayaan. Allaah kuwaas wuxuu ku tilmaamay kuwii aan waxba ogeyn ‘laa yaclamuun’. Haddaan aayaddaan si dhow u eegno waxaan arkaynaa in kooxda Wahaabiyaddu ay ku dhaqmayaan dhaqanka kaligii saxsanaanta ee Eebbe ku eedeeyay inay Yuhuud iyo Nasaaro ku dhaqmi jireen.
Si taa la mid ah, raggaani waxay aamminsan yihiin in qofka aan manhajkooda ku dhaqmin uusan ka mid ahayn kooxda badbaadaysa ‘al-firqah al-naajiyah’ maalinta qiyaamaha.2 Arrinkaasina waa dhaqan kale oo Eebbe uu ku dhaleeceeyay qawmamkii naga horeeyay ee Yuhuud iyo Kirishtaanba lahaa, Eebbe wuxuu yiri:
وَقَالُوا لَن يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَىٰ ۗ تِلْكَ أَمَانِيُّهُمْ ۗ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
بَلَىٰ مَنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُ لِلَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَلَهُ أَجْرُهُ عِندَ رَبِّهِ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
“waxay dhaheen ma galayo jannada ruuxaan Yuhuud ama Kirishtaan ahayn; taasina waa yididiiladooda (beentooda) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegaysaan. Ruuxiise wajigiisa u hogaamiya Eebbe isagoo sama-fale ah wuxuu ajrigiisa kuleeyahay Alle agtiisa, kuwaasna ma cabsadaan mana walbahaaraan”.3
Kitaabka la yiraahdo Al-durur al-sanniyah oo sidaan horay u soo xusnay ah dhigaallo ay qoreen culumadii hore ee Wahaabiyadu oo uu ku jiro ina Cabdulwahaab mujalladka 14aad waxaa ku qoran; “suurtagal ma aha in qof dadka ka mid ahi uu ka leexdo manhajkii Aala-shiikh (yacnii Al-wahhabiyah) sababtoo ah manhajkaasu waa wadadii toosnayd – oo qofkii ka leexdaa uu jaxiimo galaayo”.4
In ruuxu ku riyoodo in firqadiisa oo keli ahi ay tahay firqada badbaadaysa wax cusub ma’aha, oo Yuhuud iyo Kirishtaan ayaa horay ugu riyooday in kaligood ay jannada galayaan, Eebbana (SWT) arrinkaas qolooyinkaas waa ka diiday kuwa ka danbeeyaana waa uu uga digay inay waxaas ku naaloodaan. Taa beddelkeeda ilaahay wuxuu rusushiisa faray inay dadkooda u sheegaan in ay iyagu uun yihiin digayaal ka digaya ciqaabka Eebbe – aysanna aqoon halka laftigoodu ay ku danbayn doonaan, Eebbe wuxuu yiri:
قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلَا بِكُمْ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
“waxaad dhahdaa ma ihi bidci rasuulada ka gooni ah, mana ogi waxa la igu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa la ii waxyoodo (oo Qur’aanka ah) mana ihi waxaan ka ahayn u dige cad (oo muuqda).5 Aayad kale wuxuu Eebe (SWT) ku yiri:
قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا
“waxaad dhahdaa cid walba ha ku shaqeyso jidkeeda, (diinteeda) Eebbe ayaa og cidda ugu jid hanuunsan”6
Dadka rasuulka (SCW) la farayo inuu sidaan ula hadlo waa gaaladii Mushrikiinta reer Quraysh, ee aan gaalnimo keliya ku ekaan ee rasuulka la dagaallamay oo aad u dhibay. Haddiiba la is faray inaan xataa gaalada xabadka loo garaacin ee sidaas jajabnaanta iyo qaddarintu ka muuqdo loola hadlo, xaggee buu joogaa xaalka qofkii Muslimka ah ee uun fikir la isku khilaafay? Mise sida Wahaabiyada ayaa bidcigu mushrigga ka daran yahay???
