Labo wan iyo haweenay
"Waagii aan dugsiga dhigan jirey, maalin baa wiil ardayda ka mid ahi isaga oo aniga ila hadlaya, wuxuu ardayda hortooda ka yiri: 'In kasta oo aad gabar tahay, haddana waad caqli badan tahay.' Waxaan ugu jawaabay: 'Hadalkaagu wuxuu ka dhigan yahay sidii in aad leedahay: sidee adiga oo daanyeer ah aad sidaas xariifnimada leh baaskiil ugu kaxayn kartaa?' Arrinkaas oo kale in aan la kulmaa wuxuu ahaa mid iska caadi ah ... Waa dambe waxaan ogaaday in mar walba aan noqdo qofka ugu dambeeya ee shirarka lagu casumo, xataa haddii aan ahaa qofkii ugu horreeyey ee isdiiwaan geliyay ...
Waxaas oo dhammi raad iguma yeelan, maxaa yeelay ayeeyday baa waxay ahayd gabadhii ugu horraysay ee gasha jaamacadda Vienna. Waa lala yaabi jirey, oo la dhibi jirey. Fasalka marka lagu jiro, si ay uga badbaaddo maagidda wiilasha, keligeed baa meel gadaale fariisan jirtey. Maalin maalmaha ka mid ah, kolkii xisaddii ay dhammaatay oo macallinkii uu fasalka ka baxay ayaa wiilasha qaarkood waxay ka siibeen goonnaddii ay xirnayn, aadna waa ugu jeesjeeseen. Sannad dugsiyeedku goortii uu dhammaaday, ee la sheegay natiijadii imtixaanka, ayeeyday baa gashay kaalinka koowaad. Maalinkaas bayna dhammaadeen jeesjeeskii iyo xaqiraaddii loo geysan jirey. Xaalku weli waa sidii, oo gabdhuhu si loo aqoonsado waxay u baahan yihiin in marka hore ay si cad u muujiyaan kartidooda."
Sidaa waxaa tiri feylasuufaddii Hangeeriyaanka ahayd ee Agnes Heller (1929-2019) oo buug sheeko ah oo taariikhnololeedkeeda ku salaysan cinwaan looga dhigay "Daanyeer Bushkuleeti Saaran /Monkey on the Bicycle."
Sida dhabta ah, dunida oo idil, dhacdadaan oo kale iyo kuwo ka sii xanuun badan bay la kulmeen gabdhihii ugu horreeyey ee bilaabay in ay waxbartaan. Marka loo kuurgalo doodaha ku aaddan waxbarashada gabdhaha iyo guud ahaan arrimaha bulshadana, waxaa la ogaanayaa in ummaduhu aysan ku kala duwanayn garaadka loo dhasho, balse ay ku kala duwan yihiin wacyiga laga kasbado waayaha nolosha. Tusaale ahaan, qarnigii 19-aad waddamo badan oo Yurub ka mid ah waxaa ka taagnaa doodo ku saabsan waxbarashada gabdhaha.
Dabshidkii 1873, warbixin ay soosaareen golaha sare ee maamulka ummuuraha waxbarashada ee jaamacadda Fiyeena, waxaa lagu qoray: "In gabdhuhu ay waxbarasho sare raadiyaan waxay ka hor imaanaysaa kaalinkooda dabiiciga ah ee hooyanimada, waxayna carqalad ku keenaysaa habsami u socodka waxbarashada jaamacadaha." Meelo badan oo Yurub ahna, waxaa shaki la gelin jirey kartida gabdhuhu ay u leeyihiin in ay ka jibo keenaan waxbarashada. Tusaale ahaan, sannadkii 1872 aqoonyahan la oran jirey Theodor Bischoff (1807-1882) oo ku takhasusay qaabdhismeedka jirka noolaha (=Anatomist /عالم التشريح), xaruntiisuna ay ahayd magaalada Muyuunikh, ayaa wuxuu daabacay qoraal uu ku sheegay in markii uu isbarbardhig ku sameeyey maskaxda labka iyo tan dheddiga uu ogaaday in dumarku ay ka caqli yar yihiin ragga.
Dhigaalkaas iyo kuwo kale oo la nuxur ahna waxaa ka dhashay in dad badani ay ku andacoodaan in waxbarashadu -siiba tan jaamacaddu- aysan ku habboonayn haweenka.
