Maxaa ku dhacay faraskii?
3dii bishii Jannaayo1889, feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Friedrich Nietzsche (1844- 1900), wuxuu ka baxay guri ku yiil magaalado Torino ee dalka Talyaaniga oo uu booqasho ku joogey. Hilaaddii markii uu 200 oo tillaabo qaaday, oo uu gaaray waddadii weynayd, buu wuxuu ku soo baxay nin ka mid ah dadka ku shaqaysta gaari- faraysada oo faraskii uu u dhaqaaqi la' yahay. Farasku wuxuu la liitey daal, gaajo, oon, xammuul culus oo dusha uga raran, iyo dayac iyo darxumo oo idil. Ninku si uu u kaxeeyo faraska wuxuu isugu daray qaylo iyo jeedal. Hayeeshee, farasku waa diiday in uu tillaabo rogo. Ninkii oo dulqaadkii ka idlaadayna, inta sii cariiqsaday buu canaantii iyo karbaashkii ku sii ciil baxay. Laakiin, ha sheegin! Faraskii socod iska daaye, hinqashana wuu hollin waayey.
Nietzsche oo foolxumada muuqaalkaas u adkaysan waayey, inta orday buu isaga oo ooyaya faraskii luqunta isaga maray si uu uga xigsado karbaashka kulul ee ku hoobanaya, wuxuuna bilaabay in uu dhegta ugu sheego "aniga ayaa ku fahmaya .. aniga ayaa ku fahmaya!" Sida la sheegay, Nietzsche maalintaas isaga oo miyir la' baa meeshii laga qaaday. Labo maalmood oo uu maqnaa ka dibna, wuxuu soo miyirsaday isaga oo ku qaylinaya: "Hooyooy, doqon baan ahay!" [=Mutter, ich bin dumm/ Mother, I am dumb].
Kow iyo toban sano oo maalinkaas ka danbeeyey Nietzsche naftu waa ku jirtay, laakiin looma wehelin oo wuxuu ku sugnaa xaalad waalli ah, wuxuuna u dhexeeyey sariirta isbitaalka iyo tan qolkiisa, xannaanadiisana waxaa isu xilqaamay hooyadi iyo gabdho ay walaalo ahaayeen. Faraskii isaga haba yaraatee wax war ah lagama helin.
Nietzsche -oo magaciisa loogu dhawaaqo 'Niija'- waagii uu kurayga ahaa waxaa lagu naynaasi jirey 'Wadaad Yare /The Little Priest', dadkuna waxay jeclaayeen luuqda quruxda badan ee uu Baybalka ku akhriyo. Qoyskiisuna -siiba hooyadi- waxay qorshaynayeen in timaaddada uu noqdo wadaad kaniisad haya, oo dadka wacdiya.
La mood noqonse weyday, oo Niija markii uu koray wuxuu ku dooday in labada cadow ee ugu waaweyn ee aadanuhu ay leeyihiin ay kala yihiin diinta iyo khamrada.
Sida uu ku dooday, labaduba waa col dadka xaqiiqada ka indhosaaba. Dadka badankiisu, si ay isaga indhotiraan culayska nolosha darteed bay waxay maciin bidaan diinta ama aalkolada middooda -sida la sheegay Niija cabbitaannada oo dhan wuxuu ka isticmaali jirey biyaha iyo caanaha oo keli ah, dadkana wuxuu kula talin jirey in ay sidiisa oo kale yeelaan.
Dadka wuxuu uga digay in ay muuminiin noqdaan, gaar ahaan in ay kirishtan ama masiixi noqdaan. Wuxuuna qalinka ku duugay: "Baybalka oo dhan, waxaa ku jira hal qof oo istaahila in la ixtiraamo: barasaabkii Roomanka ee Balaatos /In the entire New Testament, there is only one person worth respecting: Pilate, the Roman governor.” [=Marcus Pontius Pilatus waa taliyihii Roomanka ahaa ee nebi Ciise dilka ku xukumay. Nietzsche, inkasta oo uu diimaha khuraafo ku sheegay, haddana wuu ogaa in aadanaha badankiisu ay diimaha xasillooni iyo samirsiis ka helaan, la'aantoodna ay dad badani waalan lahaayeen].
Nietzsche oo ku caanbaxay fikradda "Aadanaha sare" (=Übermensch or superman), wuxuu ahaa feylasuuf rumaysan awoodda, runta iyo nolosha, sababta uu diimaha u la colloobay waa isaga oo ku eedeeyey in ay nolosha col la yihiin. Wuxuu qabay in diimuhu ay lid ku yihiin farxadda, qosolka, jacaylka iyo guud ahaan nolosha.
