Casrigii Tuulooyinka

Taariikhyahannada ku takhasusay taariikhda aadanuhu waxay taariikhda aadanaha u qaybiyaan labo casri ama labo xilli. Labadaas casri oo ay u kala bixiyeen; b) casrigii tuulooyinka iyo t) casrigii magaalooyinka. Tuuladu waa meel ay hal raas deggen yihiin, raaskaasi hadduu doono ha noqdo mid dhiig ama dhaqan wadaag ah, ama cibaado wadaag ah (oo hal ilaah isla caabuda, amaba ilaahyo badan) ama mid dhaqaale-bulsho wadaag uu ka dhexeeyo, sida; daaqa xooluhu daaqo, iyo biyaha dadka iyo duunyadu cabaan. Qeexidda tuulo waa meel dadka deggani ay isku wada mid yihiin; dhaqan, dhaqaale, diin iyo fikir – haddeey doonaan ha kala badsadaan e. Casriga tuulada oo bilowday dhammaadkii xilligii loo yiqiin casrigii dhagaxaanta (the stone age). Xilligii tuulooyinku wuxuu ka soo bilaabmaa qiyaastii 10,000 oo sannadood ka hor dhalashadii Ciise (CS), oo qiyaastii ku abbaaran xilligii nebi Nuux (CS) – wuxuuna casrigaas ku dhammaaday soo saariddii nebi Muxammad (NNKH). Casrigaas loo yiqiin casrigii tuulooyinka aadanuhu hadba intii isku fikir ah ayaa tuulo isku uruursan jirtay, waxayna ku qasbi jireen dadka tuulada oo dhan inay hal dhaqan iyo hal fikir oo sugan yeeshaan, cid allaale iyo cidii la timaada wax cusub ama ka duwan kan dadka tuulada birta ayaa laga asli jiray. Wuxuuna ahaa sharci ay ku dhaqmaan reer tuuleedku. Waana sababtaas tan dadkii xilligaas noolaa ay ula dagaallameen ergooyinkii iyo nebiyadii Alle u soo diri jiray, iyagoo isugu daray dil iyo in ay dhulka ka ceyrsadaan, maadaama ay la yimaadeen wax ku cusub bulshooyinka tuulooyinkaas. Waxayna qolo walbaa ku andacoon jirtay ma dhaqankii aabbayaasheen baan uga tagnaa waxa rusushaan noo sheegayaan?! Yacnii waxay kasoo horjeedeen sunnada ilaahey ee ah in aadanuhu si joogto ah isku-beddelo oo hormariyo noloshiisa iyo garaadkiisa. Eebbe oo dadkaas ka sheekaynayaa wuxuu yiri: “waxay yiraahdeen shucayboow ma salaadahaagaa ku fari inaan ka tagno waxay aabbayaasheen caabudi jireen? ama ku fallo maalkayaga waxaan doonno? adigu waxaad tahay dulbadane toosan (si jees jees ah)”
قَالُوا يَا شُعَيْبُ أَصَلَاتُكَ تَأْمُرُكَ أَن نَّتْرُكَ مَا يَعْبُدُ آبَاؤُنَا أَوْ أَن نَّفْعَلَ فِي أَمْوَالِنَا مَا نَشَاءُ ۖ إِنَّكَ لَأَنتَ الْحَلِيمُ الرَّشِيدُ

Mar kale Eebbe oo na tusaalaynaya noogana digaya inaan meel uun ku dhagganaano oo diidno isbedel, horumar iyo horu-socod iyo inaan dareemayaasheena isticmaalno oo uu ugu horeeyo caqliga – annagoo ku andacoonayna aabbayaasheen ayaa sidaas u dhaqmi jiray wuxuu yiri:


وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اتَّبِعُوا مَا أَنزَلَ اللَّهُ قَالُوا بَلْ نَتَّبِعُ مَا أَلْفَيْنَا عَلَيْهِ آبَاءَنَا ۗ أَوَلَوْ كَانَ آبَاؤُهُمْ لَا يَعْقِلُونَ شَيْئًا وَلَا يَهْتَدُونَ )
وَمَثَلُ الَّذِينَ كَفَرُوا كَمَثَلِ الَّذِي يَنْعِقُ بِمَا لَا يَسْمَعُ إِلَّا دُعَاءً وَنِدَاءً ۚ صُمٌّ بُكْمٌ عُمْيٌ فَهُمْ لَا يَعْقِلُونَ


“marka gaalada lagu yiraahdo raaca wuxuu Eebbe soo dajiyay, waxay dhihi saas ma’aha ee waxaan raacaynaa waxaan ka helnay aabbayaasheen (=caabudi jireen),oo haddey yihiin aabbayowgood kuwaan wax kaseyn oo aan hanuunsaneyn (miyeey raaci?). Kuwa gaaloobay waxay lamid yihiin sida mid u dhawaaqaya midaan wax maqleyn kaseyna dhowaaqa iyo qaylada mooyee, wax ma maqlaan, ma hadlaan, wax ma arkaan waxna ma kasaan.”

Aayadahaan kor ku xusan waxay na tusaaleynayaan muhiimadda ay leedahay in caqliga la isticmaalo oo horay loo socdo ee aan hal meel uun la yuurarin iyadoo lagu doodayo dadkii naga horeeyay ayaa saan ahaan jiray.
Casrigii tuulooyinku wuxuu ahaa casri kaligii talisnimo, casri aadanuhu iska diiday; horumar, isbeddel, kala duwanaansho iyo wax allaale iyo wixii cusub – taas ayaana keentay in ay ka horyimaadaan jidkii Eebbe (SWT) u jeexay aadanaha in ay raacaan si ay noloshooda u hormariyaan koonkana ay khulafo uga noqdaan oo camiraan. Diidmadaas iyo meel-ku-dhaggaas waxay aadanaha ku hoggaamisay burbur, halaag iyo caro Eebbe. Sababtoo ah waxay ka horyimaadeen sunnadii ilaahey ee aheyd; wax allaale iyo wixii Eebbe (SWT) kasoo haray inay tiro noqdaan, isbedelaya, aqbalaanna kala duwanaantooda, taladana ay wadaagaan.

