Koronafayras iyo akhlaaqda aadanaha

"Suurogal ma aha in uu daacuun yahay, qof kastaa waa ogyahay in Galbeedka laga dabar gooyey. Haa, cid walbaa taa waa ogtahay, marka laga reebo kuwa u dhintay."

"Sida qura ee daacuunka lagula tacaali karaa waa in hufnaan la la yimaado. Maxay tahay hufnaantu? ... Guud ahaan, ma aqaan qeexid la siin karo, laakiin xaggayga waa in aan shaqadayda si fiican u qabto." Albert Camus (1913-1960).

Qoraalkaan uga hadli mayno Korona Fayras waxa uu yahay iyo saamaynta uu ku leeyahay dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasadda. Waayo mawduucyadaas aad boo looga hadlaa, waxaana jira dad badan oo ka hadalkooda iiga habboon. Maqaalkaani wuxuu sawir kooban ka bixinayaa saamaynta fayrasku uu ku leeyahay dhanka akhlaaqda dadka. Soo ifbixii iyo faafidda fayraska Cov-19, waxay abuurtay su'aalo akhlaaqda la xiriira, waxayna dardar cusub gelisay dooddii soo jireenka ahayd ee akhlaaqda iyo dabeecadda aadanaha. Waa weydiinta tiraahda: Qofku akhlaaqda iyo habdhaqankiisa ma ku dhashaa mise bulshada uu la noolyahay buu ka bartaa?

Sida dhabta ah, fayraskaani ma uu curin weydiimo akhlaaqda ku saabsan oo keli ah, balse wuxuu cariyey weydiimo waaweyn oo falsafi ah sida; waa maxay macnaha noloshu? Ama haddii dhanka kale loo dhigo: waa maxay geeridu? Noloshu ma mid quraa mase way wejiyo badan tahay? Eebbe ma jiraa? Ma dhabbaa in COV-19 uu yahay ciqaab xag Alle ka timid, isaguna uu qaadi karo? Hadduu yahay ciqaab Eebbe uu keenay, Eebbe muxuu ka dhirfay, yuuse u dhirfay? Noloshu caddaalad ma tahay? Waa maxay qaddartu? Aqoonyahanka iyo wadaadka kee baa warkiisa la qaadanayaa? Iyo qaar kale oo badan.

Feyraska Karona wuxuu yimid xilli dunidu ay noqotay tuulo yar oo dabo iyo dacal isku xiran, samaan iyo xumaan wixii meel ka dhacaana uu si fudud meel kasta ku gaarayo. Cudurkaani kama cusla cudurradii iyo daacuunkii horay dunida uga dhici jirey, laakiin duruufta dadka maanta jooga baa ka duwan duruufihii ummadihii hore ay ku noolaayeen.

Dunida cusub ee tuulada noqotay waxaa batay is dhex galkeeda iyo isu war haynteeda, arrimahaas oo xoojiya dareenka cabsida. Dunidaan bari iyo galbeed isku xirantay, dad jooga Soomaaliya ayaa waxay daawanayaan dad isla daqiiqaddaas ku dhimanaya Bakiin iyo Rooma, kuwa Bakiin iyo Rooma joogaana waxay og yihiin jiritaanka deegaanno xanuunka ka fiyow, waxayna heli karaan fursado ay durba ku gaaraan meeshii ay doonaan - Diyaarado, tareenno, maraakiib iyo qalab warbaahineed oo xag kasta hortooda soo dhigaya. Fayraskaani dad badan wuxuu xasuusiyey tilmaantii Albert Kaamu uu ka bixiyey daacuunkii uu uga sheekeeyey buuggiisa "Daacuunka /The Plague", kolkii uu yiri: "Daacuunkaan, ruux kastaa gudaha ayuu ku sitaa, maxaa yeelay dunida ka ma jiro hal qof, waa qofna, oo iska caabbin kara."

