Hal buug laba goor lama akhriyo
Hal buug laba goor lama akhriyo W/Q: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil 3 March 2019 Feylasuufkii Giriigga ahaa Heraclitus (540-480 C.H), oo lagu naynaaso ‘feylasuufka oohinta’ iyo ‘feylasuufka isbeddelka’, waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Hal webi labo jeer laguma dabaasho ama lama gooyo /You cannot step into the same river twice.”
Sida la sheego, Hiraqliidis wuxuu eegay webi uu waxyar ka hor ku dabaashay, wuxuuna arkay biyaha socda ee la moodo mas mululuqaynaya, wuxuuna yaqiinsaday in webiga hadda hortiisa ka muuqdaa uusan ahayn isla midkii uu daqiiqado ka hor ku mayrtay. Badaha iyo webiyadu daqiiqado gudahood bay isku beddelaan, oo bad iyo webi cusub ku noqdaan.
Badaha iyo webiyada waxaa la mid ah buugta. Buug aad mar akhriday haddii aad mar kale akhris ugu noqoto, ha u qaadan in aad akhrinayso isla buuggii aad horay u akhrisay. Waxa aad akhrinaysaa buug cusub oo ka duwan kii aad horay u akhrisay. Xarfaha iyo erayda hortaada ka muuqdaa isma ay doorin, laakiin waxaa is doorinaya macnaha aad kala baxayso. Run ahaantii, buuggu waa isla buuggii, laakiin adiga ayaan adigii hore ahayn. Waa cusub baa kuu baryey, duruuf aan horay u jirin baa kuu timid, dareen iyo aragti cusub baa kugu dhashay. Indhaha, caqliga iyo qalbiga aad hadda buugga ku eegaysaa ma aha isla kuwii aad shalay ku eegtay, mana aha kuwa aad berri ku eegi doonto. Sidaa darteedna, nuxurka aad hadda kala baxaysaa ma aha isla midkii aad horay ugala baxday ama aad timaaddada kala bixi doonto. Buug aad horay u fahmi weyday baa hadda kuugu muuqanaya mid aad u fudud. Sidoo kale, mid markii hore aan macno kuu lahayn baa hadda macne kuu yeelanaya, mid horay aad kuula wacnaa baa hadda kula liidanaya. Erayadu waa isla iyagii, laakiin adigu jir ahaan, maskax ahaan iyo nafsad ahaan toona adigii hore ma tihid.
Buugta aan halka mar la akhrin waxaa ugu horreeya kuwa dadkii lahaa aysan qorin. Tusaale ahaan, Muuse, Buuda, Ciise iyo Maxamed midkoodna buugga loogu abtiriyo ma uusan qorin, si buuxdana uma uusan macnay. In anbiyadaan iyo awliyadaan aysan buugtooda qorin, waxay fursad u siisay in buugtooda si joogto ah loogu murmo, si joogto ahna dib-u-akhrin loogu sameeyo.
Haddii ay buugtooda qori lahaayeen, isla markaana si buuxda u macnayn lahaayeen, waxaa yaraan lahaa doodaha ka dhasha iyo xiisaha loo hayo. Sababaha keenay in qarniyo badan la akhriyo iyada oo loo arko in aan weli laga bogan, waxaa ka mid ah in aysan jirin cid sheegan karta in ay si buuxda u hubto waxa laga wado wax buugtaas ku qoran. Taasi facyaasha kala duwan waxay fursad u siisaa in macne cusub oo hor leh ay ka fahmaan buugtaan. Si taa la mid ah qofku mar walba oo uu buugtaas akhriyo wuxuu ka qaataa macne aan ahayn kii uu horay uga qaatay.