Ilaahyada oo dhan wuxuu ka doortay labadii ilaah ee Giriigga ee Abboolo iyo Daynaysos [=Apollo & Dionysus]. Dadka diimaha la yimid oo idilna wuxuu ugu jeclaa Saraadashti ama Saratustara. Sababta oo ah labadaas ilaah iyo Saratustara waxay jeclaayeen caqliga, xikmadda, dhaantada, heesta, muusigga, qosolka iyo guud ahaan nolosha iyo horumarka.
Nietzsche wuxuu rumaysnaa in qanaacadu ay cadow u tahay fekerka xorta ah, wuxuuna ku baaqi jirey in wax kasta laga shakiyo, wax walbana weydiin laga keeno. Wuxuu aamminsanaa in diimaha iyo akhlaaqda diimuhu faraan ay yihiin been run loo ekaysiiyey. Wuxuu ku dooday in akhlaaqda diinta masiixigu ay tahay akhlaaqda addoonta, ayna ku dhisan tahay been iyo munaafaqnimo.
Waayo, sida ay la tahay diinta Masiixigu waxa ay curatay xilli ay jirtey imbiraadooriyaddii Roomanka oo ahayd dowlad awood badan oo cid kasta oo mucaaradda cagta marisa. Dadka qaatay diinta masiixiguna iyaga oo cashar ku qaatay dharbaaxadii Ciise ku dhacday, bay waxay doorbideen in ay dhowrsadaan inta dhogortoodu ay dhan tahay, kolkaasna waxay qaayibeen akhlaaqda addoonta (=slave morality). Tusaale ahaan, dadka oo dhammi waa jecel yihiin awoodda, magaca, xoolaha iyo galmada. Laakiin masiixiyiintu intaas oo dhan ma ay heli karin. Sidaa awgeedna, waxay qaateen siyaasadda tiraahda: Wixii aadan heli karin uf baa la yiraahdaa. Waxayna bilaabeen in tabaryarida ay wanaag ku sheegaan, oo ay ku baaqaan in ruuxii daanka midig kaa dharbaaxa aad u dhigato kan bidix, iyo weliba in ay dhiirrigeliyeen faqriga iyo guur la'aanta oo ay u bixiyeen cifo ama dhowrsanaan (purity). Akhlaaq ma aha in la iska daayo wax aan la awoodin, laakiin akhlaaqdu waa in la iska daayo waxa xun iyada oo la awooddo.
Yeelkadeede, aad baa looga hadlaa waallidii Nietzsche uu ka qaaday dhacdadii faraska, laakiin waxaan labo Cali isweydiin halka faraskii uu ku danbeeyey iyo waxa uu mutay.
Nasiib wanaag iyo nasiib xumo kay doonto ha ahaatee, filinkaan lagu magacaabo "Faraskii Turin /The Turin Horse", baa ka faalloonaya qisada faraskaas feylasuufku eersaday.
Sida uu ku warramay filin soosaaraha Hangeeriga ah ee Béla Tarr, oo ah ninka filinkaan soo saaray, maalin ka mid ah dabshidkii 1985, ayuu wuxuu dhegaystay sheeko-qoraha László Krasznahorkai oo ah nin ay muddo dheer wado shaqayn lahaayeen, oo ka sheekeeyey mixnaddii Niije qabsatay, hadalkiisana ku soo gunaanaday weydiin ah: maxaa ku dhacay faraskii? Dhowr iyo labaatan sano ka dibna, Tarr iyo saaxiibkiis waxay soo saareen filinkaan ay u bixiyeen "Faraskii Torino", oo ka warramaya faraskii feylasuufka galaaftay.
Dadka ka dooda falsafadda Nietzsche waxay isweydiiyaan su'aalo ay ka mid yihiin: Eebbe maxaa ku dhacay? Ma dhabbaa in uu dhintay? Maxaa ka jira in Nietzsche uu faras eersaday? Si taa ka duwan, filinkaani wuxuu isweydiinayaa su'aalo ah: Faraskii Nietzsche maxaa ku dhacay? Nietzsche iyo farasku maxay ku kala duwan yihiin? Adduunyo goddoonka Alle iyo aadanaha kee baa ka mas'uul ah?