COV-19, wuxuu si cad u muujiyey in aadanaha oo dhammi ay isku doon saaran yihiin, oo aysanna jirin cid sheegan karta in ay ka fiyowdahay feyraskaan aan kala farqinayn dhaqammada, diimaha iyo xudduudaha. Waxa ka faafay magaalada Wuhan ee dalka Shiinuhu ma ahayn feyras keliya, balse waxaa la socday wax ka khatar badan oo ah cabsi iyo argagax. Cabsida iyo argagaxuna ma keenin dhibaato caafimaad iyo mid dhaqaale, balse sidoo kale waxay abuureen dhibaatooyin siyaasadeed, kuwo dhaqan iyo kuwo akhlaaqeed. Sidaa darteed, feyrasku uma baahna xal caafimaad oo qura, ee wuxuu u baahan yahay xal dhinacyo badan leh, oo ay ku jiraan akhlaaq, dhaqaale, siyaasad, iqk.

Qofka aadanaha ahi waa noole bulshay ah, oo dadka kale la'aantood aan keligi noolaan karin. Waxaana la sheegaa in haddii Eebbe uu hal qof oo qur ah uu jannada geyn lahaa, uu qofkaasi jannada ka carari lahaa. Ma jiro qof ku qanci kara janno aan dad kale ku wehelin, maxaa yeelay kelinimada qudheeda ayaa cadaab ah. Diimaha qaarkoodna waa kuwa sheega in Eebbe uu Xaawo abuuray ka dib markii uu ogaaday in Aadan uu wehel u baahan yahay.

Caadi ahaan, ruuxu wuxuu dhashaa isaga oo keli ah, wuxuuna dhintaa isaga oo keli ah, laakiin dhalashada iyo dhimashada inta u dhaxaysa keli ma ahaan karo. Sida uu sheegay feylasuufkii Aristotal (384-322 C.H), qofka dadka kale ka maarma ee awooda in uu keligi noolaadaa, waa Ilaah ama waa dugaag midkood.

Sidaa darteed, filinka " Cast away" ee uu soo saaray 'Robert Zemeckis', uuna jilayo 'Tom Hanks', waxaan ku arkaynaa atooraha filinka oo marka diyaaraddu badweynta kula dhacdo, jasiiradda cidlada ahna uu tago, si uu isaga caabbiyo duruufaha nolosha cusub ee uu keliga ku yahay, banooni ku sawiraya weji qofeed, dabadeedna la sheekaysanaya wejigaas uu sawiray, isla markaana weheshanaya sawirka gabadhii ay saaxiibbada ahaayeen. Falkaas oo muujinaya in kelinimadu ay tahay baahi iyo taagyari, halka la jiridda dadku ay ka tahay wehel iyo awood.

Fikradda ah in ruuxa aadanaha ahi uu yahay bulshey xiriir ku nool ah, culumada sida fiican u sharraxay waxaa ka mid ah feylasuufkii suufiga ahaa ee Martin Buber (1878- 1965). Martin Buber buuggiisa "Aniga iyo adiga" (=I and Thou /أنا وأنت), wuxuu ku doodayaa in qofka aadamiga ahi uu yahay noole xiriir ku nool ah, oo jiritaankiisa iyo dadnimadiisuba ay ku tiirsan yahay xiriirrada uu leeyaay.

Xiriirka koowaad ee ruux kasta muhiimka u ahi waa kan uu la leeyaay hooyadi marka uu dhallaanka yahay. Buber wuxuu sawirtay ilmo dhashay oo meel cidlo ah dhacdiid u jiifa isaga oo aan wax awood ah lagu ogayn, laakiin abdo ka qaba in hooyadi ay u timaaddo. Ilmahaan, imaanshaha hooyadu ugama dhigna qof yimid oo keli ah, balse waxay uga dhigan tahay in nololi ay jirto. Imaanshaha hooyada waxaa weheliya nolosha ilmaha iyo in uu fisho timaaddo wanaagsan. Dadka oo dhammi waa isla ilmahaas, laakiin marka ay koraan waxay yeeshaan xiriirro ka tiro iyo culays badan xiriirka ilmuhu ay hooyadood la wadaagaan, laakiin labada xaaladoodba waa xiriirro aan aadanuhu la'aantood dadnimo sheegan karin. Ma jiro qof noloshiisu ay xiriir ka maaranto. Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Martin Heidegger-na waxaa laga hayaa: "Jiritaanka qofku waa la jiridda kuwa kale."

