Jubraan Khaliil iyo dhawr sheeko

Arday baa macallinkiisii wuxuu weydiiyey: “Macallinow waxaad nooga sheekaysaa sheekooyin badan, haddana abidkaa macnaha sheekada nooma sheegtid?”

Macallinkiina wuxuu ugu jawaabay: “Ka warran haddii qof ku siiyo miro uu muudsaday ka hor inta uusan ku siin, ma qaadan lahayd mirahaas?”

Sheekooyinka iyo guud ahaan suugaantu waxay la mid tahay cuntada aan quudanno, waxayna ku nacfi badan tahay in ruux kastaa uu goonnidiisa u ruugo, oo aayarkiisa wixii murti iyo raandhiis ah uu kala baxo, sida ay la noqotana uu u macnaysto.

Haddaba, halkaan waxaan idiinkula wadaagayaa dhawr sheeko oo gaagaaban oo aan ka soo qaatay buugga ‘Ninkii waallaa’ (=The madman /المجنون” ee uu qoray Jubraan Khaliil Jubraan (1883-1931). Laakiin, inta aan Jubraan Khaliil aqooni, waa in ay ogaadaan in gebi ahaanba halabuurka Jubraan –tix iyo tiraabba- uu leeyahay hal ujeeddo oo weyn. Waa in uu cariyo maankayaga, oo uu nagu bixiyo in aan fekerno oo su'aalo isweydiinno. Marka fadlan, haddii aadan jeclayn in aad fekerto ha akhrin dhigaallada Jubraan- waa iga dardaaran!

Jubraan buuggiisa ‘Arwaaxda gadoodsan’ (=Spirits Rebellious /األرواح المتمردة), isaga oo adeegsanaya carrabka wiil loo bixiyey ‘Khaliilkii gaalka ahaa (Khalil the heretic /الخليل الكافر)’, ayuu wuxuu leeyahay:

Waalidkaa wuxuu kugu oranayaa “Caasi baad tahay haddii sida aan rabo aadan yeelayn”, wadaadkuna wuxuu kugu oranaya: “Gaal baad tahay haddii sidayda oo kale aadan u tukan”, maxkamadduna waxay kugu oranaysaa: “Denbiilaad tahay haddii aadan sharcigayga u hoggaansamin”, waxaad weydiinaysaa “Maxaa dhacay” waxayna kuugu jawaabayaan “Dadka oo dhan baa sidaa yeela” adiga oo tiiraanyaysan baad waxaad ku qaylinaysaa “Laakiin dadka oo dhammi waa hoogeen aniguna waxaan rabaa in aan liibaano”, waxayna kuugu warcelinayaan “Dadka la mid noqo maxaa yeelay kama aad fiicnid”. Haddaba, akhristow dadku sidaas bay u noolyihiin iyaga oo hummaagii awoowayaashood sita.

1- Sidee baan ku waashay:

Waxaad I weydiisay sida aan ku noqday qof waalan. Sidaan bay u dhacday: waa fog, ka hor intaan ilaahyada badankoodu dhalan, waxaan ka toosay hurdo culus oo aan la suuxay, waxaana arkay in la iga xaday maaskaradii aan wejiga ku qarsan jirey oo dhan –toddobadii maaskaro ee aan u toshay in aan u xirto toddobada nololood ee dunidaba waa la iga xaday. Aniga oo aan maaskaro qabin baan waxaan isku sii daayey waddooyinka dadku buux dhaafiyeen, waxaana ku qayliyey, “Tuugta, Tuugta, tuugta nacaladda qaba!”

Rag iyo haweenba way igu qosleen, qaarkoodna waxay u carareen dhankii guryahooda iyaga oo iga baqaya. Markii aan gaaray faras-magaaladana, wiil guri dushiis saarnaa baa wuxuu ku qayliyey, “Waa nin waalan.” Si aan u arko ayaan kor u eegay, markii ugu horraysayna fallaaraha qorraxdu waxay dhunkadeen dhabannadaydii muuqday, naftayduna waxay u bogtay diirranaanta milicda qorraxda, wixii markaa ka danbeeyey maaskaro ma raadin, ee aniga oo farxad la sarkhaansan baan waxaan ku qayliyey “Allaha barakeeyo! Allaha barakeeyo! Allaha barakeeyo tuugtii maaskarada iga xaday.”