Wahaabiyadu waxay in badan ka dhawaajiyaan inay xoogga saarayaan inay ummadda ka saxaan caqiidada, laakiin marka la eego habdhaqankooda waxaad mooddaa in ay khilaafsan yihiin mabaadi’da asaasiga ah ee towxiidka. Wahaabiyadu ma ay ogola cid ka fikir duwan, balse xaalado badan waxay gaalaysiiyaan dadka ka ra’yi duwan. Dhaqankaasina waa dhaqankii tuulooyinka ee Eebbe balanqaaday inuu halaagayo ka hor maalinta qiyaamaha. Sidaasna waxay ka hor-imaanaysa xeerka koowaad ee Ilaahay u dajiyay koonka – kaas oo ah; in Alle SWT keligii uu yahay kan sugan, ee aan is-beddelin, amarkuna uu keligii u sugnaaday. Cid allaale iyo ciddii Alle ka sokeeysaanna yihiin tiro, is-beddelaysa, kala duwan, taladoodana wadaaga. Eebbe wuxu yiri:
وَإِن مِّن قَرْيَةٍ إِلَّا نَحْنُ مُهْلِكُوهَا قَبْلَ يَوْمِ الْقِيَامَةِ أَوْ مُعَذِّبُوهَا عَذَابًا شَدِيدًا ۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا
“tuulo aanan halaageyn ma jirto ama aanan cadaabeyn cadaab daran qiyaamaha ka hor, waana arrin ku qoran kitaabka (lawxul maxfuudka)7. Tuulana waa sidaan horay ugu soo qeexnay ee ah: degaan ay ku noolyihiin dad isku wada fikir ah oo diiday in dad ka duwan ay ku dhex noolaadaan.
Sacuud al-Qaxtaani oo ka mid ah la taliyeyaasha boqorka Sacuudigu maqaal uu dhawaan qoray wuxuu ku sheegay in fikirka Salafiga (Wahaabiga) ah ee dowladda Sacuudigu ay muddada dheer ku tiirsanayd uu maanta caqabad ku yahay jiritaanka iyo horumarka Sacuudiga. Qaxtaani maqaalkiisa cinwaankiisu yahay “Dowlad Qaran iyo Sharciyadda Aydiloojiyadeed الأيدلوجية الدولة الوطنية والشرعية”, wuxuu ku sheegay in wadaaddada Salafigu ay weli ku dhaggan yihiin fikraddii khilaafada iyo ummad Islaam ah, fikraddaasina ay tahay mid gabbalkeedii dhacay, waayo dowladaha casrigaan jiraa waxay ku dhisan yihiin fikradda ‘Dowlad Qaran ama Nation state’ oo aad uga duwan macnaha khilaafada iyo ummad islaam ah. Ummadda Islaamka ahi waxay kulmisaa dad isku diin ah, laakiin si taa ka duwan dowladda qaranku waxay kulmisaa dad hal dhul iyo hal calan ku wada abtirsada, si kasta oo ay ugu kala duwan yihiin dhinacyada afka, dhaqanka, diinta, midabka iyo qaar kale oo badan8.
Isku soo wada xooriyoo, seddxdaas arrimood ee aan kor ku soo xusnay waa wax ka hor-imaanaya tacliimaadka Quraanka, waxayna ka mid yihiin arrimihii Yuhuudda iyo Kirishtaanka, iyo dhaqamadii qawmamkii naga horeeyay lagu halaagay ee Alle ku dhaleeceeyay oo ku diiday caqiidadaas faasidka ah. Waana seddexdaan sababood iyo amar ku taagleynta waxa ay la fashilmaan urur diimeedyadu guud ahaan, gaar ahaan ururka Wahaabiyadu. Sidoo kale dhigaalkaan bilowgiisa waxaan ku sheegnay in Allah balan qaaday inuu halaagayo cid Allaale iyo ciddii isku dayda kalitalisnimo oo u dhaqanta sida dhaqankii tuulooyinka halka qolo degganeyd (eeg qoraalka bilowgiisa si aad u fahanto waxaa loola jeedo dhaqanka tuulooyinka). Xilligii tuulooyinku wuu dhamaaday, waxaa lagu jiraa casrigii magaalooyinka iyo cowlamada, laakiin waxaad mooddaa in urur diimeedyadu ay weli joogaan casrigii tuulooyinka oo aysan ka soo gudbin.

Comments