3 Intaa ka dib, Buber xiriirrada qofka wuxuu u qaybiyey labo nooc oo kala ah; Xiriirka "Aniga iyo adiga/ I and you" iyo xiriirka labaad oo ah xiriirka "Aniga iyo Walaxda/ I and It". Xiriirka nooca "Aniga-Adiga" wuxuu muujiyaa isku xirnaan, halka xiriirka "Aniga- Walaxda" uu muujiyo kala go'.

Xiriirka ka dhexeeya labo dhinac haddii uu yahay mid ku dhisan iskaashi iyo isqaddarin, waa xiriir ay wadaagaan labo dhinac oo ah "Aniga iyo Adiga", laakiin haddii xiriirku uu yahay mid labada dhinac midkood uu kan kale ku adeeganayo, waa xiriir u dhexeeya "Aniga iyo Walax". Tusaale ahaan, xiriirka ka dhexeeya labo ruux oo midba kan kale uu si run ah u jecel yahay, waa xiriir ah nooca Buber uu u bixiyey xiriirka "Aniga-Adiga". Si taa ka duwan, xiriirka ka dhexeeya qofka iyo saacaddiisa ama qofka iyo gaarigiisa, waa xiriir ah nooca "Aniga-Walaxda", waayo xiriirka dadku ay la wadaagaan walxaha ay ka midka yihiin saacadaha iyo gawaaridu, ma aha xiriir iskhaashi iyo ixtiraamaan ku dhisan, balse waa xiriir ku dhisan danaysi iyo manaafacaadsi hal dhan ah.

Taas oo jirta, ayaa haddana waxaa dhacda in xiriirradu ay isbeddelaan ama ay yeeshaan xaqiiqo ka duwan sida uu yahay muuqaalkooda kore. Tusaale ahaan, xiriirka ka dhexeeya darawalka tagsiga wada iyo qofka tagsiga raacayaa waa xiriir ah nooca "Aniga iyo Walaxda", maxaa yeelay darawalka tagsiga wadaa qofka uu qaadayo wuxuu u arkaa in uu yahay macmiil uu beeso ka helayo oo keli ah, halka qofka tagsiga kiraysanayaa uu darawalka u arko qof adeeg u qabanaya oo qura. Laakiin haddii labadaas ruux ay wada sheekaystaan, tacaamulna uu dhex maro, waxaa dhici karta in xiriirkoodu uu ka gudbo midkii "Aniga iyo Walaxda" ee adeegsiga ku salaysnaa, oo uu isu beddo mid ixtiraam iyo iskaashi ku salaysan oo ah nooca "Aniga iyo Adiga". Dhanka kale, xiriir loo haysto in uu yahay nooca "Aniga- Adiga", ayaa dhab ahaantii wuxuu noqon karaa nooca "Aniga- walaxda".

Tusaale ahaan, xiriirka ka dhexeeya sayga iyo afadiisa, caadi ahaan waxaa laga fishaa in uu yahay nooca "Aniga- adiga", oo uu ku qotomo gacalo iyo iskhaashi, laakiin marar badan waxaa dhacda in lammaanaha midkood uu kan kale ku danaysanayo, gacalo iyo qaddarin dhab ahina aysan ka dhaxayn, kolkaasna xiriirkoodu wuxuu noqdaa nooca "Aniga- walaxda", qofka danaysanayaa uu kan kale u la dhaqmayo sidii in uu yahay walax uu intifaacsanayo.

Halgamaagii madoobaa ee Martin Luther King (1929-1968), warqad uu qoray 16kii April 1963, mar uu ku xirnaa Xabsi ku yiil magaalada Birmingham ee carriga Maraykanka, wuxuu ku yiri: "Isir-soocu, haddii la adeegsado eraybixintii feylasuufkii Yahuudiga ahaa ee Martin Buber, xiriirka "Aniga-Adiga" buu u beddelaa xiriir ah "Aniga-walaxda", markaas baa arrinku ku idlaadaa in dadku ay alaab noqdaan."

Martin Buber wuxuu qabaa in xiriirka ka dhexeeya Eebbe iyo aadanuhu uu noqdo nooca "Aniga iyo Adiga". Waayo waxay la tahay in Eebbe iyo aadanuhu ay isu baahan yihiin, oo midkoodna kan kale la'aantiis uusan jiri karin. Sidaa awgeedna, loo baahan yahay in had iyo jeer xiriirkoodu uu ahaado nooca "Aniga- Adiga".