Buugtaan iyo kuwa kelaba ma ay cusba, laakiin waxaa cusub indhaha lagu eegayo. Quraanka aad hadda akhrinaysaa ma aha kii aabbahaa iyo awowgaa ay akhrin jireen, mana aha kan inankaaga iyo inantaadu ay akhrin doonaan. Maxaa yeelay, adigu aabbahaa iyo awowgaa ma aad tihid, wiilkaaga iyo gabadhaaduna adiga ma ah. Mar kasta oo waaqica lagu noolyahay uu isbeddelo, waxaa isbeddela macnaha erayada laga fahmo. Ma kula tahay in awowgaa iyo inankaagu ay isku si u fahmi karaan gabayadii iyo geeraarradii Raage Ugaas iyo kuwii Ugaas Nuur. Si taa la mid ahna wiilka Nugaal ku dhashay iyo kan New York ku dhashay buug isku si uma fahmaan. Buuggu waa qofka akhrinaya ama macnaynaya. Buugga haddii lagu akhriyo maskax weyn wuu weynaadaa, haddii lagu akhriyo maskax yarna wuu yaraadaa.
Sanooyinkaan danbe, waxaan arkaa rag gabya oo sheegaya in ay sharraxaad ka bixiyaan gabaygooda, oo weliba kaaga daranta isku dayaya in ay macneeyaan erayada gabayga ku soo arooray. gabyaaga sidaa yeelaa waa mid ku talogalay in uu gabaygiisa macno tiro. Waayo marka aad gabaygaaga sharraxdo waxaad meesha ka saaraysaa xiisihii iyo faduushii akhristaha iyo dhegaystuhu ay ka dhex raadin lahaayeen. Waxaad qabanaysaa shaqadii akhristaha. Falka noocaas ahi wuxuu la mid yahay hooyo ilmaheeda gacanteeda ku quudinaysa. Ilmaha gacanta lagu quudiyaa raashinka ma dhadhansado ee wuu dhunjiyaa. Dabadeed, jirkiisa ayaa ku kora, laakiin dhadhan iyo macaan kama uu helo –xaaladaha qaarkoodna waxaaba dhacda in uu ku xanuunsado.
Dadka ka faallooda suugaanta qaarkood waxay ku doodaan in xiriirka ka dhexeeya gabayga iyo gabyaagu uu la mid yahay xiriirka ka dhexeeya afada iyo sayga isu dhaxa, oo sida aysan u bannaanayn in labada isqaba ay xiriirkooda dadka uga sheekeeyaan oo kale, baysan u bannaanayn in gabyaagu uu gabaygiisa ka faalloodo.
Carabtu waxay tiraahdaa: “Macnaha gabaygu wuxuu ku jiraa caloosha gabyaaga /المعنى في بطن الشاعر”. Waa maahmaah loo adeegsado si loo muujiyo in akhristuhu uu maansada kala soo bixi karo macne ka duwan, kana ballaaran kii gabygaagu uu ku fekerayey markii uu maansada tirinayey. Sidaa awgeedna, taariikhda Islaamku waxay noo sheegaysaa in gabyaagu uu ahaa cidda qura ee ka badbaadi jirtey dhibka boqorradii kelitaliska ahaa ee dunida Islaamka soo maray. Maxaa yeelay, suugaanta waxaa ku badan sarbeebta, sarbeebta iyo hadalka dedanna waxay keenaan in macnuhu uu bato. Siyaabaha kala geddisan ee maansada loo macneeyaana gabyaaga waxay fursad u siisaa in ay adkaato in lagu helo eedaynta loo soo jeediyo, arrinkaas oo horseedda in dacwada meesha laga saaro.