Filinkaan oo si dadban uga duulaya falsafaddii Nietzsche, wuxuu si kooban u soo bandhigayaa nolol maalmeedka nin gacan naafo ka ah, inan uu dhalay iyo faras ay ku shaqaystaan, muddo lix maalmood ah oo ay dhacayso dabayl xooggan oo burburinaysa dhammaan ilaha nolosha ee deegaankooda, isla markaana saamayn ku yeelanaysa dunida oo idil.
Filinka oo soconaya muddo labo saac ka badan, wuxuu ka kooban yahay muuqaallo aan soddon ka badnayn iyo erayo kooban. Waa filin ay aammusnaantu ku badan tahay, maxaa yeelay sida uu Nietzsche ku dooday: "Dhacdooyinka waaweyni ma aha kuwa aan ugu sawaxanka badannahay, balse waa kuwa aan ugu xasilloonida badannahay /The greatest events- they are not noisiest but our stillest hours." Filinku wuxuu bilaabanayaa iyada oo dabayl xooggani ay babbanayso, wuxuuna ku dhammaanayaa gudcur qam ah, oo wax nuuxsanayaa aysan jirin. Taas oo ah astaan u taagan nolol la'aan iyo adduunyo goddoon.
Buugga baybalku wuxuu sheegayaa in Eebbe uu dunida lix maalmood ku abuuray, maalintii toddobaadna uu hawshii ka nastay. Lixda casho ee filinku uu tilmaamayaana waxay u taagan yihiin isla lixdii casho ee Eebbe uu ku mashquulsanaa abuuridda koonka, laakiin lixda casho ee filinku ka hadlayaa ma aha lix casho oo wax la abuurayo, balse waa lix casho oo wax la duminayo. Maalinka koowaad dabaysha ayaa bilaabanaysa, maalinka labaadna faraska ayaa socodka gabaya, maalinta saddexaadna cuntada iyo cabidda ayuu ka soomayaa. Maalinka afraad waxaa angagaya ceelkii reerka oo ah isha keliya ee biyo laga helo, aabbaha iyo inantiisa oo uu weheliyo faraskooduna waxay isku dayayaan in ay ka baxsadaan meel baasta lagu hoogay, laakiin muddo gaaban gudaheed bay gurigooda dib ugu soo noqonayaan, ka dib marka ay hubsadaan in aysan harin meel fiyow oo loo ciirsadaa.
Maalinka shanaad, waxaa ka dhammaanaya gaaskii ay feynuusta ku shidan jireen, isla markaana waxaa la weynayaa iftiin oo dhan, oo goor duhur ah baa qorraxdu dhacaysaa, dabkii u shidnaana uu damayaa. Maalinta lixaad, waxaa soo haraya aabbaha iyo inanta oo aan haysan wax la cuno oo aan ka ahayn bataate ceeriin.
Koonku sidee buu ku bilowday? Iyo koonku sidee buu ku dhammaanayaa? Waa isla weydiintii oo bilowga iyo dhamaadka, dhalashada iyo dhimashadu ma ay kala haraan.
Waxaa xusid mudan, in Nietzsche uusan oggolayn adduunyada goddoonka ay diimaha qaarkood sheegaan, sababta oo ah Nietzsche wuxuu dilay ilaahii adduunyada geddin lahaa. taa oo jirta, haddana adduunyo goddoonku ma aha fikrad gebi ahaan la diidi karo, waayo habdhaqanka aadanaha qudhiisa ayaa keeni kara dhib u dhigma adduunyo goddoonka ay diimuhu ku gooddiyaan.
Muddada filinku uu socdo oo dhan, labo muuqaal oo keli ah baa sawaxan iyo nolol la dareemayaa. Muuqaalka koowaad waa marka uu imaanayo ninka khamrada doonaya, ee odayga u sheegaya in dhulka oo dhan ay noloshii ka idlaatay, isla markaana isweydiinaya dhibka dhacay Alle iyo aadanaha midka ka mas'uulka ah? Jawaabta filinku uu weydiintaas ka bixinayaana waa caddahay, oo dadku waa eedaysanayaal denbi iyo dhib badan, laakiin Eebbana ma eed la', oo mas'uuliyadda qayb buu qaadayaa.
Muuqaalka labaad, waa marka ay imaanayaan kooxda Qajarka ama Jibsiga ah ee biyaha raadinayaa. Nin ka mid kooxdaasi gabadha hikaaddu ku ku adagtahay wuxuu siinayaa buug ay weheshato. Waa buug muuqaalka kore la moodo in uu yahay baybalka, laakiin laga wado buugga Neitzsche ee "The Anti-Christ".