Aadanuhu waa noole bulshey ah oo had iyo goor u baahan dadka kale. Aadanaha si kasta oo dabeecaddu ay u siisay caqli iyo awoodo uu noolayaasha kale uga duwan yahay, haddana marna ma awoodo in uu dadka kale ka maarmo, oo uu baahiyihiisa keligi haqabtiro. Arrinkaani sida uu ugu rumoobayo qofka keliga ah oo kale buu ugu rumoobayaa qoyska, qaranka iyo quruumaha intaba. Bulsho kasta -si kasta oo tiradeedu u badato, baaxadda dhulkeeduna uu u ballaarto- si ay u haqabtirito baahiyaheeda kala duwan, waxa ay ku khasban tahay in ay xiriir la yeelato bulshooyinka kale, oo ay is dhaafsadaan kheyraadka maaddiga ah iyo kuwa macnawiga ah labadaba.

Aadamigu, haddii uu yahay hal qof iyo haddii uu yahay bulsho dhan, labo goorraba wuxuu ku khasban yahay in uu iskaashi la yeesho dadka kale. Marka iskaashigu xoogaysto dadku waxay sameeyaan horumar, kolka iskaashigu yaraadana waxaa ku yimaada burbur iyo dib-u-dhac. Feylasuufkii Jean-Paul Sartre (1905-1980), waxaa laga hayaa in uu yiri: "Cadaabtu waa dadka kale /Hell is other people".

5 Laakiin, isla Saartar wuxuu yiri: "Kan kale waa halbeegga aan naftayda ku ogaado". Marar badan dadku waxay sabab u noqdaan in aan dareenno khajal ama yaxyax, laakiin haddii aan dad kale jireen ma fahanneen macnaha khajalka iyo xishoodka. Iyada oo kooban, dadku waxay isu yihiin janno iyo jahanno wada jira, oo dhib iyo dheef bay isku qabaan.

Dhanka kale, aadanaha badankiisu waxay leeyihiin dabci ku duugan oo u eg midka yeyda. Dabcigaas yeyda ee aadanaha ku aasan, waxaa loo badinayaa in uu yahay mid uu ka dhaxlay sebankii uu duurjoogta ahaa ee uu qaraabsiga ku noolaa. Dadku waagii ay duurjoogta ahaayeen, noloshaadu wax qumman tan duunyada ugama duwanayn, mana aysan lahayn dad badan oo ay ku tashadaan iyo bulsho ay ka xishoodaan toona. Haqabtirka baahidooda aasaasiga ah ayaa mudnaanta koowaad u lahayd, wax walbana kala horraysay.

Haddaba si bulshadu ay u wada noolaato, aadamiguna u wada dhaqmo, loona xoojiyo dheefta dadku ay isku qabaan, loona yareeyo dhibka ay isu geystaan, waxaa lamahuraan noqday in la helo xeer akhlaaqeed samaha dhiirrigeliya, xumahana dhaleeceeya. Laakiin weydiintu waxay tahay: akhlaaqda halkee baa asal u ah oo ay ka soo maaxataa?

Waxaa jira fikrado badan oo laga kala haysto halka akhlaaqdu ay salka ku hayso ee laga qaato. Guud ahaanna, waxaa jira saddex firkadood oo waaweyn oo ku aaddan asalka akhlaaqda, waxayna kala yihiin;

Kow: Diimaha:- Aragtidaan dadka qaba -oo u badan wadaaddada diimuhu- waxay ku doodaan in diimuhu ay yihiin asalka akhlaaqda, oo akhlaaqda wanaagsani waa midda diintu amartay, midda xumina waa tan ay reebtay. Laakiin dhab ahaantii, diimuhu akhlaaq cusub dunida ma keenin ee waxay ka hadleen akhlaaqdii iyo habdhaqankii ka jirey bulshadii diintu ka dhex curatay. Xadiis nebiga (scw) laga wariyaana waa kan yiraahda: "Waxaa la ii soo diray si aan u ebyo akhlaaqda wanaagsan / إنما ُبُبعثت ألتمم مكارم األخالق". Hadalkaas oo ay ku caddahay in nebigu uusan akhlaaq cusub keenin balse uu xoojiyey middii horay loo yaqiin.