Taa waxaa dheer, in Muslimiintu -siiba Muslimiinta carbeed- ay isku raaceen in "maansada tan ugu macaani ay tahay tan ugu beenta badan /أعذب الشعر أكذبه”. Bulshadu waxay gaareen heshiis aan qornayn oo nuxurkiisu yahay in gabyaagu uu yahay cidda qura ee beentu u bannaan tahay. Heshiiskaas aan qornayn waxaa lagu saleeyey oo qiil looga dhigay aayadaha quraanka ah ee suuradda ash-Shucaraa ku soo arooray ee oranaya: “Gabyaagana waxaa raaca kuwa dhunsan, miyaadan arag in ay tog kasta ku dhex wareersan yihiin, ayna sheegi wax aysan fulinayn / والشعراء يتبعهم الغاوون ألم تر أنهم في كل واد يهيمون وأنهم يقولون ما ال يفعلون إال الذين آمنوا وعملوا الصالحات وذكروا هللا كيثرا وانتصروا من بعد ما ظلموا ".
Muslimiintu ma aysan oran quraanka ayaa gabyaaga beenta u fasaxay, balse waxay ka qaateen in maaddaama quraanku uu sheegay in duulkaas la weheliyo, oo waallidooda iyo meel ka dhacoodu uu badan yahay, uusan warkoodu wax ka soo qaad lahayn, oo ay tahay in loola dhaqmo sida dadka waalan. Gabyaagu wuxuu adeegsadaa male’awaal, male’awaalkuna waa nooc waallida ka mid ah.
Gabyaagii dunida Islaamka ku noolaa wuxuu awood u lahaa in uu Alle iyo aadamiba sida uu doono uu uga hadlo isaga oo aan ka welwelin in cidi wax u raacato. Waa fursad gabyaaga oo keli ahi uu haystay. Kolka aad gabaygaaga fasirto, waxaad meesha ka saaraysaa fursaddii aad isku difaaci lahayd.
Waayo, adiga ayaa gabaygaagii qiimo riday, oo heerka tiraabta gaarsiiyey, macnayaashii badnaa ee akhristayaashu siin lahaayeenna meesha ka saaray.
Haddii aad tahay halabuur, ha isku dayin in aad akhristahaaga, daawadaahaga iyo dhegaystahaaga aad ka dhigto curyaan u baahan in aad gacantaada ku quudiso. Haddii aad sidaa yeesho, waxaad ogaataa in adigu aad tahay kan tooganaya halabuurkiisa.
Siday ahaataba, culumada bulshada oo uu ugu horreeyo feylasuufkii Karl Popper (1902- 1994), waxay ka hadlaan waxay ugu yeeraan bulsho furan iyo bulsho xiran. Bulshada furani waxay la mid tahay biyo socda, tan xiranna waxay la mid tahay biyo fadhiya. Bulshada xiran waa midda aan isbeddelka oggolayn, oo wax kastaa agteeda ay sugan yihiin –siyaasad, saynis, diin, dhaqan, iqk. Bulshada furanna waa midda aan isbeddelka dhibsan ee u aragta in uu yahay dabeecadda koonka iyo waxa horumarka keena. bulshada xiran waxaa ku badan baqdinta iyo waxyaabaha lama taabtaanka ah, qofka la noolina wuxuu noqdaa neef xayn duunyo ah la daaqaya, oo hadba dhankay u didaan ula didaya (=Tolkaa iyo kabtaadaba waa lagu dhex jiraa). Bulshada furan qofka waa u kala caddahay waxa la wadaago iyo waxa qofka u goonnida ah.
Iyada oo kooban, noloshu waa webi socda oo si joogto ah isu beddela. Quruxda iyo wanaagga noloshuna wuxuu ku jiraa isbeddelkeeda, oo haddii aan habeen jirin dharaarta lama qiimeeyeen, haddii aan cudur jirinna caafimaadka lama qaddariyeen, haddii aan dhimasho jirinna dhalashada laguma farxeen. Si dunida loogu noolaadana, waxaa loo baahan yahay in isbeddelkeeda la la qabsado. Mar kale, Hiraqliidis wuxuu yiri: “In aan helo hal fikrad oo aan hal walax ku beddelo, ayaan ka jeclahay hantida dunida taal oo dhan.”
Waa cusub -------> nolol cusub ------> aragti cusub.

Comments