Sidaas baan ku waashay, laakiin waallida waxaan ka helay xorriyad iyo badbaado; xorriyadda in aan keli ahaado iyo in aan ka badbaado in dadku I fahmaan, waayo kuwa na fahmaa qayb naga mid ah bay addoonsadaan.

Laakiin waxaa ila gudboon in aanan aad ugu faanin nabadgalyadayda. Maxaa yeelay, xataa tuugta xabsiyada ku jiraa waxay ka badbaadaan tuugta kale.

2- Boqorkii xikmadda lahaa:

Waa waayaha ka mid ah, magaaladii fogeyd ee Wirani waxaa xukumay boqor awood iyo xikmad isku darsaday. Dadku awooddiisa waa ka cabsan jireen, xikmaddiisana waa qaddarin jireen.Haddaba, magaalada bartankeeda waxaa ku yiil ceel biyihiisu macaan, qabow iyo saafinimo isku darsadeen, dadka magaalada oo dhammina ceelkaas bay ka cabbi jireen, marka lagu daro boqorka iyo xaashiyadiisa, maxaa yeelay magaaladu ma aysan lahayn biyo aan isaga ahayn.

Habeen habeennadda ka mid ah, goor dadkii oo dhammi ay seexdeen baa magaaladii waxaa timid haweenay sixirrooley ah, ceelkiina waxay ku tifqisay toddobo dhibcood oo dareere aan la garanayn ah, waxayna tiri: “Wixii hadda ka danbeeya qof kasta oo biyahaan cabbaa wuu waalanaya.”

Subaxdii markii waagu baryey, gebi ahaan dadkii magaaladu marka laga reebo boqorka iyo la-taliyihiisu waxay cabbeen biyihii ceelka, sidii saaxiraddu sheegtayna way waasheen. Waxayna bilaabeen in ay waddooyinka iyo luuqyada maraan, suuqyadana isugu yimaadaan iyaga oo si hoose oo nuxnux ah isugu sheegaya: “Boqorku waa waashay. Boqorkayaga iyo la taliyihiisa garashadii waa ka dhuntay. Suurogal ma aha in uu na xukumo boqor waalan. Waa in aan ka takhallusnaa.”

Galabtii, boqorku markii uu ogaaday waxa dhacay, wuxuu amar ku bixiyey in kalax dahab ka samaysnaa oo uu lahaa biyaha ceelka loo soo daro, markii loo keenayna wuu cabbay, la taliyihiisiina wuxuu ku amray in uu cabbo jeer labaduba ka wabxeen.

Intaa ka dib, magaaladii fogeyd ee Wirani waxaa saaqay farxad iyo damaashaad, sababta oo ah boqorkeedii iyo la taliyihiisii baa miyirkii u soo noqday.

3- Labo aqoonyahan:

Magaaladii qadiimka ahayd ee ‘Afkaar’, waxaa ku noolaa labo aqoonyahan. Mid kastaa wuxuu necbaa oo liidi jirey aqoonta kan kale. Kan hore wuxuu diidi jirey jiritaanka Alle, kan kalena wuxuu ahaa mu’min.

Maalin maalmaha ka mid ah bay waxay ku kulmeen farasmagaalada, iyaga oo taageerayaashoodu la kala safan yihiinna waxay bilaabeen in ay ka doodaan jiritaanka iyo jiritaan la’aanta Eebbe. Saacado badan oo ay wadaageen muran la isku mari- waayey kaddibna way kala tageen.

Maalintaas fiidkeedii, mulxidkii wuxuu tagay macbadka, wuxuuna bilaabay salaad iyo in uu Alle ka baryo in uu u dhaafo wixii denbi ah ee horay uga dhacay, wuxuuna noqday mu’min taqi ah.

Isla saacaddaas, mu’minkii wuxuu qaatay kutubtiisii muqaddaska ahayd, wuxuuna ku gubay bartamaha magaalada, wuxuuna noqday gaal aan kaadida iska duwin.