Taa waxaa weheliya, in ummadaha oo dhan xataa kuwa aan lahayn diimaha qoran, ay leeyihiin akhlaaq la mid ah tan ummadaha haysta kutubta muqaddaska ah. Marar badanna akhlaaqda diimuhu ma laha halbeeg midaysan oo lagu miisaamo, waayo diimuhu isku hal il kuma eegaan dadka diinta haysta iyo kuwa aan haysan. Tusaale ahaan, diimaha Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka middoodna ma sinto dadka iyada haysta iyo kuwa aan haysan.

Labo: Caqliga:- Aqoonyahanno uu ka mid yahay feylasuufkii Kaanti waxay qabaan in caqligu asal u yahay akhlaaqda, oo uu yahay kan jideeya saxa iyo qaladka, samaha iyo xumaanta. Emmanuel Kant (1724-1804) buuggiisa "The Metaphysics of Morals" wuxuu uga faallooday aragti uu u bixiyey "Lama huraanka /Categorical imperative". Kaanti wuxuu rumaysnaa in akhlaaqda aasaasiga ahi ay tahay midda caalamiga ah ee wax kasta oo dhaca iyo duruuf kasta oo lagu sugan yahay aan sina loo dhaafi karin. Akhlaaqdaasna caqliga ayaa lagu ogaan karaa, dadka garaadka lihina waxay isugu waafaqayaan si la mid ah sida ay isugu waafaqayaan in 1+1=2. In runtu fiican tahay, beentuna ay xun tahay waa arrin si buuxda caqliga loogu ogaan karo, maxaa yeelay qof kasta oo caqli lihi wuu jecel yahay in run loo sheego, wuuna neceb yahay in been loo sheego.

Kaanti wuxuu aamminsanaa in ruux kasta oo aadami ahi uu qof ahaantiisa sharaf iyo qiimo u leeyahay, aysanna bannaanayn in dadka sida walxaha loola dhaqmo. Sababta oo ah, walxuhu waxay u jiraa sii loo isticmaalo, laakiin qofka aadamiga ahi iskiis buu u jiraa. Wuxuu diiday akhlaaqda danaysiga iyo manfaca ku qotonta (=Utilitarianism). Waayo, wuxuu qabaa in akhlaaqda mudnaanta koowaad lihi ay tahay midda aan gorgortanka gelin, isna beddelin waqti walba iyo meel kasta oo lagu sugan yahay. Tusaale ahaan, waa wax wanaagsan in qofku uu caawiyo dadka baahan, laakiin haddii caawintoodu ay ku bixinayso in uu wax xado ama uu wax dhaco, caawintaasi sax ma aha. Maxaa yeelay xatooyada iyo dhacu waa falal sidooda u xun, halka wax siinta dadka baahani aysan qofka mar kasta waajib ku ahayn.

Kaanti wuxuu ku dooday in caqligu uu qofka u sheegayo in uu guto wixii waajib ku ah, oo uu falo wixii ay tahay in uu sameeyo, isla markaana iska daayo wixii ay tahay in uusan samayn. Akhlaaqda oo dhan waxaa asal u ah xeerka dahabiga ah ee dhigaya:

"Dadka u la dhaqan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo." Xeerkaasina waa mid dadka inta garaadka leh oo idil ay caqligooda ku garan karaan -iyada oo aan loo eegin af, dhaqan, diin iyo midab toona.

Dadka ka faallooda akhlaaqda qaarkood waxay qabaan in aragtida Kaanti ee akhlaaqda ku aaddani ay tahay mid khayaali ku dhisan oo ay adagtahay in dhulka laga hirgeliyo. Tusaale ahaan, Charles Peguy (1873-1914), oo faallo ka bixiyey doodda Kaanti wuxuu yiri: "Gacmaha Kaanti waa nadiif, laakiin gacmo ma uu laha /Kant has clean hands, but he has no hands”. Hadalkaas oo uu ka wado in doodda Kaanti ay tahay mid riyo ku dhisan oo aan dhulka ka dhaqan geli karin.