Eebbe (SWT) wuxuu ballanqaaday inuu halaagayo ama cadaabayo cadaab darran tuulo walba oo diidda sunnada ilaahey ee aan kor ku xusnay. Eebbe wuxuu yiri:


وَإِن مِّن قَرْيَةٍ إِلَّا نَحْنُ مُهْلِكُوهَا قَبْلَ يَوْمِ الْقِيَامَةِ أَوْ مُعَذِّبُوهَا عَذَابًا شَدِيدًا ۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا
“tuulo aanan halaageyn ma jirto ama aanan cadaabeyn cadaab darran qiyaamaha ka hor, waana arin ku qoran kitaabka (lawxul maxfuudka) . Tuulana waa sidaan horay ugu soo qeexnay ee ah; degaan yar oo ay ku noolyihiin dad isku wada fikir ah oo diiday in dad ka duwan ay ku dhex noolaadaan. Tusaale, qawmu Luudh looma cadaabin kaliya iney faaxishada sameyn jireen, laakiin cadaabku wuxuu u yimid markii ay yiraahdeen Luudh iyo inta rumaysay ka saara tuuladiina waa dad is dahirinayee. Eebbe wuxuu yiri:


وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا أَخْرِجُوهُم مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ”
فَأَنجَيْنَاهُ وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُجْرِمِينَ”.

“waxayna aheyd jawaabtii qamkiisa ka bixiya Luudh iyo inta rumaysan tuuladiina waaba dad is dahirinayee. Waxaan korinnay Luudh iyo ehelkiisa – haweenaydiisii mooyee, oo ka mid noqotay kuwa halaag ku hadhay. Waxaana ku soo daadinnay (roob naareed) bal day sideey noqotay cidhibtii denbiilayaashu”. Waana markaas markuu halaagu ku soo degay qawmkii nebi Luudh (CS), waayo waxay diideen kala duwanaanshaha, waxayna la soo baxeen kalitalisnimo iyo amar ku taagleen.

Tusaalaha kale aan jeclahay inaan aqristaha dareensiiyo waa goortii nebi Muuse (CS) uu Eebbe u diray inuu hadal jilicsan ku yiraahdo Fircoon isagoo ugu yeeraya inuu Eebbe rumeeyo reer Banuu Israa’iilna uu adoonsiga ka joojiyo. Fircoon judhii horaba Eebbe waa inkiray, wuxuuna qoomkiisa ku yiri; dadoow ma ilaah aan aniga aheyn baa jira? Dood dheer ayaa dhexmartay nebi Muuse (CS) iyo Fircoon, oo xataa uu keenay saaxirintiisii falka u sameyn jiray ee uu aadka ugu kalsoonaa. Fircoon kolkii doodda looga guuleystay ayuu bilaabay inuu u hanjabo nebi Muuse iyo dadkii rumeeyay – isagoo wacad ku maray inuu laynayo oo ciqaab daran marsiinayo. Ugu danbeyntiina Fircoon iyo ciidankiisii waxay isku dayeen in ay nebi Muuse iyo mu’miniintii la socotay xasuuqaan kadib markeey Masar ka soo saareen, waana markaas goortuu ilaahey halaagay Fircoon iyo qoomkiisa. Ilaahey (SWT) wuu u kaadiyay Fircoon iyo taageerayaashiisii, oo xataa dan kama uusan gelin markuu Fircoon ilaahnimada sheegtay; ee waxaa la halaagay Fircoon markuu isku dayay kaligi-talisnimo iyo amar kutaaglayn, uuna isku dayay inuu laayo dadkii ka duwanaa ee mu’miniinta ahaa. Eebbe SWT wuxuu yiri:

فَأَرَادَ أَن يَسْتَفِزَّهُم مِّنَ الْأَرْضِ فَأَغْرَقْنَاهُ وَمَن مَّعَهُ جَمِيعًا
“markaasuu doonay –Fircoon- inuu ka saaro dhulka (nebi Muuse iyo inta rumaysay) markaasaan maansheynay isaga iyo intii la jirtay dhammaan” . Aayaddaan wuxuu Eebbe noogu sheegayaa sababta loo halaagay Fircoon iyo qawmkiisa iney aheyd markey damceen iney ku xadgudbaan oo laayaan dadkii ka ra’yi iyo caqiido duwanaa, ee aan loo haligin gaalnimadooda oo qudha. Sababtoo ah kalinimo ilaahey cidaan isaga aheyn uma oggola, cid walba oo ilaahey ka sokeysaa waa iney aqbashaa cidda ka duwan; fikir, diin iyo dhaqan – haddaysan cadaawad iyo dulmi la imaaneyn. Cid walba oo isku dayda iney ku xadgudbaan dadka ka duwan, noocey doonaan ha uga duwanaandaan, ama diida isbedel, kala duwanaansho iyo horu-socod – waxay soo hoosgalayaan cinwaanka tuulooyinka; kuwaas uu Eebbe balanqaaday inuu halaagayo ama cadaabayo cadaab daran ka hor maalinta qiyaamaha sidaan kor ku soo aragnay.


La soco qaybta xigta.

Comments