4- Hurdo iyo soojeed dhexdood:

Magaaladaan ku dhashay waxaa ku noolaa haweenay iyo gabar ay dhashay oo labaduba caado u lahaa in ay dheelallaaboodaan oo ay socdaan iyaga oo hurda. Dabadeed, habeen habeennada ka mid ah oo jawigu deggenaa, naacaw macaanina ay dhacaysay baa haweenaydii iyo inanteedii waxay ka kaceen gogashoodii, waxayna bilaabeen in iyaga oo hurda -sidii caadadoodu ahayd- ay ku lugeeyaan beerta gurigooda.

Intii ay socodka ku jireenna hooyadii waxay inanteeda ku tiri: “Hoog kugu dhac cadowgayga sharka badaneey! Dhallinyaranimadaydii baad dumisay, noloshaadana waxaad ka dul dhistay noloshaydii aad dumisay! Haddaan mar ku dili lahaa!”

Markaana waxaa hadashay gabadhii oo tiri: “Habaryahay qumanyada ah ee anaaniyadda iyo nafjeclaysigu ka bateen, ee aniga iyo xorriyadda naftayda kala hortaagan! Ee noloshayda ka dhigtay jabaq nolosheedii tagtay ahi! Maad iska dhimatid!”

Halkaas markay dooddu u maraysay baa waagii dillaacay oo diiqii ciyey, markaasay labaduba mar qura baraarugeen, iyaga oo weli beerta ku dhex socda. Durbadiibana hooyadii baa si qabow oo naxariisi ku dheehan tahay waxay ku tiri: “Ilaah igama kaa qaadee, gacaliso ma adigii baa?!” Gabadhiina si dabacsan oo tixgelin leh bay ugu jawaabtay: “Haa macaanto! Waa aniga, waa gabadhaada!”.

5- Eygii xikmadda badnaa:

Ey xikmad badnaa baa maalin wuxuu soo ag maray xayn mukulaalo ah. Markii uu ku soo dhawaaday wuxuu ogaaday in ay aad mashquul u yihiin oo xataa joogitaankiisa aysan dareemayn. Wuu ag istaagay, bal si uu warkooda u dhegnuugsado.

Isaga oo daawanaya ayaa waxaa ka dhex kacay curri shilis ah oo heybad iyo nimco ay ka muuqdaan, wuxuu eegmo ku ekeeyey saaxiibbadiis, wuxuuna ku yiri: “Walaalaha mu’miniinta ahow tukada, waxaan idiin ballanqaadayaa in haddii aad tukataan, oo aad si daacad iyo niyad ah Alle u baridaan, in salaaddiina la aqbalayo, samadana dhaqso doolli uga soo da’ayo.”

Eygii xikmadda badnaa markii uu maqlay wacdigaas qiirada leh qosol buu ku dhuftay, wuxuuna ka sii jeestay isaga oo iskula hadlaya: “Bisaduhu caqli xumaa oo iimaan la’aa, miyaan kutubtayadu qorin oo aniga iyo awoowayaashaydii horeba aynaan ka akhrin, in roobka salaadda iyo Allabariga lagu mutaa uusan ahayn doolli balse uu yahay lafo badan.”

6- Wadeygayow!

Wadeygayow sida aan kuugu muuqdo ma ahi, muuqaalkaygu waa maro xuub caaro ka samaysan oo aan isku qariyo si uu iiga waardiyeeyo faduushaada, adigana uu kaaga ilaaliyo dayacayga iyo is moogaysiintayda. Laakin naftayda weyn ee qarsoon ee anigu aan 'Aniga' ugu yeero, waa sir qarsoon oo ku jirta gunta hoose ee naftayda, cid aan aniga ka ahayn oo ogaan kartaana ma jirto.

Saaxiibkayow: waxaan jeclahaya in aadan rumaysan waxa aan leeyahay, oo aadan ku kalsoonaan waxa aan falayo. Sababta oo ah hadalkaygu waa jabaqda afkaartaada, ficilkayguna waa hummaagga himiladaada.

Wadeygayow: marka aad igu tiraahdo "dabayshu Bari bay u dhacaysaa", durba waxaan la soo boodaa: " Haa Bari bay u dhacaysaa", Maxaa yeelay waxaan doonayaa in aadan ogaan in afkaartayda mowjadaha la dabaalanayaan, aysan awoodin in ay dabaylaha la duulaan. Waa wax wanaagsan in sirta afkaartayda aadan fahmin, waayo waxaan doonayaan in baddayda aan keli ku ahaado.