Saddex: Bulshada:- Aragtidaan saddexaad oo ah midda aragtiyaha oo dhan ugu xoogga badani waxay qabtaa in bulshadu ay tahay midda samaysa akhlaaqda. Caadi ahaan, qofku akhlaaqda wuxuu ka bartaa bulshada uu ku dhex ababo, oo saxa iyo khaladku waxay ugu muuqdaan hadba sida ay u aragto bulshada uu la noolyahay.

Bulsho-baarihii Emile Durkheim (1858-1917) oo ugu caansan dadka fikraddaan qaba, isaga oo aragtidaan sharraxaad ka bixinaya ayuu buuggiisa "Moral Education", wuxuu ku yiri: "Mar kasta oo aan ka fikirno sida ay tahay in aan u dhaqanno, waxaan helnaa cod nala hadlaya oo na waaninaya, isaga oo leh: waajibkaagu waa sidatan. Marka aan ku guuldaraysanno in aan fulinno waajibka sidaa na loogu qeexay, waxaan maqalnaa isla codkaas oo ka gilgilanaya falkayaga. Maadaama codkaasi uu ku hadlayo luqad amar ahna, waxaan dareennaa in uu ka soo fulayo cid innaga saraysa. Hayeeshee, si cad uguma jeedno cidda uu codkaasi ka soo fulayo. Taa darteed, male'awaalka ummaduhu wuxuu isku hawlay in uu macneeyo codkaas qarsoon ee ka duwan codadka ay garanayaan. Male'awaalka dadku wuxuu xal u arkay in codkaas loo tiiriyo awood tan aadamiga ka sarraysa (...) Annagana waxaa waajib nagu ah in aan tirtirno sheekoxariirta male'awaalka dadku uu muddada dheer arrinkaan la xiriiriyey, oo aan ogaanno xaqiiqada summaddaan. Sida dhabta ah, bulshada ayaa nagu tallaashay dareenkaas codka dheer ee xoogga badan waajibkayaga noogu yeerinaya, ka dib markii ay akhlaaq ahaan noo sameeyeen.

Damiirkeenna akhlaaqiga ahi ka ma uusan imaan meel aan bulshada ahayn, kamana uu tarjumo cid aan iyada ahayn, kolka damiirkeennu uu hadlayo, wuxuu ku celcelinayaa codka bulshadu nagu dhex abuuratay. Shakina kuma jiro in codka uu ku hadlayaa uu marag u yahay awoodda ballaaran ee bulshadu ay leedahay."

Siday ahaataba, dhibku wuxuu muujiyaa dunta iyo macdanta dadka, oo waa halbeeg lagu ogaado xaqiiqada qofka iyo bulshada. Gabyaa carbeed oo xaqiiqadaas tilmaamayna waa kii ku maansooday:

جزى هللا الشدائد كل خير... وإن كانت تغصصنى بريقى

وما شكرى لها حبا ولكن... عرفت بها عدوى من صديقى

COV-19 wuxuu wax yar naga tusiyey qayb ka mid ah dabciga dugaagga ee aadamiga ku aasan. Wuxuu bannaanka soo dhigay wax ka mid ah anaaniyadda iyo nafjeclaysiga aadamiga badankiisa ku duugan iyo weliba iimaha ilbaxnimada casriga ahi ay leedahay. Dhacdooyinka la yaabka leh ee durba Korona Fayras uu dunida ku soo kordhiyey waxaa ka mid ah in dalka Jarmalku uusan Talyaaniga caawin karin, laakiin si taa ku lid ah Kuuba ay taageero u fidinayso Yurub.

