Kala fogaantu waa aasaaska fayoqabka
Cumar waxaa laga sheegay in nin saxaabada ka mid ahaa oo xanuunsanaa uu ku yiri: 'Waran dhererki iga fariiso (Ha ii soo dhawaan)'. Warmuhu, inkasta oo dhererkoodu uu kala geddisan yahay... haddana caadi ahaan dhererkoodu waa u dhow yahay labada mitir ee bahda caafimaadku ay hadda ku talinayaan.

Ummadihii hore, inkasta oo aysan aqoon noolayaasha ili-ma-aragtayda ah sida bakteeriyada iyo feyraska, haddana tan iyo taariikh fog waxaa jirey dad dareensanaa in ay jiraan cudurro la kala qaado. Dadkii hore ee garashadaas lahaa waxaa ka mid ah nebiga (scw) iyo qaar ka mid ah saxaabada.
Tusaale ahaan, axaadiista faraha badan ee nebiga laga wariyo waxaa ka mid ah, mid uu dadka ku amray in kolka daacuun uu dillaaco ay guryahooda joogaan, oo aysan isu dhawaan. Waa xadiiska oranaya: "Haddii aad dhul daacuun ku maqashaan ha tegina, haddii uu ka bilowdo dhul aad joogtaanna ha ka bixina / إذا سمعتم الطاعون بأرض فال تدخلوها، وإذا وقع بأرض وأنتم فيها فال تخرجوا منها". Nebiga waxaa kaloo laga wariyaa in uu yiri: "Midka bukaa yuu u tegin kan fiyow /حٍٍّصِِمض على ُرْم ِمورد ُيال ُُ".
Waxaa kaloo la wariyey in wefdi ka socday qabiil la yiraahdo Taqiif oo nebiga u tagay uu ku jirey nin qabay cudurka juudaanka, nebiguna uu ninkaas ku yiri: "Waan kula heshiinnay ee orod iska noqo /إنا قد بايعناك فارجع". Halkaas oo laga fahmayo in nebigu uu ka hortagayey salaanta iyo isdhexgalka ninkaasi uu dadka la yeelanayo. Axaadiistaan iyo kuwo kaleba waxay tilmaamayaan fikradda hadda loo yaqaan karantiilka ama kala fogaynta noolayaasha caafimaadka qaba iyo kuwa qaba xanuunnada faafa ee la isqaadsiiyo, sida xaaladda hadda taagan ee Koronafayraska.
Docda kale, markii sannadkii 18-aad ee Hijrada, uu dhulka Shaam ka dillaacay daacuunka loo yaqaan "Camwaas", waxaa ku dhintay saxaabo badan oo uu ka mid ahaa Abuu Cubeydaha bin al-Jarraax, faafidda daacuunkuna waa socday ilaa uu hoggaanka qabtay saxaabigii Camar bin Caas. Camar bin Caas durba markii uu hoggaanka qabtay wuxuu u khudbeeyey saxaabadii la joogtey, wuxuuna ku yiri: "War dadyahow, xanuunkaani haddii uu yimaado wuxuu u faafaa sida dabka, ee buuraha ka gala/ أيها الناس، إن هذا الوجع إذا وقع فإنما يشتعل اشتعال النار، فتحصنوا منه في الجبال". Buuraha ka gala oo macnaheedu uu yahay kala fagaada. Sida la sheegayna, faafidda daacuunku waxay istaagtay markii saxaabadu ay bilaabeen fulinta siyaasaddaas. Dhacdooyinka kale ee saxaabada laga wariyo waxaa ka mid ah in saxaabigii Cumar bin Khaddaab uu mar arkay haweenay juudaan qabta oo masjidka joogta, kolkaasna Cumar uu haweenayda ku yiri: "Addoontii Allaay, gurigaaga joog oo dadka ha dhibin /: يا أمة هللا، اقعدى فى بيتك والتؤذى الناس". Isla Cumar waxaa laga sheegay in nin saxaabada ka mid ahaa oo xanuunsanaa uu ku yiri: "Waran dhererki iga fariiso Ha ii soo dhawaan) /اجلس مني قيد رمح " Warmuhu, inkasta oo dhererkoodu uu kala geddisan yahay, oo aysan lahayn cabbir go'an oo la le'ekaysiiyo, haddana caadi ahaan dhererkoodu waa u dhow yahay labada mitir ee bahda caafimaadku ay hadda ku talinayaan in la isu jirsado- waa haddii laga fursan waayee.
Sida runta ah, qaar badan oo ka mid ah aadanaha garaadka leh baa ku baraarugsanaa in kala fogaantu ay ka mid tahay siyaalaha looga badbaadi karo xanuunnada faafa. Tusaale ahaan, Soomaalidii xoolodhaqatada ahayd waa ogaayeen in xooluhu ay xanuunnadda qaarkood is qaadsiin karaan. Sidaa darteedna, neefafka qaba cudurrada ay ka midka yihiin furuqa, cabeebka iyo sambabka xoolaha intooda kale waa ka sooci jireen.
Ilaa iyo hadda, inta la ogyahay fayraska COVID 19 dadka ayaa isqaadsiiya, mar kasta oo uu kordho isdhexgalka dadkuna waxaa kordhaysa fursadda uu xanuunku ku faafayo, sida kalena waa run oo mar kasta oo isdhexgelka dadku uu yaraado, waxaa yaraanaysa fursadda uu ku faafayo. Taa awgeed, kala fogaanta iyo karantiilku waa siyaasadda ugu mirodhalsan ee aadanuhu, siiba Soomaalidu ay feyraska COVID 19 uga guulaysan karaan.
Noloshu waa macaantahay ee Alle talo saaro oo gurigaaga joog.

Comments