Saaxiibkayow: marka kaaha waagaagu uu dillaaco, baa aaska gabbalkaygu/habeenkaygu madoobaadaa, sidaas oo ay tahay aniga oo mugdigayga dhex muquuranaya baan waxaan kaaga sheekeeyaa bilicda fallaaraha qorraxda ee dahabka la moodo ee harka cad buuruhu la dheelayaan iyo hooska haraca weyn ee dheesha fallaarahaas ka dhasha ee togogga iyo beeraha hareeya.

Waxaas oo dhan baan kaaga sheekeeyaa maxaa yeelay ma aad maqli kartid heesaha mugdigayga, mana aad arki kartid baalashayda kawaakibta iyo xiddigaha ka dhex ruxanaya. Maxaa ka macaan in aadan maqal oo aadan arag, waayo waxaan doorbidayaa in aan habeenka keligay caweeyo.

Saaxiibkayow! Markaad u duusho samadaad baan waxaan u degtaa jahannamadayda. Inkasta oo ay noo dhaxayso booraan ballaaran oo aan laga gudbi karin, haddana si joogto ah baad iigu yeertaa, adiga oo igu leh: "Jaalkayow, saaxiibkayow", aniguna waxaan kuugu jawaabaa "Jaalkayow, Wadeygayow!" Maxaa yeelay ma rabo in aad aragto jahannamadayda, waayo holaceedu wuxuu gubayaa arag-aragtidaada, qiiceeduna wuxuu awdayaa labada dul ee sankaaga. Aniguna ma jecli in mid adiga oo kale ahi uu soo booqdo jahannamadayda; waayo waxaan doorbidaa in aan ku cidlaysto jahannamadayda.

Saaxiibkayow! Waxaad sheegataa in aad xaqa, samaha iyo quruxdaba aad jeceshahay; aniga oo kugu dayanayana w axaan leeyahay waa wax wanaagsan in qofku wanaaggaas caashaqo; laakiin jacaylkaaga uurka ayaan kaga qoslaa sida adiga oo idil aan kuugu qoslo, waayo waxaan rabaa in aan keligay qoslo.

Saaxiibkayow! Waxaad tahay nin wanaagsan, baraarugsan, xikmad leh, bal waxaadba tahay nin dhammaystiran. Sidaa awgeed aniga oo ilaalinaya karaamadaada ayaan waxaan kuula hadla si xikmad iyo foojignaan leh, laakiin dhab ahaantii anigu waxaan ahay nin waalan oo daneeya duni ka duwan, kana yaab badan midda aad adigu ku sugan tahay, waana kaa qaariyaa waallidayda, waayo waxaan doonayaa in waallidaydu aniga gaar ii ahaato.

wadeygayow, adigu wadeygay ma tihid! Laakiin sidee baan u kari karaa in aan ku fahansiiyo, oo aan kaa dhaadhiciyo?

Waddadaydu waddadaada ma aha, ee waan is feer soconnaa.

7- Raaxo cusub:

Xalay waxaan hindisay raaxo cusub. Aniga oo markii iigu horraysay isku dayaya in aan raaxadayda cusub ku baashaalo, ayaan waxaan arkay malag iyo shaydaan illinkayga isku haysta oo ku murmaya qeexidda farxaddayda cusub.

Kan hore wuxuu ku qaylinayaa: “Waxaani waa denbi dilaa ah’, kan kalena wuxuu leeyahay: “ Waa wax san oo ajar lagu mudanayo!”

8- Dawaco:

Dawo ayaa goor waagu baryey oo qorraxdu soo baxayso waxay ka baxday godkeedii, waxayna aragtay hooskeeda, iyada oo yaabbanna waxay tiri: “Maanta geel baan ku qadaynayaa!” Dabadeed, maalinta gelinkeedii hore oo dhan bay waxay goobaysay meel geel joogo. Laakiin markii duhurkii la gaaray bay mar kale waxay daymootay hooskeeda, markaasna waxay tiri: “Haa, doolli baa I deeqa.”

9- Magaaladii barakaysnayd:

Dhallinyaranimadaydii waxaa la ii sheegay in ay jirto magaalo dadka ku dhaqan oo dhammi ay u nool yihiin si waafaqsan kitaabka, markaana naftayda waxaan u sheegay: “Waxaa waajib igu ah in aan magaaladaas dhaqso u gaaro, oo aan haleelo barakada badan ee taal.”