Akhlaaq xumadii ugu horraysay ee Koronafayras lagu arkay waxay ahayd cunsuriyad iyo midabtakoor. Maadaama bilowgii hore uu xanuunku ka bilowday dalka Shiinaha, dadka qaarkood oo uu ka mid yahay madaxweynaha Maraykanka, Mudane Donald Trump, feyraskaan waxay u bixiyeen "Fayraska Shiinaha /Chinese Virus", meelo badan oo dunida ahna waxaa ka dhacay falal denbiyeedyo isugu jira aflagaaddo iyo tacaddiyo kale oo lagula kacay dadka ka soo jeeda dalka Shiinaha iyo xataa kuwa loo qaato in ay dalkaas ka soo jeedaan. Tusaale ahaan, 26kii Janawari 20120, wargeyska ka soo baxa dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Le Courrier Picard, boggiisa hore wuxuu ku sawiray haweenay u muuqaal eg Shiinays oo wejiga maskalaato ugu xiran tahay, wuxuuna siisay cinwaan oranaya "Digniinta jaallaha ah/Yellow Alert", isla markaana wuxuu daabacay maqaal uu cinwaan uga dhigay "Khatar Jaalle ah oo cusub /A New Yellow Peril". Khatarta jaallaha ahina waa eray muddo dhowr qarni ah reer Yurub ay u adeegsanayeen si ay sawir cabsi leh uga bixiyaan dadka ka soo jeeda qaaradda Aasiya.

Maqaalka wargeyskaasi wuxuu abuuray falcelin xoog leh oo ay muujiyeen dadka ka soo jeeda Bariga qaaradda Aasiya, siiba kuwa ka soo jeeda dalka Shiinaha. Dadkaani si ay isaga deedifeeyaan eedayntaas xaq darrada ah, waxay adeegsadeen halku dhegyo ay ka mid yihiin: "Anigu ma ahi fayras, Anigu waxaan ahayn bani'aadam /I am not a virus, I am a human being."

Falalkaasina waxay keeneen cabsi dad badan ku bixisay in ay ka cararaan in la la xiriiriyo Shiinaha. Tusaale ahaan, dalxiisayaashii u dhashay Taywan, waxay bilaabeen in ay qaataan caalamo iyo boorar ay ku qoran yihiin: "Annagu Shiinays ma nihin, annagu waxaan ka soo jeednaa Taywan/ We are Not from China, we are from Taiwan."

Fadeexad akhlaaqeedka fayrasku keenay, waxay aad u soo shaac baxday kolkii la arkay dadyowgii reer Galbeedka ee hodonka ahaa, horumarkana lagu tuhmayey oo si foolxun dukaammada isugu buuranaya, warqadaha suuliyadana isku laynaya.

Dagaalladii iyo wareerkii ka dhacay suuqyada waddamada Galbeedku dad badan waxay xusuusiyeen filinka "Batman: The Dark Knight", oo Joker uu ku doodayo in dad badani ay u dhaqmayaan si bahalnimo ah haddii ay la kulmaan duruuf tiisa oo kale ah. Dad badani waxay ku qanceen runnimada weedha Joker uu ku leeyahay: "Waxay wanaagsan yihiin inta dunidu u oggolaanayso in ay wanaagsanaadaan. Waan ku tusayaa. Marka xaaladdu xumaato ... dadkaas ilbaxaha ah, qaarba qaarka kale ayay cunayaan/ They're only as good as the world allows them to be. I'll show you. When the chips are down ... these civilized people, they'll eat each other.”

Akhlaaq xumo kale oo meelo badan oo dunida ah laga sheegay -sida lagu arkay fiidiyowyada iyo sawirrada qalabka warbaahintu ay baahiyeen- waa jiritaanka dad xanbaarsan feyraska Korona oo candhuuf ku tufa ama ku tira meelo ay isleeyihiin dadka ayaa ka qaadi kara, iyaga oo doonaya in xanuunku uu faafo, oo uu dad badan u gudbo. Abwaankii Fyodor Dostoevsky oo lagu tiriyo in uu ahaa khabiir naftada aadanaha wax badan ka yaqaanna, waxaa laga sheegaa in uu rumaysnaa in taaha iyo oohinta dadka xanuunsani aysan ka dhalan xanuun ay dareemayaa, balse ay ka dhashaan carada ay u qabaan kuwa caafimaadka qaba ee aan la xanuunsanayn.

Docda kale, waxaa xoogaystay su'aalaha ku saabsan akhlaaqda caafimaadka iyo xuquuqda aadanaha sida; Sidee loola dhaqmayaa dadka uu xanuunku ku dhacay, ma waxaa loo arkayaa bukaan xuquuq leh mase cadow khatar ku ah nabadda bulshada? Waa kuma qofka ay tahay in dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadku ay badbaadinayaa? Ma qofka yar mise kan weyn? Hodanka mase saboolka? Muwaadinka mase ajenebiga? Ma sida loo soo kala horreeyey baa mudnaanta loo kala leeyahay mase sida loo kala baahi badan yahay?

