Magaaladaydii Baan Nacay!
Meeshaan Gaalkacyo ah, qof damiir leh oo og in lagu jiro qarnigii 21-aad kuma noolaan karo, qof og aduunku meeshuu marayo iyo horumarka ay gaareen dadyowga caalamku kuma noolaan karo. Magaalo sanad walba dagaal u diyaara, magaalo labo maamul-goboleed mar ay isku dagaalaan iyo mar labo qabiil oo biyaha hoostooda iska arkay isku dagaalaan u
dhaxaysa bay noqotay.
Gaalkacyo waxaa ka socda filim-kii Hollywood ka ahaa ee la oran jiray ”A million ways to die in the west“. Filimkaan waxaa lagu jilay magaalo la yiraahdo Old Stump ee state-ka Arizona ee wadanka Maraykanka, sanadka laga matalayo waa 1882. waxaa looga sheekaynayaa nolosha ay reer galbeedku soo mareen iyo waxyaabo badan. Magaaladaan waxa ka jirta nolol dad ku noolaadaan tan u liidata, dadku waxa ay u dhimanayaan xanuuno la daawayn karo, gaajo iyo dadka oo la iska dilo si bilaa sharci ah – Eyda magaalada baa cunaysa dadka wadooyinka yaal ee la iska dilay ama wax laga hortagi karo u dhintay-. Atooraha filimkaan wada isagu dadka magaalada waxa uu ka horeeya boqol sano oo
waa sida qof nool dhamaadkii qarnigii labaatanaad, aad buu ula yaabanyahay nolosha magaaladan ka jirta iyo dhimashada xad dhaaf ka ah Gaalkacyo filimkii bay magaca qaybta danbe baddaleen, oo waxa ay ula baxeen ” A million ways to die in the Gaalkacyo“.
Haddii aadan filimkas daawan waxaan kugu soo dhawaynaynaa isagoo toosu socda, kana socda magaalada Gaalkacyo. Filimkaas markaan waxaa wada Puntland, Galmudug iyo Alshabaab, ilaa iyo hadda cid atoore ka ah waan garan la’ahay, maadaama ay u muuqdaan inay dhamaantood uultimada dhimanayaan. Atoore dhintayna waa waali cas! Qof la iska dilo, dagaal laba qabiil ama laba maamul goboleed magaalada bartankeeda ku dhex mara Gaalkacyo ugu imow, dabadeed la hishiiyo markay dhintaan boqol qof ugu yaraan, sannad kadibna waa dagaal iyo hishiis been ah, eeddadiin u sheega, annagay nagu ciyaarayaan. Waayadan dagaalladii waxaaba dheer ku noqday qaraxyo.
Bulshada Gaalkacyo waxay iska qaban la’yihiin siyaasi-xume, oday-dhaqameed-xume iyo Ganacsade-xume dantooda wata, balaayadoo dhan iyagay ka soo bilaabataa. Ganacsade-xume waa kan ugu daran, rasaasta ay geel jiruhu isku laynayaan buu u gadaa- geel jiraha tolkiisa ah-, magaaladana waxaa udagan afar xaas laba bakhaarna waa uu ku leeyahay.
Hoobiye kugu dhac. Asaga weeye cidda ugu hor qaxda ama ay dhibta ugu darani gaarto. Anigu kolayba afar naagood baad tiriyee xitaa midi iima deggana Gaalkacyo, bakhaarna warkiisaba daa, xitaa sandaqad iigama furna, ee ganacsadahaas oo kale baan magaalada uga qaxayaa.
Qofku markuu haysto amni, sidoo kale uusan ka fakarayn wixii uu cuni lahaa, qofkaasi waxbuu qabsan karaa ilaa xad hadduusan is liidin. Hadda oo aan qoraalkan qorayo labo malayshiyo-beeleed baa isku hor fadhiya Koonfur-galbeed magaalada. Nolosha ma waxaan ku dhamaystaa geel jire islaynaya sannad walba inaan ku dhex jiro, yaxaas ha cunee, mise waxaan dhahaa “ﺃَﺭْﺽُ ﺍﻟï» َّﻪِ ﻭَﺍﺳِﻌَﺔً ﻓَﺘُﻬَﺎﺟِﺮُﻭﺍ ﻓِﻴﻬَﺎ”. Kolayba anaa og waayadan Gaalkacyo rajo laga naawili mayee, toban sano kadib masheegin. Meeshaan waa inaan ka dhaqaajiyaa adduunyada ilaahayna
dhinac ka galaa.

Comments