Kolka maanku seexdo baa dugaaggu mirtaa

"Seexashada Caqligu Dugaag bay Abuurtaa /The Sleep of Reason Produces Monesters", waa magac fannaan Isbaanish ahaa oo la oran jirey 'Francisco Jose de Goya (1746-1828)' uu u bixiyey sawir uu sameeyey sannadkii 1799.

Francisco Goya waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay fannaaniintii noolaa qarniyadii 18-aad iyo kii 19-aad kuwooda ugu saamaynta badnaa, wuxuuna ka tagay dhaxal faneed tan iyo maanta laga faalloodo. Sida loo qiray, Goya wuxuu ahaa feylasuuf ruux fannaan leh, taas oo u suurogalisay in isaga oo aammusan uu falsafaddiisa sawirro ku gudbiyo. Dhab ahaantii, ma uusan ahayn fannaan qurux raadiya, balse wuxuu ahaa feylasuul runta raadiya. Laakiin yaa yiri qurux runta ka weyn baa jirta? Runtu waa kharaar tahay, laakiin waa ay qurxoon tahay.

Goya dabshidkii 1799 wuxuu sameeyey 80 sawir oo uu u bixiyey "Laablakacyo" (=Los Caprichos/ The Whims/النزوات). Waxay ahaayeen sawirro uu ku cabbiray cudurrada bulshada sida; beenta, danaysiga, jahliga, kelitalisnimada, khuraafaadka, musuqa, nifaaqa iyo qaar kale. Goya sawirradiisa wuxuu si gaar ah ugu dhaleeceeyey boqorrada iyo wadaaddada -siiba uumanka aan la arag ee wadaaddadu ay caqliga caamada ku daroogeeyaan sida; jinka, sixirka, isha, iwm.

Waqtiga sawirradaan la sameeyey bulshada Isbaanishka waxaa haystay dhibaatooyin badan oo ay ugu darnayd dulmigii maxkamadihii baaritaanka (=Inquisition 1480-1808), oo u gogolxaaray duullaankii Naabooliyon Bonabart uu ku qabsaday dalkooda. Waxaa lagu jirey xilli nolosha la isu dacareeyey, oo xoogga iyo xeeshu ay galeen kaalinkii sharciga iyo akhlaaqda.

Sawirkaan uu u bixiyey "Seexashada maanku dugaag/masakh bay abuurtaa", waxaan ku arkaynaa farshaxan ama halabuur, loo badinaayo inuu yahay Goya qudhiisa, oo inta qalinkii, waraaqihii iyo agabkii kale ee uu adeegsanayey iska durkiyey, madaxana labada gacmood ku qarsaday, khuuro dheer jiidaya. Hareeraha waxaa kaga wareegsan haad iyo dugaag isugu jira qaar la baasaysto iyo qaar sidooda looga baqo (fiidmeer, guumeys, mukulaal iyo masakh muuqaalkooda laga argagaxo). Wejiga hore ee miiska ninku ku hurdana waxaa ku qoran oraahda: "Marka caqligu seexdo baa dugaaggu toosaa."

Farriinta sawirku sidaa waa loollanka ka dhexeeya samaha iyo xumaha. Farriintu waa in marka bulshada qaybteeda runta iyo samaha xeeriyaa ay xilkooda gabaan ay mirtaan kuwa beenta, jahliga iyo khuraafaadka ka macaashaa. Dhibaatooyinka ka taagan dalka iyo dunidaba waxaa wax laga qabaan karaa kolka maanku shaqeeyo ee jahliga iyo khuraafaadka la xakameeyo.

Francisco Goya, marka la barbardhigo dadkii ay isku sebanka ahaayeen, waa uu cimriyey, oo wuxuu noolaa 82 dabshid. Mid ka mid ah sawirraddii ugu danbeeyey ee uu sameeyeyna wuxuu ahaa sawir oday waayeel ah, oo leh gar weyn iyo timo baabul ah oo cirro badan, kuna tukubaya labo ulood oo uu labada gacmood ku kala haysto. Waa oday ka baxsanaya mugdi ka danbeeya, oo tiigsanaya ilays hortiisa ka muuqda. Sawirkaas Goya wuxuu ku qoray: "Weli waxbaan bartaa" (Aun aprendo /I am Still Learning). Oraah dadka qaar ay xadiis nebi ku sheegaan, kuwa kalena ay xikmad ku sheegaanna waa iyada tiraahda: "Aqoonta raadiya inta dharabta iyo loxodka u dhaxaysa /اطلبوا العلم من المهد إلى اللحد".

Comments