Erayga ugu danbeeya, ee filinku uu ku dhammaanayaa waa erayga odaygu uu gabadha ku leeyahay ee ah: "Waa in aan cunnaa", waa isla erayga ugu danbeeya ee ay gabadhu faraska kula hadlayso ee ah: "Maxaad u cuni weyday? .. Ugu yaraan dartay biyaha u cab!" Waa erayo keenaya in la isweydiiyo: Nietzsche iyo faraskiisu maxay ku kala duwan yihiin? Nafta dadka iyo tan duunyadase maxaa farqi ah oo u dhexeeya? Dadku haddii ay ka xumaadeen waallida iyo dhimashada Nietzsche, farduhu dhankooda maxay dareemeen?
Sida runta ah, qisada farasku ma ah mid dhab ahaan u qabsatay Nietzsche, ee qisada asalkeedii hore waxaa ka sheekeeyey abwaankii Ruushka ahaa ee Fydor Dostoyevsky. Sida la ogyahay, Nietzsche aad buu u jeclaa qoraallada Dostoyevsky, waxaana laga hayaa in uu yiri: “Dostoyevsky waa saykoloojistaha qura ee aan wax ka bartay /Dostoevsky, the only psychologist, incidentally, from whom I had something to learn." Waxaana loo badinayaa in dadka qaarkood ay maqleen Nietzsche oo qisadaan ka xareedinaya, dabadeedna ay u qaataan in ay tahay qiso isaga qudhiisa qabsatay.
Dostoyevsky wuxuu sheegay in muuqaal kan qisada la mid ah ay la kulmeen aabbihi iyo wiil ay walaalo ahaayeen. Nin sarkhaansan baa wuxuu arkay nin gaarifaras wata, oo faraskii oo u dhaqaaqi la' aad u garaacaya. Kolkaas baa ninkii sarkaansanaa wuxuu garaacay ninkii gaarifaraska watay, ninkiina caradii wuxuu kula dhacay faraskii oo uu aad u sii garaacay.
Dhacdadaasi Dostoyevsky saamayn weyn bay ku yeelatay, maankiisana waa ay ka go'i weyday, wuxuuna ku qancay in xayawaanaadku ay yihiin halbeegga ugu wanaagsan ee lagu qiyaaso naxariista iyo cadaawadda bulshada. Wuxuuna ku dooday in xiriirka dadka iyo duunyada ka dhexeeyaa uu ka tarjumo akhlaaqda dhabta ah ee bulshada iyo sida ay iyadu u wada dhaqanto. Qoyska iyo bulshada jacaylka iyo nabadda ku wada nooli waa jeclaadaan noolayaasha kale, kuwa is muquuniyaana waa colaadiyaan noolayaasha kale. Dadka qaarkoodna waxay ku doodeen in caadi ahaan wiilka marka uu yar yahay ciqaaba noolaha ma yeertada ahi, kolka uu weynaado oo uu reer yeesho, uu garaaco afadiisa iyo carruurtiisa. Sidaa awgeed, illaa iyo inta dadku ay xayawaanaadka dilayaan, ka ay hari maayaan in iyaguna ay isdilaan.
Mudane Tarr oo ah ninka soo saaray filinkaan "Faraskii Turin", mar la weydiiyey sababta ay xayawaanaadku ugu badan yihiin filimaantiisa, wuxuu ku jawaabay: "Waxaan ku wada noolnahay duni mid qura ah. Dhulkaan xayawaanka, dhirta iyo dadku waa ay wadaagaan. Haddii ay ku heshiin waayaan, oo doqonnimadu ay naga qaalib noqoto, waa hubaal in aan isla degayno. Waa in aan la saaxiibno noolayaasha aan ifka shirkada ku nahay."