Waxaa lagu dooday in waxbarashada gaarsiisan heerka jaamacaddu ay jir ahaan iyo dhaqan ahaan labadaba wax ugu dhinto gabdhaha. Dhanka jirka, dumarka waxbartaa waxay noqdaan golmaran aan rixim ilmo galaan iyo naas dhiiqa toona lagu ogayn. Gabdhaha jaamacadda dhigtaa waxay dhumiyaan awoodda uuraysiga, xataa haddii maqaadiirtu ku caawiso in ay uur qaadaanna, naasahoodu ma yeeshaan caano ay ilmahooda nuujiyaan. Dhanka dhaqanka, waxay yeeshaan dabci lab oo timaaddada ka hor joogsada in ay oori noqdaan, oo ay reer dhaqdaan. Tusaale ahaan, dhakhtar cilmi nafsiga ku takhasusay oo Jarmal ahaa oo la oran jirey Paul Mobius (1854-1907), wuxuu qoray:
"Haddii haweenaydu ay doonayso in ay ku qanacdo maqaadiirta ay dabeecaddu u qoondaysay, waxaa la gudboon in aysan ragga la tartamin. Dheddiga casrigaan ee doqommada ahi waa ku liitaan qaadidda uurka iyo hooyo noqoshada. Mar walba oo ilbaxnimadu ay korodho, waxaa hoos u dhaca heerka dhalmada, waxaana wanaagsanaada dugsiyada, waxaana xumaada heerka dhalmada iyo tayada naas nuujinta, iyada oo koobanna waxaa bata haweenka aan ku habboonayn in ay afo noqodaan."
Waxaa lagu dooday in natiijada qura ee ka dhalata waxbarashada gabdhuhu ay tahay in dumarku muuqaal ahaan iyo maan ahaan labadaba ay foolxumaadaan. Waxbarashada jaamacaddu waxay soosaartaa haween ay bidaari diiratay oo ookiyaalo waaweyn xiran. Sannadkii 1894, waxaa la daabacay sawir gacmeed (=kartoon) ka faalloonayey gabdhaha ardayda ka ah jaamacadda Suyuurikh oo cinwaan looga dhigay "Sida ay yihiin iyo sida ay noqon doonaan." Kartoonku wuxuu muujiyey labo muuqaal oo mid yahay gabdho ilwaad qurxoon oo metalay gabdho markaas jaamacadda bilaabaya iyo muuqaal kale oo tusaya habro sirqo ah oo muuqaalkooda laga argagaxayo oo metalaya muuqaalka kolka gabdhuhu ay jaamacadda dhammaynayaan.
Dhab ahaantiina, gabdhihii ugu horreeyey ee Yurub waxbarashada fursadda u helay waxay ahaayeen gabdho ka soo jeeday qoysas ladan ama kuwo waxbarasho wanaagsan leh. Waxaana xusid mudan, in gabdhahaas waxbartay badidoodu aysan guursan, qaar badan oo kuwii guursaday ka mid ahina aysan ilmo dhalin. Taana waxaa loo aaneeyaa in gabdhahaas badankoodu ay waxbarashada da' weyn ku bilaabeen iyo in raggu ay ka cabsan jireen guursashada dumarka waxbartay. Maxaa yeelay, waxaa la aamminsanaa in dumarka wax bartaa ay yeeshaan dabeecad tan ragga la mid ah oo iyada iyo ninka guursadaa ay noqonayaan labo nin oo guri ku wada nool.
Duruufihii qarnigii 19-aad ay la kulmaan gabdhaha reer Yurub, kuwo la mid ah ayaa gabdhaha dunida saddexaad -gaar ahaan kuwa dunida Islaamku- ay la kulmaan qarnigii 20-aad. Dabcan gabdhaha dunida saddexaad isku duruuf ma aysan ahayn, sida kuwa Yurub qudhoodu aysan isku duruufta u ahayn, laakiin had iyo goor waxa ay wadaageen baa ka badnaa waxa ay ku kala geddisnaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, markii aan akhriyey jawaabta Agnes Heller ay siisay wiilkii ku yiri: "In kasta oo aad gabar tahay, haddana waad caqli badan tahay", waxaan xasuustay maqaal aan toban sano ka hor akhriyey oo cinwaankiisu uu ahaa "Labo wan iyo haweenay /خروفان وإمرأة". Maqaalkaas waxaa qoray nin Sacuudi ah, wuxuuna ku saabsanaa labo xukun oo isku xilli ay labo maxkamadood oo Sacuudi ahi ay dad ku rideen, waxayna kala ahaayeen sidatan:
Qaalli Sacuudi ah baa labo nin oo labo wan xaday wuxuu ku xukumay mid saddex sano oo xarig ah iyo kun karbaash. Halka qaalli maxkamad kale joogey uu nin xaaskiisa dilay ku xukumay saddex sano oo xarig ah iyo labo boqol oo jeedal. Ninka maqaalka qorayna wuxuu isweydiiyey su'aal oranaysa: Ma labada wan baa ka qaalisan haweenayda mase falka dilka ayaa ka dhib yar xatooyada?