Waxay ahayd magaalo fog, sidaa awgeedna waxaan diyaarsaday wixii safarku u baahnaa oo idil. Socod afartan casho qaatay kaddib bay ii muuqatay. Maalintii xigtayna waan gaaray, waxaana ugu tagay dad wada il la’ oo wada gacan go’an. Waan yaabay, waxaana isweydiiyay “Ma khasab baa in qof kasta oo magaaladaan ku nooli uu il iyo gacan la’aado?”.

Dabadeed waxaan ku baraarugay in dadku iila yaabban yihiin si ka daran sida aan anigu ula yaabbanahay... sababta oo ah iyaguna waxay ku diimayeen indhahayga iyo gacmahayga.

Iyaga oo sheekaysanayana waxaan weydiiyay: “Tani ma magaalada barakaysan ee dadkeeda oo dhammi ay kitaabka muqaddaska ah addeecaan baa?”.

Waxay yiraahdeen: “Haa, waa qudheeda, waa magaalada barakaysan.”

Waxaan i’ri: “Oo haddaas maxaa idinku dhacay? Meeye ishiinii midig iyo gacantiinnii midig?”

Dadkii oo dhammi waxay ka naxeen xaaladdayda iyo jahligayga, waxayna yiraahdeen: “Kaalay oo adiguba indhahaaga ku arag.”

Mid dadkii ka mid ah baa na horgalay oo wuxuu na geeyey macbad magaalada bartankeeda ku yiil.

Markii aan macbadkii galnay baan hartayda waxaan ku arkay taallo dheer oo indho iyo gacmo qallalay ah, waxaan i’ri war musiibada idinku dhacday maxay tahay? Muxuu yahay colka idinku soo duulay ee sidaan bahalnimada ah idiin naafeeyey?

Waxay la wada ashqaraareen jahliga I haya inta uu le’eg yahay, waxaana igu soo dhawaaday mid ka mid ah wadaaddadoodii oo igu yiri: “Wiilkaygow, sidaan annagaa isu galnay, maxaa yeelay Eebbe ayaa nagu salladay sharka naftayada, markaasaan ciribtirnay jeermiskeeda?”, dabadeedna wuxuu ii kaxeeyey meesha Allebariga, dadkii oo dhammina waa na daba galeen, wuxuuna farta iigu fiiqay aayad ku qornayd boor ku dheggenaa meesha Allebariga, wuxuuna iga codsaday in aan akhriyo aayadda ku qoran boorka, waxaana ku qornaa:

“Haddii ishaada midig ay shaki ku geliso, iska bixi oo iska tuur; waayo in aad xubin keliya waydo ayaa kuu dhaanta in jirkaaga oo dhan jahannama lagu tuuro. Haddaad ka shakido gacantaada midigna goo oo iska tuur, maxaa yeelay in aad xubin khasaarto ayaa ka kheyr badan in jirkaaga oo dhan jahannamo la geliyo.”

Markaas ayaan gartay sirtooda, waxaana ku cabaaday: “Miyaan la idinka helayn nin ama haweenay labo indhood ama labo gacmood ay ku yaallaan?”

Waxay yiraahdeen: “Maya! Qoof noocaas ahi naguma jiro, marka laga reebo carruurta saqiirka ah ee aan weli qaangaarin, ee aan awoodin in ay akhriyaan kitaabka muqadaska ah, waxa ku qoranna ay fuliyaan.”

Markaan ka baxnay macbadkii degdeg baan cagaha wax uga dayey oo uga tagay magaaladaas barakaysan, waayo waxaan ahaa qaangaar awooda akhrinta kitaabka muqaddaska ah.

10- Jaranjaradii mawlaca:

Shalay galab, waxaan arkay haweenay fadhiday jaranjarada marmarka ah ee mawlaca, waxaa la fadhiyey labo nin, oo mid midigta ka xigay kan kalena bidixda, labaduba waa ay eegayeen. La yaabka aan arkayna wuxuu ahaa in haweenayda dhabankeeda midig uu madoobaa, halka dhabankeeda bidix uu guduudnaa.

Comments