Naftaada ka bilaw
Suufigii weynaa ee Abuu Yasiid al-Bastaami (804-874 ) waxaa laga sheegay in uu yiri:
Waagii aan barbaarka ahaa, waxaan ahaa towri wax badani la qaldan yihiin, waxaana ku taami jirey in dunida oo dhan aan beddelo, oo la helo duni dhaanta middii aan ku noolaa, Eebbana waxaan ka baryi jirey: “Ilaahow I sii awood iyo dulqaad aan dunida ku beddelo!”
Laakiin markii aan weynaaday oo garaadkaygu buuxsamay, waxaan ogaaday in cimrigayga barkiis iyo ka badanba uu tagay, welina aanan ku guulaysan in aan dunida wax ka beddelo, waxaana ku qancay in dunida in la beddelaa ay hawl adag tahay, oo aanan ka bixi karin. Markaana waxaan goostay in aan qoyskayga ku mintido, Ilaahna waxaan ka baryey: “Eebbow qoyskaygaa igu filan, fadlan igu caawi sidii aan qoyskayga oo qura u beddeli lahaa!”
Hayeeshee, markii aan gaboobay oo aan ogaaday in maalmo yari ay ii hareen, baan waxaan yaqiinsaday in xataa qoysku uu aad u dhib badan yahay. In la beddelo afo, wiilal iyo gabdho uu mid kastaa aragtidiisa iyo dookhiisa gaarka ah leeyahay, wax qumman kagama duwana in dunida la beddelo. Markaana waxaan garwaaqsaday in naftaydu I hudhan tahay. Muxuu qofku macaashayaa haddii uu wax walba helo, laakiin uu ruuxdiisa khasaaro? Kolkaasna ducada keliya ee aan ku Alle tuugaa waxay noqotay: “Eebbow haddaan runta soo taabtay. Waxaan rabaa in aan naftayda beddelo, fadlan ii oggolow in naftayda oo keliya aan beddelo!”
Markaan Ilaah toos buu iigu jawaabay, wuxuuna igu yiri: “Waa ka xumahay, hadda wax kansho ahi kuuma harin, haddii aad middaan ka bilaabi lahayd waxbaa suuroobi kari lahaa.”
Dhanka kale, waxay wariyeen in saben sabennada ka mid ah, uu nebi u yimid si uu u beddelo dad magaalo ku dhaqnaa. Maalmihii hore dadku wacdiga nebiga waa dhegaysteen, laakiin durba waa ka kala yaaceen, oo xataa hal qof oo warkiisa dhegaysta waa la waayey. Maalintii danbe ayaa nin socoto ahaa wuxuu nebigii ku yiri: “Maxaa kugu xaqsanaya wacdiga iyo waanada joogtada ah, haddii hal qofba Allaha ka dhigee aysan jirin cid warkaaga qaadanaysaa?”
Nebigiina wuxuu yiri: “Waagii aan hawshaan bilaabay waxaan damacsanaa in aan dadkaan beddelo, laakiin hadda waxaan u qayliyaa si aan isaga ilaaliyo in ay aniga I beddelaan.”
Akhristow kuwaani ma aha sheekooyin ay leeyihiin nebi aan la aqoon iyo wadaad waa noolaa oo la oran jirey Abuu Yasiid, balse waa qisada dhammaan aadanaha intooda damiirka iyo garashada leh. Mid waliba marka uu labaatan jirka yahay wuxuu ku hammiyaa in uu dunida oo dhan beddelo, laakiin wuxuu god galaa isaga oo dhayalsanaya wixii uga hirgalay. Cilladduna waxay ka dhalataa in aan illowno in isbeddelku uu ka bilawdo nafteenna, waxa mudnaanta koowaad lihina uu yahay in aan naftayada ku mintidno. Aqoon kasta oo la barto, danta ugu horraysa ee laga leeyahay waa in ay wax u tarto ruuxa baranaya. Dhibaato iyo wareer bay noqonaysaa haddii dhakhtarku aqoontiisa dadka oo dhan ku daaweyo, laakiin aqoontiisu aysan isaga waxba u tari karin. Aqoonta iyo xirfadaha kale oo dhammina waa la mid.
Waxaa xusid mudan, in Abuu Yasiid al-Bastaami uu rumaysnaa in waxbarashadu aysan dhammaan inta ruuxa nafi ku jirto, oo raadinta aqoontu ay soconayso inta u dhaxaysa dharabta iyo loxodka –sida nebiga (scw) laga wariyey. Abuu Yasiid waxyar ka hor geeridiisii baa waxaa la weydiiyey da’diisu inta ay tahay. Wuxuu yiri: “Anigu afar jir baan ahay. Toddobaatan sano baa xijaab igu gudbanaa, oo aan xaqiiqada ka indho la’aa. Afar dabshid ka hor baan xijaabkii iska tuuray.” Bastaami xagga jirka afar iyo toddobaatan jir buu ka ahaa, laakiin qalbigiisa aqoonta iyo runta u hamuuman baa afar jir ahaa.

Comments