Tusaale ahaan, haddii isbitaalka la keeno dhowr qof oo neefi hayso, laakiin qalabka isbitaalka yaal uusan ku filnayn dadka neeftu hayso, sidee mudnaanta loo kala siinayaa? Haddii isku mar isbitaalka la keeno hooyo saddex ilmood haysata iyo haweenay aan wax dhalin oo labaduba ay u baahan yihiin in la seexiyo qaybta daryeelka degdegta ah (=ICU), laakiin hal sariir oo keli ahi ay qaybtaas ka bannaan tahay, labadaas ruux ee dumarka ah tee baa la seexinayaa sarrriirtaas, ma tan carruurta haysata mase midda aan haysan?

Meelo badan uu dunida ah waxaa eed iyo denbi noqday in qofku uu hindhiso ama uu qufaco isaga oo loo jeedo.

Dhaqan kale oo laga welwelsan yahay in uu dhaawac u geysto ganacsiga adduunku waa badeecadaha la sheegayo in dowladuhu ay kala xadayaan. Toddobaadyadan dambe, qalabka warbaahintu waxay wariyaan sheekooyin ku saabsan daawooyin iyo qalab caafimaad oo dowlado kala iibsadeen ama isu hibeeyeen, laakiin meel dhexe lagu xaday. Ifafaalahaasi haddii uu sii xoogaysto wuxuu keenayaa in la waayo kalsoonida ganacsigu ku dhisan yahay, arrinkaas oo culeys weyn ku keenaya dhaqaalaha adduunka ee haddaba aan cagaha qumman ku taagnayn.

Waddamada dunida badankooda, feyrasku hadda ayuu carcartiisii qabaa, oo weli dhibkiisa si weyn looma dareemin. Waxaase la qiyaasayaa in toddobaadyada iyo bilaha soo socda la dareemi doono, markaasna wax badan laga arki doono dabeecadaha dadka, kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xunba.

Ku Allahoode, waxay wariyeen in oday u dhashay beesha Cherokee ee Hindida Waqooyiga Ameerika, oo maalin waaniyey wiil yar oo uu awoowe u ahaa, uu ku yiri: "Maandhe dagaal baa iga dhex socda, waa dagaal kharaar oo u dhexeeya labo yey. Labada yey middood waa shar iyo xumaan. Waa been, caro, colaad, damac, kibir, liidasho. masayr, murugo, nacayb, qab, xasad iyo xin.

Tan kale waa kheyr iyo wanaag. Waa caddaalad, nabad, naxariis, farxad. jacayl, qanaaco, rajo, run, samafal, turid iyo xushmad. Isla dagaalkaas baa ka dhex aloosan naftaada iyo qof kasta naftiiisa."

Kuraygii yaraa cabbaar buu aammusay, dabadeedna awowgiis wuxuu weydiiyey: "Awoowe, labada yey middee baa guulaysanaysa?"

Odaygiina wuxuu ugu jawaabay: "Hadba midda aad quudiso / the one you feed!"

Cudurrada faafaa ma aha wax dunida ku cusub, ee intii noloshu jirtey iyaguna waa jireen. Waana hubaal in Korona Fayras uu maalin dhammaanayo, laakiin cidina ma oga goorta uu dhammaanayo iyo sida uu ku dhammaanayo. Xaaladda hadda dunida ka taaganina waxay la mid tahay xaaladda shinni khatar dareentay oo markaas ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah, jeer ay khatartu ka gudbayso, xaaladduna ay caadi ka noqonayso, kolkaas oo ay shaqadeedii iyo foorideedii dib u bilowdo.

Inta ka horraysa dhammaadka xanuunka, ruux kasta oo aadami ah waxaa saaran waajib akhlaaqi ah oo ah in uu sameeyo waxa saxa ah, waxa saxa ah ee ugu yar ee uu samayn karaana waa in uusan dhib geysan. Waa la doogiye yaan la dacaroon!

Comments