Haaneedinta diinta

Haaneedku waa qaabka la isu taago marka hasha la lisayo iyo dhanka la iska taago. Waa in wiilka hasha lisayaa uu ku istaago hal lug, lugta kale lowgeedna uu saarto gaawaha ama toobkaha uu hasha ku maalayo. Geeljiruhu waxay qabaan in hannaankaasi uu yahay qaabka ugu habboon ee ay tahay in la isu taago marka geela la maalayo, sidaa awgeedna erayga ‘haaneedin’ wuxuu xanbaarsan yahay macne ah hagaajin iyo qurxin.

Buugta Talmuudka iyo Towreedka waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin buug suugaaneed, waxaana ka buuxa sheekooyin maad iyo xikmad laga helo- dadka xiiseeyaa suugaanta dahabka iyo dagaalkuna waa in aysan buugtaan u daymo la’aan. Sheekooyinka caanka ah ee Talmuudku qoro waxaa ka mid ah sheekada lagu magacaabo ‘Haaneedinta diinta /On one foot’.

Sida la og yahay, Yahuudiyaddu waa diin loo dhasho ee aan la qaadan. Hayeeshee, waa hilaaddii 2000 oo gu’ laga joogo, ayaa nin aan Yahuudi ahayni wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in uu qaato diinta Yahuudiyadda, haddii la helo qof kitaabta Towreedka oo dhan u sharraxa isaga oo hal lug oo keliya ku taagan. Waxaa loo sheegay in taasi aysan suurogal ahayn oo aan Towreedka erayo kooban lagu soo gaabin karin, si loo fahmana loo baahan yahay sanooyin badan iyo in habeenno loo dhafro.

Yeelkadeede, ninkii waxaa loo sheegay in uu u tago wadaad la yiraahdo ‘Shammai’ oo loogu tilmaamay in uu yahay wadaad si fiican u yaqaan Towreedka caqiido iyo fiqiba, laguna tiriyo muftiga bulshada Yahuudda. Ninkii wuxuu u tagay ‘Shammai’, wuxuuna u sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro diinta Yahuudda haddii uu helo qof Towreedka fahansiiya isaga oo hal lug ku taagan. Shammai hadalkaas wuxuu u qaatay cay iyo meelkadhac, maxaa yeelay doodda ah: waxaan qaadanayaa diinta Yahuudda, haddii la I baro Towreedka oo dhan aniga oo hal lug ku taagan, waxay la macne tahay in maanta qof kugu yiraahdo: Diinta Islaamka ayaan qaadanayaa haddii aad diinta Islaamka oo dhan iigu soo koobto hal farriin oo Twitter ah.

Annaga oo og in Twitter-ku uu qaado 280 xaraf ama summadood (=characters) oo keliya. Shammai canaan iyo qaylo ayuu ninkii dhegaha kaga afuufay, xertiisiina wuxuu ku amray in wejigii gubayga ay hortiisa ka kaxeeyaan.

Ninkii ma quusan ee mowqifkiisii buu ku adkaystay, goor danbana waxaa loo sheegay in uu jiro wadaad Yahuudi ah oo aqoon iyo xikmad badan oo la yiraahdo ‘Hillel’. Ninkii wuxuu u tagay Hillel, wuxuuna weydiiyey isla su’aashii, oo wuxuu ku yiri: “Ma I bari kartaa Towreedka oo idil aniga oo hal lug ku taagan?” Hillel-na isaga oo muusoonaya ayuu wuxuu ku yiri: ““Waxa aad naftaada la necebtahay, dadka ha ku samayn; Towraadka oo dhammi waa intaas, waxa ka soo haray oo dhammina waa faallo iyo sharraxaad. Hadda orad oo faahfaahinta baro /What is hateful to you, do not do to your fellow men; this is the whole Torah. All the rest is a commentary. Now go and learn it.”

Shammai iyo Hillel oo ahaa labo wadaad oo Yahuud ah oo isku seben noolaa, farqiga u dhexeeyaa waa in Shammai uu xil iska saaray ilaalinta xarfaha nusuusta diinta, halka Hillel uu isku taxalujiyey fahmidda dulucda iyo nuxurka diinta.

Diimuhu waxay ka hadlaan labo qodob oo waaweyn oo kala ah; xiriirka ka dhexeeya qofka iyo Alle iyo dhanka kale xiriirka ka dhexeeya qofka iyo bulshada uu la nool yahay. Inkasta oo labada qodobba ay muhiim yihiin, haddana diimuhu waxay noo sheegaan in Alle iyo aadamigu ay kala leeyihiin labo dabci oo aad u kala fog. Eebbe waa deeqsi dulqaad badan oo si fudud u cafiya waxa isaga iyo abuurkiisa ka dhexeeya, laakiin si taa liddi ku ah aadanuhu waa xayawaan aargoosiga ka jecel cafinta, caadi ahaanna aan laga filan in ay xaqooda ka tanaasulaan.

Qaanuunkaan oranaya ‘Dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in ay kuula dhaqmaan /عامل الناس كما تحب ان يعاملوك’, oo loo yaqaan ‘diiradda akhlaaqda ama diiradda damiirka /moral compass /بوصلة األخالق’, waa nuxurka diimaha ee aadamiga oo idil ay isku raaci karaan, si kasta oo afkooda, deegaankooda, dhaqankooda, diintooda iyo midabkoodu ay u kala duwanaadaan. Sidoo kale, waa nuxurka akhlaaqda ee ay isku sida u aqbali karaan mu’minka Alle rumaysan iyo mulxidka Eebbe diiddani.

Diimaha oo dhammi waxay sheegtaan in ay u taagan yihiin si ay qofka bani’aadamka ah u baraan sidii uu ku noqon lahaa qof wanaagsan. Xeerka dahabiga ah ee qof wanaagsan lagu noqdaana wuxuu oranayaa “Dadka la jeclow waxa aad naftaada la jeceshahay, la na necbow waxa aad naftaada la necebtahay”.

Nuxurka diinta loogu xishaa waa raxmadda, turidda iyo jacaylka inta kale waa faahfaahin. Sababta dadku Alle u raadinayaanna waa baahi ay u qabaan gacalo iyo naxariis. Gacalada iyo naxariista runta ahina waa in dadka oo dhan aad naftaada ku metesho, oo aad la jeclaato wax walba oo aad naftaada la jeceshahay isla markaana aad la nacdo waxa walba oo aad naftaada la necebtahay. Nebigana (scw) waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Diintu waa dhaqan ama diintu waa dhaqan wanaag / الدين المعاملة أو الدين حسن المعاملة”.

Eebbow na solansii!!!

Comments