Dostoyevsky qisada faraska wuxuu ku xusay buuggiisa sheekada ah ee "Denbi iyo Ciqaab" (=Crime and Punishment /الجريمة والعقاب). Raskolnikov oo ah ninka dilaaga ah ee sheekadu ay ku socoto ayaa ka hor inta uusan dilka geysan wuxuu ku riyoonayaa dhacdo carruurnimadiisii isaga oo aabbihi la socda uu la kulmay. Koox sarkhaansan oo ka soo baxay baar khamrada lagu cabbo ayaa waxay damceen in ay raacaan gaarifaras uu lahaa mid ka mid ahi [=Mikolka], laakiin faraska oo dacas iyo dayac la liitay wuu dhaqaaqi waayey. Kolkaasna waxay bilaabeen in ay si arxandarro ah u garaacaan. Raskolnikov oo muuqlkaas u jeedayna wuxuu ku baroortay:
"Aabbe, aabbe, aabbe, maxay samaynayaan? Aabbe, faraska miskiinka ah bay garaacayaan! /Father, father, father, what are they doing? Father, they are beating the poor horse!"
Odaygiina wuxuu ugu warceliyey: "Ina keen, kaalay i soo raac! Waa doqommo sarkhaansan oo waxaan maad ka dhiganaya, kaalay, ha eegin!" Laakiin gabankii inta gacanta aabbihi iska furfuray, oo orod isku xaabiyey ayuu luqunta faraska isku duubay. Ma ahayn faras nafi ku jirto, faaskii ugu danbeeyey ee ku dhacay bayse kaga takarisay.
Dhacdada farasku muhiim bay u tahay buugga "denbi iyo ciqaab'. Dostoyofiskina buug xusuus qor ah oo uu lahaa wuxuu ku qoray in uu aad uga fekeray halka qisada farasku ay ka gelayso sheekada "denbi iyo ciqaab', lix goorna uu beddelay go'aankiisa ku aaddan meesha ay tahay in ay ka gasho. Mar kale, Dostoyevsky isla qisada faraska wuxuu ku xusay buuggiisa "Walaalaha Karamazov /The Brothers Karamazov." Waxaana xusid mudan, in Nietzsche sannadka la sheegay in uu la waashay naxdin uu ka qaaday faras uu arkayk ay da'diisu ahayd 44 jir, waana isla da'dii uu jirey Dostoyevsky markii uu u qoray buugga "Denbi iyo Ciqaab".
Halkaa waxaan ka ogaanaynaa, in filinkaan "Faraskii Turin", uu yahay filin male'awaale ah oo ku dhisan qiso kale oo iyaduna male'awaal ah, carabtuna waxay tiraahdaa: "Maanso waxaa u macaan midda ugu beenta badan /أعذب الشعر أكذبه".
Waxayna ku doodeen in maansada carabta oo dhan meerisyada ugu macaan, uguna beenta badani ay yihiin kuwa ku jira maansada geesigii Cantar bin Shaddaad isaga oo la hadlaya gabadhii uu jeclaa ee Cabla, uu ku leeyahay: "Waxaan ku xasuustay goor warmuhu ay jirkayga ku hoobanayeen, seefaha xiirana uu dhiiggaygu ka tifqayey, waxaana jeclaystay in seefaha aan dhunkado, waayo dhalaalka seefaha ayaa waxay iila ekaadeen dhalaalka dhoollocaddayntaada." ني َو ِبيُضُض ا ْلِهِهْنْنِدِد َتَت ْقُطُط ُر ِمِمْنْن َدَدِمِميّر َماُحُح َنَنَوَواِهِهٌلٌل.. ِمِم َِّو َل َق ْد َذَذ َك ْر ُتِكِك َوال
َها... َل َم َعْتْت َكَبَباِرِرِقِق َثَثْغْغ ِرِكِك ا ْل ُمَتَتَبَبنُّس ُيـوِفِف َألَأل ََّ َفَفَوَو ِد ْدُتُت َتَت ْق ِبي َل ال مسـ ِِِِّ
Cantar been buu sheegay, oo xaaladda uu tilmaamayaa ma aha mid caashaq la xusuusto, laakiin waa been macaan oo ruux kasta oo maqlaa uu oranayo: Afkaaga caano lagu qabay! Sidaas baa loo gabyaa ama waa la iska daayaa! Muslimiintii carbeed oo jeclaystay Cantar iyo gabayadiisuna, nebiga waxay carrabka ugu tireen in uu yiri: "Abidkay acraabi ruux ka mid ah carabtii islaamka ka hor noolayd) la ii tilmaamay, ma jeclaysan in aan la kulmo marka laga reebo Cantar / ما وصف لي أعرابي قط فأحببت أن أراه اال عنترة".
Iyada oo kooban, 'Faraska Torino', ma aha filin lagu madadaasho, balse waa filin lagu khalaaweeyo iyada oo laga baaraandegayo macnaha jiritaanka. Daawasho wacan.

Comments