Kolkii aan dhammeeyey akhrinta maqaalkaas, nin soomaali ah oo aan wada fadhinayn, baan uga sheekeeyey nuxurka maqaalka aan akhriyey. Ninkaas oo kaftan badnaana wuxuu yiri: "Wananku qooro ayay leeyihiin." Runtiina, oraahdaani waa kaftan dhable, oo in kasta oo qaab kaftan ah loo yiri haddana xaqiiqo dhab ah bay ka tarjumaysaa.
In badan oo ka mid ah wadaadda islaamku iyaga oo aan wax iska weydiin duruuftii ay ku timid nusuusta diintu ayay si howtulhamagnimo ah waxay u ridaan xukun ay u haystaan in ay Alle iyo diin ugu hiillinayaan, laakiin dhab ahaantii caddaaladda iyo horumarka bulshada labadaba caqabad ku ah.
Tusaale ahaan, wadaaddadu iyaga oo ka duulaya nusuus ay ka mid yihiin kuwa sheegaya in haweenka laga uumay feer qalloocan iyo in caqligooda iyo diintoodu ay naaqus yihiin, bay waxay ka hadlaan ummuuro ay ka mid yihiin qawaamada raggu ay ku leeyihiin haweenka, markhaatiga haweenka, dhaxalka iyo in haweenka la faray in ay aqallada ku nagaadaan. Dalalka islaamka ee la sheego in diinta lagu dhaqo sida; Sacuudiga iyo Iiraan haweenay aqoon, caqli iyo karti leh baa waxaa mas'uul ka noqda nin aan farihiisa kala ogayn. Haweenaydaasi go'aan walba oo ay qaadanayso -waxbarasho, shaqo, safar, guur, iqk- waa in ay idan uga heshaa sumalkaas aan alifka iyo usha kala aqoon. Waddamadaas markhaatiga macallimada jaamacaddu waa ka yar yahay kan ninka ummiga ah ee aan wax qorin waxna akhrin. Waxaana dhici karta in arrinka markhaatiga looga baahday uu yahay mid haweenku ay aqoon iyo takhasus u leeyihiin. Wadaadka maxkamadda jooga waxaa u muuqda oo keliya in waa la sheegay in markhaatiga haweenaydu uu u dhigmo kala bar kan ninka. Isma uu weydiiyo xaalku siduu ahaa waagii sidaas la yiri iyo in wax iska beddeleen iyo in kale?
Erayada diinta haddii aan la waafajin nuxurka diinta iyo waaqica bulshadu ay ku nooshahay waxaa abuurma wareer iyo walaahow, waana xaaladda muslimiinta -soomaalidu ka mid yihiin- ay maanta ku sugan yihiin.
Akhristow, sheekaba sheekay keentaaye, waa dhexdaas ah waxaan akhriyey buug yar oo ku saabsanaa mawduuca "Macnaynta riyada /تفسير الرؤيا او تفسير األحالم". Waxyaabihii buuggaas ku qornaa waxaa ka mid ah in haddii qofku uu wan ku riyoodo ay ka dhigan tahay in uu wiil ku riyooday. Matalan, haddii, sayga ama afadu ay ku riyoodaan iyaga oo cidi ay wan siinayso, taa macnaheedu waxa weeye in xaajiyaddu ay inan baarri ah dhali doonto. Haddii gabar gashaanti ahi ay ku riyooto iyada oo wan cad la siinayana, macnuhu waa in ay guursanayso wiil jecel oo deeqsi ah. Qofka ku riyooda isaga oo wan gawracayana, waxay ka dhigan tahay in nin ehel ama asxaab ay yihiin uu dhimanayo. Kolkii aan akhriyey buuggaan, waxaan is iri: malaha ninkii soomaaliyeed ee ku yiri 'wananku qooro ayay leeyihiin', wuxuu ogaa xog tan oo kale ah.
Ugu danbayntii, waxaan filayaa in gabdhihii soomaaliyeed ee sannadihii 1950-aad iyo 1960-aadkii waxbarashada bilaabay ay weli qaarkood noolyihiin. Waana hubaa in dad badani ay xiisayn lahaayeen haddii ay nala wadaagi lahaayeen khibraddii ay kala kulmeen waxbarashada - samaan iyo xumaanba.

Comments